REPUBLIC OF SOMALILAND
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
CLASSIFICATION OF TRADING BUSINESSES LAW – Law No: 26/2004
XEERKA KALA XADEYNTA GANACSIGA (Xeer No. 26/2004)
GOLAHA WAKIILADA JSL
Markuu Arkay: Qodobka 11 (2)aad ee Dastuurka oo si cad u qeexaya-“in aanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan.”
Markuu dareemay: baahida loo qabo xeer suura galiya mabaadiida Dastuurku u jideeyay xaqiijinta xuquuqda cadaalad qaybsiga bulshada ee dhinacyada adeegyada iyo fursadaha dhaqaalaha.
Markuu dhagaystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Wershadaha oo u xil saaran abuuritaanka himilooyinka horumarinta dhaqaale iyo fur- furidda irridaha Ganacsiga wax iswaydaarsiga ee dalkan J/Somaliland.
WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN:
Qodobka 1aad:
b. Ganacsadaha wax soo Dejiya waxna Dhoofiya (Importer and Exporter Trader).
t. Ganacsadaha wax soo Dejiya (Importer Trader).
x. Ganacsadaha wax Dhoofiya (Exporter Trader).
y. Ganacsadaha Jumlad laha ah (Wholesaler Trader).
Kh. Ganacsadaha Tafaariiqlaha ah (Retailer Trader).
Qodobka 2aad.
Eray Bixin
b) Ganacsdaha Wax soo Dejiya Waxna Dhoofiya (Importer And Exporter Trader):
t) Ganacsadaha wax soo Dejiya (Import Trader)
Waxaa loola jeedaa Ganacsadaha wax soo Dejiya ee haysta Liisanka soo Dejinta Badeecada ama Alaabada.
j) Ganacsadaha Wax Dhoofiya (Export Trader):
x) Ganacsadaha Jumladle (Wholesale Trader):
Waxaa loola jeedaa Ganacsadaha wax ka iibsada Ganacsadaha wax soo Dejiya (Import Trader) ama Ganacsadaha wax soo Dejiya waxna Dhoofiya (import and Export Trader).
Kh) Ganacsadaha Tafaariiqlaha (Retail Trader):
Waa Ganacsadaha haysta shatiga Dowladda Hoose ee wax ka soo iibsada Ganacsadaha Jumladlaha ah, kuna sii iibiya Tafaariiq.
Qodobka 3aad.
Ganacsiga Gudaha waxa uu noqonayaa nooc kasta oo Ganacsi oo ku sugan Dalka gudihiisa ama xuduudaha Dalka.
Qodobka 4aad.
Ganacsiga Gudaha iyo Ganacsiga Jumladlaha ah waxa lagu kala iibsan karaa lacagta Dalka (Legal-tender to all Public & Private Sector) Somaliland Shilling.
Qodobka 5aad.
Ganacsiga Jumladlaha (Whole Saler) waa ganacsiga u dhaxeeya wax soo Dejiyeyaasha ama keenayaasha Debada iyo Jumladlayaasha.
Qodobka 6aad.
Ganasadaha Jumladlaha alaabta uu keeno kuma iibin karo Tafaariiq ahaan sida Ganacsadaha Tafaariiqlaha ah.
Qodobka 7aad.
Ganacsaduhu Sanad kasta dhamaadkiisa waa inuu Wasaaradda Maaliyadda ka buuxiyaa Foomka koobida Hantidiisa bixiyana Macaashalmacaashka ku waajibay ee Wasaaradda Maaliyadda. (Tax Clearance Certificate)
Qodobka 8aad.
Ganacsadaha Tafaariiqlaha ahi ama Macdaarlaha waa Ganacsadaha u dhaxeeya Ganacsiga Jumladlaha Macaamiisha.
Qodobka 9aad.
Ganacsdaha Jumladalaha wuxuu qaadanayaa Liisanka Ganacsiga Jumladaha , wuxuuna ka qaadanayaa Wasaaradda Ganacsiga Liisanka Derajada B.
Qodobka 10aad.
Ganacsadaha wax soo Dejiya (Import Trader) ama wax Dhoofiya (Export Trader) ama wax soo Dejiya waxna Dhoofiya (Import & Export Trader) waxa uu qaadanayaa Liisanka Ganacsiga ee Derajadda A oo uu ka qaadanayo Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershaddaha.
Qodobka 11aad.
Ganacsadaha Tafaariiqlaha ah ee xabada ama Kiilo-garaamka iibinayaa wuxuu qaadanayaa Shatiga Dawladda Hoose ee Ganacsadaha Tafaariiqlaha ama Macadaarlaha
Qodobka 12aad
Ganacsade ma wada qaadan karo Liisanka Ganacsiga Jumladlaha Guud iyo Tafaariiqle.
Qodobka 13aad
Ganacsadaha Xeerkan jabiya waxaa la marinayaa ciqaabta hoos ku qoran:-
b) Marka hore waxaa loo gudbinayaa Digniin qoraal ah.
t) Marka labaad waxaa la ganaaxayaa lacag dhan SL.SH. 10.000.000/= ilaa 15.000.000/=.
Qodobka 14aad
Ganacsadaha jabiya Xeerkan laba jeer wixii ka dambeeya Waxaa laga qaadayaa Liisanka loogu ogolaaday markii hore Inuu ku Ganacsado.
Qodobka 15aad
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka Madaxweynuhu saxeexo, ansixinta Baarlamaanka dabadeed.
ALLAA MAHAD LEH.
Maxamed Xuseen Cisman Axmed Maxamed Adan
Xoghayaha Guud, G/Wakiilada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
|