ORGANISATION OF THE JUDICIARY LAW (Law no: 24/03&06)
This Bill was first passed by the House of Representatives in 2003, but has spent the last 5 years being stuck between the two House and the President. In the meantime the Judiciary had no choice but to use the various versions of the old laws and, in particular, the 1962 Law of the same name, as well as later laws which dealt with the grades of judges etc. In its latest version, which the President has returned to the House of Representatives, the latter has, finally, agreed on 16 March 2008, to accept all the amendments sought by the President. One of the provisions rejected by the President was the House proposal to ensure that the appointment and dismissal of all Supreme Court justices should be subject to confirmation by the House of Representatives. The Constitution currently sets such confirmation only for the Chief Justice and the President has therefore argued that the House proposal was “unconstitutional” whilst the House position was that as the constitution was silent on this point, but emphasises the independence of the judiciary, the proposal, far from being unconstitutional, in fact implemented and advanced an important constitutional principle. The House, in the end, endorsed the President’s changes on a lukework support of 23 for, 14 against and 8 abstaining. As the House could not muster the two thirds majority needed under Article 78(4) of the Constitution to overrule the President’s amendments, any smaller majority to reject them would have led to the whole Bill lapsing completely.
With this final vote, the Law has now completed its legislative journey and simply awaits the President’s signature and its publication to come into force. It is hoped that this long awaited law will be finally be implemented shortly. Somalilandlaw.com will be publishing an article explaining the provisions of the Law when it come into force. Most of the provisions of this Law are already being implemented as it is mainly a consolidation law, and Somalilandlaw.com will be canvassing for any necessary changes and other laws (such the new detailed Rules for the Supreme & Constitutional Court) to further strengthen the independence and workings of the judicial system.
The House has also passed again on 22 March 2008 (when it rejected the amendments made by the House of Elders to) the Law on the Organisation of Juvenile Justice, and that Bill will now be going to the President for his consideration. It is our fervent hope that the Juvenile Justice Bill will not take 5 years to complete.
www.somalilandlaw.com
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XEERKA NIDAAMKA GARSOORKA (XEER LR. 24/03&06)
GOLAHA WAKIILADA
Markuu Arkey:- Qodabada 37,38,iyo 77aad ee Dastuurka.
Markuu Arkey:- Qodabada 97,98,99,100,101,102,103,104,105,106,107, iyo 108 ee Dastuurka.
Markuu Dhagaystay:- Doodii Mudanayaasha Golaha.
Markuu Tixgaliyey:- Dib-u-eegista Golaha Guurtida.
Markuu Garwaaqsadey:- Baahida loo qabo xeer nidaamiye Garsoor oo Waafaqsan Dastuurka.
Wuxuu soo saaray
Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lamb. 24/03/06.
QAYBTA KOBAAD
Qod.1’aad
Macnaha erey-bixinta
Erayada hoos ku qoran, haddii aan si kale loo macneyn waxaa Xeerkan
gudihiisa loo fasirayaa siyaabaha soo socda:
Garsoore: Waxa loola jeedaa sharci-yaqaanka si Xeerkan waafaqsan loogu magacaabey hawsha garsooranimo.
Xubnaha Garsooridda: Waxa loola jeedaa Maxkamadaha darajooyinka kala duwan ee sharcigani tilmaamay.
Qareen: Waxa loola jeedaa Qareenka wata Shahaadada sharciga ee ka soo qalinjebiyay Jaamacado la aqoonsan yahay ama leh aqoon u dhiganta oo ku kasbadey khibrad, ruqsad qareenimona haysta.
Maxkamadda darajada
koowaad : Waxa loola jeedaa Maxkamaddaha Gobolada iyo Degmoooyinka.
Dastuur: Waxa loola jeedaa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddida Caddaaladda: Waxaa loola jeedaa hay’adda hogaamisa maamulka Waaxda Garsoorka ee Xeerkani tilmaamyo.
Qaraar: Waxa loola jeedaa go’aan kasta oo aan dhamaystirin dulucda dacwada.
Go’aan: Waxa loola jeeda go’aan kasta oo laga gaadho dulucda dacwada.
Maxkamadaha Hoose: Waxaa loola jeedaa Maxkamadaha Rafcaanka,Gobolada iyo Degmoooyinka.
Shaqaalaha Garsoorka: Waxa loola jeedaa xubnaha Kaaliyayaasha, Gaadhsiiyayaasha iyo shaqaale kasta oo looga baahdo hawlaha Maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ee aan ahayn Garsoore ama Ku Xige Xeer Ilaaliye Guud.
Dacwadaha tashiga ah: Waxa loola jeedaa dacwadaha ay dhegaysataan go’aana ka gaadhaan sadex garsoore iyo wixii ka badan .
Dacwadaha aan tashiga ahayn: Waxa loola jeedaa dacwadaha aan tashiga ahayn dacwadaha ay dhageystaan go’aana ka gaadhan hal garsoore.
Aqoon sharciyeed: Waxa loola jeedaa qof sita shahaado sharci oo jaamacadeed ama shahaado shareeco ama la badaba.
Qod.2’aad
Mabaadiida Guud
1. Hay’adaha Garsoorka waa Hay’addo ka madax banaan Waaxyaha kale ee Sharci Dejinta iyo Funlinta ee Qaranka.
2. Awoooda Garsoorida Dacwadaha waxaa iska leh Garsooreyaasha oo keli ah cid kalena looma wareejin karo.
3. Waxaa reeban Maxkamado gaar ah oo ka baxsan Hay’adaha Garsoorka.
4. Waxaa reeban Guddiyo leh awood iyo dabeecad Garsoor oo ay ka soo baxaan go’aano Ciqaab ahi.
5. Waxa u bannaan dhinacyada is haya inay khilaafkooda u magacowdaan gudiyo ama ula tagaaan guddiyo dhex-dhexaadineed .
6. Luqada garsoorku waxa uu noqonayaa luqada af-soomaaliga ,hadii ay isticmaalka luqada Kale laga maarmi waayo waa in lagu turjumaa af-soomaali.
Qod. 3’aad
Hawlaha Garsoorka.
1. Waaxda Garsoorku waxay u madax bannaan tahay hawshooda garsoor, iyadoo dabaqaysa dastuurka iyo shuruucda kale ee ka soo baxda waaxda xeer dejinta ee aan ka hor imanahayn Shareecadda Islaamka.
2. Waxay ka garsooraysaa go’aanna ka gaadhaysaa khilaafyada ka dhex dhasha laba qof ama in ka badan, xubin/xubno dadweynaha ah iyo dawladda iyo khilaafyada hay’adaha dawladda dhexdeeda.
3. Garsooruhu waxa uu xukunkiisa u cuskanayaa
(a) shuruucda dalka u dajisan
(b) shareecada islaamka
(c) dhaqanka guud ee bulshada
(d) cadaalada ijtimaaciga ah
(e) a,c iyo d, waa inaanay ka hor imaneynin shareecada islaamka.
4. Waxaa kale oo ay ka garsoorayaan go’aana ka gaadhaysaa dacwadaha ka dhasha khilaafyada hay’adaha aan dowliga ahayn ka dhan ka ah.
Qod. 4’aad
Xaqa Dacwadda iyo Is-difaaca.
1. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka furan karo Maxkamadda Awoodda u leh
dacwadiisa si waafaqsan Xeerka.
2. Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco Maxkamadda horteeda ee loo
soo jeediyey.ama laga soo dacweeyey.
3. Qaranku wuxuu kafaala qaadayaa in qofka aan awood u lahayn inuu qabsado qareen dacwad ciqaab ah oo culus oo uu xeerku khasbayo in qareen difaaco , in uu u qabto qareen. Iyadoo qofka saboolka ahna laga dhaafi karo ajuurada kaga waajibtey
dacwadda madaniga ah iyo kuwa la dabeecadda ah.
4. Saboolnimadda ajuuradda laga dhaafayo ama qareen loo qabanayo waxa qiimaynaya qaraar uu soo saaray guddoomiyaha maxkamdda dacwaddu hor taallo.
5. Saboolnimada ajuurada laga dhaafayo waa in loo raaco sidan:
b) Waa in uu codsi u soo qorto gudoomiyaha maxkamada
t) Waa in uu keensado laba markhaati oo lagu kalsoonaan karo oo cadeeya soboolnimadiisa.
Qaybta labaad
Qaybaha Garsoorka
Qod. 5’aad
1. Garsoorku wuxuu ka kooban yahay maxkamadaha iyo xeer ilaalinta oo kala qayb gasha dacwadaha ciqaabta iyo dacwadaha madaniga ee ka qayb galkooda xeerku jideeyey.
2. Maxkamadaha dalku waxay ka kooban yihiin:-
1. Maxkamada Degmadda.
2. Maxkamada Gobolka.
3. Maxkamada Rafcaanka.
4. Maxkamada Sare.
5. Maxkamada Ciidamada.
3. Waxa kale oo dastuurku jideeyay.
(a) Maxkamada dastuurka oo u gaara arrimaha dastuurka.
(b) Maxkamada sare ee cadaalada oo u gaara dambiyada lagu oogayo xubnaha
golayaasha Qaranka.
