Copyright © 2007 Somalilandlaw.com. All rights reserved

 

Somaliland Health Law

 

 This Law sets up a Commission which registers medical practitioners, dentists, nurses, midwifes, pharmacists and all other health professionals practising in Somaliland. The registration may be temporay, full or specialist. The Commission is a national one, with representation from the various professions, but it has also has regional committees.   


Bismilaahi Raxmani Raxiim

 XEERKA  GUDDIGA XIRFADLAYAASHA CAAFIMAADKA (Xeer 19/2001)

 HEALTH PROFESSIONALS COMMISSION LAW (Law NO: 19/2001)

 GOLAHA WAKIILADA JSL

 Markuu Arkay:    Qodobka 17aad ee Dastuurka Qaranka.

 Markuu Tixgeliyey:    Baahidda loo qabo xeer lagu maamulo arrimaha xirfadlayaasha caafimaadka dadka, lagagana hor tago dhibaatada bulshada ka soo gaadhi karta marka aan loo miidaan dayin daawaynta, goobaha adeegga, xirfad-yahanada caafimaadka iyo daawada.

WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN:

 Qodobka 1aad: Macnaha Erey-bixinta

 Guddiga:   waxa loola jeedaa guddiga loo xilsaaray diiwaangelinta, anshaxmarinta, qiimaynta, xirfadlayaasha caafimaadka iyo qiimaynta, kormeeridda, ka warbixinta, ruqsad-siinta goobaha adeega caafimaadka iyo daawooyinka.

Xirfadle:      waxa loola jeedaa qof kasta oo aqoon u leh adeegyada caaafimaadka dadka, daawooyinka, khashaafadaha, shaybaadhidda iyo wixii kale ee la xidhiidha caafimaadka iyo fayo-dhawrka oo guddigu aqoonsatey.

Dhakhtar:   waxa loola jeedaa qof kasta oo leh aqoon heer jaamacadeed oo ku saabsan caafimaadka, daawada iwm, oo Guddigu aqbalay.

Kalkaaliye:   waxa loola jeedaa qof kasta oo haysta shahaado machad tababar adeeg caafimaad oo la aqoonsan yahay ama waaya-aragnimo dheer oo Guddigu aqbashay markay qiimaysay.

Farsama-yaqaan:   waxa loola jeedaa qof kasta oo loo tababaray adeeg caafimaad oo gaar ah sida, sheybaadhidda, khashaafadda, nafaqeynta, iwm oo Guddigu aqoonsatey.

Wasiir:    waxa loola jeedaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Goob-Caafimaad:  waxa loola jeedaa meel kasta oo lagu fuliyo adeeg caafimaad; sida daaweyn, qaliin, shaybaaadhid, cusbitaal, bukaan-socoto, khashaafad, la talin iwm

Cusbitaal:    waxa loola jeedaa goob kasta oo lagu daaweeyo bukaan-jiif nooc ama noocyo cudurada jidhka ama maskaxda ka mid ah oo Guddiga ruqsad ka haysta.

Farmasi:    waxa loola jeedaa meel kasta oo ku hawlan samaynta, iibinta (jumlad & tafaariiq), kaydinta iwm ee dawooyinka.

 Qodobka 2aad

 Xeerkan waxa lagu aasaasay Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Somaliland oo ka kooban Guddi heer Qaran iyo kuwo heer gobol.

 QAAB-DHISMEEDKA  GUDDIGA

 Qodobka 3aad: Guddiga Heer Qaran

 Guddiga Caafimaadka ee heer qaran wuxuu ka kooban yahay:

1.   Agaasimaha dugsiyada tababarka kalkaaliyaasha

2.   Agaasimaha waaxda caafimaadka aasaasiga ah iyo cusbitaalada.

3.   Xubin ka mid ah mihnadlayaalka gaarka ah (private sector).

4.   Xubin ka mid ah ururka farmasiyada.

5.   Xubin qaynuun-yaqaan ah.

6.   Saddex xubnood oo kala metela xirfadaha Dhakhtar, Kalkaaliye iyo Farsamayaqaan Kalkaaliye.

7.   Isu-duwayaasha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolada.

8.    Gudoomiyaha Guddiga oo Wasiirku soo magacaabayo, wuxuu noqonayaa dhakhtar ruug-cadaaya oo shicib ah.

Qodobka 4aad: Guddiga heer Gobol

 Guddiga caafimaadka ee heer gobol wuxuu ka koobnaan doonaa:

  1. Agaasimaha cusbitaalka guud ee gobolka.
  2. Saddex xubnood oo kala metela xirfadaha Dhakhtar, Kalkaaliye iyo Farsamayaqaan Kalkaaliye.
  3. Xubin ka mid ah mihnadlayaalka gaarka ah.
  4. Xubin ka mid ah ururka farmasiyada.
  5. Xubin qaynuun-yaqaan ah.

