SOMALILAND NATIONAL CHARTER
This is the full text in Somali of the Somaliland National Charter which was passed at the Borama Grand Conference of the Somaliland Communities in 1993. The Charter was approved by the constituent assembly of the 150 nominated representatives of all the Somaliland Communities on 25 April 1993 and was signed, and came into effect, on 3 May 1993. Under Article 5, the Charter was to be in force for a period of two years and was to be replaced by a Constitution which was to be approved in a public referendum. This was not possible by 1995 and the House of Elders extended the period of the operation of the Charter (and the term of the President elected at 1993 Conference) for 18 months from September 1995. At another Grand Conference held in Hargeisa between October 1996 and February 1997 and attended by a constituent assembly of 315 voting delegates representing all the Somaliland communities, a detailed (156 Article) Interim Constitution, which replaced the Charter, was adopted and a presidential contest was conducted. The Referendum was finally held on 31 May 2001 and a final text of the Constitution of the Republic of Somaliland which was passed on 30 April 2000 by the two Houses of Parliament was endorsed by the Somaliland people at the referendum.
For a pdf copy of the National Charter click here.
Editor JAMHUURIYADDA SOMALILAND
SHIRWEYNAHA BEELAHA SOMALILAND
AXDI QARAMEED (NATIONAL CHARTER)
BISMILLAAH RAXMAANI RAXIIMI
Markii la arkay lana Tixgeliyey - Halgankil dheeraa ee SNM u soo martay Xornimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Markii la arkay lana Tixgeliyey - In ay Ummadda Somaliland soo martay waayo’ aragnimo xanuun badan, 00 ka dhalatay Xukunkii Digtatooriga ahaa, dhaliyeyna Burburkii Qaranimada Soomaa1iyeed.
Markii la arkay lana Tixgeliyey - Bayaanadii iyo go’aanadii Shirkii Aayo- ka-talinta Beelaha Somaliland ee Burco 27/04/91 ilaa 05/05/91.
Markii la arkay lana Tixgeliyey - Ansixintii G/Dhexe ee Ururka SNM kuna saabsanayd dib u soo noolayntli Qarannimadii Somaliland ee ku salaysnayd xaaladdii 26kii Juun 1960kii.
Markii la arkay lana Tixgeliyey - Iyada oo si buuxda loogu qanacsan yahay Xornimadda iyo Madaxbanaanida ku qotonta xaqa dadyowga Aayo-ka-talintooda (Tashigooda) .
Markii la arkay lana Tixgeliyey - Iyada oo ay lagama maarmaan tahay in dhidibada loo aaso Nabadda iyo Wadajirka Shacbiga Somaliland, lagana shidaal qaadanayo duruufihii ina soo maray mudadii labada sano ee ay dhisnayd xukuumaddii Somaliland.
Markii la arkay lana Tixgeliyey - Iyada oo la Tixgalinayo Shirarkii Nabadraadinta ee Beelaha Somaliland ee sida hagar la'aanta ah dadweynaha Somaliland uga fuliyeen Jiidaha Bariga, Badhtamaha iyo Galbeedka Dalka.
Waxa la soo saaray Axdi Qarameedkan (National Charter).
QAYBTA KOOBAAD
Qodobka laad
1. Sidii loogu go’aansaday Shirweynihii Beelaha Somaliland iyo Hay'adaha Hoggaaminta SNM ay ku yeesheen Burco May 1991; Jamhuuriyadda Somaliland waa Dal Madaxbanaan oo leh Xaqa iyo Karaamada Qaranimadiisa.
2. Dalkii hore loogu yiqiin Somaliland ee Xoriyadiisa ka qaatay Boqortooyaddii Ingiriiska iyo Waqooyiga Ireland 26kii Juun 1960, ayaa dib loogu soo celiyey Madax banaanidii laga bilaabo 18/05/91.
B) Dalka Somaliland Sohdimihiisu wuay ka kooban yihiin:-
Dhulkiisa; Ciidiisa hoose (Sub-soil); Hawadiisa iyo Biyihiisa.
