JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XEERKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA: XEER LR. 23/2002
(& 2007 )
REGIONS & DISTRICTS LAW: LAW NO: 23/2002 AS AMENDED
IN 2007
Markuu
Arkay: - Qodobada
109, 111 iyo 112 Ee Dastuurka.
Markuu
Garowsaday:- Gol dalooloyinkii xeerkii hore ee
ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka iyo sida loogu baahan
yahay
in lagu sameeyo dib u habayn iyo sixid.
Markuu
Arkay: - Muhimada
Balaadhan Ee ay leeyihiin dhismaha Golayaal Deegaan oo Dadweynuhu doortay, oo
Nasteex
u ah horumarinta iyo Daryeelka Danaha Umadda.
Markuu Tixgaliyey:- Duruufaha Dhaqan dhaqaale iyo heerka
koboca garaadka siyaasiga ee bulshada somaliland
Markuu Qaderiyey:- Ahmiyada weyn ee uu leeyahay
ismaamulka gobolada iyo degmooyinka iyo baahida loo qabo hoos u daadejinta
xukunka.
Marku Aqoonsaday:- Siday lama huraan u tahay iswaafajinta
nadaamka siyaasadeed ee habka xisbiyada badan iyo habka
ismaamulka gobolada iyo degmooyinka.
Markay u Cadaatay:- In ay waajib tahay dejinta iyo soo
saarida xeerkan, maadaama ay u cadilan yihiin hawlo muhiim u ah
habsami u socodsiinta ismaamulka gobolada iyo degmooyinka.
Marku ku Qancay:- in
nuxurka xeerkani xambaarsan yahay uu sixid iyo toosinba u noqon karo
qaladaadkii iyo murankii hore u jiray.
Markuu u Codeeyay :
Dib-u-eegistii iyo Soo jeedintii Golaha Guurtida
QODOBKA
1aad
Gobol :
waxa loola jeedaa
Gobolada uu u qaybsan yahay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Ee Xeerkani
tilmaamayo.
Gole Hor. ee Gobol: Waxaa loola jeeda Gole ka kooban Gudida
Fulinta ee Gobolka, Maayarada Degmoyinka ee Gobolka iyo Madaxda laamaha Dawlada
ee Heer Gobol
Gole Hor. Ee Deg.: Waxaa loola jeeda gole ka kooban Gudida
Fulinta ee Degmada, Madaxda laamaa dawlada iyo Taliyeyaasha Ciidama ee Heer
Degmo.
Degmo: Waxa loola jeedaa Degmooyinka ay u qaybsamaan
Goboladda Dalka JSL Ee xeerkani tilmaamayo.
Xuduud/aha: Waxa loola jeedaa xariiqyada Khariidada Dalka Ee xadeeya
Gobolada Dalka JSL wadaagaan ama Gobol la wadaago Dalalka aynu Jaarka nahay Ee
Xeerkani tilmaamay.
Soohdimaha: waxa loola jeedaa soohdimaha u dhaxeeya Degmooyinka
Dalka Ee xadeeya jiidaha Maamulka Degmada hoos yimaada.
Gole Deegaan: Waxa loola jeedaa (Gole Degmo)
Xubnaha Dadweynuhu si sharci ah ugu doorteen hogaaminta Maamulka iyo sharci
Dejinta Degmada.
Duqa/Mayor: Waxa loola jeedaa Xubinta Golaha Deegaanka Ee Degmo iska
dhex doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha Degmada iyo kan Golaha Deegaanka.
Xoghaye Fulin
Ee Gobol Waxaa loola jeeda sarkaalka ugu sareeya
shaqaalaha Xarunta Gobolka ee uu soomagacaabo Wasiirka Arrimaha Guduhu
Xoghaye Fullin
Degmo Waxa loola jeedaa hawlwadeenka ugu sareeya
shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Degmada ee uu soo magacaabo Golaha Degaanka
Degmadu
Gudomiyaha
Degmada: Waxa loola jeedaa musuulka guud ee Dawladda ee heer
Degmo (District Commissioneer) ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmadda
(Mayor)
Taliyaha Saldhiga: Waxa loola jeedaa Taliyaha ciidanka
Booliska ee heer Degmo(District Police Commissioner)
Wasiir: waxa loola jeedaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha
Gudaha JSL.
Wasaaradda: Waxa loola jeedaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Darajooyinka: Waxa loola jeedaa maqaamka degmo loo
qoondeeyay markii la qiimeeyay, waxsoo saarka, dhaqaalaha, tirada Dadweynaha,
baaxada Dhulka IWM. Sida xeerkani tilmaamayo.
1. Qaab dhismeedka Dalka JSL wuxuu ka kooban yahay una qaybsamaa Gobolo
iyo Degmooyin
2. Caasimada Dalka Jsl waa Hargeysa waxayna yeelan doontaa Xeer u gaar
ah
3. Gobolkii hore ee waqooyi Galbeed wuxu isu-beddelay Gobolka Maroodi-jeex, laga
bilaabo Ansixinta Xeerka Caasimadda.
QODOBKA 3AAD
Shuruudaha (Criteria) lagu magacaabi karo Gobol ama
Degmo waxa waajib ah inay ku salaysnaato buuxinta shuruudaha hoos ku qoran:-
1. Baaxada Dhulka ay ku fadhido.
2. Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku
nool.
3. Wax soo saarkeeda iyo Khayraadkeeda Dabeeciga ah
Ee ay leedahay.
4. Isku filaansho iyo hanashada Adeegyada Arrimaha
Bulshada, waa in ay
degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda
ugu
yaraan
QODOBKA
4AAD
Faahfaahinta shuruudaha Qiimeynta ee lagu magacaabi
karo Gobol iyo Degmo Ee ku qoran Qodobka 3aad farqadahiisa 1, 2, 3, 4, ee
Xeerkan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku soo saaraysa Xeer Nidaamiiye
sababaynaya, waxaana ansixinaya Labadda Gole (Guurtidda Wakiiladd), sida ku cad
Dastuurka Qoddobkiisa 109aad, faqradiisa 3aad.
QODOBKA
5AAD
Jamhuuriyadda
Somaliland waxay u qaybsantaa (6) Lix Gobol oo kala ah:-
Ø Gobolka Maroodi Jeex.
Ø Gobolka Togdheer.
Ø Gobolka Sanaag.
Ø Gobolka Awdal.
Ø Gobolka Sool.
Ø Gobolka Saaxil.
Gobolkiiba waxaa
uu u qaybsamaa Degmooyin darajadoodu kala yihiin
A,B,C,D.
Magaalo Madaxda
Gobol kasta Darajadeedu waa “A” oo ah kuwan soo
socda:-
MAGACA
MAGAALO MADAXDA. DARAJADA.
1.
Caasimadda
Hargeisa. “A”
2.
Burco “A”
3.
Ceerigaabo “A”
4.
Boorama “A”
5. Laascaanood “A”
6. Berbera “A”
QODDOBKA
6AAD
DARAJOOYINKA
DEGMOOYINKA DALKA.
1). Gobolka
Maroodi Jeex.
MAGACA
DEGMADA DARAJADA
Caasimaadda
Hargeisa (Ku-meel-gaadh) A.
Gabilay A.
Baligubadle C.
Salaxlay C.
Faraweyne D.
Sabawanaag. D.
Caddaadlay. D.
Daarasalaam. D.
Allaybaday. D.
Dacar Budhuq. D
2. GOBOLKA
TOGDHEER.
MAGACA
DEGMADA. DARAJADA
Burco A.
Oodwayne B.
Buuhoodle B.
Duruqsi D.
Sh. Xasan Geelle D.
Qoryaale. D
3).
GOBOLKA SANAAG.
MAGACA
DEGMADA. DARAJADA.
Ceerigaabo A.
Ceel-af-weyn B.
Badhan B.
Laas-qoray C.
Dhahar C.
Gar-adag C.
Maydh D.
Darar-weyne D.
Fiqi-fulliye D.
Xiis D.
4).
GOBOLKA AWDAL.
MAGACA
DEGMADA DARAJADA.
Boorama A.
Baki C.
Saylac B.
Lughaya C.
Dilla D.
5).
GOBOLKA SOOL.
MAGACA
DEGMADA. DARAJADA.
Laascaanood A.
Caynabo C.
Taleex C.
Xuddun C.
Boocane D.
Yagoori D.
6).
GOBOLKA SAAXIL.
MAGACA
DEGMADA. DARAJADA.
5. Xaggal. D.
1.
Xuduudaha Lixda Gobol Ee JSL ka kooban tahay waxay
ku salaysan yihiin Xuduudahii ay lahaan jireen lixdii Degmo Ee Waaweynaa Ee
jiray xiligii Ingiriiska ka hor 26/06/1960 Ee kala ahaa Hargeysa, Burco,
Ceerigaabo, Laascaanood, Boorama iyo Berbera kuwaasoo isku beddelay Gobolladda
JSL hadda ka kooban tahay.