 Qodobka 5aad: Xilka Guud ee Guddiga

1. Diiwaangelinta aqoonyahanada iyo goobaha caafimaadka mid dawladeed iyo mid gaar ahaaneedba.

2. Anshax marinta hawl-wadeenada iyo goobaha caafimaadka mid dawladeed iyo mid gaar ahaaneedba.

3. Dabagalka, kormeerka iyo qiimaynta hawl-wadeenada iyo goobaha caafimaadka.

4.  Horumarinta tayada caafimaadka, sida tababarada, dhiirigelinta iyo cilmi-baadhista.

 Qodobka 6aad: Xilka Guddiga Heer Qaran

1. Kaydinta diiwaanada guud.

2.Ansixinta kama dambaysta ah ee diiwaanada.

3.Anshax-marinta iyo go’aan ka gaadhista dacwadaha ka soo gudba guddiyada gobolada.

4. Diyaarinta dhamaan xeerarka caafimaadka xirfadaha & goobaha.

5. Hubinta, dabagalka iyo kormeeridda aqoonta xirfadlayaasha goobaha iyo adeega caafimaadka.

6. Guddigu wuxuu kala talinayaa Wasaaradda Caafimaadka arrimaha caafimaadka.

7. Wuxuu horumariyaa tayada caafimaadka sida tababarada, dhiirigelinta, cilmi-baadhista iwm.

8. Wuxuuu la xidhiidhaa Guddiyada dhigiisa ah ee caalamka ka jira

9. Guddigu wuxuu ku xidhmaa Wasaarada Caafimaadka.

10. La socodka dawooyinka dalka soo gala iyo ka joojinta dawooyinka aan bulshada ku haboonayn.

11. Anshax-marinta xirfadlayaasha iyo goob-caafimaadka ay ku ogaadaan baadhitaankooda.

12. Ka war-bixinta xaaladda caafimaad ee dalka ama meelo ka mid ah.

Qodobka 7aad: Xilka Guddiga Heer Gobol

1.  Diiwaan-gelinta iyo bixinta rukhsadaha ku meel-gaadhka ah ee heer gobol.

2. Kaydinta diiwaanada heer gobol.

3. Hubinta, dabagalka iyo kormeeridda aqoonta xifadlayaasha, goobaha iyo adeegyada caafimaad ee heer gobol.

4. Anshax-marinta xirfadlayaasha iyo goobaha caafimaadka ee heer gobol.

 Qodobka 8aad: Shaqaalaha Guddiyada Heer Qaran iyo Kuwo Heer Gobol

 1. Guddigu wuxuu hawl-gelin karaa shaqaale intii uu u baahdo, mid joogto ah iyo mid ku meel gaadh ahba.

2. Guddigu wuxuu bixiyaa shahaadado hawl-karnimo ciddii mutaysata.

 Qodobka 9aad: Diiwaan-gelinta Xirfadaha 

1.  Guddigu waa inuu diyaariyaa, hayaa, habeeyaa diiwaanada kala duwan ee hawl-wadeenada caafimaadka ee kala ah:-

a)       Diiwaanka Dhakhaatiirta Caafimaadka.

b)       Diiwaanka Dhakhaatiirta Ilkaha

c)       Diiwaanka dadka sameeya qalabka indhaha, kuwa indhaha cabira iyo kuwa bixiya ama iibiya qalabka indhaha.

d)       Diiwaanka kalkaaliyayaasha iyo Umulisooyinka.

e)       Diiwaanka fayo-dhawrayaasha.

f)        Diiwaanka dhaqangeliyayaasha naafada.