T) Dalka Somaliland waxa uu Xuduud la leeyahay:-
- Gacanka Carbeed dhinaca Waqooyi
- Soomaaliya dhinaca Koonfureed iyo Bariga
- Itoobiya dhinaca Koonfur Galbeed iyo Galbeed
- D. Jabuuti dhinaca Waqooyi Galbeed.
J) Calanka Jamhuuriyadda Somaliland waa cadaan dhexdana ku leh goobaabin Doog ah oo ay ku qoran tahay Kelimatul-Tawxiid (lLAAH mooye, ILAAH kale ma jiro Muxaamedna waa Rasuulkii ILAAHAY) oo Carabi ah.
X) Astaanta Qaranku waa Galeydh midab buniya ah oo ay laabta kaga taalo Ilaahbaa Weyn oo Af-carabi ah, Miisaan iyo laba Kefedood midabkooduna vahav Madow Galeydhka haya, iyada oo laba gacmood oo isa-salaamayaa Galeydhka ka hooseeyaan, laba caleemood oo doog ah ayaa Galeydhka hareeraha ka xiga. Iyada oo ay korkiisana ku qoran tahay (Bismilaahi Raxmaanj Raxtiim) oo af cararabi ah.
3. Dawladdaasi waxay noqotay Jamhuuriyad, waxaana loo aqoonsanayaa Jamhuurivadda Somaliland. Heesta Calanka Dawladdaa samayn doonta.
Qodobka 2aad
Tilmaamida Dalka Jamhuuriyadda Somaliland
Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu yahay kii jirey 30kii Juun 1960 iyo mudadii ka horeysey. Caasimadiisuna waa Hargeysa Waqtiga Kala-guurka.
Qodobka 3aad
Diinta Rasmiga ah
1. Jamhuuriyadda Somaliland Diinteeda iyo Shareecadeeduba waa ta Islaamka.
2. Wixii xeer amaba sharciya ee ka soo horjeeda Mabaadi'da iyo Shareecada Islaamka waa wax aan waxba ka jirin.
Qodobka 4aad
Afka Rasmiga ah
Afka rasmiga ah ee Jarnhuuriyadda Somaliland waa Af Soomaaliga, Afafka kalena waa Carabi iyo Ingiriisiga.
Qodobka 5aad
Mudada Axdiga
1. Axdigani waa ku Meel-gaadh jiri doona laba Sano laga bilaabo maalinta la saxeeo.
2. Axdigan waxaa bedelaya Dastuur dadweynaha Soma1iland Afti Qarameed ku ogolaaday.
QAYBTA LABAAD
Qodobka 6aad
Xidhiidhka Caalamka
Jamhuuriyadd.a Somaliland waxay ku dhaqmaysaa Axdiyada Qararmadda Midoobey (UN CHARTER iyo UNIVERSAL DECLARATION OF HUMAN RIGHTS) iyo Axdiyada kale ee Caalamiga ah ee aan ka hor imaaneyn Jiritaanka iyo Danaha Jarnhuuriyadda Somaliland.
1. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xushmaynaysaa, aaminsan tahayna Qarannimada iyo Sinaanta Dawladdaha iyo mabaadi'da faragelin la'aanta Arrimaha Gudaha Dalalka kale iyo iskashiga wax wada qabsiga.
2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay ayideysaa xaqa madax-bannaanida dadyowga iyo ayo-ka-tashigoodaba.
3. Jamhuuriyadda Somaliland waxay dhawraysaa xaqa cid waliba u leedahay kheyraadkeeda iyo hodannimadeeda.
4. Waxay dhawraysaa jiritaanka Soohdimaha Dalalka (Territorial Integrity).
Qodobka 7aad
Xidhiidkha Derisnimo
1. Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku dhaqmaysaa Deris-wanaag iyo iskaashi Dhaqaale oo ay la yeelanayso Dalalka ay deriska yihiin.
2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay kale oo xoojinaysaa Nabadgelyo waarta oo dhexmarta dadyowga iyo Dalalka Geeska Afrika, waxayna ku baaqaysaa in xiligii colaada iyo iska-hor-imaadka lagu bedelo Nabad iyo Xasilooni waarta.