2.
Degmooyinkii
hore loo magacaabay xilliyadii
Xukumaddii hore ee Somaliya kana farcamay lixda Degmo ee ku xusan Qodobkan
farqadiis 1aad, waxay noqonayaan Xududihii Degmooyinka xiligii Ingiriiska ee ay
ka farcameen ee hadda ah Lixda Gobol ee JSL.
3.
Degmooyinka darajada “D” waxa loo samayn doonaa
Golayaal Deegaan marka Xuduudahooda la sugo dib u qiimayn Degmona lagu sameeyo
Goleyaashuna Ansixiyaan.
4.
Degmo kasta oo la magacaabo waxay xuduudaheedu ku
jirayaan xuduudihii Gobolka iyo soodimihii Degmada ay ka farcantay, sida ku cad
xarafyada kala ah A,B,C Ee Qodobkan.
WAX KA BEDELKA GOBOLADA IYO
DEGMOOYINKA XUDUUDAHOODA
1.
Degmooyinku waxay ku mutaysan karaan darajo bedelid
oo noqon karta dallacaad darajo ama hoos u dhigid darajo, ama waayis marka la
qiimeeyo ayada oo laga duulaayo Qodobka 12aad Farqadiisa 1aad Ee Dastuurka iyo
Qodobka 3aad Ee Xeerkan.
2.
Xukuumadda waxa waajib ku ah inay dib u qiimayn ku
samayso Darajooyinka Degmooyinka B iyo C, muddo aan ka badnayn (12) Bilood oo
ka bilaabanta taariikhda dhaqangalka xeerkan, una soo gudbiso golaha
barlamaanka si uu u ansixyo.
QODOBKA
9aad
KALA XADEYNTA
XUDUUDAHA GOBOLADA & SOOHDIMAHA DEGMOOYINKA
Kala
xadeynta Xuddudaha Gobollada iyo Soohdimaha Degmooyinku waa xilka Wasaaradda
Arrimaha Gudaha, iyada oo kaashanaysa Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Qaranka ee
qaabka farsamo u soo geli kara, waxana ogolaanaya Golaha Barlamaanka.
QODOBKA
10aad
Wax ka bedelka tirada Gobollada iyo Degmooyinka ama
xuduudahooda iyada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda waxaana
oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida sida ku qeexan Xubinta 2aad,
Qodobka 109aad, Farqadiisa 3aad.
1.
Awoodda ismaamulku wuxuu ku ekaanayaa, heer Gobol
iyo heer Degmo sida uu tilmaamayo Qodobka 112aad Ee Dastuurka JSL.
2.
Degmo kasta waxa ku waajib ah inay suurtageliso
hanashada adeegyo bulsho iyo dhaqaale oo xilkoodu saaranyahay; sida
caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose/dhexe, nabadgelyada gudaha,
xanaanada xoolaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta, ilaalinta deegaanka iwm, hadba
heerkay hanan karaan.
QODOBKA
12aad
GOLE
GOBOL
1. Inta laga soo dooranayo Gole Gobol,
Gobol kastaa wuxuu yeelanayaa Guddi fulin iyo Gole hor’umarineed oo ka
kooban sidan soo socota:-
Guddiga
Fulintu wuxuu ka koobnaan doonaa:-
1.Guddoomiye
Gobol Guddoomiye
2.Guddoomiye
ku Xigeen Gobol Xubin
3.Xoghayaha
Fulinta Gobolka Xoghaye
2. Guddiga Fulinta
Gobolka waxaa soo magacaabaya Xukuumadda Dhexe, waxaana loo magacaabayaa sida ku cad Qodobka 111aad,
Farqadiisa 5aad Ee Dastuurka.
3. Guddoomiyaha Gobolka iyo ku Xigeenkiisa waxaa lagu magacaabayaa Xeer
Madaxweyne, Xoghayaha Fulinta Gobolkana waxaa lagu magacaabayaa
Digreeto Wasiir.
b) Golaha
Gobolku wuxuu ka kooban yahay
1.
Gudoomiye Gobol Guddoomiye .
2.
Gudoomiye ku Xigeen Gobol Xubin.
3.
Xoghayaha Fulinta Gobolka Xoghaye.
4.
Maayarada Degmooyinka Gobolka Xubno.
5.
Madaxda Laamaha Dawladda ee Gobolka
Xubno.
oo kala talin doona xag farsamo
oo aan cod ahayn.
QODOBKA
13aad
XILKA
GOLAYAASHA GOBOLKA
Go’aaminta Arrimaha Siyaasadeed, dhaqaale, Maamul
iyo Nabadgalyo iyo
Hor’umarineed Ee saameeya Gobolka:-
v Dib u
eegid Miisaaniyaddaha Degmooyinka Gobolka.
v Adkaynta
Nabadgelyada iyo Suggida Amaanka.
v Dib u
eegid go’aamada Maamul iyo Siyaasadeed Ee Degmooyinka Gobolka.
v Dhex-dhexaadinta
Degmooyinka iyo Bulshada Gobolka.
v Dhismaha
guddi hoosaadyo Goluhu u wakiilan karo hawl gaar ah.
XILKA IYO
WAAJIBAADKA GUDDOOMIYAHA GOBOLKA
Guddoomiyaha Gobolku waa xidhiidhiyaha Xukuumadda
dhexe iyo Degmooyinka Gobolka isaga oo hoos imanaaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Waajibaadka iyo xilkiisuna yahay sida tan:-
ü -Inuu
horumariyo ama gaadhsiiyo Gobolka iyo Degmooyinkiisa Siyaasadda Dawladda Dhexe
Ee ku wajahan dhaqaalaha, Bulshada, Nabadgalyada iyo Maamulkaba.
ü Inuu
hogaamiyo Waaxaha Gobolka Ee ka wakiil ah, Hay’addaha D/Dhexe isaga oo
kormeeraya qorshayaashooda wax qabad hawlgal.
ü Fulinta
iyo Dabagalka meel marinta Shuruucda Qaranka.
ü Dhex-dhexaadinta
Degmooyinka iyo magacaabidda Guddiga dhexaadinta Ee heer Gobol ah.
ü Xidhiidhinta
iyo diyaarinta warbixin Goboleedka.
ü Xidhiidhinta
D/Dhexe iyo Maamulka Gobolka iyo Degmooyinka.
ü Soo
jeedinta xil u dhiibista iyo ka qaadista Mas’uulinta Laamaha Dawladda ee heer
Gobol iyo Degmo.
ü Ka warbixinta
Madaxda Wasaaradaha, Hay’addaha Qaranka Ee heer Gobol iyo Degmo.
ü Guddoominta
Fadhiyada Golaha Gobolka.
ü Nabadgalyada
& Kormeerka Gobolka.
ü Waa
madaxa Hay’adaha nabadgelyada iyo maamulka ee heer gobol.
QODOBKA
15aad
XILKA
GUDOOMIYE XIGEENKA GOBOL
1. Gobol
kasta wuxuu yeelanayaa Gudoomiye xigeen gobol oo xukuumaddu soo magacawdo,
wuxuuna qaban doonaa xilka Gudoomiyaha
Gobolka
marka uu maqanyahay iyo wixii kale ee uu
Gudoomiyuhu u igmado.
2. Xilka
ka qaadista Godoomiye Xigeenka waxaa iska leh Xukuumadda
QODOBKA
16aad
XILKA IYO
WAAJIBAADKA XOGHAYE FULIN GOBOL
Hagista
Maamulka & Maaliyadda, Kormeerka iyo la socodka wax qabadka Shaqaalaha
Xarunta Gobolka iyo hawlgalka dhamaan Hay’addaha Gobolka
(Kuwa
Madaxa banaana iyo kuwa kaleba).
Qabashadda
iyo Maaraynta hawlaha uu xilsaaro Guddoomiyuhu.
Diyaarinta
Warbixinada Gobolka.
Dabagalka
warbixinada Gobolka.
Qodobka 17aad
XIDHIIDHKA LAAMAHA DAWLADDA DHEXE EE HEER DEGMO IYO
GOLAHA DEEGAANKA
1. Degmo kastaa waxay yeelanaysaa Gudoomiye
Degmo (DC) oo ah Duqa Degmada (Mayor).
Xilka Gudoomiyaha Degmada:
b. Waa Gudoomiyaha Laamaha Dowlada Dhexe ee
Heer Degmo.
t. Wuxu Gudoominayaa Fadhiyada Golaha Laamaha
Dowlada ee Heer Degmo.
j. Waa Madaxa Hay’adaha Nabad Gelyada Ee Heer
Degmo.
x. Waa Xidhiidhiyaha Golaha Deegaanka, Dowlada
Dhexe ee Heer Degmo iyo
kh.