g)       Diiwaanka daryeelaha caafimaadka goobaha shaqada.

h)       Diiwaanka farsama-yaqaanada khashaafadaha.

i)        Diiwaanka farsama-yaqaanada sheybaadhka caafimaadka.

j)        Diiwaanka daryeelaha ilkaha.

k)       Diiwaanka sarkaal caafimaad.

l)        Diwaanka farsamayaqaanka ilkaha.

m)     Diiwaanka farsama-yaqaanada caafimaadka degaanka.

n)       Diiwaanka gacan-yarayaasha khashaafadda.

o)       Diiwaanka ruqsadle caafimaad.

p)       Diiwaanka daryeele lafaha iyo muruqyada.

q)       Diiwaanka dhakhaatiirta caafimaadka guud.

r)       Diiwaanka saraakiisha sayniska qalabka caafimaadka.

s)       Diiwaanka saraakiisha xannaanada degdega ah.

t)        Diiwaanka farsama-yaqaanada qaliinka iyo kabka lafaha.

u)       Diiwaanka farsama-yaqaanada nafaqeynta iyo cuntada.

v)       Diiwaanka farsama-yaqaanada maqalka cabira.

w)      Diiwaanka cilmi-nafsi-yahanka caafimaad.

x)       Diiwaanka cilmi-bulsho-yahanka caafimaad.

y)       Diiwaanka hawl-wadeen caafimaadka bulshada ah.

z)       Diiwaanka daryeele nadaafadda afka ah.

aa)   Iyo ciddii kale ee hawl caafimaad ku hawlan.

2.   Gudidu waa inuu diyaariyaa, habeeyaa, hayaa diiwaanada isu-diyaarinta, ku-meel-gaadhka, kuwa buuxa iyo takhasuska.

3.   Diiwaanadaas waa inay ku qornaadaan magaca, cinwaanka, caddeynta xirfaddiisa iyo faahfaahinta kale ee qofka la xidhiidha, waxaana qeexi doona guddida.

4.  Qof kasta oo xeerkan lagu diiwaan-geliyey  haddii uu isbedel ku yimaado cinwaankiisa waa inuu iska xaadiriyaa xafiiska diiwaan-hayaha bil gudaheed..

 Qodobka 10aad: Xeer-hoosaadyada Qeexaya Noocyada Xirfadeed ee Aasaasiga ah

 Guddigu wuxuu soo saarayaa xeer-hoosaad qeexaya shahaado, Diblooma ama seertafigidh, kaas oo ahaan doona sugaha noocyada xirfadeed ee aasaasiga ah, si loogu diiwaan-geliyo noocyada kala duwan ee diiwaanada.

 Qodobka 11aad: Diiwaanada 

1.            Diiwaan-gelinta isu-diyaarin xirfadle: Xirfadlaha hadda soo qalin-jabiyey ee sita shahaado, Diblooma ama seertifigidh ee ka soo qaatey jaamacadaha Somaliland ama kuliyad ama machad Guddigu aqbalsan yahay waxa lagu diiwaan-gelinayaa diiwaanka isu-diyaarinta xirfadle.

2.            Diiwaan-gelinta ku meel gaadhka ah: Xirfadlaha ka soo qalin-jebiyey jaamacad debedda ama kuliyad ama machad Guddigu aqbalsan yahay kana soo shaqeeyay rug caafimaad oo taya leh oo debedda ah ugu yaraan 12 bilood caddayna ka soo qaatey, waxa lagu diiwaan-gelinayaa diiwaanka ku meel gaadhka ah inta Guddigu ku qancayo caddeymihiisa.

3.            Diiwaan-gelinta buuxda :

a)       Xirfadle lagu diiwaan-geliyey diiwaanka isu diyaariye xirfadle ama ku meel gaadh, waxa lagu diiwaangelin doonaa diiwaanka hawl-wadeen caafimaad oo buuxda, haddii uu ka soo shaqeeyay muddo aan ka yareyn 12 bilood cusbitaal ama rug caafimaad oo Guddigu aqbalsan yahay, kana soo qaatey caddeyn sarkaalkii u sareeyay, Guddiguna ku qancay.

b)       Waxa lagu diiwaan-gelinayaa diiwaanka buuxa xirfadle kasta oo haysta shahaado la aqoonsaday, kana soo shaqeeyay adeeg caafimaad ugu yaraan 12 bilood, Guddiguna ku qancay.

c)       Waxa lagu diiwaan-gelinayaa diiwaanka buuxa xirfadle kasta oo leh waayo-aragnimo caafimaad haddii Guddigu ku qanco ama imtixaan ka qaado ama tababaro ama qiimeeyo sidaana ku aqbalo.