QAYBTA SADDEXAD
Qodobka 8aad
Xuquuqda Qofka iyo Xoriyaadka Aasaasiga ah
1. Sharciga Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga ah ku qeexan Axdigan, Axdiyadda Qaramada Midoobey kana mid yihiin:-
B) Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuda Aadamiga (Universal Declaration).
T) Xuquuqda Madaniga ah iyo Siyaasadeed.
J) Xuquuqda Dhaqaale, Bulsho iyo Dhaqan, waxay ka mid noqonayaan shurucda Dalka ku camalfalkoodana waa la damaanad qaaday.
2. Xuquuqda Aadamiga iyo Xoriyadda Aasaasiga ah waxa ku jira:-
B) Xorriyadiisa qofnimo iyo xurmayntiisa, cabirida, isu-ururka iyo isu-imaatinka Nabadeed.
T) Xoriyadiisa Cibaado (waxaase ka reeban Faafin Diineed oo aan ahayn tan Islaamka) .
J) Xoriyadda Hoyga, Xoriyadda Isgaadhsiineed.
X) Xaqa Lahaanshaha Hantidiisa gaar ahaaneed.
KH) Xoriyadda Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed, Ganacsi iyo Bulsho.
D) Xoriyaadkaasi waa inay waafaqsan yihiin Sharciga, Adaabta caamka ah ee Islaamka.
QAYBTA AFRAAD
Qodobka 9aad
Qaab-Dhismeedka Dawladda Mudada Kala-guurka Golayaasha
1. Golayaashu waxay ka kooban yihiin:-
B) Golaha Guurtida (Council of Elders)
T) Golaha Wakiilada (Constituent Assembly)
J) Golaha Xukuumadda
2. Xubini hal Golle ka badan kama mid noqon karto, haddii xubin Golaha Wakiiladda ama Golaha Guurtida ka tirsan loo magacaabo Wasiir, waxaa ka lumaysa xubinimadii Golaha, waxaana soo buuxinaya Beeshii uu ka tirsanaa.
Qodobka 10aad
B) Golaha Guurtida:
1. Jamhuuriyadda Somaliland waxay yeelanaysaa Golle Guurti, oo ka kooban 75 xubnood oo yeelanaya Guddoomiye iyo Laba Guddoomiye ku-xigeen. 25 xubnood waa Guddi Joogto.
2. Muwaadinka loo dooranaayo inuu ka mid noqdo Golaha Guurtida waa inuu ku sifoobaa dhaqan hufan iyo waxgaradnimo, da'diisuna ka yaraan 40 sannadood, waa inuu yahay nin Islaama, kuna dhaqma shareecada islaamka.
3. Golaha Guurtida waxaa lagu soo dooranayaa Qaab-beeleed.
4. Guddoorniyaha Guurtida ee hada Xilka haya Sh. Ibraahim sh. Yuusuf Sh. Madar, waxa uu sharaf ahaan uu xubin Joogto ah ka ahaanayaa Golaha Guurtida.
5. Guurtidu waa isku xidhaha Dadadweynaha iyo Xukuumadda, iyaga oo buuxinaya kaalinta hogaaminta Dhaqameed iyo Diimeed.
T) Xilka ixo Waajibaadka Golaha Guurtida
1. Ilaalinta Nabad ku wada dhaqanka Beelaha Somaliland iyo xalinta mashaakilka isku-dhac ku keeni kara Beelaha Somaliland ee jira ama abuurma, iyagoo la kaashanaya Hay'addaha Maamulka ee Axdigan ku qeexan ee ay khusayso.
2. Dejinta Xeer-dhaqamedka Beelaha, isagoo raacaya Dhaqankeena iyo Shareecada Islaamka.
3. Talo kabixinta iyo gacansiinta Dawladda, arrimaha la xidhidhiidha Nabadgelyadda Difaaca, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.