4. Maxkamada ciidamada qaranka iyo xeer-ilaalintoodaba xeer gaar ah ayaa lagu qeexi doonaa.
Qodobka 6’aad
Maxkamadda Degmada.
1. Maxkamadda Degmadu waxay ku taalaa Degmo kasta oo xuduudda dalka JSL ah,
awoodeeduna waxay gaadhsiisan tahay xuduudda degmadaa.
2. Maxkamadda degmadu waxay fadhigeeda ku qabsan kartaa, meel kasta oo Ka mid ah xudduuda degmadda.
3. Maxkamadda Degmadu waxay awood u leedahay dacwadaha shareecada Islaamka, dacwadaha madaniga ah ee qiimahoodu gaadhsiisan yahay ilaa3,000,000 (sadex milyan) Sl. Sh. Iyo dacwadaha ciqaabtoodu gaadheyso ilaa (3) sano ama ganaax Lacageed oon aan kabadnayn 3,000,000 (sadex milyan ) Sl.Sh.
4. Maxkmada Degmadu waxay yeelanaysa laan u gaar ah dacwadaha ciqaabta caruurta.
5. Maxkamada Degmadu waxay yeelanaysaa laanta fulinta.
Qodobka 7’aad
Maxkamadda Gobolka.
1. Maxkamadda Gobolku waxay ku taalaa magaalo madaxda Gobol kasta, awoodeeda maxkamadeedna waxay gaadhsiisan tahay xuduudda Gobolka.
2. Makamadda Gobolku waxay fadhigeeda ku qabsan kartaa meel kasta oo ka mid ah xuduudda Gobolka.
3. Guddoomiyaha maxkamadda Gobolku wuxuu si gooni ah awood ugu leeyahay go’aan ka gaadhidda dacwadaha ciqaabta ee lagu soo oogo caruurta (Juveniles).
4. Maxkamadda Gobolku waxay awood u leedahay dacwadaha xuquuqda shaqaalaha.
5. Dacwadaha Ciqaabtu waxay u qaybsan yihiin laba qaybood:
a. Qaybta Dacwadaha Tashiga ah (Assize Section).
b. Qaybta Dacwadaha aan tashiga ahayn (General Section).
6. Maxkamadda Gobolku waxay yeelaneysaa laamahan soo socda:
a) Laanta dacwadaha madaniga ah.
b) Laanta dacwadaha ciqaabta.
c) Laanta dacwadaha cashuuraha iyo maaliyadda.
d) Laanta dacwadaha ciqaabta carruurta (Juvenilles), Habkooda dacwad qaadista waxa loo raacayaa xeerka ciqaabta carruurta.
e) Laanta Dacwadaha Fulinta.
7. Qaybta Dacwadaha aan Tashiga ahayni waxay awood u leedahay, dhegeysiga dacwadaha Ciqaabta ah ee uu xadhigeedu ka badan yahay (3) sano, kana hooseeyo (10) sano. Waxaana dhegeysan kara hal Garsoore keliya.
8. Qaybta Dacwadaha tashiga ah waxa dhegeysan kara:
a) Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka, hal garsoore oo ka tirsan Maxkamada
Gobolka iyo hal xubin oo garsoore dadwayne oo lagu soo xulo Aqoonta u leeyahay shareecada Islaamka ama xagga sharciga.
b) Waxay dhageystaan dacwadaha ciqaabtoodu gaadhayso (10 sano)iyo wixii ka badan.
Qod. 8’aad.
Maxkamadda Racfaanka.
1. Xarunta Maxkamadda Racfaanku waxay ku taalaa magaalo madaxda Gobolka ay
awoodeeda Maxkamadeed gaadhsiisan tahay.
2. Maxkamadda Racfaanku waxay hawlaheeda Maxkamadeed ku qabsan kartaa meel kasta oo xuduudda Gobolka ah, haddii uu sidaa ku go’aamiyo Guddoomiyuhu.
3. Maxkamadda Racfaanku waxay go’aan ka gaadheysaa, dacwadaha racfaanada looga soo qaato xukunada maxkamadda derejada Kowaad ee Gobol iyo degmo.
4. Maxkamadda Racfaanku waxay leedahay qeybaha soo socda:
a) Qeybta Dacwadaha aan tashiga ahayn (General Appellate Section).
b) Qeybta Dacwadaha tashiga ah (Assize Appellate Section).
c) Qeybta Carruurta (Juvenilles Section).
d) Qeybta Cashuuraha iyo maaliyadda.
5. Laanta Dacwadaha aan tashiga ahayn waxay go’aan ka gaadhaysaa racfaanada laga qaato dacwadaha madaniga iyo ciqaabta ah ee Maxkamadda Gobolka iyo Degmada oo keli ah.
6. Laanta Dacwadaha tashiga ah, waxay go’aano ka gaadhaysaa racfaanada laga soo qaato xukunnada Maxkamadda Gobolka laanteeda tashiga, waxaana dhegeysanaya:
a.- Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka
b.- laba Garsoore oo ka tirsan maxkamadda racfaanka.
c.- laba xubnood oo lagu soo xulay aqoon ay u leeyihiin shareecadda Islaamka ama sharciga.
7. Maxkamadda Racfaanku waxay awood gaara u leedahay, aqoonsiga xukumada iyo qoraalada rasmiga ah ee ka dhaca dal kale.
8. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanku waa sarkaalka Gobolka ugu sareeya xagga hawlaha garsooridda, wuxuu ku leeyahay inta xudduudda Gobolkiisa kormeer idaari ah oo ku saabsan socodka hawlaha maxkamadaha Gobolka, degmooyinka iyo Xabsiyada.
9. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanku wuxuu awood u leeyahay.
A -In uu dacwad u kala wareejiyo laba Degmo oo isla Gobolkaas ah, nabad-gelyo darteed.
B.-In haddii durrisi ku timaado Guddoomiyaha maxkamadaha derejada kowaad ee Gobalkaas, uu ka soo saaro qaraar waafaqsan duristaas.
10. Gudoomiyeyasha Maxakamadaha hoose waxay awood u leyihiin in ay kor meraan hawsha Garsoorka iyo garsooreyashooda warbixina ka siyaan Gudida Cadalada iyadoo la mariyano Gudoomiyeyasha Maxkamadaha Rafcaanka.
Qod. 9’aad.
Maxkamadda Sare.
1. Maxkamadda Sare waa xubinta ugu sareysa Garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland.
2. Xarunta Maxkamadda Sare waxay ku taalaa Magaalo Madaxda Dalka ee Hargeysa.
3. Maxkamadda Sare marka ay lagama maarmaan noqoto, waxay fadhigeeda ku qabsan kartaa meel kasta oo ka mid ah gudaha dalka Somaliland. Iyadoo awood u leh (Jurisdiction) go’aan ka gaadhka dacwadaha ka dhaca dalka ee racfaanka loogu soo qaato.
4. Maxkamadda Sare waxay ka kooban tahay :-
a) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare
b) Tiro Garsoorayaal ah oo aan ka yareyn afar Garsoore.
Qod. 10’aad
Awoodaha Maxkamadda Sare
1. Maxkamadda Sare waxay hubisaa in Qoddobada sharciga sidooda loo dabaqey ama loo fuliyey ama loo fasirey iyo in ay qabato Hawl kasta oo uu u xil saarey Dastuurku ama sharciyada kale ee ka soo baxa waaxda Xeer-dejinta.
2. Maxkamadda Sare waxay dacwadaha u dhageysan kartaa laba qaybood:
a. Fadhi aan Buuxin waxaana dhegeysan kara (saddex) Garsoore oo uu Guddoomiyaha Maxkamada Sare magacaabo midkoodna Gudoomiye ugu magacaabo.
b. Fadhi Buuxa waxa ay ku gashaa 5 Garsoore ama 7 Garsoore iyo wixii kabadan oo kinsi ah, tiro dhiman. (Full bench).
3. Maxkamadda Sare waxay awood u leedahay:
a. Go’aan ka gaadhidda cabashooyinka laga keeno doorashooyinka guud (General Election) ee ku saabsan ansixinta doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha iyo ansixinta doorashada Xubnaha Baarlamaanka.
b. Go’aan ka gaadhidda khilaafyadda dhex mara qaybaha garsoorka ee ku saabsan xagga awoodda dhagaysigga dacwadaha.
c. go’aan ka gaadhidda dacwadaha laga keeno go’aamada dhamaadka ah ee maamulka dawladda.
d. dhagaysigga iyo go’aan ka gaadhida cabashooyinka laga keeno maxkamaddaha goboladda ee ku saabsan kuraasidda Golayaasha deegaanadda.
e. inay dib u eegto xukumadeeda marka la helo shuruudaha ku xusan qodobka 266 ee Xeerka habka madanigga ah.iyo Qodobka 238’ee habka ciqaabta.
f. Maxkamadda Sare waxay go’aamadeeda ku saabsan cabashada & dacwadaha laga keeno doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku Xigeenka, doorashada Baarlamanka iyo Golayaasha Degaanka u raacaysaa hab la mid ah kan ku xusan qodobka 14aad, farqadihiisa 5, 6, iyo 7aad ee xeerkan.