4.            Diiwaan-gelinta takhasuska :  Xirfadle kasta oo sita shahaado sare  oo Guddigu aqbalay waxa lagu diiwaan-gelinayaa diiwaan u gaar ah oo qeexaya takhasuska qofka marka Guddigu ansixiyo.

 Qodobka 12aad: Rukhsad hawl-wadeen Caafimaad iyo Waxbarasho 

1.   Qofkii xeerkan lagu diiwaangeliyo waxa la siin doonaa ruqsad uu ku xoogsado.

2.   Guddigu wuxuu samayn doonaa xeer-hoosaad ku saabsan bixinta rukhsadaha iyo muddooyinkooda.

3.   Guddigu wuxuu tixgelinayaa arrimaha la xidhiidha tababarada xirfadeed iyo farsamo iyo shahaadadaha kale ee looga baahan yahay gelidda xirfadda dabaqad kasta ha ahaatee.

4.   Wasiirku wuxuu kormeeri karaa goob kasta oo ku hawlan hawl caafimaad.

5.   Wasiirku wuxuu amri karaa in baadhis lagu sameeyo goob kasta oo ku hawlan hawl caafimaad.

6.  Waa waajib cid kasta iyo goob kasta oo ku hawlan adeeg caafimaad inay Guddiga ka haysato ruqsad.

 Qodobka 13aad: Diiwaan-gelinta Goobaha Caafimaadka 

Diiwaan-gelinta cusbitaalada, goob adeeg caafimaad (consulting room), guryo lagu xanaaneeyo dadka buka ama waayeelka ah, meelaha baadhista cudurada, adeegyada kale ee dhinaca daaweynta:

  1. Qofku wuxuu codsi u soo qoranayaa Guddiga si loo sameeyo diiwaan-gelinta arrimaha adeeg caafimaad ama goobaha baadhista cudurada ama Cusbitaal ama Farmasi.
  2. Codsiga xubinta kore ku xusan wuxuu ka koobnaan doonaa magaca qofka leh goobta caafimaad ee la furayo iyo qof shaqaale ah ee la aqoonsan yahay.
  3. Guddigu ma ogolaanayo goob adeeg caafimaad nooc ay tahayba, haddii:

a)       Mulkiilaha goobta ama maamuluhu aanu u qalmin shaqada.

b)       Aan degelku (premises) u qalmin adeega loogu talo galay.

c)       Dhismaha, qalabka ama alaabta iyo shaqaalaha kale aanu u qalmin adeega loogu talagalay.

d)       Qofka codsiga samaynayaa ama masuulka ka ihi aanu ku jirin diiwaan-gelinta buuxda.

e)       Qofka maamulaha ah aan la helayn ama aanu joogin waqtiyada uu Guddigu u qoondeeyey shaqada.

 Qodobka 14aad: Bixinta Shahaadada Diiwaangelinta Goobta 

Guddigu wuxuu siin doonaa shahaadada diwaan-gelinta goob kasta oo adeeg caafimaad, iyadoo qaabkeeda iyo mudadeeda Guddigu xeer-hoosaad ku soo saari doono.

 Qodobka 15aad: Bixinta Ruqsadda Diiwaan-gelinta Goob Caafimaad Qof Ajanabi ah 

1.  Xirfad-yaqaan caafimaad ee ajanabi ah ee soo codsada ruqsadda diiwaan-gelinta Cusbitaal, goob adeeg caafimaad, goob baadhista cudurada, waa inuu ku xidhan yahay cusbitaal ama adeeg caafimaad oo uu aqoonsan yahay Guddigu lix bilood ka hor inta aanu codsiga ruqsadda diiwaan-gelinta soo qoran.

2.  Xirfad-yaqaanka ajenabiga ahi waa inuu haysto shahaadada u suurta gelinaysa in lagu diiwaan-geliyo diiwaanka ku haboon.