4. Dhexgelida iyo xalinta khilaafka siyaasiga ah ee Dalka ku yimaada.
5. Haddii duruuf culusi Dalka la soo gudboonaato oo Golayaasha Sharciga ah ee Axdigan ku qeexani xilkooda gudan waayaan waxaa Goluhu qaban karaa Shirweyne Beelaha Somaliland kaas oo Go'aan ka gaadhi doona dhibaatooyinka markaa jira.
6. Wixii Sharuuc ah ee ka soo baxa Golaha Wakiilada ee ku saabsan Nabadgelyada, Diinta iyo Dhaqanka waxaa la soo marinayaa Guurtida, waxaanay ku celin kartaa Guurtidu Golaha Wakiiladda mar keliya.
7. U gudbinta Golaha Wakillada iyo Dawladdaba dhalliilaha maarnul ee ay dareemaan iyo talada lagu toosinayo.
8. Wuxuu iska dhex magacaabi karaa Guddi ama Guddiyo isaga oo qeexaya hawlaha iyo waajibaadka la saaray.
9. Goluhu wuxuu iska dhex dooranayaa Xoghayntiisa.
10. Goluhu wuxuu fadhiisanayaa Afartii biloodba hal Fadhi oo Caadi ah, haddiise loo baahdo waxay fadhiisan karaan Fadhi aan Caadi ahayn.
11. Golaha Guurtida waxaa Magacyadooda lagu soo dharnmaystirayaa muddo bil gudaheed ah ka dib marka la ansixiyo Axdigan, Kalfadhiga ugu horeeya waxay yeelanayaan maalinta 45aad ee ansixinta Axdigan.
Qodobka 11 aad
B) Golaha WakiiIada
1. Golaha Wakiilada waxa uu ka koobnaanayaa 75 Xubnood (Shan iyo Todobaatan Xubnood) oo leh Guddoomiye, laba Ku-xigeen iyo Xoghaye, waxa kale oo uu samaysanayaa tiro Guddi intii uu u baahdo.
2. Waxaa soo magacaabaya Madaxda Beelaha iyaga oo ku soo dhamaystiraya 30 casho gudahood laga bilaabmo maalinta Axdiga la ansixiyo, waxaanay ku beegmeysaa Kalfadhigooda ugu horeeya.
3. Shuruudaha laga doonayo xubin kasta oo Golaha Wakiilada ka mid noqonaysa waa kuwa Madaxweynaha laga doonayo oo aan ahayn Da'da xubinta Golaha Wakiiladda noqonaysaa da'diisu waa 30-70 jir.
4. Waa inuu leeyahay aqoon ugu hoosayn Dugsi Sare ama aqoon u dhiganta.
Qodobka 12aad
T) Awooda iyo Waajibaadka Golaha Wakiilada
1. Waxa uu leeyahay Golaha Wakiilada awooda Sharci dejinta Dalka oo ay mudada Kala-guurka bartilmaameed u yihiin:
B) Magacaabida Guddiyada Dastuurka iyo Doorashooyinka
T) Ogolaanshaha iyo ansixinta Heshiisyadda Caalamiga ah ee Xukuumaddu gasho.
J) Ogolaanshaha Miisaaniyadda Qaranka
X) Cod u qaadista kalsoonida iyo barmaamijyacia Xukuumadda.
KH) Ansixinta Xubnaha Wasiiradda ee Madaxweynuhu soo dhiso.
2. Golaha Wakiiladdu waxa uu samaysanayaa Xeerar u gaar ah Kalfadhigiisa koowaad.
Qodobka 13aad
Golaha Xukuumadda
Golaha Xukuumaddu waxa uu ka kooban yahay:-
- Madaxweyne
- Madaxweyne ku-Xigeen
- Wasiiro.
Qodobka 14aad
Madaxweynaha iyo Xilkiisa
Madaxweynuhu waa Madaxa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (Head of State). Madaweynuhu waa inuu yahay:-
1. Muwaadin u dhashay Somaliland
2. Da'diisu u dhexayso 40-70 sano
3. Ma.kaxda k.a fayow
4. Aan gelin dembi Maxkamaddi cadaysay (oon aan ahayn mid siyaasadeed)
5. Muslim ah kuna dhaqma Diinta Islaamka.
6. Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa waxaa dooranaya Shirkan Boorame ee hadda fadhiya.