4. Maxkamada Sare waxay fadhi buuxa ku gashaa:
a) Rafcaanadda ka yimaad qaybta tashiga ah ee Maxkamada Rafcaanka
b) Rafcaanada la xidhiidhi dacwadaha doorashada
c) Rafcaanada la xidhiidhi go’aanada maamul ee kama dambaysta ah ee gudoomiyaha maxkamada sare u arko in lagu galo fadhi buuxa.
d) Dacwadaha dib u eegista ah ee madaniga iyo ciqaabta ah.
e) Rafcaanada Xukumada Dacwadaha Caruurta.
f) Dacwad kasta oo culayskeeda iyo muhiimadeeda Gudoomiyaha maxkamada sare u arko in lagu galo fadhi buuxa.
Qodobka 11’aad
Magacaabista iyo Xil ka qaadista Gudoomiyaha & Garsorayaasha Maxakamada Sare
1. Guddoomiyaha Maxakamadda sare magacaabistiisa waxa soo jeedinaya Madaxweynaha isagoo la tashanaya gudiga cadaalada JSL, waxaana cod hal dheeri ah ku diidaya ama ku oggolaanaya Golaha Wakiiladda iyo Golaha Guurtidda oo fadhi wada jir ah leh, isla markaasna xil ka qaadistiisa waxa soo jeedinaya madaxweynaha JSL waxaana oggolaanaya ama diidaya labada Gole (Guurtidda & Wakiiladda).
2. Shuruudaha gudoomiyaha maxkamada sare waa kuwa ku xusan qodabka dastuurka ee 105 xubintiisa 2aad.
3. Garsoorayaasha kale ee Maxkamada Sare waxaa magacaabistooda iyo Xilka qaadistooda leh Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland, ka dib marka uu la tashado Gudida Cadaalada.
4. Garsooraha Maxkamada Sare wuxuu xilkiisa ku waayayaa:
a) Markuu gudan kari waayo xilkiisa sababo caafimaad , ama karti xumi.
b) Markuu iskii isaga casilo lagana aqbalo
c) Markuu ku xad gudbo Dastuurka iyo xeerarka dalka u dejisan.
5. Garsoorayaasha maxkamadda sare Xuquuqdooda iyo waajibaadkooda waxay kala mid yihiin garsoorayaasha maxkamadaha kale iyo shaqaalaha dawlada inta la socon karta.
Qoddobka 12’aad
Maxkamada Sare waxay yeelanaysaa:
a) Qaybta Dacwadaha Madaniga ah.
b) Qaybta Dacwadaha Ciqaabta ah.
c) Qaybta Dacwadaha Ciqaabta Caruurta.
d) Qaybta Dacwadaha Maamulka.
e) Qaybta Cilmi Baadhista iyo Fasiraada Shuruucda.
Qod. 13’aad.
Shuruudaha laga rabo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare.
Qofka loo magacaabayo Garsooraha maxkamada sare waa inuu yeesho shuruudahan:
a) Waa in uu u dhashay Somaliland.
b) Waa in uu haystaa Shahaado Jaamacadeed oo Xaga Sharciga ah oo la aqoonsanyahay.
c) Waa in uu leeyahay waayo aragnimo aan ka yarayn 7 sanadood kuna soo shaqeeyay Garsoore, Xeer Ilaaliye, Qareen ama Barre jaamacadeed xagga sharciga ah.
d) Waa in aanu ka tirsanayn Xisbiyo Siyaasadeed.
e) Waa inuu muslim yahay, Waa in uu yahay qof Sumcad iyo Diiwan Wanaagsan ku leh xagga garsoorka.
Qod. 14’aad.
Maxkamadda Dastuuriga ah
Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah
1. Maxkamadda dastuuriga ah waxay ka kooban tahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo dhammaan garsoorayaasha maxkamadda sare, dacwadaha waxay ku gasha fadhi buuxa oo ugu yaraan 5 shan xubnood ah, oo Guddoomiyaha Maxakamaada sare Guddoominayo ama uu Guddoomiyahooda Magacabay.
2. Xarunta Maxkamadda Dastuuriga ahi waa xarunta maxkamadda sare.
3. Kaaliyaha sare ee maxakamada Dastuuriga ah waa kaliyaha sare ee maxakamada sare.
Qod. 15aad
Awoodaha Maxakamada Dastuuriga ah
1. Maxkamada Dastuuriga ah waxay awood u leedahay :-
a) dhagaysiga iyo go’aan gaadhista dacwadaha la xidhiidha go’aanada dawlada iyo xeer dejinta ee aan wafaqsanayn dastuurka ee ay soo hor dhigto cida danaynaysaa.
b) Macnayta iyo fasilaada dastuurka iyo xeerar-ka kale ee dalka lagaga dhaqmo, marka laysku qabto nuxurka u jeedadooda
c) Fasiraada iyo wax ka bedelka xukumada Garsoorka ee dastuurka khilaafsan.
2) Go’aamada Maxkamada Dastuuriga ah laguma salayn karo Siyaasad.
3) Maxkamadda dastuurigga ahi waxay dhagaysiga dacwadaha u raacaysaa nidaamka dacwad qaadista ee ku xusan xeerka habka madaniga ah.
4) Maxkamadda Dastuuriku waa inay ku caddeyso go’aanadeeda asbaabaha iyo caddaymaha ay cuskatey.
5) Cid kasta oo ka cabanaysa Xad-gudub Dastuuri ah waxay Maxakamada Dastuuriga ah u qoranaysaa arji sababaysan oo ay ku muujisan yihiin go’aanka, Xeerka ama Qodobka uu ka cabanayo iyo caddaymaha la xidhiidha. Marka shuruudahaas la helo waxaa Maxkamada Dastuuriga ah ku waajib ah in ay furto Dacwad Dastuuri ah.
6) Maxkamadda Dastuuriga ah waxay go’aamadeeda soo saaraysaa, Kadib markay dhagaysato daristanna caddeymaha ay u soo gudbiyeen dhinacyadda is hayaa ama cidda danaynaysaa.
7) Waxa waajib ku ah inay si madax bannaan u raadsato caddeymo la xidhiidha cabashadda hor taal.
8) Guddoomiyaha iyo xubnaha maxkamadda Dastuuriga ah midna lama duri karo, haddaanay si toos ah ama si dadban uga ahayn dhinaca cabashadda markaa hortaal .
9) Go’aamada maxakamadda Dastuuriga ah waa kama danbays.
10) Maxkamada Dastuuriga ahi waxay si ku meel gaadh ah u laaleysa ku dhaqanka xeerka ama qodabka dastuurnimadiisa la duray ilaa inta ay ka soo saareyso go’aan kama danbeys ah.
11) Maxkamada Dastuuriga ahi waxay ka talisaa muran kasta oo la xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka oo ay laba dhinac isku hayaan.
Qod. 16’aad.
Maxkamdda Sare ee Cadaaladda
1. Maxkamadda Sare ee Cadaaladdu waxay ka kooban tahay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, afar garsoore oo ka tirsan maxkamadda sare iyo afar xubnood oo laga soo xulay labada Gole Baarlamaan waxaana Guddoominaya Guddoomiyaha Maxakamada Sare.
2. Xubnaha laga soo xulayo Golayaasha waxa soo jeedinaya Shirgudoonada waxana cod hal dheeri ah ku ogolaanaya labada Gole mid walba gaarkiisa.
3. Maxkamadda Sare ee Cadaaladdu waxay dhegaysataa go’aana ka gaadhaa dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo ooggo xubnaha labada Gole Baarlamaan iyo Wasiirada.
4. Maxkamadda Sare ee Cadaaladdu waxay dhegaysiga dacwadaha u maraysaa xeerka habka ciqaabta intii uga suuragal ah.
5. Go’aanada Maxkamadda Sare ee Cadaaladdu waa inay ku caddaato asbaabaha iyo
caddaymaha ay u cuskatay go’aanadeeda.
6. Xubinta la eedeeyay waxay xaq u leedahay inay qabsato qareen difaaca.
7. Eedaynta xubnaha labada Gole waxa maxkamadda ka hor oogaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka ka dib marka xubinta laga xayuubiyo dhawrsanaanta.
8. Dacwadaha Maxkamada Sare ee Cadaalada waxaa kaaliye ka noqonaya Kaaliye ka tirsan Maxkamada Sare oo uu magacaabo Guddoomiyaha Maxkamada Sare.
9. Garsooreyaasha Maxkamada Sare ee Cadaaladda waxaa loo duri karaa si waafaqsan qodobka 10aad ee Xeerka Habka Ciqaabta, Marka Guddoomiyuhu ku qanco inay jiraan asbaabaha duristu, Waxaa xubinta la duray soo bedelaysa cidii magacowday.
10. Maxkamada Sare ee Cadaaladu waxay fadhigeeda ku qabsanaysaa Xarunta Maxkamada Sare, awoodeeda iyo jirtaankeeduna wuxuu ku eeg yahay Dacwada loo
magacaabay markay go’aan ka gaadho.