Maamulka Gobolka.
d. Xidhiidhinta, Kormeerka iyo Diyaarinta War
Bixinta Degmada.
2. Degmo kasta waxay yeelanaysaa maamul guud oo
isku xidha Hay’adaha dawladda ee heer degmo oo dhan.
3. Degmo kastaana waxay
yeelanaysaa Gole Horumarineed oo ka kooban; Xubnaha guddida fullinta ee golaha deegaanka, madaxda
laamaha dawladda
iyoTaliyayaasha ciidamada ee heer degmo.
4. Golaha Horumarinta degmada waxa Gudoomiye u
ah Duqa Degmada ahna Gudoomiyaha Degmada (District Commissioneer), Xoghayna
waxaa u ah xoghayaha Dawladda Hoose .
5. Golaha
horu-marinta ee Degmaddu wuxuu yeelanayaa qorshe horu- marineed oo waafaqsan kan Guud ee
Qaranka.
6. Xoghayaha
dawladda Hoose iyo madaxda laaamaha dawladda ee heer degmo waa guddida
farsamada ee heer degmo.
7. Madaxda laamaha
Dawladda iyo Taliyayaasha ciidamada ee heer degmo iyaga oo ka tirsan
hay’adahoodii, waxay u hogaansamayaan talooyinka iyo awaamiirta kale ee kasoo
fula gudoomiyaha Degmada, isla markaasna waxay si joogto ah ula socodsiinayaan
warbixin maalmeedka (daily report), Bileedka (monthly) iyo tan sannadkaba (yearly).
8. Gudoomiyaha Degmadu mar kasta oo baahi shaqo
ka timaado dhinacyada nabadgelyada iyo maamulkaba, wuxuu ku amrayaa
taliyaha saldhiga booliska (District
police commissioneer)ee degmada inuu
hawlgelyo ciidanka.
9. Taliyaha Saldhigana
waxa waajib ku ah inuu fuliyo awaamiirtaas kasoo baxday gudoomiyaha degmada,
isaga oo la socodsiinaya taliskiisii ciidan
ee Gobol iyo Guudba.
XUBINTA
4AAD
GOLAHA DEEGAANKA
QODOBKA 18AAD
GOLAYAASHA DEGMOOYINKA
Tirada Mudanayaasha
Golayaasha Deegaanka Ee Dawaladdaha hoose waxay ku salaysan yihiin
darajooyinkooda oo kala ah: -
Caasimadda Hargeysa 25
Xildhibaan.
Degmooyinka Darajada “A” 21 Xildhibaan.
Degmooyinka Darajada “B” 17 Xildhibaan.
Degmooyinka Darajada “C” 13 Xildhibaan.
Degmooyinka Darajada “D” 9 Xildhibaan.
DOORASHADA
MUDANAYAASHA
1.
Doorashada Mudanayaasha Goboladda iyo Degmooyinka
JSL waxa lagu dhaqayaa Xeerka Doorashooyinka Ee markaas dhaqan galka ah.
2.
Golayaasha Deegaamadu xil gudashadoodu waa tabaruc
mana yeelanayaan hawl maalmeed joogto ah
marka laga reebo Guddiga Fulinta iyo guddida joogatada ah.
3.
Golayaasha Deegaanku waxay ku iman doonaan Tartan
doorashooyin Ee Nidaamka Saddexda Xisbi Qaran
Ee loolanka Golayaasha Deegaanka.
QODOBKA 20AAD
MUDDADA XILKA GOLAHA
1. Mudada Xilka Mudaneyaasha Golaha Degmada waa
shan (5) sanno oo ka bilaabmanta maalinta Maxkamaddu Go’aanka doorashada ku
dhawaaqdo.
2. Xilka
Golehii hore ee Degamdu, wuxuu ku egyahay (14) Afar iyo toban cisho ka dib,
maalinta Maxkamaddu ku dhawaaqdo Go’aanka Doorashada Mudanayaasha cusub.
3. Inta Duqa
iyo Ku-Xigeenkiisa cusub la soo dooranayo waxa xilka sii haynaya Xubnihii
Guddiga fulinta ee hore, balse waxa ka reeban: -
b. Qandaraas
bixin qalab, Gaadiid, iyo maalgalin mashaariiceed.
t. Xaraash
amba bixin Hanti Golaha Degmadu leeyahay.
j. Shaqaale
qoris, Dallacaad, Beddelaad iyo Ruqsayn.
x. Magacaabis
Guddiyo ama Saraakiil.
Kh. Saxeex
heshiis Dawladda hoose dhinac ka tahay.
d. Bixinta
iyo qorshaynta dhul cusub.
r. Gelida
kharashyada ka baxsan kuwa joogtada ah sida mushaharka,
s. gunada
shaqaalaha, shidaalka iwm.
QODOBKA 21AAD
WAAJIBAADKA MUDANAHA.
1. Mudanaha
la doortay waxaa ku waajibay u feejignaanta iyo la socodka baahida iyo
tabashada daweynaha, Xilna ka saaran yahay inuu u soo gudbiyo Golaha Deegaanka ee uu ka tirsan yahay
2. Wacyigelinta
iyo xidhiidhinta daweynaha asaga oo ku hanuuninaya kaalinta ay kaga jiraan
horumarinta Deegaankooda.
3. Inuu hormood ka noqdo, Horseed, abaabulo
arrimaha daryeelka iyo horumarinta Bulshada sida Caafimaadka waxbarashada,
Biyaha, Laydhka, Nadaafadda Guud I.W.M.
4. Inuu si
daacadnimo, Xilkasnimo iyo wadaniyad leh u fuliyo waajibaadka iyo xilka ka
saran xubinimada Golaha Deegaanka.
QODOBKA 22AAD
DIIWAANGALINTA HANTIDA MUDANAYAASHA.
Mudanuhu,
wuxuu bil gudaheed marka la doorto, ku diiwaangelinayaa hantida uu leeyahay mood iyo noolba.
Xoghayaha
Fulintu wuxuu samaynayaa, ilaalinayaa, kaydinayaa diiwaanka hantida
mudanayaasha.
QODOBKA 23AAD
XEER-HOOSAADKA
MUDANAYAASHA
1.
Golaha Deegaanku wuxuu diyaarinayaa Xeer-hoosaad la
xidhiidha hab dhaqanka laga rabo mudaneyaasha.
2.
Marka Xeer-hoosaadka la diyaariyo, waxa ansixinaya
Golaha Deegaanka waxaana loo soo gudbinayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
oo Xeer midaynaya Degmooyinka dalka soo saaraya.
3.
Marka Xeer-hoosaadka la ansixiyo ka dib waxa waajib
ku ah dhammaan mudaneyaashu inay ku dhaqmaan.
DHAWRSANAANTA XUBINTA GOLAHA.
1. Xubinta
Golaha cabiraada fikirkiisa iyo
aragtidiisa waa u xor.
2. Way ka
reeban tahay xukunkaas farqada 1aad ee Qodobkan wixii cay ah ama aflagaado ah ee xubintu geysato.
3. Xubinta Golaha lama qaban karo haddii aan
oggolaansho laga haysan Golaha ama aanu fal dambiyeed faraha kula jirin.
4. Xubin gole Hay’addaha baadhistu way u yeedhan
karaan haddii hawl baadhiseed ka soo gasho.
QODOBKA 25AAD
WAAYIDDA XUBINIMADA MUDANAHA
Shuruudaha ka reeban laguna waayi karo xubinimada
Golaha Degmada waxaa ka mid ah hadduu: -
1. Xubinta Geeri ku timaado ama xannuun suurtagalin
waaya gudashada xilkiisa oo Guddiga Dhakhaatiirta Gobolku caddayso.
2. Istiqaalad
qoraal ah keeno, iskiisna shaqada uga tago, Goluhuna oggolaado.
3. Shuruud
ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay haddii ay burto.
4. U
hoggaansami waayo ama uu jabiyo Xeer Hoosaadka Golaha Degmada, Goluhuna ku
ansixiyo kala badh mid lagu daray tirada Guud.
5. U
ololeeyo ka faa’iidaysi dan gaar ahaaneed xubinimadiisa.
6. Caadaysto
lunsi hanti qaran, laaluush, eex, Qabyaalad iyo qaraabo kiil.
7. Abuurid
ama ka qayb qaadasho hawlo lid ku ah Nabadgelyada iyo Xasiloonida qaranka.
8. Ka maqanaado
Golaha (10) toban fadhi oo isku xiga Sabab la’aan.
9. Ku dhaco
xukun Ciqaabeed oo Kama dambays ah oo Maxkamadeed.
10. Haddii ay
ku cadaato Lana Xaqiijiyo inuu Xil kale oo Qaran hayo.