Qodobka 15aad
Awoodaha Madaxweynaha
Madaxweynuhu waxa weeye: -
1. Madaxa Qaranka Jamhuuriyadda SomaliIand (Head of State).
2. Guddoomiyaha Golaha Wasiirada.
3. lsagaa hogaaminaya siyaasadda guud ee Xukuumadda.
4. Magacaabida iyo xil ka wareejinta xubnaha Golaha Wasiiradda iyo Madaxda Sare ee Maamulka Dawladda marku uu la tashado Wasiirka ku shaqada leh.
5. Guddoominta kulamada Wasiirada.
6. Saxeexa Heshiisyada Caalamiga ah.
7. Waa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka.
8. Ogolaanshaha cafis, saamaxaada iyo bixinta Nabadgelyada siyaasadeed ka dib marka uu dhegeysto lana tashado Hay'addaha arrimahaa ku shaqada leh iyo Golaha Wakiilada.
9. Qaabilaada Dublumaasiyiinta Shisheeye iyo qabashada Waraaqaha Aqoonsiga (Credentials)
10. Bixinta Waraaqaha Aqoonsiga, Dublumaasiyiinta J.S.L.
11. Xafiiska Madaxweynuhu wuxuu yeelanayaa Xoghaye Joogto ah isla markaana ah Xoghaynta Golaha Wasiiradda.
12. Madaxweynuhu wadanka kama maqnaan karo muddo ka badan 3-maalmood oo xidhiidh ah, isaga oo buka mooyaane.
Qodobka 16aad
Madaxweyne Ku-xigeenka
Madaxweyne ku xigeenku waa inuu lahaado sifooyinka Madaxweynaha ee kor ku xusan.
Qodobka 17aad
Awoodda Madaxwexne Ku-xigeenka
Madaxweyne Ku-xigeenka Qaranku waxa uu awood u leeyahay:
1. Ku simida Jagada Madaxweynaha marka uu maqan yahay ama uu buko.
2. Waxa kale oo uu awood u leeyahay wixii hawl ah ee Madaxweynuhu u idmado.
3. Qabsashada Xilka Madaxweynenimada marka ay jagadu banaannaato sababahan: Is-casilaad, Xilka qaadis, Caafimaad daro ama Geeri.
4. Haddii ay ku yimaadaan Asbaabaha ku tilmaarnan Farqadda 3aad ee Qodobkan Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenkaba waxaa xilka Madaxweynenimada sii haynaya Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ilaa inta laga dooranayo Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen.
5. Labada Gole (Guurtida & Wakiilada) si wadajira waa inay 45 casho gudahood ku doortaan Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-xigeen marka ay timaado xaaladda ku xusan Farqadda 4aad ee Qodobkan.
Qodobka 18aad
Golaha Wasiirada
1. Golaha Wasiiraddu waxa uu leeyahay Awood Fulineed.
2. Golaha Wasiiraddu waxa uu leeyahay Mas'uuliyad Wadareed iyo mid gaaraba.
3. Xilka Xukuumadda wakhtiga Kala-guurka waxaa ka mid noqonaya:
B) Hirgelinta Nabadgelyada iyo amaanka Gudaha iyo ka Difaaca Dalka weerar shisheeye.
T) Barnaamij u dhigida Qaxootiga dadka barakacay, hawlaha dib u soo noolaynta iyo Dib-u-dhiska Qaranka
J) Qaadis Tirakoob oo gogol-dhig u noqonaya Doorashooyinka.
X) Dhamaan Xeerarka Xukuumadda wakhtiga Kala-guurka waxaa ansixinaya Golaha Wakiilada.
KH) Hirgelinta Dastuurka iyo Afti u qaadida muddo 14 bilood gudahood ah iyo qabanqaabinta Doorashada 3 bilood ka hor dhamnaadka mudada Kala-guurka.