11. Go’aamada Maxkamada Sare ee cadaaladu waa kama dambays.
QATBTA SADEXAAD.
Ka Cabashada Xukunnadda & Qaraarrada.
Qod. 17’aad
Racfaanada iyo Cabashooyinka.
1. Racfaanada dacwadaha Madaniga ah ama Ciqaabta ah waa in ka cabashadoodu ku
dhisnaato, arrimaha khuseeya xaqiiqda dhabta ah ee dhacdooyinka dacwadaha iyo
fasiraadda runta ah ee qoddobada sharciga ee dacwaddaa loo cuskadey.
2. Maxkamadda Racfaanka loo soo qaatey waxa u banaan inay ayido, ama baabiiso ama wax ka bedesho xukunkii ama qaraarkii hore ama dib uceliso si loo soo dhagaysto.
3. Racfaanada Maxkamadda Sare loo soo qaato waxay ku dhisnaanayaan:
a) Awood la’aanta maxkamaddii hore
b) Ku xad gudubka ama si xun u dabaqaadda qoddobada sharciga ee xukunka loo cuskaday.
c) Habka dacwadda loo qaaday oo aan sharciga waafaqsaneyn.
d) Sababayn la’aanta xukunka iyo iyadoo aanay caddaymaha loo cuskaday ku filnayn goynta gartaa.
4. Cabashooyinka laga keeno go’aamada kama danbaysta ah ee ansixinta doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyo ku-xigaanka Madaxweynaha, Maxkamadda Sare waxay waafajineysaa Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, go’aankeeduna waa kama danbeys, ku noqoshana malaha.
5. Laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aanka dacwada ciqaabta.
Qod. 18’aad
Muddada Racfaanada
1. Muddada racfaan qaadashadu waa (30) Soddon cisho kana bilaabmaysa, maalinta lagu dhawaaqay go’aanka dacwadda ciqaabta, ama dhinacyada dacwadda madaniga ah iyo kuwa la bahda ahba la gaadhsiiyo oo laga soo saxeexo Nuqul xukunka ah, si waafaqasan Xeerka habka madaniga ah.
2. Qoraalka Racfaan qaadashadu waa inuu saxeexnaadaa, kuna cad yahay asbaabta racfaanku, haddii aanay asbaabta racfaanka keliftey ku caddeyn qoraalka, lagama qaban karo.
3. Rafcaan qaadashadu waxay noqon kartaa mid af ah ama ogaysiin kooban oo qoraal ah, waxaase waajib ah in kaaliyaha maxkamada laga rafcaan qaadanayaa diiwanka geliyo garmaqalkana ku qoro.
4. Waxa qoraalka racfaanka lagu hagaajinayaa xafiiska Kaaliyaha Maxkamadda go’aankeeda racfaanka laga qaadanayo. Kaaliyaha qoraalka racfaanka ah loo dhiibay waa in uu u gudbiyaa, iyadoo gal-dacwadeedkii la socdo, Maxkamadda racfaanka loo qaatey.
5. Marka uu Xafiiska Xeer-ilaalinta guud Racfaan ka qaato Dacwadda ciqaabta, waxaa waajib ah in eedeysanaha lagu gaadhsiiyo Nuqulka Racfaanka ilaa (30) maalmood, laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo go’aanka dacwada .
6. Haddii ay muddada Racfaanku dhaafto, hasayeeshee ay Maxkamadda Sare ama
maxakamadda rafcaanka ku qanacdo, asbaabta uu keeney dhinaca muddo dhaafku ku dhacay, way cusboonaysiin karaan muddada racfaan qaadashada Ugu badanaan muddo hal sano gudahood ah .
7. Mudada rafcaan qaadashada qaraarada garsooruhu waa ka yarayn karaa 30 maalmood hadii uu lagama maarmaan u arko.
Qod. 19’aad.
U Furnaanshaha Doodaha Dadweynaha Iyo Sababaynta Xukunada.
1. Doodaha Garsoorku asal ahaan waa kuwa dhageysigoodu ay albaabadu u furan yihiin dadweynaha, xaaladaha uu sharcigu tilmaamayo mooyaane oo ay ka mid yihiin, kuwa ammaanka, anshaxa guud ama caafimaadka.
2. Go’aanada Maxkamaduhu waa in ay ahaadaan kuwo sababaysan, qaraarada Garsoorayaashuna waa in ay ahaadaan kuwo qoran , waa in mar kastaba la qeexaa asbaabta loo cuskadey, fasiraadda qoddobada lagu xadgudbay iyo kuwa loo cuskadey iyo wax walba oo faa’iido u leh sugidda caddaaladda.
3. Xukunada loogu dhawaaqayo qofka ciqaabta la saaray waa in lagu saleeyaa mudada uu mujtamaca iyo dhaqanka wanaagsan dib ugu soo noqon karo, luqada ku dhawaaqista xukunkuna aanay noqon mid dhaawac u gaysanaysa ama hoos u dhigaysa karaamada qofka.
Qod.20’aad
Qareenimada.
1. Dhinac kasta waxaa u banaan in uu u adeegsado Qareen ku xeel-dheer sharciga dacwad kasta oo ku lid ah, ama dhinac ka yahay.
2. Dacwadaha ciqaabta ee lagu xukumi karo dil, xabsi daa’in ama xadhig ka badan Toban Sano (10) waa waajib in eedaysanuhu u adeegsado difaaciisa Qareen sharciga yaqaan.
3. Dacwadaha Maxkamadda Sare iyo maxkamada Dastuuriga ah waxa ka doodi kara oo keli ah qareen sharci yaqaan ah.
4. Cid kasta oo gacanta ku haysa qof xorriyada laga qaaday waxa ku waajib ah in ay u
ogolaato in uu adeegsado qareen ka kaalmeeya dacwadaha loo haysto inta baadhistu
socoto.
5. Qofka la xidhay laguma qasbi karo in uu cadayn qiraal ah bixiyo hadaan qareen la joogin, qareenkiisuna waa in uu si madax banaan ula kulmi karaa.
QAYBTA AFRAAD.
Hay’adda Garsoorka
Qod.21’aad
Xubnaha Garsoorka.
1. Hawl-wadeenada Hay’adda Garsoorku waxay ka kooban yihiin:
a) Garsoorayaasha.
b) Xeer-Ilaalinta Guud.
c) Kaaliyayaasha (Registerars)
d) Gaarsiiyayaasha (Messengers).
2. Derejooyinka iyo xuquuqda xubnaha hay’adda Garsoorka waxa lagu dhaqayaa sharciga shaqaalaha dawladda.
3. Derajooyinka xubnaha Garsoorku waa sidan:
a) Derajada (A) oo ah Garsoorayaasha, Xeer illaaliyaha guud, Ku Xigeenadiisa, iyo Kaaliyaha Sare ee Maxkamadda Sare.
b) Derajada (B) Kaaliye.
c) Derajada (C) Gaadhsiiye.
d) Derajada (D) Nadiifiye.
Qod. 22’aad.
Dhaarta Xubnaha Garsoorka.
Waxa xubnaha hawl-wadeenada hay’adda Garsoorka ku waajib ah in ay dhaartaan inta aanay shaqada Qaranka bilaabin, sida soo socota:
1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyaha Guud waxay Madaxweynaha JSL, hortiisa ku marayaan dhaarta Dastuuriga ah ee ku xusan qodabka 129’aad ee Dastuurka J.S.L.
2. Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo Ku Xigeenada Xeer - Ilaaliyaha Guud, waxay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare hortiisa ku dhaaranayaan dhaarta Dastuuriga ah ee ku xusan qodabka 129’aad ee dastuurka J.SL.
3. Kaaliyayaasha iyo gaadhsiiyayaasha Maxkamaduhu, waxay ku hor dhaaranayaan Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanada, dhaarta ku xusan farqadda 2aad ee qoddobkan.
Qod. 23’aad.
Derajada iyo Meelaynta Garsoorayaasha.
1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. (A1)
2. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, iyo Guddoomiyayaasha, maxkamadda rafcaanka. (A2)
3. Garsoorayaasha Maxkamadda Rafcaanka & Guddoomiyayaasha maxkamadda Goboladda iyo Ku Xigeenada Xeer-Ilaaliyaha Guud. (A3)
4. Garsoorayaasha Maxkamadda Goboladda & Gudoomiyayaasha maxkamadaha
Degmooyinka. (A4)
5. Garsoorayaasha Maxkamadaha Degmooyinka. (A5)
6. Kaaliyaha Maxkamadda Sare. (A6)
7. Marka ay baahiyi timaaddo Guddiga Caddaaladdu Garsoorayaasha waxay muddo aan ka badnayn (3) bilood loo bedeli karaa Maxkamadda looga baahdo, derajo kasta ha ahaatee, isaga oo wata derajadiisa, xataa haddii ay ka hoosayso Derajadiisa.