11. Haddii uu
la yimado Anshax xumo Diineed ama mid dhaqan.
EEDAYNTA XUBINIMADA MUDANAHA
1. Xubnihii
la doortay Xubin ka mid ah haddii lagu soo oogo dacwad lid ku ah xubinimadiisa
waxaa loo maraya Maxkamadda ay khusayso.
2. Xisbina
ma bedelan karo xubin Golaha Deegaanka ah haddii aanay ku sifoobin shuruudaha
ku cad Q.26aad.
QODOBKA 27AAD
JAGADA BANNAANAATAY.
1. Xoghayaha
Fulintu wuxuu diiwaangelinayaa, una bandhigayaa Duqa Xubnaha jagooyinkoodu
bannaanaadeen sababahan soo socda dartood :-
a)Hadduu
ku sifoobo shuruudaha waayitaanka ee ku xusan Xeerkan Q.26aad.
2. Marka ay jago bannaanaato, waxaa jagadaas lagu
soo buuxinayaa hal Bil gudaheed, laga soo bilaabo taariikhdii Duqu ku dhawaaqay
Jagadaas bannaanaatay.
3. Jagadaas
bannaanaatay waxaa soo buuxinaya xisbigii laga soo doortay xubinihii murashixiinta
tartantay ka hadhay ee dhacay , sida ay u kala horeeyaan.
QODOBKA 28AAD
ISTIQAALADDA XUBINTA MUDANAHA AH.
1. Mudanuhu
wuu iska casili karaa Xilka isaga oo istiqaalad qoraal sababaysan u gudbinaya Duqa
Degmada, waxaana ansixinaya Duqa Degmada, ka dib markuu oggolaansho ka helo
Golaha Deegaanka .
2. Xubinta
istiqaaladda dhiibtay, goluhuna ka aqbalay, wuxuu Duqa Degmadu qoraal toos ah u
soo gudbinayaa Guddoomiyaha Gobolka oo u gudbindoona Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku soo
saari doona xeer wasiir una gudbin doona Guddiga doorashooyinka, xisbigii uu ka
tirsanaa si loo soo buuxiyo Jagada banaanaatay,lana waafajiyo sharciga xubinta
banaanaatay iyadoo la marinaayo Maxkamada Gobolka ee ay khusayso oo leh
sharciyaynta iyo Diiwaangalinta.
QODOBKA 29AAD
KALA DIRIDDA GOLAHA.
1. Marka ay
(3) kalfadhi oo is xiga sabab la’aan, Degmooyinka Darajada “A” & “B” fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan. Degmooyinka
Darajooyinka C, & D hadii 4 Kalfadhi oo isku xiga sabab la’aan u qabsoomi
waayaan.
2. Marka ay
(1/3) xubnaha Goluhu soo jeediyaan (2/3) Na ansixiyaan.
3. Marka
guddi gaar ah oo xilkas ah oo heer qaran ah oo madax banana uu Madaxweynuhu u magacaabo inay soo baadhan
gafafka dhacay ee lidka ku ah xil gudashadooda warbixin cadna ka keenan
4. Marka dadweynihii soo doortay ee Degmooyinka
Darajada “A” (5,000) Shan Kun oo Qof
Maxkamadda Gobolka iska diiwan galiyaan
kuna hor saxeexaan, soona jeediyaan in
la kala diro Golaha sidoo kale Degmooyinka Darajooyinka “B” “C” & “D” na
waa 2000 oo Qof.
5. Dadweynaha soo jeedinaaya Codsiga kala dirida
wax u shardi ah inay deggan yihiin Degmada kana diiwaan gashan yihiin, isla
markaana buuxiyaan shuruudaha Codeynta Ee sharciga doorashooyinku jideeyeen.
6. Marka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudduhu ku qanco, hubiyana, Xaqiijinta
ama ay jabiyeen Shuruudaha ku xusan Qoddobkan ee Sababta kala diridda Golaha
Deegaanka, Waxaa uu Wasiirku Awood u
leeyahay in uu soo jeediyo kala dirrida Golaha, una gudbiyo Madaxweyanaha oo leh
Awoodii kama danbaysata ah ee kala diridooda, Iyada oo loo marayo Maxkamadda
Awooda u leh kala dirridooda (Heer-Gobolka).
QODOBKA 30AAD
MUDADA KALA GUURKA.
1. Marka la
kala diro Golaha Deeganka waxaa soo buuxinaya Kuraasta Banaanaatay Kaydkii Axsaabta
Siyaasiga ah oo ku salaysan mid waliba saamigi uu ku lahaa Golihii hore.
2. Mudada kala
Guurka ah ee u dhaxaysa Golihii hore ee la kala diray inta lagu soo buuxinayo
Kuraasta banaanaatay Kaydkii Axsaabta Siyaasiga ah ee ay ku kala lahaayeen
Deeganka, waxaa xilka sii haynaya Xoghayaha Fullinta iyo Madaxda Waaxyaha ama
Laamaha Wasaaradaha, kuwaasi oo xilka sii fulinaya iyagoo raacaya Shuruudihii
hore, inta la soo buuxinayo, kuwaas oo noqon doona Golihii cusbaa.
XUBINTA
5AAD
DHISMAHA IYO
XILKA GOLAHA DEEGAANKA
QODOBKA 31AAD
DHISMAHA GOLAHA DEEGAANKA
Golaha Deegaanka wuxuu yeelanayaa: -
a)
Guddiga Fulinta
b)
Guddiga Joogtada iyo
c)
Guddi Hoosaadyo iyo guddiyo tuulooyin oo hoos
yimaadda Golaha Deegaanka Degmada
QODOBKA 32AAD
GUDDIGA
FULINTA.
Guddiga fulinta Golaha Deegaanka Degmada waxay ka
kooban yihiin: -
1.
Duqa Degmada Guddoomiye
2.
Ku-Xigeenka Duqa Degmada ku-Xigeen
3.
Xoghayaha Fulinta Xoghaye
QODOBKA 33AAD
GUDDIGA JOOGTADA.
Guddiga joogtada ah ee Golaha Deegaanka Degmadu
waxay ka kooban tahay: -
1.
Duqa Degmada.
2.
Ku-Xigeenka Duqa Degmada.
3.
Xoghayaha Fulinta.
4.
Guddoomiyeyaasha Guddi hoosaadyada Golaha Degmada.
QODOBKA 34AAD
1-Golaha Deegaanku Degmooyinka Darajooyinka A &
B afar Guddi Hoosaad oo kala ah: -
b)
Guddiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u xilsaaran
kormeerka :
1.
kobcinta dhaqaalaha iyo hirgelinta mashaariicda
2.
Dib u eegista & talo ka bixinta Xisaab xidhka
3.
Isku xidhka iyo dhiirigelinta Mashaariicda isku
tashiga
4.
Abuuridda Ilo dhaqaale oo cusub
5.
Dib u eegista & dabagalka miisaaniyadda.
t) Guddiga Nabadgelyada iyo
dhe-dhexaadinta oo u xil saraan: -
1.
Nabadgelyada dhex-dhexaadinta iyo xallinta
khilaafaadka ka soo dhex baxa Degmada
2.
La socodka, la xisaabtanka iyo ka warbixinta
hay’adaha nabadgelyada ee heer Degmo.
j)
Guddiga
arrimaha Bulshada oo u
xilsaaran kormeerka iyo ka warbixinta: -
1.
Caafimaadka, Waxbarashada, Deegaanka, Biyaha,
Laydhka, Daryeelka Misaajidada iyo malcaamadaha, Nadaafadda, Ciyaaraha, Fanka
iyo Suugaanta.
Kh) Guddiga hawlaha
Guud oo u xilsaaran kormeerka iyo ka war bixinta: -
- Jaangoynta Dhulk,
Diiwaangelinta, qorshaynta bixinta
Guud iyo naqshadaynta.
- Jaangoynta aagag qaybinta sida
warshadaha, Ganacsiga, Dalxiiska, Safaaradaha, Ciidamada, degaanada dadweynaha
I.W.M.
- Qorshaynta iyo kala soocidda
dhulka leh istimaalka Rasmiga ah iyo kan ku meel-gaadhka ah.
- Adeega Hawlaha Guud
2. Golaha Degmadu wuxuu kulankiisa caadiga ah ee ugu
horreeya Sannad kasta, iska
dhexdooranayaa Guddi Hoosaadyada ku xusan lambarka 1aad ee Qodobkan,
3. Xubnaha
Guddi Hoosaad kastaa waa inayna ka yaraan (3) xubnood kana badnaan (5) xubnood.
4. Xubin kasta ee Golaha Deegaanku hal Guddi ayey
xubin ka noqon kartaa.