D) Diyaarinta iyo u soo bandhigida Golaha Wakiilada Xeerarka lagu dhaqmaayo wakhtiga Kala-guurka (oo Xeerar gaara ku soo bixi doona).
R) Abuurist Ciidamo Nabadgelyo iyo jihaynta Maleeshiyada.
Qodobka 19aad
Guddiga Shaqaalaha Qaranka
Haya’daha Madaxa bannaan ee Axdigan ku qeexani waxay xilkooda u gudanayaan si madax bannaan (fara gelin la'aan), kuwaas oo kala ah.
- Maxkamadda Sare .
- Xeer ilaaliyah Guud.
- Hanti-dhawrka Guud.
- Guddida Shaqaalaha Dawladda.
- Bangiga Dhexe.
Magacaabida Madaxda Hay'adahaas waxaa soojeedinaya Golaha Wasiirada waxaana ogolaanaya Golaha Wakiilada, sidoo kalena ka qaadista xilalka Madaxda Hay'adahaas waxaa soo jeedinaya Golaha Wasiirada waxaana ogolaanaya Golaha Wakiilada.
Qodobka 20aad
Guddida Shaqaalaynta Qaranka
Hay'addan waxaa lagu abuuridoona Sharci:-
1. Waxaa Guddiga Shaqaalaynta Qaranka lagu dhisi doonaa Sharci, tirada xubnaha Guddigu waxay noqon doonaan shan xubnood oo lagu xushay Aqoon iyo Hufnaan.
2. Dawladdu Sharciga lagu dhisayo Hay'adda kor ku xusan xubinta koobaad waa inay Golaha Wakillada hor keentaa Fahigiisa ugu horeeya.
Xilka iyo Waajibaadkooda
1. Xilka Guddigu wuxuu noqonayaa:-
Qorida, Dalacsiinta, Hoos-u-dhigida, Eryidda iyo Qiimaynta Shaqaalaha Sare ee Maamulka oo dhan.
2. Guddigu markay qorayso shaqaale gaar ahaan, kuwa Sare ee Hay'adaha Dawladda waxay ku qaadanaysaa “Tartan Aqooneed” iyada oo isla markaa rasmi ugu dhaqmaysa Cadaaladda iyo Xaq-soorida Somaliland.
Qodobka 21aad
Maxkamada Sare waa Hay'adda Sharciga ugu sareysa, dacwado Dastuuri ahi marka ay yimaadaan iyada ayaa u fadhiisanaysa sidii Maxkamadda Dastuuriga ah.
Qodobka 22aad
Baahinta Maamulka
Iyada oo la dhiirigelinayo ka qayba-qaadashada dadweynaha ee ka talinta noloshooda iyo xoojinta “Aasaasiyadda Dimuquraadiyadda”, waxaa la dabaqayaa Mabda’a Baahinta Maamulka Goboladda iyo Degrnooyinka kas oo ku dhisan:-
B) Abuurida golayaal sharci-dejin iyo maamul ee Gobollada iyo Degmooyinka oo la doortay awoodna u leh qorshaynta Dhaqaale Bulsheed iyo Kaabayaasha Dhaqaale (infra-structure) oo aan ka hor imaan karin Shuruucda Qaranka.
T) Mabda'a baahinta maarnulka ee Gobolladda iyo Degmooyinka waxaa lagu soo saari doonaa sharci gaar ahaaneed (oo ay soo saarayso Dawladdu) oo qeexaya xidhiidhka Gobollada, Degmooyinka iyo Dawladda Dhexe.
QAYBTA SHANAAD
Qodobka 23aad
Hay'adahha Garsoorka
1. Hay'adaha Garsoorku waxay leeyihiin Madax bannaanidooda oo buuxda, fulin iyo garsoorka shuruucda iyo qawaaniintaba.
2. Garsoorayaashu iyagoo ka baaraandegaya arrimaha la horkeenay Eexashana aanay ku jirin waxay awood u leeyihlin inay xukun ka gaadhaan arrin kasta oo Xaq-soorid u baahan, iyaga ayaana Sharcigu saaray Mas’uuliyadda ugu weyn ee Cadaaladeed.