Qod. 24’aad
Magacaabista garsoorayaasha/Ku Xigeenada Xeer.Guud
Qof kasta oo rabitaan u leh shaqada Garsoorenimo ama Ku Xigeen Xeer-ilaaliye Guud, waa in uu buuxiyaa shuruudaha soo socda:
1. Waa in uu u dhashay Somaliland, da’diisuna ka yarayn 30 jir.
2. Waa in uu haysto shahaado Jaamacadeed oo sharci la aqoonsan yahay ama Waayo
aragnimo u dhiganta oo ah in uu leeyahay waayo aragnimo uu kaga soo shaqeeyay kaaliyenimo, wakiil xeer ilaaliye ama ka soo shaqeeyay xafiis qareen la aqoonsanyahay mudo aan ka yarayn 6 sano
3. Waa in uu codsi u soo qortaa Guddoomiyaha Guddiga Caddaaladda.
4. Waa in uu ku sifoobaa akhlaaq wanaagsan bulshada dhexdeeda.
5. Waa in Guddiga Caddaaladdu uu kulan la yeeshaa (Interview), imtixaanna ka qaadaa.
6. Haddii Guddiga Caddaaladdu ku qanco in uu ku Xigeen Xeer-ilaaliye guud /Garsoore mudan yahay, wuu ansixinayaa magacaabistiisa.
7. Marka la ansixiyo in uu Garsoore/Ku xigeen Xeer-ilaaliye guud noqdo wuxuu gelayaa (1) hal Sano oo tijaabo/tababar shaqo ah, inta aanu dacwado dhegeysi bilaabin.
8. Habka imtixaan qaadista garsoorayaasha ama ku xigeenada xeer – ilaaliyaha guud waxaa wareegto ku soo saaraya Guddida Cadaaladda.
Qod. 25’aad
Dalacaadda Garsoorayaasha.
1. Garsooreyaasha lagu sheegay qoddobka 24aad, mid kastaa wuxuu ka bilaabayaa shaqada Garsooridda, Garsoore Maxkamad Degmo, wuxuuna uga sii dallaci karaa Guddoomiye Maxkamad Degmo, marka uu ugu yaraan ahaado Laba (2) Sano Garsoore Maxkamad Degmo, Iyadoo loo eegayo mar kasta asluubtiisa iyo shaqo wanaagiisa.
2. Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadu, wuxuu u dalaci karaa Garsoore Maxkamad Gobol, marka uu ugu yaraan ahaado, (2) Sano Guddoomiye Maxkamad Degmo, iyada oo mar kasta loo eegayo asluubtiisa iyo shaqo wanaagiisa.
3. Garsooraha Maxkamadda Gobolku wuxuu u dalaci karaa Gudoomiye Maxkamad Gobol marka uu muddo sadex sano ah ugu yaraan ahaado iyadoo loo eegayo anshaxiisa iyo shaqo wanaagiisa.
4. Guddoomiye Maxkamad Gobol wuxuu u dalaci karaa, Garsoore Maxkamad Racfaan, marka uu ugu yaraan (2) Sano yahay Guddoomiye Maxkamad Gobol.
5. Garsoore Maxkamad Racfaan wuxuu u dallaci karaa Guddoomiye Maxkamad Racfaan, marka uu ugu yaraan ahaado Garsoore Maxkamad Racfaan muddo aan ka yareyn (3) Sano.
6. Guddoomiye Maxkamad Racfaan wuxuu noqon karaa Garsoore Maxkamad Sare markuu ugu yaraan ahaa (4) Sano Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka.
7. Habka dallacaaddu wuxuu mar kasta ku imanayaa bannaanidda derajada ka sareysa, haddii aanay sababo sharci ahi ka reebaynin.
8. Waxa kale oo Garsooraha lagu dalacsiin karaa tayada shaqo ee uu qabtay mudada uu xilka uu ka dalacay hayo.
Qod. 26’aad
Shaqo ka Fadhiisashada Garsooraha / Xeer Ilaaliyaha.
Muddada uu Garsooruhu/ xeer-ilaaliyaha shaqada ku gaadhi karaa waa ilaa 65 jir, haddii aanay imanin sababo kale oo uu kaga fadhiisan karo oo ah kuwan soo socda:
1. In uu Garsooruhu/ Xeer ilaaliyuhu iskii shaqada isaga casilo (Resingnation)
2. Garsooraha baahi darteed muddada shaqada waa loo cusboonaysiin karaa hal Sano, Kamana badnaan karto 5 Sano.
3. In Garsooraha/Xeer ilaaliyaha shaqada lagaga fadhiisin karo sabab caafimaad darteed, ka dib marka guddiga caafimaadka Qaranku uu caddeeyo sidaa.
4. Inuu ku kaco wax garsoorka/xeer-ilaaliyaha fadeexad ku ah guddiga cadaaladduna go’aan ka gaadho shaqo ka fadhiisintiisa.
5. Waxa kale oo xilka lagaga qaadi karaa karti darro iyo xil gudasho la’aan darteed.
Qodobka 27’aad
Garsoorayaal Shisheeye
1. Si ku meel gaadh ah baahi loo qabo darteed waa la qoran karaa garsoorayaal shisheeye oo ku xeel dheer xagga sharciga iyo hawlaha garsooranimada.waxaa shardi ah inuu muslin yahay sitana Shahaadad Sharci oo heer jaamacadeed oo la aqoonsanyahay.
2. Mudada ay shaqada ku jiraan waxay yeelanayaan xuquuqda iyo xishmada ay leeyihiin garsoorayaasha u dhashay dalka.
Qod. 28’aad.
Dhawrsanaanta Sharafta Garsooraha/Xeer Ilaaliyaha.
1. Garsoore Ku Xigeen Xeer ilaaliye Guud lama xidhi karo maxkamadna lama hor geyn karo, haddaanay ogolaan Guddiga caddaaladu ama haddii aan lagu qaban isagoo dembi cad faraha kula jira (Flagrante Delicto) oo ugu yaraan faldanbiyeed ciqaabtiisu tahay (3) Sano lagu xidhi karo, faraha kula jira.
2. Waxaa ka reebban Garsooraha/ xeer-ilaaliyaha in uu xubin ka noqdo Urur/Xisbi Siyaasi ah ama ku kaco dhaqan xumo sharafta Garsooridda wax u dhimaysa.
Qod. 29’aad.
Magacaabidda ku-meel-gaadhka ah.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare wuxuu magacaabi karaa si ku-meel-gaadh ah Garsoore ama Guddoomiye Maxkamadeed, sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Guud wuu magacaabi karaa si ku meel-gaadh ah Ku Xigeen Xeer-ilaaliye Guud, marka ay jiraan
sababo baahiyeed, waxayna hor dhigayaan Guddiga Caddalada fadhigiisa u horeeya, waa in aanay mudadaasi ku meel gaadhka ahi ka badnayn (3) bilood .
Qod. 30’aad
Fasaxyada iyo Meelaha Bannaanaada.
1. Fasaxa caadiga ah ee garsoorayaasha waxaa bixinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, oo ogeysiinayana guddiga cadalaadda wuxuuna u igman karaa oo bixinaya Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Racfaanada, inta ku siman Goboladooda.
2. Fasaxa aan caadiga ahayn waxaa bixin kara ilaa (15) maalmood oo keli ah, Guddoomiyayaasha maxkamada Racfaanada inta ku siman Goboladooda ka dib marka ay ku qancaan sababta fasaxa waxayna ogeysinayaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
3. Marka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare maqan yahay ama aanu gudan Karin xilkiisa sababaha sharcigu tilmaamay awgeed, waxa ku sime ahaanaya Garsooraha xagga derajada ugu sareeya (Seniorty) Garsoorayaasha Maxkamadda Sare.
4. Fasaxa caadiga ah ee Ku xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud waxaa bixin kara Xeerilaaliyaha Guud, isagoo ogaysiin siinaya Guddiga Cadaaladda.
5. Marka Xeer-ilaaliyaha Guud maqan yahay ama buko ama aanu xilka gudan Karin sababaha sharcigu tilmaamay dartood, waxa xilkiisa sii haynaya Ku Xigeenkiisa dhinaca derajada u sareeya.
6. fasaxa aan caadigga ahayn ee ka badan 15 maalmood waxa loo soo gudbinayaa Guddiga cadaaladda oo go’aan ka gaadhaya.
Qod. 31’aad.
Qorista Shaqaalaha Maxkamadaha Iyo Xeer Ilaalinta.
1. Marka ay timaaddo baahi ah in shaqaale loo qoro Maxkamadaha ama Xeer-ilaalinta, waxaa la raacayaa habka qorista shaqaalaha dawladda ee uu tilmaamayo sharciga shaqaalaha dawladdu.
2. Qorista Shaqaalaha Maxkamadaha, dalacsiintooda, darajo dhimistooda iyo isku
bedelkooda waxaa leh Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.
Qod. 32’aad.
Xilka iyo Waajibaadka Kaaliyayaasha Maxkamadaha iyo Xeer-Ilaalinta.