5. Degmooyinka Darajooyinka C & D waxay
yeelanayaan laba Guddi hoosaad oo kala
ah: -
a. Guddi hoosaadka Arrimaha Dhaqaalaha iyo
Hawlaha Guud
b. Guddi hoosaadka Nabadgalyadda iyo Arrimaha
Bulshada.
6. Gole kasta waxaa uu xubnaha Guddi Hoosaadyada
dhexdooda ka dooran doonaan Guddoomiyayaashooda.
QODOBKA
35AAD
GUDDI
TUULO
1. Xubnaha Golaha Maamul ee Tuulada waxa soo
jeedinaya Gudoomiyaha Degmada isagoo la tashanaya Ganacsatada, Odayaasha &
Waxgaradka Tuulada, waxana ogolaanaya Golaha Deegaanka.
2. Tirada Guddiyada tuulooyinka waa inaanay ka
badan (7) xubnood , waxaanay isu sii qaybin karaan guddi Hoosaadyo.
QODOBKA 36AAD
XILKA GOLAHA DEEGAANKA
1.
Golaha Deegaanka wuxuu awood buuxda u leeyahay hawl
kasta oo ka mid ah kuwa lagu tilmaamay qodobkan oo looga fadhiyo ka midho
dhalintiisa ee ku jira xadka Degmadooda, sida:
b) Xoojinta iyo kor u qaadista
Nabadda, deganaanshaha, kala dambaynta iyo wanaajinta xukunka Dawliga ah.
t) Kobcinta iyo kor u qaadista dhaqaalaha.
j)
Kobcinta iyo kor u qaadista Arrimaha Bulshada, sida
waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Laydhka, Nadaafadda I.W.M.
x)
Wax ka qabadka iyo hagaajinta deegaanka, Dhiraynta, Xoolaha iyo fulinta
Awoodda kaabayaasha dhaqaalaha I.W.M.
Kh)Aasaasida
suuqyo badeeco, xoolaha iyo Kaluunka
d)
Kormeerka dhismooyinka cusub, kuwa la
cusboonaysiinayo iyo kuwa u baahan in la dumiyo.
r)
Ka hor tagga dhibaatada abaarta, duufaanada, dabka
halista ah iyo dhibaato kasta oo wax u dhimi karta dadweynaha .
s)
Daad guraynta dadweynaha hadii aafo dhacdo.
Sh)
Diyaarinta iyo fulinta barnaamijyada iyo Mashaariicda horumarineed.
Dh) Horumarinta Fank, Isboortiga iyo Suugaanta.
c)
Dhismo goobo biyood oo magaalooyinka iyo
tuulooyinka dhexdooda ah.
1.
Samaynta iyo dayac tirka wadooyinka.
2.
Soo jeedinta iyo codsiga wax ka beddalka iyo
habaynta Naqshadda magaalooyinka Degmadu ka kooban tahay.
3.
Diiwaan gelinta dadweynaha Degmada.
4.
Diwaan galinta hantida ma guurtada ah ee dadweynaha
Degmada ku nool iyo tan Dawladaba.
g)
Habaynta iyo aasaasida goobo ganacsiga iyo farsamo oo loogu danaynaayo
dadweynaha.
q) Noolaynta Shacaa’iirta
Islaamiga ah, wadaniga iyo Caalamiga.
f) Diyaarinta iyo oggolaanshaha
dib u eegista Miisaaniyadda D/Hoose.
k) Daryeelka Horumarinta Miyiga iyo
dhiirigelinta wax soo Saarka iyo
abaabulidda
l)
Dhiirigelinta Mashaariicda isku tashiga Bulshada.
m) Habaynta
Hawlaha aaska ( Qubuuraha ) astaynta dhulka Qabuuraha.
n)
Samayn goobo nasasho, wax akhris iyo Daawasho.
w) Isku dheeli tirka baahida shaqo xadaynta, qorshaynta iyo jaangoynya
shaqaalaha ka hawl gelaya waaxyaha D/Hoose, iyadoo laga duulayo hadba heerka
shaqaale iyo Darajada Degmo kasta.
h)
Ilaalinta iyo Daryeelka Goobaha taariikhiga ah.
y)
Dhiiri galinta Madax Banaanaynta (Privatisation)
iyo maal galinta wadjireed ( Joint Venture) ee dawlada iyo shirkadaha gaarka ah
ee adeegyada Bulshada sida Biyaha, Nalka Iwm.
2. Goluhu waa inuu leeyahay jaangoyn iyo qorshe uu
ku fuliyo ama kaga midho dhaliyo wax-qabadkiisa iyo waajibaadkiisa.
3. Awoodda Golaha waxa ka mid ah waxqabad kasta oo
wax loogu kordhinayo dad ama goob dibadda uga baxsan Deegaanka Degmada, haddii
loo arko inay muddan tahay waxtar marka oggolaansho laga helo Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
4. Goluhu wuxuu dejinayaa jaangooyo mudaysan oo ku
wajahan horumarinta iyo kor u qaadida Nabadgalyda iyo xasiloonidda, dhaqaalaha
Arrimaha Bulshada iyo ilaalinta Deegaanka Degmada, oo la jaan qaadaysa
jaangoynta horumarinta Dalka JSL.
5. Goluhu wuxuu awood u leeyahay inuu
jaangooyadiisa isbedel ku sameeyo,
isaga oo la
jaanqaadaya xawliga horumarka Dalka Jsl.
6. Goluhu markuu jaangooyadiisa wax ka bedalayo,
waxa uu tixgalinayaa Barnaamijka
Qorshaynta Qaranka.
i) Goluhu wuxuu awood u leeeyahay inuu heshiis la
galo ciddii faaiido ugu jirto dalka debediisa iyo gudihiisabe iyadoo la
waafajinayo shuruucda dalka u dejisan.
QODOBKA 37 AAD
XADIDAADA AWOODDA GOLAHA.
1. Waxaa ka reeban wax kasta oo ka hor imanaya Diinta, Dhaqanka, ama
Xeerarka dalka.
2. Waxaa ka reeban inuu ka hor-yimaado siyaasadda, qorshayaasha
iyo Barnaamijka xukuumadda sida ku cad
Q.110, faq/1aad ee Distoorka.
QODOBKA 38AAD
XILKA GUDDIGA FULINTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA.
Xilka
Guddiga fulinta Golaha Deegaanka waxa uu yahay: -
1.
Fulinta hawl maalmeedka maamulka ee Degmada
2.
Kormeerka iyo hubinta habsami u socodka hawlaha Degmada.
3.
Fulinta meel marinta iyo dhaqangelinta Go’aanda Golaha Deegaanka Degmada.
4.
Fulinta shuruucda, Xeerarka, iyo Go’aamada iyo amarada ka soo fula guddiga joogtada Golaha Deegaanka Degmada iyo
xukuumada.
5.
Diyaarinta fulinta iyo ku dhaqanka Miisaaniyadda.
6.
Dhaqangelinta meelmarinta iyo kormeerka mashaariicda horumarineed.
7.
Diyaarin warbixino fulineed ee hawlaha qabsoomay kalfadhiyada dhexdooda iyo
wixii aan qabsoomin usoo bandhigidooda Guddida joogatada ah.
8. Usoo
bandhigida guddida joogatda amarada degdeg ah ee ka soo baxa Xukuumadda ee aan
sugi karayn kalfadhiga Golaha.
9.
Awoodaha Fulinta ee Golaha waxaa ka mid ah: -
b.
Isticmaalka kharashyada.
t. Qabto,
bixiyo dhul iyo hanti kale dan guud awgeed ka dib
j. arkuu
ogolaansho ka helo guddida joogtada ah.
x. Soo
jeedin cashuur Dejin, Kordhin, Dhimis, qiimayn iyo khidmad saarida liisamada, iyo adeegyada
kale.
Kh.Waxay
heshiisyo la gali karaan cid kasta oo dani dhex-mari arto wixii heer Degmo ah.
d.Waxay
la xidhiidhi karaan macaamilna la yeelan karaan
Shirkad, qof iyo wixii ka badan ee khuseeya xilkooda.
r.
Waxay matali karaan cid kasta iyo hawl kasta oo qayb ay ka tahay D/Hoose.
s. Waxay
bixin karaan shaqaale, qalab, Adeeg iyo hoy mar kasta oo baahi timaado dan guud
awgeed.
10. Dejinta
iyo usoo jeedinta golaha qorista
shaqaalaha D/Hoose ee joogatda ah.
11. Shaqaalaha Dawladda Hoose
iyo Wakaaladdaha Biyahu waxay Wasaaradda Arrimaha Gudduhu u samaynaysaa
Xeer-nidaamiye u gaar ah.
12.
Ogolaanshaha fasaxa xubnaha Golaha Degaanka.
QODOBKA 39AAD
XILKA GUDDIDA JOOGTADA AH.