 Qodobka 16aad: Goobaha Caafimaad ee Miyiga & Tuulooyinka 

Qofkii ka samaysta goob adeeg caafimaad meel miyi ama tuulo ah wuxuu bixin doonaa fiiga diiwaan-gelinta oo ka yar inta magaalooyinka laga qaadayo waxana goynaya Guddiga.

 Qodobka 17aad: Daawaynta, Bixinta Tallo-caafimaad. 

Tallo caafimaad, daawayn, cudur sheegid lama bixin karo ama cidna lagama siin karo goob adeeg caafimaad, goob baadhis cudurada ama cusbitaal. Waxa bixin kara oo keliya dhakhtarka si shaqsi ah ama amarkiisa.

 Qodobka 18aad: Xeer-hoosaadyada diiwaangelinta Goobaha 

1.  Guddigu wuxuu diyaarinayaa xeer-hoosaadyo lagu qiyaasi karo aqoonta iyo waaya-aragnimada xirfad-yaqaanka caafimaadka ee diiwaan-gashan si uu u kormeero dhamaan hawlaha ka socda goobta adeega caafimaad, goobta baadhista cudurada iyo cusbitaalada.

2.  Guddigu wuxuu diyaarinayaa xeer-hoosaadyada diiwaangelinta dhamaan goobaha adeega caafimaad sida cusbitaalada. Sheybaadhada iwm.

 ANSHAXA IYO ASLUUBTA XIRFADDA CAAFIMAADKA

 Qodobka 19aad: Guddiga Anshaxa 

1.   Hawlaha la xidhiidha shirarka anshaxa waxa qaban doona afar xubnood oo Guddiga Caafimaadka ka tirsan oo uu Gudoomiyuhu magacaabay.

2.   Mudada xilka Guddiga anshaxu haynayaan waxay ku xidhnaan doontaa mudada ay xilka hayaan xubnaha Guddiga caafimaadku.

 Qodobka 20aad: Qaabka Shirarka Guddida Anshaxa 

Madaxa Guddiga ayaa gudoomiye ka noqonaya shir kasta oo ay qabtaan Guddiga Anshaxu.

 Qodobka 21aad: Soo Jeedimaha iyo Ciqaabaha Guddiga Anshaxa 

1.  Guddiga anshaxu waxay tallo ka bixin karaan dib u tababaridda xirfadlayaasha muddo cayiman iyo aqoon cayiman oo lagu qabto meel ay cayimeen.

2.  Haddii qof diiwaan-gashan, ka dib marka baadhitaan lagu sameeyo ay ku helaan inuu yahay qof aan dhamayn (xiskiisu dhiman yahay) xaga maskaxda ama xagga jidhka, oo loo arko in qofkaas oo hawsha sii wada ay dhaawac ku keeni karto danta guud ee ummadda, Guddiga anshaxu waxay gaadhayaan go’aan shaqo ka joojin inta aan magaciisa laga tirtirin diiwaanka.

 Qodobka 22aad: Ka Tirtiridda Diiwaanka

 1.  Guddiga Caafimaadku wuu ka tirtirayaa diiwaanka qofkii diiwaan-gashan ee maxkamadi ku xukuntay xukun ciqaabeed oo mooraal xumi ah.

2.  Qofkii Guddigu ku helo inuu sameeyey dambi dhaqan (anshax) xumo xirfadeed.

3.   Qofka laga tirtiray diiwaanka, haddii goob caafimaad magaciisa lagu diiwaangeliyey, goobtaasi magaciis a kuma sii shaqeyn karto.

 Qodobka 23aad: Ciqaab Maxkamadeed 

Qof alaaliyo qofkii :

  1. Si ulakac ah u been abuurta magac ama cinwaan si uu ugu shaqaysto xirfad caafimaad.
  2. Isagoo aan diiwaan-gashanayn ama sharcigani u saanaxayn ku hawl-gala xirfad dhakhtarnimo ama kalkaaliye.
  3. Si ulakac ah oo been abuura isu diiwaangeliya ama damcaba.
  4. Jebiya qodob kale oo sharcigani qeexayo, wuxuu galayaa dambi, waxaana lagu qaadayaa xeerka ciqaabta qodobada warqadaha been abuurka ah.
  5. Waxa Guddigu ku oogayaa dacwad maxkamadeed, wixii dhaafsan anshax-marin cid kasta oo gef ku gasha adeeg caafimaad.
  6. Go’aanada Guddiga ciddii ku qanci weyda, waxaa racfaan looga qaadan karaa Hay’adda garsoorka.