1. Waxa ay qabtaan xilalka ku tilmaaman xeerka habka madaniga ah iyo xeerka habka ciqaabta.
2. Waxay kaydiyaan galalka dacwadaha garsoore ama xeer ilaaliyuhu u dhiibo.
3. Fulinta amarada garsooraha ama xeer ilaaliyaha.
4. Kaaliyayaasha maxkamadahu waxay ka qayb galaan Fadhhiyada dacwadaha maxkamadaha waxay qoraan garmaqalka Dacwadaha.
5. Kaaliyaasha sare ee maxkamadahu waxay ilaaliyaan mudooyinka rafcaanada.
6. Kaaliyaasha sare waxay hawl geliyaan kaaliyayaasha kale iyo gaadhsiiyayaasha.
7. Kaaliyaasha sare waxay hayaan diiwaanada dacwadaha waxa ay diyaariyaan tiro koob sanadeedka dacwadaha xafiisyadooda.
8. Kaaliyaasha sare waxay masuul ka yihiin agabka maxkamadaha.
9. Gaadhsiiyayaashu waxay qabtaan hawsha gaadhsiinta ee ku tilmaaman xeerka habka madaniga ah iyo xeerka habka ciqaabta.
10. Shaqaalahani maamul ahaan waxay hoos yimaadaan Gudoomiye–yaasha maxkamadaha ay ka shaqeeyaan.
Qod. 33’aad.
Fasax Sanadeedka Hay’adda Garsoorka.
1. Fasax sanadeedka hay’adaha garsoorku waa bisha Rammadaan oo shaqada la joojinayo 1-da ilaa 30-ka Ramadaan bishaa, fasax sannadeedka awgeed.
2. Garsoorayaasha, Ku Xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud iyo shaqaalaha hawsha sii wada bisha ramadaan fasaxooda waxa dib loo siinayaa mar kale.
3. Garsoorayasha/ku xigeenada xeer ilaaliyaha guud shaqada ay qabanayaan mudadaas waxay ku kooban tahay wixii arrimo deg-deg ah ee aan sugi karayn dhamaadka fasaxa.
Qod. 34’aad.
Guddiga Cadaaladda.
1. Guddida Cadaaladdu Waa hay’adda ugu sareysa hogaaminta Maamulka Garsoorka.
Wuxuuna Ka kooban yahay: -
a) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare - Guddoomiyaha
b) Labada garsoore ee ku xiga dhinaca darajada Guddoomiyaha - Xubin
c) Xeer-ilaaliyaha Guud - ”
d) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda - ”
e) Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha - ”
f) Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadii sannadood hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoonyahanada iyo Ganacsatada.
g) Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadii sanadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo Culimada Diinta.
2. Cidkasta oo daneynaysa xubnaha gudidda cadaalada ee ay magacaabaan labada Gole (G/guurtida iyo G/wakiilada) waxay codsigooda iyo CV-gooda u soo gudbinayaaan shirgudoonka golayaasha mid walba gaarkiisa, waxaa inta aan labada Gole la horgeyn soo qiimaynaya gudiyadooda shuruucda , waxaana aqlabiyad fudud ku ogalaanaya golayaasha mid walba gaarkiisa.
3. Guddida Cadaaladdu wuxuu yeelanayaa xafiis u gaar ah oo fuliya hawl maalmeedka Guddiga.
4 Gudoomiyaha Maxkamadda Sare socodsiinta hawl maalmeedka xafiiska waxa uu u wakiilan karaa xubin ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamada sare ee ka tirsan gudiga cadaalada.
5. Fadhiga Guddigu wuxuu ku ansaxayaa marka ay xubnihiisa ka joogaan (7) xubnood.
6. Marka uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare gudan kari waayo guddoominta fadhiyada guddiga sababo caafimaad, fasax ama shaqo ka tegid darteed, waxa uu si ku-meel-gaadha Guddoomiyaha Guddiga noqonaya Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Guddiga xubinta ka ah dhinaca darajadana ku xiga Guddoomiyaha Maxkamada Sare. Waxa Xoghayn u ah guddiga cadaaladda Kaaliyaha Maxkamadda Sare.
7. Guddiga go’aamadeeda waxay ku gaadhaysaa Cod Hal dheeri ah.
Qod.35’aad.
Hawsha Guddiga Caddaaladda.
1. Wuxuu Guddiga Caddaaladdu u xil saran yahay Shaqo siinta, Dalacaadda, xil-ka-qaadista, hoos u dhigidda, bedelaadda iyo anshax - marinta Garsoorayaasha Maxkamadaha darajooyinka hoose, iyo ku xigeenadda xeer ilaaliyaasha guud.
2. Wuxuu ilaalinayaa xushmadda iyo dhawrsanaanta Garsoore ama Xeer-ilaaliye, lamina xidhi karo, haddii aan ogolaansho laga helin Guddiga, hasa yeeshee looma baahna ogolaanshaha haddii garsooraha la qabto isagoo faraha kula jira dembi ciqaabtiisu ka yareyn (3) Sano oo xadhigga ah.
3. Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa Guddiga ka hor oogaya eedda ka xayuubinta dhawrsanaanta, anshax-marinta Garsoorayaasha iyo ku xigeenada xeer-ilaaliyayaasha, marka guddida cadaaladdu u xil-saarto baadhistiisa.
4. Shirarka guddigga waxaa isugu yeedhaya guddoomiyaha, waxa kale oo isugu yeedhi kara saddex meelood oo laba hadday guddidu qoraal ku codsato, lagama maarmaana u aragto.
5. Guddigu waa inay fayl u furaan garsoore kasta iyo ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud taasoo lagu kaydinayo dhammaan arrimaha khuseeya garsooraha iyo ku xigeenadda xeer ilaaliyaha guud, sida dallacaadaha, hoos u dhigidda, digniinta, abaal marinta.
6. Guddigu waa inay ku samaysaa kormeer iyo daraasad dhammaan arrimaha garsoorka ugu yaraan sannadkiiba hal mar.
7. Xeer ilaaliyaha guud marka uu soo jeedinayo anshax marinta, dhawrsanaan ka xayuubinta iyo go’aan ka gaadhista midkoodna cod ma leh.
8. Guddidu waxay oggolaadaan maamuus ka qaadista garsoore ama ku xigeen xeer ilaaliye guud haddii lagu soo ooggo danbi ciqaabeed oo guddidu garawsatay
9. Guddida caddaaladu waxay war bixin sanadeed qoraal ah, oo faahfaahsan u soo
gudbiyaan Shirwaynaha Garsoorka Sanadka Dhamaadkiisa.
10. Gudiga Cadaaladdu waxa uu yeelanayaa agaasin maamul oo xilkiisu yahay:
f) Diyaarinta Miisaaniyad sanadeedka Maxkamadaha Dalka Iyo Gudiga Cadaaladda.
g) Saxeexida waaranada Maaliyada maxkamadaha rafcaanka ee Gobolka iyo Maxkamadda sare oo 3 biloodle ah.
h) Diyaarinta Xisaab Xidhka miisaaniyadaha Maxkamadaha iyo Gudiga Cadaalada.
i) Xilalka Xafiiskan waxaa Gobolada u matalaya Kaaliyayaasha sare ee Maxkamadaha Rafcaanka.
11. Agaasimaha Maamul ee Ku xusan farqada 10aad ee sare waxaa magacaabaya
Gudoomiyaha Guddiga Cadaalada, waxaana ansixinaya Guddiga Cadaaladda.
12. Guddida Cadaladu waxay magacaabi karaan hadii ay lagamamaar maan u arkaan Gudi kor meer ama baadhiseed, oo ay xilkooda qexaan oo ay ka dhex xushaan
Garsooreyaasha Khibrada leh ku waas oo horkeena baadhistooda Guddiga Cadaalada.
Qodobka 36’aad
Baahinta Maxkamadaha.
1. Qof kasta oo ka mid ah JSL, wuxuu xaq u leeyahay inuu halka ugu dhaw ka helo Maxkamad uu ka furan karo dacwadiisa iyo cabashooyinkiisa.
2. Degmo kasta oo ka mid ah JSL, waxay xaq u leedahay in laga furo Maxkamad degmo.
3. Marka ay muuqato in degmo cusub ama mid hore u jirtay looga baahanyahay in maxkamad laga furo waxaa soo jeedinaya Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo la tashaday Gudiga Cadaaladda. Waxaana lagu soo saarayaa Xeer-madaxwayne. Goobta iyo agabkana waxaa diyaarinaya Gudiga Cadaaladda.
Qod. 37’aad.
Xidhiidhka Wasaaradda Cadaaladda Iyo Hay’adda Garsoorka.
1. Wasaaradda Cadaaladu waxay u xilsaaran tahay fulinta go’aanadda maamul ee ka soo baxa gudiga Cadaalada.
2. Waxay Golaha Wasiiradda hordhigtaa Baahida Garsoorka ee gudiga cadaaladu soo gudbiyay.
3. Fullinta Go’aamada Ka soo baxa shirwaynaha garsoorka inta ka khusaysa.
Qod 38’aad
Garsoore Dadwayne
1. Garsooreyaasha dadwayne waxaa laga soo xulayaa liisto uu isku soo duba rido Wasiirka Cadaaladu sanadkiiba hal mar.
2. Liistada ku tilmaaman qodobka hore waxaa soo diyaarinaya Gudoomiyeyaasha maxkamada Racfaanka, iyagoo kala tashanaya Gudoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolada Iyo Degmooyinka, Waxaana loo gudbinayaa Wasiirka Cadaalada Sanadkasta bilawgiisa.