1. Xilka guddida
joogtada ah ee Golaha Deegaanka Degmada
waxay si ku meel gaadh ah u soo
saarayaan go’aano muddada u dhaxaysa kal-fadhiyada Golaha Deegaanka
2. Waxay
yeelanayaan Fadhiyo muddada u dhaxaysa kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha
Deegaanku u dhan yahay, waxay si ku meel gaadh ah awood u leeyihiin iney go’aan
ka gaadhaan arrimaha xaasaasiga ah, lama filaanka ah ee aan sugi karayn kal
fadhiga caadiga ah, sida nabadgelyo, siyaaso iyo maamulba ee kaga yimaadda:
b. Xagga Xukuumadda
t. Guddi
hoosaadka Golaha Deegaanka
j. Dhinaca maamulka ama dareenka iyo rabitaanka dadweynaha arrimaha ka soo jeeda.
x. Arrimaha lama filaanka ah sida aafooyinka I.W.M.
3. Guddida joogtada ah ee Golaha Deegaanka waxay
go’aannadii ku meel gaadhka ahaa ee ay
gaadheen u gudbinayaan golaha loo wada dhan
yahay fadhigiisa ugu soo horeeya.
4.
Waxay Ogolaanayaan Fasaxa Duqa iyo Ku Xigeenkiisa.
XILKA IYO AWOODDA DUQA.
1.
Waa Gudoomiyaha maamulka Degmada ahna Duqa Golaha.
2.
Shirguddoonka Golaha Deegaanka, Guddida Fulinta
& Gudida Joogtada ah ahna afhayeenka Golaha
3.
Hawlgelinta iyo fulinta Qorshayaasha wax-qabad ee
Degmada.
4.
Fulinta Go’aamada Golaha.
5.
Isuduwidda hawlaha kala duwan. Diyaarinta iyo
Gudbinta warbixinada khuseeya Dabagalka iyo fulinta shuruucda
6.
Soo jeedinta miisaaniyadda
7.
Soo jeedinta Xeer hoosaadyo, isaga oo horkeenaya
Golaha Deegaanka
8.
Soo saarid qaraaro iyo saxeexidooda oo la xidhiidha
fulinta iyo
9.
Dhaqan galka go’aanada iyo amarada ka soo baxa
golaha
10. Saxeexyada
heshiisyada D/Hoose ee ay dhinac ka tahay.
11. Oggolaanshaha
iyo saxeexyada kharash bixinta ( Jeegaga )iyo foojarada.
12. Ku
hadalka magaca Golaha iyo ka warbixinta arrimaha Degmada.
13. Waa
gudoomiyaha Hay’adaha Ilaalinta nabadgelyada iyo laamaha Hay’addaha Dawladda ee
Heer Degmo.
14. Wuxuu
xubin ka yahay Golaha Horumarinta ee Gobolka .
XILKA KU-XIGEENKA DUQA.
1.
Xaalad kastaba marka Duqu is casilo, la rido (Xilka
laga qaado), maqnaado, bukoodo, geeriyoodo, waxa xilkiisa qabanaya ku-Xigeenka
Duqa.
2.
Ma banana inuu duqu ku wareejiyo qaybo ka mid ah
xilkiisa iyo awoodihiisa cid kale oo aan ahayn ku xigeenkiisa, markay xaalada
ku xusan farqada kowaad ee qodobkan timaado.
3.
Wixii kale ee hawl ah ee Duqu u idmado ku
Xigeenkiisa.
QODOBKA 42AAD
WAAJIBAADKA GUDDI HOOSAADKA
GOLAHA DEEGAANKA
1. Waajibaadka guddi Hoosaad kasta saaran ka sokow,
waxay wadaagaan xilalkan: -
2. Kormeerka, hubinta, Dabagalka iyo suggida
habsami u socodka go’aanadii ka soo baxay Golaha Deegaanka.
3. Ka tala bixinta toosinta iyo sixidda wixii ka
qaloocan waaxyaha maamulka.
Dhiirigelinta iyo gacansiinta waaxyaha Dawladda Hoose haddii ay carqalad
kala kulmaan meelmarinta go’aanadda Golaha Deegaanka iyo fulinta dhinaca
maamulka.
4. Ururinta
xogta dadweynaha ee la xidhiidha cabashooyin iyo dacwooyinka ay ka tirsanayaan
Saraakiisha hawlwadeenada Xarunta iyo shaqaalaha Waaxyaha Ee D/hoose.
5.
Diyaarinta tabashada Dadweynaha ee xal u helidda iyo wax ka qabadka u baahan kana mid noqon
karta qodobada Ajandaha la horgeyn karo Golaha Deegaanka Degmada.
WAXA KA
REEBAN GUDDI HOOSAADKA.
Guddi Hoosaadka Golaha Deegaanka waxaa ka reebban inay: -
1. Inay hawlaha Waaxyaha gacanta ku dhigaan oo la
wareegaan hawlsocodsiinta waajibaadka
waaxyaha
2. Inay
saxeexaan dhokumenti la xidhiidha :-
b. Dhulbixinta
t. Mulkiyadaha Dhulka
j. Waraaqaha Caddaynta,
Xaqiijinta, hubinta iyo ansixinta soo eegis dhul.
Kh. Buugaagta maamulka lacagta iyo kharash gelida.
3. Amar siin toos ah oo ku wajahan waaxyaha
D/Hoose ama goob shaqo iyo shaqaalaha.
4. Samayn Xeer Hoosaad.
5. Samayn Cashuur dhaafid.
XILKA XOGHAYAHA FULINTA.
1.
Xoghayaha Fulinta waa Sarkaalka ugu sarreeya
Saraakiisha Maamul fulinta waaxyaha
maamulka Degmada,
b) Xidhiidhinta shaqada waaxyaha iyo qaybinta awaamiirta dawliga ah.
t)
Hubinta fulinta Go’aamada Golaha iyo Awaamiirta
Duqa Degmada
j)
La socodka iyo jaanqaadka waaxyaha iyo hubinta
adeega.
x)
Soo ururinta iyo hubinta warbixinada waaxyaha.
Kh) Hubinta iyo dhiirigelinta qorshe hawleedka waaxyaha.
d) Dhiirigelinta go’aan wadaagga madaxda waaxyaha .
r) Hoggaaminta waaxyaha Dawlada
Hoose.
s) Ka warbixinta shaqaalaha soo
jeedinta qoristooda, dallacsiintooda darajadooda iyo ruqsayntooda
Sh) Diyaarinta Miisaaniyadda iyo ku dhaqankeeda.
Dh) Diyaarinta xisaab-xidhka iyo ka warbixinta dhaqaale.
c) Hubinta iyo kormeerka goobaha
Cashuur ururinta iyo Dakhliga.
g)
Sugidda, dabagalka iyo ilaalinta hantida Dawladda
Hoose Degmada.
f) Hubinta, Saxeexyada foojarada, Jeegaga kharash bixinta iyo gelida
saxeexa codsiyada kharashyada caadiga ah ee hawl socodsiinta maamulka Degmada.
q) Wuxuu mas’uul ka yahay diyaarinta ajendayaasha, marka uu la shato
Gudoomiyaha Degmada, Hadalqoraalada Doodda, gudbinta Dokomentiyada, talo
bixinta, koobidda nuxurka shirarka ee Golaha, Guddiga Joogtada ah, Guddiga
Fulinta iyo kuwa aan joogtada ahayn ee guddi hoosaadyada.
k) Wuxuu mas’uul ka yahay qabashada waajibaad kasta oo sharci ku fadhiya ama amaradda la faray ee uu siiyey
Duqa Degmada, Xoghayaha Fulintu isaga
oo raacaya Xeerkan is maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ama amarada Golaha, wuxu leeyahay isticmaalka
dhamaan Awoodaha fulineed iyo waxqabad ee Xeerkani siiyey.
QODOBKA 45AAD
1. Xoghaya
Fullintu waa sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Magacaabistiisana
waxa iska leh Wasiirka Arrimaha Guddaha.
2. Xil ka qaadistiisana
(Xoghayaha Fullinta) waxa iska leh
Wasiirka Arrimaha Guddaha, kadib marka uu helo Go’aanka Guddigga
Joogtadda ee Golaha, kuwaasi oo marka hore digniin kama dambays ah siinaya.
Digniintaas kadib marka ay Go’aankood u gudbiyaan Wasiirka, waxa waajib ku ah
Wasiirka in uu muddo 21 maalmood gudahood ah ku dhammaystiro magacaabista
Xog-hayha cusub.
3. Muddada la
soo magacaabayo Xoghayaha Cusub waxaa hawsha si ku meel gaadha u sii wadaya
Agaasimaha Waaxda Maamulka D/hoose ee
Degmadda.