3. Go’aamada Maxkamadeed dib cid kale uma bedeli karto oo aan ahayn Maxkamadda ka sarraysa .
Qodobka 24aad
Xaq u yeelashada Garsooridda
1. Muwaadiniintu Xeerka hortiisa way u siman yihiin qofna dembiile ma noqon karo ilaa Maxkamad awood leh oo la dhegeysto ay ku caddayso.
2. Qofku wuxu xaq u leeyahay inuu helo garsoor maxkamadeed oo awood u Ieh.
3. Qof kasta oo la qabtaa wuxuu xaq u leeyahay in maxkamad lagu hor geeyo muddo 48 Saacadood gudahood ah.
Qodobka 25aad
Guddi Caddaaladeed oo Madax Bannaan
1. Waxaa lagu dhisayaa Sharci uu soo jeediyey Golaha Wasiiradu, ogolaadana Golaha Wakiiladu .
2. Waxaa la samaynayaa Guddi madax bannaan oo Caddaaladeed xubnaha buuxinaya aynaa leeyihiin sifooyinka Akhlaaqeed iyo Hufnaan oo heer sare ah.
3. Guddigaa Caddaaladeed ayaa dhegeysanaya go’aana ka gaadhaya arrimaha la xidhiidha shaqo siinta, dalacaada, hoose u dhigida, xil ka wareejinta, bedelaada iyo anshax marinta Garsoorayaasha.
4. Garsoore lama xidhi karo maxkamadna lama hor keeni karo hadaanay ogolaan Guddiga Caddaaladda ee madax bannaan ama haddaan lagu qaban isagoo dembi cad oo ugu yaraan 3 sano lagu xidhi karo Faraba kula jira.
Qodobka 26aad
Racfaan Ka Qaadasho Go'aan
Haddii qof amma kooxi u aragto in Xeer ama go’aan la gaadhey xuquuqdooda khatar gelinayo, waxay daw u leeyihiin inay Racfaan u qaadaan Maxkamada Sare.
Qodobka 27aad
Dacwad Ku Oogida Madaxda Qaranka
Xubnaha Golayaasha (Guurtida iyo Wakiilada) iyo Madaxda Sare ee Hay'adaha Madax bannaan ee Axdigan ku qeexan waxaa lagu oogi karaa dacwad Maxkamadeed haddii lagu qabto dembi cad (Flagarante Delicto) oo xadhigtisu gaadhayo 3-sano hase yeeshee Madaxda Qaranka Maxkamad lama taagi karo ilaa laga xayuubiyo dhawrsanaanta xafiisyadooda iyo xilkooda.
Qodobka 28aad
Maamuus Ka Xayuubinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa iyo Wasiirada (Impeachment)
1. Haddii Madaxweynuhu iyo ku-Xigeenkiisu uu galo ama lagu eedaynayo dembiyada:-
B) Khiyaano Qaran (High Treason)
T) Ku Xadgudub Axdigan Qaranka
J) Fadeexad Weyn (Major Scandal)
Waxaa loo gudbinayaa Golayaasha (Guurtida iya Wakiilada) oo wadajir ah waa hadday ku cadaato dembiyada aynu kor ku sheegnay ee ka xayuubinaya maamulka xafiiska. Codka ay kaga xayuubinayaan waa 2/3 (Saddex meelood oo Laba ahaan) tirada guud ee labada Gale.
2. Haddli Wasiir galo dembiyada kar lagu soo sheegay waxaa xilka ka xayuubinaya Madaxweynaha markuu ka ansixiyo Galaha Wakiilada.
3. Waxaa xubnaha kor ku xusan dacwadooda qaadaya Maxkarnadda Sare ee Caddaaladeed (High Court of Justice) oo ka kooban xubnaha Maxkarnadda Sare iya 4 Xubnood oo ka tirsan Golayaasha Guurtida iya Wakiilada.