3. Liistadu waxay xambaarsantahay Magacyada iyo faah-faahinta shakhsiga ah ee lagama maarmaanka ah ee uu leeyahay qofka u qalma in uu noqdo Garsoore dadwayne.
4.si uu qofku u galo liistada waxaa looga baahan yahay:-
A. in uu yahay Muwaadin reer Somaliland ah.
B. in aanu cimrigiisu ka yarayn 30 sanadood.
C. in uu maskax ahaan fayaw yahay.
D. in uu degenyay magalada maxkamadu ku taalo.
E. in aanu tobankii sano ee tagay lagu xukumin danbi culus.
F. in uu waayo-aragnimo iyo aqoon dheraad ah u leyahay xeer dhaqameedka, xidhiidhka bulshada, arimaha shareecada ama aqoon kale oo ku lug yelan karta caruurta danbiyada gasha.
Qod. 39’aad
Maamus ka xayuubinta Gudoomiyaha Maxkamada Sare
1. Hadii Gudoomiyaha Maxkamadda Sare si cad dastuurka ugu xadgudbo ama xilkiisa gudan kari waayo waxaa iyada oo sababaysan soo hordhigaya Golaha Baarlamanka (Guurti & Wakiilo) iyagoo wadajir ah Madaxwaynaha JSL isaga oo codsanaya in xilka laga qaado ama maxkamad la horgeeyo.
2. Soo jeedinta Madaxwaynaha waxay labada gole u saarayaan gudi hubisa jiritaanka
eedaha Madaxwaynuhu u soo jeediyay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.
3. Haddii labada Gole ku qancaan eeda madaxwaynuhu usoo jeediyay Gudoomiyaha
Maxkamadda Sare waxay ogolaanayaan soo jeedinta Madaxwaynaha.
Qod. 40’aad.
Anshax-marinta Garsoorayaasha/Ku Xigeenada X/Guud.
1. Waxa loo gudbinayaa Guddiga Cadaaladda garsoore kasta oo ka mid ah garsoorayaasha maxkaadaha darajooyinka hoose iyo Ku Xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud ee ku xadgudba:
a) Waajibaadka hawshiisa.
b) Sharaftiisa iyo xirfaddiisa fal xun oo hoos u dhigaya marka uu ku kaco.
c) Marka uu shaqada ka maqnaado muddo 30 maalmood ah fasax la’aan ama aan garawshiiyo lahayn.
Qod. 41’aad.
Qaraar ka gaadhidda Dacwadda Anshaxa.
1. Guddigu markuu go’aansado in dacwadda anshax marin ah lagu soo ooggo garsoore ama ku xigeen xeer ilaaliye guud waxay amraysaa in uu guddiga ka hor ooggo xeer ilaaliyaha guud.
Qod. 42’aad
Shaqo ka Joojin.
1. Way u bannaan tahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ama ka maxkamad Racfaan ee uu ka tirsan yahay garsooraha ay khusayso dacwaddu ama Xeer Ilaaliyaha Guud, inuu si toos ah ama talo uu ka helay Guddiga Cadaaladda ka joojiyo shaqada garsooraha/Ku Xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee ay ku oogan tahay dacwadda anshaxu.
2. Ka joojinta shaqada garsooraha/Ku Xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud saamayn kuma
yeelanayso mushaharkiisa gebi ahaantiis ama qayb ka mid ah.
Qod. 43’aad
Habka Qaadista Dacwadda Anshaxa.
1. Fadhiyada Guddiga Caddaaladu marka uu qaadayo dacwadda anshaxa waa mid xidhan
2. Waxa waajib ku ah Guddiga cadaaladda inuu fursad u siiyo garsooraha lagu qaadayo dacwadda anshaxa difaaciisa.
3. Way u bannaan tahay garsooraha inuu u soo gudbiyo difaaciisa ama cid kale u soo
wakiishaba.
4. Haddii uu Garsooruhu iman waayo, waxa u bannaan guddiga inuu ku wado dhegeysiga dacwadda isaga oo maqan, ka dib marka uu hubiyo in si waafaqsan sharciga loo gaadhsiiyey.
Qod. 44’aad
Qaraarka Guddiga.
1. Waxaa waajib ah in ay ku caddahay qaraarka Guddiga cadaaladda asbaabtii uu u cuskaday go’aankiisa.
2. Fadhi qarsoodi ah ayuu Guddoomiyaha Guddigu ku akhriyayaa qaraarka guddiga.
3. Nuqul ka mid ah qaraarka waxaa la siinayaa garsooraha lagu qaaday dacwadda anshaxa ama ku xigeenka xeer ilaliyaha guud.
4. Qaraarka ku sheegan Farqadda (1) ee qoddobkan, waxaa ku waajib ah Wasaaradda
Cadaaladda in ay ku fuliso qaraarka Guddiga cadaaladda muddo Toddoba (7) maalmood gudahood ah. Haddii aan qaraarka cabasho laga qaadan.
Qod. 45’aad
Ku dhawaaqida Qaraarada Gudiga
Way u bannaan tahay guddiga Cadaaladda in uu garsoorayaasha/Ku Xigeenada Xeerilaaliyaha Guud ku rido mid ka mid ah Anshaxmarimahan soo socota midkood iyadoo loo eegayo Culayska gafkooda:
a) Canaan (af ama qoraal) ah.
b) In loo bedelo goob kale oo Gudigan Cadaaladu u aragto inay Culays ku tahay.
c) Gunno Ka jaris aan ka badnayn muddo 6 bilood ah.
d) Darajo Hoos u dhigid.
e) Shaqo ka joojin aan ka badnayn muddo 6 bilood ah.
f) Shaqo ka saaris.
Qod. 46’aad.
Ka Cabashada Go’aanada Anshaxa Guddiga Cadaaladda.
1. Garsooraha ama Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee uu ku dhacay go’aanka anshax marinta ee gudiga cadaaladu waxa u banaan cabasho sababaysan oo dib u eegis ah in uu usoo qorto Gudiga Cadaaladda 15 maalmood Gudahood oo ka bilaabmaysa marka Go’aanka la gaadhsiiyo.
2. Gudiga Cadaaladu markuu helo cabashada Garsooraha ama ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee anshax marintu ku dhacday waxa u banaan: -
a) Inuu ayido Go’aankiisii hore.
b) In uu wax ka bedelo anshax marinta hore.
c) In uu baa’biyo eedii iyo anshax marintii labadaba.
d) Garsooraha ama ku xigeenka xeer - ilaaliyaha guudna u celiyo Sharaftiisii. Ma banaana in wax ka bedelka eeda ama anshax marinta garsooraha ama ku
xikeenka xeer ilaaliyaha guud u keento anshax marin ka culus ta uu ka cabanayo.
3. Go’aamada Dib u eegista ka soo baxa Gudiga Cadaalada waa kama danbays
4. Anshax marinta Shaqo ka joojinta ama shaqo ka saarista ah Garsooraha ama Ku
xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud waxay fulaysaa isla marka lagu dhawaaqo Go’aanka.
QAYBTA SHANAAD
Qod. 47’aad
Xeer - ilaalinta guud
1. Xarunta Xeer ilaalinta guud waa magaalo madaxda, Gobol kastana waxa ka furnaan doona Xafiiska ku xigeenadda xeer ilaaliyaha guud.
2. Magacaabista iyo Xil ka qaadista Xeer - ilaaliyaha guud waxaa soo jeedinaya Madaxweynaha, waxaana oggolaanaya ama ku diiday Golaha wakiiladda.
3. Ku xigeenadda xeer ilaaliyaha guud waxa magacaabaya Guddigga caddaalada ka dib markay dhagaystaan soo jeedinta xeer ilaaliyaha guud.
4. Xeer ilaaliyaha Guud marka uu maqan yahay ama gudan waayo xilkiisa sababo caafimaad, karti daro ama shaqo ka tagis waxa si ku meel gaadh ah xilka u sii haynaya Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Darajo ahaan ugu xiga Xeer ilaaliyaha
Guud.
Qod. 48’aad
Shuruudaha Qofka loo magacaabayo Xeer - Ilaaliyaha Guud
1. Waa in uu u dhashay Somaliland.
2. Waa in uu haysto shahaado Jaamacadeed oo Xaga sharciga ah oo la aqoon sanyahay.
3. Waa in aanu ku dhicin xukun ciqaabeed ka dhashay danbiyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha.
4. Da’ahaan waa in aanu ka yaraan 35 Sanadood.
5. Waa in uu yahay qof maskax ahaan caafimaad qaba.
6. Waa in uu ku soo shaqeeyay Garsoore, Qareen, Ku xigeen Xeer ilaalye Guud, Ama barre Jaamacad Sharci muddo aan ka yarayn 10 sanadood.
7. Waa in uu ku sifoobo akhlaaq wanaag mudada uu shaqaynayayna leeyahay diiwaan wanaagsan.
8. Waxa kaloo Xeer ilaaliye Guud loo magacaabi karaa, Sarkaal Sare oo Boolis ah kana soo baxay Kuliyad Danbi Baadhiseed la aqoonsanyahay, kuna soo shaqeeyay hay’adaha danbi baadhista ama ku xigeen xeer ilaaliye guud muddo 10 sano ah.