Shuruudaha
lagu xulanayo Xoghayaha:
a. Waa in yahay muwaadin Somalilander ah
b. Waa inuu yahay muslin kuna dhaqmaa diinta
islaamka
c. Waa inaanay da’diisu ka yarayn 30 sano
d. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u
dhigma
e. Waa inuu maamulka u leeyahay waayo aragnimo
aan ka yarayn 5 sano.
f. Marka
laga reebo Degmooyinka ‘A’ iyo Caasimadda, oo looga baahanyahay aqoon
jaamacadeed ama wax u dhigma, haddiise waaya aragnimadiisa shaqo
gaadhsiisantahay 10 sano iyo wax ka badan waxaa loogu qiimayn karaa heer jaamacadeed.
g. Waa inaanu ku dhicin xukun maxkamadeed
shantii (5) sano ee u danbeeyey.
h. Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba
caafimaad qabaa
i. Waa inuu yahay xilkas, akhalaaqdiisa iyo
dhaqankiisuna toosanyahay.
j. Waa inaanu xil kale oo dawladeed haynin.
MUSHAHARKA
& GUNNADA XILKA XOGHAYAHA FULINTA.
1. Mushaharka Xoghayaha Fulinta waxay la mid tahay
oo ay ku salaysnaan doontaa darajooyinka Shaqaalaha Dawladda Dhexe hadba tii
aqoontiisa ku mutaysto oo xaqiininjteeda
Wasaradda Arrimaha Guduhu qoraal ku soo saarayso (L.P.C)
2. Gunnada xilka Xoghayaha Fulinta waxaa xadidaaya
oo awood u leh Golaha.
3. Mushaharka iyo Gunnadiisaba wuxuu ku leeyahay oo
laga bixinayaa Miisaaniyadda D/hoose Ee Degmada.
QODOBKA 47AAD
KULAMADA GOLAHA DEEGAANKA.
1.
Kalfadhiyada Golaayasha Degmooyinka Darajada “A & B” waxa uu qabsoomayaa
Labadii biloodba mar, muddada kalfadhiguna waa (20) cisho, Kulamada Guddi
hoosaadyaduna waxay ku caddaan doonaan Xeerhoosaadyadooda.
2. Degmooyinka Darajada “C” & “D” wuxuu kalfadhigoodu qabsoomayaa
sadexdii biloodba mar, muddada kalfadhiguna waa (10) cisho, Kulamada Guddi
hoosaadyaduna waxay ku cadaan doonaan Xeerhoosaadyadooda.
3. Golaha Degmaddu shir aan caadi ahayn waxaa
isugu yeedhi kara: -
b.
Duqa Degmada.
t. Codsi qoraal ah oo ay soo gudbiyaan xubnaha
Golaha Deegaanka
oo aan ka yarayn (1/3) tirada xubnaha.
j. Codsi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka
yimaada.
4.
Shirka aan caadiga ahayn, sababaha qabashadiisu waa inay ku cadyihiin qoraal,
lagu soo cadeeyo Ajendaha shirarkaas.
5.
Ajendaha shirka wixii ka baxsan Goluhu way ka doodi karaan haddii mawduuca
markaa laga hadlayo uu ka dhasho, ama ugu yaraan 3 mudane soo jeedin qoraal ah
ugu soo jeediyaan guddida fullinta, ama xukuumaddu soo jeediso ama uu ku
yimaado xaalado kale oo in laga hadlaa
muhim tahay.
QODOBKA 48AAD
GUDDOOMINTA SHIRARKA.
1.
Kulan kasta oo ay yeeshaan Golaha Degmada, guddida
joogtada iyo guddida fullinta waxaa
Guddoominaya: -
b. Duqa Degmada
t. Ku-Xigeenkiisa marka uu ka maqan yahay Degmada iyo haduu u
igmado.
2.
Duqa Degmadu 30 Maalmood wax ka badan Safar
Dibadeed oo shaqo rasmi ah kuma maqnaan karo, haddii aanay jirin xaalad
caafimaad oo qoraal dhakhtar lagu soo cadeeyay.
QODOBKA 49AAD
QABSOOMIDDA SHIRARKA GUDIDA FULINTA.
1.
Go’aamada Guddida Fulinta iyo tan Gudida joogtada
ah ay gaadhaan waxay dhaqan galayaan marka Duqu ku soo saaro Qaraar Saxeexan.
QODOBKA 50AAD
SHIRARKA CAADIGA AH EE GOLAHA
Shirarka Caadiga ah
ee Golaha Degmadu way u furan yihiin markay u oggolaadaan shir
guddoonku inay ka soo qaybgalaan xubno
sharaf ka tirsan dadweynaha iyo saxaafadda.
QODOBKA 51AAD
KOORAMKA IYO GO’AAMADA SHIRARKA.
1.
Shirarka Golaha Degmada ama Guddi Hoosaadyadu waxay
qabsoomi karaan marka ay xubnaha Golaha iyo Guddi Hoosaadyadu joogaan kala badh
hal lagu daray “Quorum”.
2.
Go’aamada shirarku waxay ku ansaxayaan kala badh
hal lagu daray tirada xubnaha fadhiya shirkaas.
3.
Qaabka doorashada iyo cod bixintu waxay noqonaysaa
Gacan taag, haddii aanay shirgudoonka ama 1/3 xubnaha goluhu soo jeedinin codka
qarsoodiga ah, goluhuna ogolaanin.
4.
Haddii ay isleekaadaan tirada codadka labada dhinac
oo ay sinmaan, Gudoomiyuhu wuxuu yeelanayaa Hal cod ( dhinaca uu Raaco ),
ayayna ku ansaxaysaa.
5.
Maayarka Degmadu haddii uu ka qaybgalo shirarka
Guddi Hoosaadyada, wuxuu ku leeyahay talo soo jeedin, balse cod dhiibasho kuma
laha (Vote).
QODOBKA 52AAD
HADALQORAALLADA SHIRARKA.
1. Dhammaan
sharciyada, Go’aamada iyo hindisayaasha uu ka kooban yahay kulamada Golaha oo
dhan waa in la diiwaangeliyaa (Registered).
2. Magacyada
mudanayaasha jooga shir kasta ama dadka aan xubnaha ka ahayn ee lagu
martiqaaday shirkaas (Goobjoogayaal) waa la diiwaan galinayaa.
3. Hadalqoraalka
iyo go’aamada ka soo baxa shirkaas waxaa wada saxeexaya Duqa oo shirguddoonka
ah iyo Xoghayaha fulinta.
4. Go’aamada
ka soo baxa shirarka Golaha Deegaanka, oo ay ku cad yihiin saxeexyada Duqa iyo
Xoghayaha waxay Hay’adaha sharcigu u
aqoonsanaysaa markhaati cad oo Rasmi ah.
5. Golaha
Deegaanka Degmada waxa ku waajib ah inay daweynaha u soo bandhigaan Go’aamada
ay gaadhaan iyaga oo ku dhejinaya meelaha ogeysiisyada, kana sii daayaan
qalabka warbaahinta, haddii ay yihiin arrimaha u baahan gaadhsiinta dadweynaha.
6. Golaha
Degmada waxaa ku waajib ah hadal qoraaladda
shirarka waa in si degdeg ah (7) todoba Cisho gudahood loogu gudbiyo
Guddoomiyaha Gobolka iyadoo nuqulna la siinayo
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Nuqulna la siiyo Guddoomiyaha
Gobolka.
QODOBKA
53AAD
HABKA SHIRARKA GOLAHA IYO GUDDIYADIISA KALE.
1.
Muuqaalka iyo maamuuska fadhiga Goluhu wuxuu u kala
baxayaa: -
b)
Shir Guddoonka iyo Xoghaynta oo dhinac ka soo
jeedsanaya.
t)
Mudanayaasha Golaha oo ka soo horjeedsanaya
shirguddoonka,
j)
Xubno sharafta, Saxaafadda iyo dadweynaha la
martigeliyey oo meel gaar ah leh.
2.
Ajendaha shirka oo qoran, waxaa qaybinaya Xoghayaha
Fulinta, waxaana ka doodaya , ansixinayana golaha.
3.
Marka la hubiyo dhammaystirka habsami u socodka iyo
tirakoobka mudanayaasha shirka, shir guddoonka ayaa ku dhawaaqaya furitaanka
shiraka.
4.
Mudanayaasha Golaha ee shirka jooga waxaa waajib ku
ah ilaalinta habsami u socodka iyo hoggaaminta shir Guddoonka.
5.
Qodobada Ajendaha waxaa looga doodayaa qodob-qodob
keli-keli ah.
6.
Qodobada Ajendaha waxaa looga doodayaa sida ay u
kala horreeyaan.
7.
Xubnuhu waa inay si xaqsoor leh u dhegaystaan xubin
kasta oo ka hadalka Ajendaha uu shir-Guddoonku siiyo.
8.