 ARRIMAHA MAALIYADDA

 Qodobka 24aad: Dhaqaalaha Guddiga 

1.  Dakhliyada Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa:

a)Miisaaniyadda si sharci ah loogu qoondeeyay inay hawshooda ku fuliyaan.

b)Lacagaha Guddiga la siiyo; sida deeq, yabooh, fii iwm.

c)Maalgelin iyo kobcin munaasib ah.

2.  Guddiga waxa u banaan oo ay suurta gelin kartaa :-

a)Inay ka gudoomaan lacag deeq ah cid kasta oo reer Somaliland ah.

b)Inay lacag ku helaan amaah ama si kale oo sharci ah cid kasta oo Somaliland ka mid ah ama ka baxsan oo ay u baahdaan si ay u fuliyaan hawshooda.

3.  Ayadoo waafaqsan amarada lagu soo saaray sharcigan, in la ururiyo, lana xisaabiyo kharashka/dakhliga ay Guddigu qabato/isticmaasho.

4.  Waxa lagu bixinayaa dakhliyada ay Guddigu  hesho arrimahan:-

a)Mushaharooyinka, gunnooyinka ay qaataan shaqaalaha Guddigu iyo amaahaha.

b)Kharashyada caqligalka ah ee gaadiidka safarka iyo gunnooyinka safarka ee xubnaha Guddiga marka ay gudanayaan hawlaha ay u xilsaaran yihiin; ayadoo kharashyadaas lagu bixinayo xeer-hoosaadka Guddiga u yaala.

c)Wixii kale ee kharash ah ee Guddigu galo ayaga oo ku jira hawlaha la xidhiidha xilkooda.

5.  Maaliyadda Guudigu hesho waxaa lagu maamulayaa hab-xisaabeedka dalka u yaal.

6.  Siday u qaybsanayaan dhaqaalaha Guddiga heer qaran iyo Guddiyada heer gobol waxa lagu qeexayaa xeer-hoosaad Guddigu diyaariyey.

 Qodobka 25aad: Xeer-hoosaadyada ka Dheegmaya Sharcigan 

Dhamaan xeer-hoosaadyada ka dheegmaya sharcigan waxa diyaarinaya Guddiga caafimaadka ee Heer Qaran, waxana loo gudbinayaa Golayaasha sharci-dejinta.

 Qodobka 26aad: Burrin 

Xeerkani wuxuu burinayaa wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.

 Qodobka 27aad: Dhaqangalka

 Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu saxeexo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 Dhamaad

 C/Qadir X. Ismacil Jirdeh

K/S GUDOOMIYAHA G/WAKIILADA

 Maxamed Xuseen Cisman

XOGHAYAHA GUUD G/WAKIILADA          

 

[Home] [Introduction to  Somaliland Law] [Somaliland Legal News] [Articles &  Commentaries] [Somaliland  Constitution] [Constitutional  Developments] [Somaliland &  International Law] [Administrative Law] [Somaliland Citizenship Law] [Civil Law] [Civil Procedure  Law] [Commercial Law] [Somaliland Customary Law] [Somaliland Company  Law] [Criminal Law] [Criminal Procedure  Law] [Environmental Laws] [Electoral Laws] [Foreign Investment  Law] [Family &  Personal Law] [Somaliland  Government] [Health Law] [Insurance Law] [Somaliland Judicial  System] [Labour &  Employment Law] [Land & Planning  Law] [Hargeisa Law  Faculty] [Somaliland Legal  Profession] [Somaliland Lawyers' Association SOLLA] [Local Government  Law] [Maritime Law] [Military Law] [Somaliland  Mining Laws] [Press &  Media  Law] [Somaliland Public  Finance Law] [Somaliland  Parliament] [Somaliland Security  Committees] [Sharia   A Source of Law] [SHURO Net Human Rights Network] [Transport &  Traffic  Law] [Miscellaneous Laws]