Qod. 49’aad
Xilka iyo Waajibaadka Xeer ilaalinta - Guud.
1. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud wuxuu dhawrayaa ilaalinayaana shuruucda dalka,
xuquuqda madanigga ah ee agoonta iyo dadka tamarta daran ee aan lahayn awoodda ay iska difaacaan maxkamad horteeda.
2. Wuxuu oogayaa kana qayb galaa dacwadaha ciqaabta isagoo qaranka matalaya.
3. Wuxuu amraa baadhista dacwadaha ciqaabta isagoo adeegsanaya Boliiska qaranka iyo laamihiisa baadhista.
4. Wuxuu danta caamka ah awgeed ka qayb galaa dacwadaha madanigga ah ee ka qayb galkeedda sharcigu tilmaamayo, rafcaana ka qaataa go’aamada ka soo baxa hadduu ku qanci waayo.
5. Wuxuu kormeeraa ilaaliyaana xaaladda nololeed ,caafimaad, iyo nadaafadeed ee xabsiyada dalka, iyo meelaha kale ee dadka lagu xidho, isagoo hagaajinta wixii ka xun u gudbinaya meelaha ay khusayso, kuna dabagalaaya.
6. Wuxuu oogaa dacwada ka dhanka ah golayaasha guurtida, Golaha Wakiilada iyo Wasiirada kadib marka dhawrsanaanta laga xayuubiyo.
7. Wuxuu soo hordhigaa madaxweynaha eedaynta Wasiir ama Wasiir ku xigeenada.
8. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud wuxuu yeelanayaa kaaliye sare oo masuul ka ah macluumaadka danbiyada dalka ka dhaca.
9. Wuxuu hagaa baadhista Dacwadaha Ciqaabta ee booliska baadhistu Gacanta ku hayaan.
10. Wuxuu magacaabaa Wakiilada Xeer ilaalinta ee Gobolada iyo Degmooyinka.
11. Isaga oo raacaya Habka shaqo qorista Xeerka Shaqaalaha Dawladda waxaa uu qoraa shaqaalaha looga baahdo xafiisyada Xeer ilaalinta.
Qod. 50’aad
Xilka iyo Waajibaadka Ku xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud
1. Waxay xeer ilaaliyaha guud ku matalaan Gobolada.
2. Waxay qabtaan hawlaha kale ee Xeer ilaaliyaha guud u magacaabo ee la xidhiidhi Xilka Xeer ilaalinta.
3. Dacwadaha Ciqaabta ah ee horyaala Maxkamada Sare iyo Maxkamadaha Rafcaanka. Gobolada waxa ka qayb geli kara oo keli Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Ku xigeenadiisa.
Qod. 51’aad
Dhawrsanaanta Xeer ilaaliyaha Guud & Ku xigeenadiisa.
1. Xeer ilaaliyaha guud iyo ku xigeenadiisa lama xidhi karo. lamana baadhi karo haddaan laga qaadin dhawrsanaanta ama aan lagu qaban iyaga oo faraha kula jira danbi ciqaabtiisu gaadhayso ugu yaraan saddex sanno (3)
2. Xeer ilaaliyaha guud waxa dhawrsanaanta ka qaadi kara Madaxweynaha oo kaliya. Sida ku cad dastuurka qodabkiisa 114aad, farqadiisa 2 aad
3. Ku xigeenada xeer ilaaliyaha guud waxa xilka iyo dhawrsanaanta ka qaadi kara Guddida Cadaalada oo kaliya .
Qod. 52’aad
Dirayska Bahda Garsoorka.
Dirayska bahda garsoorka waxa xeer-nidaamiye ku soo saaraya Guddida Cadaaladda.
Qod. 53’aad
Garyaqaanka Guud ee Qaranka.
1. Waxa Madaxweynuhu magacaabayaa garyaqaan guud.
2. Qaryaqaanka guud wuxuu ka furanayaa dacwad madani ah ama idaari ah maxkamadda awoodaha u leh isagoo dhawraya danta guud.
3. Wuxuu ka qayb galayaa dacwadaha madanigga ah, iyo idaarigga ee dawladdu dhinac ka tahay.
4. Wuxuu faafin rasmi ah ku soo saarayaa shuruucda dalka.
5. Wuxuu xagga sharcigga kala taliyaa xukuumadda iyo laamaheeda.
6. Wuxuu diiwaan galinayaa kaydiyaa hantidda ma guurtadda ah ee qaranka.
7. Xafiiska qaryaqaanka guud waxa uu yeelanayaa xeer nidaamiye u gaar ah.
Qod. 54’aad
Shuruudaha Lagu soo xulanayo Garyaqaanka Guud.
1. Qofka loo dooranayo Garyaqaanka guud waa in uu buuxiyo shuruudaha ku tilmaaman Qodobka 12aad ee garsoorayaasha Maxkamada Sare.
Qod. 55’aad
Shuruudaha lagu soo dooranayo Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud.
1. Ku xigeenka Xeer – Ilaaliyaha Guud waxa loo soo magacaabi kara qofkasta oo buuxinaya shuruudaha ku tilmaaman qodobka 23aad ee xeerkan
QAYBTA LIXAAD
Qod. 56’aad
Shir waynaha Hay’adaha Garsoorka
1. Hay’addaha garsoorku waxay yeelanayaan shirweyne sanadeed kaas oo loogu yeedhayo shirweynaha hay’addaha garsoorka, kaas oo qabsoomaya maalinta gudoomiyaha maxkamada sare ku cayimo fasax sanadeedka, waxaana shirweynahaas furaya madaxweynaha J.S. L ama cidii uu wakiisho.
Qod. 57’aad
Xubnaha Shirweynuhu ka kooban yahay.
Xubnaha Shirwaynuhu ka kooban yahay waxa weeye:
1. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiye ku xigeenka maxkamadda Sare, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Rafcaanka, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha
Goboloda, Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Degmooyinka iyo Dhamaan garsooreyaasha Maxkamadaha.
2. Xeer– Ilaaliyaha Guud iyo ku xigeennada Xeer ilaaliyaha guud.
3. Wasiirka Caddaaladdu waa uu ka qayb-geli karaa, balse ma codayn karo.
4. Guddiyada shuruucda ee baarlamaanka waa ay ka qayb geli karaan balse ma codeyn karaan.
5. Guddida cadaalada.
6. Kulliyadaha sharciga ee Jaamacadaha Dalka iyo Ururweynaha Qareennada Somaliland waa lagu marti qaadi karaa shirweynaha, dhammaantoodna way ka qayb geli karaan dooda, fikirkoodana way dhiiban karaan, balse xaq uma laha in ay codeeyaan.
Qod. 58’aad
Awoodaha iyo Waajibaadka Shirweynaha
Waajibaadka iyo Awoodaha Shirweynuhu waa:
1. In uu ka doodo dhibaatooyinka iyo mushkilada soo waajaha Garsoorka.
2. In uu ka doodo oo uu go’aamiyo arrin kasta oo hore loogu marinaayo Garsoorka Dalka.
3. In uu Golaha wakiilada usoo gudbiyo soo jeedimo ku saabsan goldaloolooyinka ku jira xeerarka ay maxkamaduhu ku dhaqmaan ee u baahan in wax laga beddelo iyo shuruucda u baahan in la sameeyo ama ansixiyo.
4. In uu qabto hawl kasta oo hab socodka garsoorka kor u qaadaysa iyo
5. In uu soo saaro qaraarro iyo awaamiir waxtar u leh dhaqaajinta garsoorka.
Qod. 59’aad
Nidaamka Shaqo ee Shirweynaha
1. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa ah Shir guddoomiyaha shirweynaha.
2. Kaaliyaha Maxkamadda sare ayaa ah Xog – haya shirweynaha.
3. Shirweynaha waxaa la qabanayaa sannadkiiba hal mar.
4. Kooramka shirku waxa uu buuxsamayaa marka ay sadex meelood laba meelood xubnaha xaqa codaynta leh ay joogaan (2/3). Go’aannada waxaa lagu meelmarinayaa cod hal dheeri ah (Simple majority). Haddii ay codayntu isle’egkaato waxa aqlabiyadda noqonaya dhinaca uu Gudoomiyuhu u codeeyo.
Qod.60’aad
Laalid & Dhaqangal
1. Wixii xeer ah ee ka soo horjeedda sharciggan ama aan la socon karin wuu burayaa.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa marka madaxweynuhu saxeexo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah.
3. Xubnaha garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha iyo shaqaalaha kale ee xeerkan ku xusan waxa xeerkan la waafajinayaa mudo (3) sadex bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta xeerkan madaxwaynuhu saxeexo.
ALLAA – MAHAD LEH
C/RAXMAAN MAXAMED C/LAAHI GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA J.S.L
|
MAXAMED XASAN KAAHIN(KEYSE), XOGHAYAHA GUUD EE G/WAKIILADA J.S.L
|
|
|
|