QAYBTA LIXAAD
Qodobka 29aad
Mabaadi'da Bulsho Dhaqaale iyo Kaabayaasha Istiraatijiyadda Bulsho Dhaqaale
Nidaamka bulsho dhaqaale ee dalkeenu u baahan yahay Istiraatijiyadda cusub kuna socon doono Mabaadi'da Suuqa Xorta ah, hantida gaar ahaaneedna hormuud u tahay ayuu mudnaansho siinayaa.
B. Dib u dejinta, dib u soo noolaynta iyo dib u dhiska khasaarooyinkii maadadeed iyo bulsho ee dagaaladda ka dhashay, kaasi oo u baahan xoog saarid Adeegyadda Bulshadeed (Waxbarsho, Isgaadhsiin, Dhaqan, Caafimaad, Biyo-gelin, Gaadiid iyo Koronto) iyo isla mar ahaantaa kaabayaasha dhaqaale (sida Wadooyinka, Dekedaha iyo Garoomada Diyaaradaha).
T. Istiraajiyada dib u dhiska iyo dib u soo Nooleynata waxay u heellantahay xanaanaynta tirade faraha badan ee Qaxootiga barakacay, Naafada, Agoomaha iyo Saboolka.
J. Abuurid gobo shaqo iyo shaqaalaynta dadka iyadoo mudnaanta la siinayo Mujaahidiintii iyo muwaadiniintii soo halgamay.
X. Sahan u gelidda iyo qorshe u dejinta istaratiijiyadda horumarinta Reer Guuraaga, Beeralayda iyo Kaluumaysatada.
Kh. Si istaraatiijiyadda horumarineed iyo dib u dhisku u taaba galaan, waxaa la hagaajinayaa tayadeeda Hay’adaha Samo-falka ee Wadaniga ah (Local NGOs).
Qodobka 30aad
Khayraadka Dabiiciga ah
Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka waxaa mas’uul ka ah Xukuumadda Dhexe, waxaana laga soo saarayaa Shuruuc iyo Xeerar.
Qodobka 31aad
1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxaa lagaga dhaqmayaa shareecadda Islaamka iyo kuwii ka horeeyey 20/10/69 ee aan ka hor imaneyn Shareecada Islaamka, xuquuqda qofka iyo xorriyadda aasaasiga ah.
2. Axdigani waa sharciga ugu Sareeya Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wakhtiga Kala-guurka.
Axdigan Qaran waxay Ergooyinka 150ka xubnood ahi ansixiyeen, si wadar ahna isugu raaceen 25/04/1993.
SHIR-GUDDOONKA GUURTIDU, markuu arkay akhristayna Axdigan, markuu arkay ansixintii Ergooyinka Shirka ee 25/04/1993, waxa uu saxeexay Axdigan Qaran, iyaga 00 ka Wakiila Xubnaha Ergooyinka Shirweynaha Guurtida Beelaha Somaliland.
Shir-guddoonku waxa uu saxeexay maanta oo ay bishu tahay 03/05/1993, oo ah maalin Isniin ah.
Xubnaha Shir-guddoonka Guurtida Beelaha Somaliland
1. Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar Guddoomiye
2. Sh. Axmed Sh. Nuux Furre Gud./Xigeen
3. Sul. Sh. Muuse Jaarnac Goodaad Gud./Xigeen
4. Sh. Daahir Xasan Geelle Gud./Xigeen
5. Sul. C/Raxmaan Sh. Muxumed Xubin
6. X. Cabdi Xuseen (Cabdi War-aabe) Xubin
7. Cismaan Cashuur Cabdille Xubin
8. Cabdi Nuur Samatar Xubin
9. Cabdi Xuseen Siciid Xubin
Xoghaynta Shirka Guurtida Beelaha Somaliland
1. Daa'uud Maxarned Geelle .
2. C/llaahi Ibraahim Habane
3. Ciise Sharmarke Caamir
4. Maxarnuud Yuusuf
5. Ismaaciil Cumar Aadan (Boos)
6. Xaashi Cabdi Shiil
7. Maxamed Macalin-Cabdi (Carab).
DHAMMAAD
|