Qodobka Ajendaha ah ee aan taageero helin
(Secondment) cod lama gelin karo, haddiise soo jeedimaha cusubi taageero
waayaan lagama doodi karo.
9.
Shir guddoonku wuxuu xaqiijinayaa hubinayaana in
xubin kasta oo shirka joogtaa ay fursad u hesho ka hadalka Ajendaha haddii uu
codsado oo Gacanta taago.
10. Xubin kasta oo ka mid ah mudanayaasha shirka
fadhiya way ka
Reeban
tahay inuu qodob ka hadlo mar wax ka badan, haddii aanay ku saabsanayn amar
sixitaan.
11. Xurmada
Shirku waa dood, is-dhageysi iyo Asluub wanaag.
12.
Xoghayaha Fulintu waa: -
b)
Xoghayaha Fulinta isaga
ka mas’uul ah dhammaan shirarka Golaha
iyo Guddiyaasha iyo ururinta ajendaha
iyo diiwaan galinta hadal qoraalada.
t)
In kastoo aanu cod ku
lahayn wuxuu ku leeyahay tallo soo jeedin buuxda dhinaca shuruucda, Xeerarka
iyo maamulka.
k)
Sida Xubnaha Golaha oo
kale wuxuu xaq u leeyahay in lagu muujiyo hadalqoraalka talada uu soo jeediyo
marka ra’yigiisa lagaga bato.
x)
Haddii Xoghayaha Fulintu
laba shir ama ka badan ku kulmaan siiba guddi hoosaadyada cid ayuu u idman
karaa shirarka qaarkood.
QODOBKA
54AAD.
AWOODDA DEJINTA XEER HOOSAADKA.
1. Goluhu wuxuu dejinayaa isla markaasna
ansixinayaa Xeer Hoosaadyo ku salaysan
arrimaha hoos ku qoran: -
b. Xilka, waajibaadka
iyo awoodaha ee Golaha Degmada ee Xeerkan ku xusan.
t. Hawl kasta
oo sharci ama xeer kale jideeyey.
j. Arrimo kale oo xukuumadda dhexe waajibisay
kuna soo saartay faafin rasmi ah.
2. Baahi badan looma qabo wixii Xeerkan ku cad in Xeer hoosaad lagu soo
saaro. Wixii Xeerkan ama Xeerar kale oo qaran ka hor imanaya oo Xeer Hoosaad
ahi way burayaan.
3. Xeer Hoosaad kasta oo hore loo dejiyey, wax waa
lagu kordhin karaa, waxna waa laga dhimi karaa, waana la badeli karaa.
4. Haddii duruufi keento Degsiimo ama qayb ka mid
ah Degmada, Xeer Hoosaad gaar ah waa loo samayn karaa.
QODOBKA 55AAD
GUDBINTA XEER HOOSAADKA .
1. Duqa Degmada iyo Xoghayaha Fulinta waxaa ku
waajib ah in nuqul rasmi ah ee Xeerhoosaadka
ka soo baxa Golaha loo gudbiyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
2. Wasiirka
Arrimaha Guduhu wuxuu awood u leeyahay inuu xeerhoosaadkii ka hor imanaya
Distuurka iyo xeerarka qaranka ku soo celiyo golihii uu kasoo baxay muddo (20)
cisho gudahood ah, isagoo raacinaya qoraal muujinaya meelaha uu ka
khilaafsanyahay sharciga iyo talo bixinba, si goluhu uu mar labaad u ansixiyo,
ka dibna nuqul ka mid ah dib loogu soo celiyo wasiirka.
QODOBKA 56AAD
HABKA DEJINTA XEER HOOSAADYADA.
1. Ka hor inta aan la dejin Xeer Hoosaad kasta, waxaa Golaha Degmada ku
waajib ah inuu si buuxda oo hufan uga baaraandeggo si qoto dheerna looga fekaro
saamayntiisa, dhaxalgalkiisa, noqdona mid u cuntama Dadweynaha.
2. Xeer Hoosaad kasta oo la dejiyo, waa in dadweynaha loo bandhigaa,
iyada oo laga faafinayo wargeysyada, Idaacadaha, Telifishanka, laguna dhejiyo
meelaha caamka ah ee Dadweynuhu ku kulmo.
QODOBKA 57AAD
DAABACAADA IYO KAYDINTA XEER HOOSAADYADA.
1. Golaha Deegaanka waxa ku waajib ah inay daabacaan Xeer Hoosaadyada
kuna soo saaraan faafin rasmi ah.
2. Waxa kale oo ku waajib ah
xafidaadda iyo kaydinta Xeer Hoosaadyada, lana siiyo degmada iyo Hay’addaha
Dawliga ah ee ay khuseeyso nuqullo.
QODOBKA 58AAD
ANSHAXA SHIRARKA IYO JEBINTA XEER HOOSAADYADA.
1.
Mudane kasta ee Golaha Degmada waxa ka reeban fal
kasta oo carqalad ku ah habsami u socodka shirarka Golayaasha sida: -
b. Hadal
muran ka dhalan karo, Xiisad Abuur iyo
qalalaanso gelin kara.
t.. Kooxaysi.
J. Af-lagaado
x. Gacan ka hadal.
Kh.Amar diido.
2. Shir guddoonku wuxuu xaq u leehayahay mudanaha ku kaca Arrimaha ku
xusan lambarka (1) aad ee qodobkan (Xarafkiis A, B, C, D, iyo E) inuu digniin
qoraal ah siiyo.
3. Shirguddoonku wuxuu awood u leeyahay ka joojin hadal ama shir ka
saaris marka uu digniin siiyo seddex jeer.
4. Shirguddoonku wuxuu awood u leeyahay
in uu diyaariyo anshaxmarin la horgeeyo Guddiga joogtada ah ee Golaha, oo
awood u leh Ganaax anshaxmarineed iyo ka joojin shirarka muddo cayiman.
5. shir Guddoonku markuu dareemo burbur shirka ku yimaada wuxuu xaq u leeyahay in shirka si degdeg ah u
xidho ammaankana sugo.
6. Mudanaha ku kaca Gacan ka hadal, ee ku xusan xarafka (d) ee qodobkan
lambarkiisa 1aad, wuxuu ku mutaysanayaa anshax Marin culus, sharaf ka xayuubin
ama ciqaab Marin waxaana la horgeynayaa Guddiga joogtada ah ee Golaha
Deegaanka Degmada iyadoo sharci loo
marayo.
QODOBKA 59AAD
AWOODDA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA EE DEJINTA XEER HOOSAAD.
1. Golaha Deegaanku hadduu ku guuldarraysto Dejin Xeer Hoosaad,
Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxay ku leedahay inay siiso talo soo jeedin iyo
tilmaan la xidhiidha baahi dejin Xeer Hoosaad.
2. Hadday mar labaad ku guuldarraystaan, tilmaantii iyo tallo soo
jeedintii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka dib muddo (45) cisho gudahood, jawaab
lagu qancona laga waayo, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa u furan inay Xeer
Hoosaad ku saabsan arrintii ay tilmaanta ka bixisay, u dejiso.
3. Wasaaradda Arrimaha Guduhu Xeer Hoosaadka ay soo saarto
dhaqan-galkiisa wuxuu la mid yahay kuwa Golaha Degmadu soo saaray, fulinta iyo ku dhaqankiisuna waa waajib, marka uu sharci waafaqsan yahay.
( Qodobka 111aad faqradiisa 10aad ee Dastuurka JSL.
4. Shaqalaha Dawladaha Hoose iyo Wakaaladaha
Biyuhu waxay yeelanayaan Xeer- nidaamiye u gaara ah, waxaana dejinaya Wasaarada
Arrimaha Guddaha.
QODOBKA 60AAd
GUNNADA
GOLAHA.
1. Guddoomiyaha Golaha iyo
Ku-Xigeenkiisa waxay leeyihiin mushahar iyo Guno xil oo Goluhu u xadido, una
ansixiyo.
2. Guddida joogtada ah oo aanay ku
jirin xubnaha guddida fullintu waxay yeelanayaa gunno bileed iyo gunno kalfadhi
oo goluhu u xadido una ansixiyo.
3. Xubnaha kale ee Goluhu waxay yeelanayaan
Gunno kalfadhi oo Goluhu u xadido, una ansixiyo.
4. Gudi hoosaayduna waxay yeelanyaan Gunno
kalfadhi oo Goluhu u xadido una ansixiyo.
5. Mudanayaashu markay u baxayaan Safar
shaqo rasmi ah oo Degmada ka baxsan waxay leeyihiin gunno safar oo Goluhu Oggolaado.
6. Goluhu wuxuu gunnooyinka
kalfadhiyadaas ku soo sarayaa Xeer Hoosaad, Nuqulana loo kala gubiyo
Gudoomiyaha Gobolka, wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hanti dhawraha Guud si ay ula
socdaan.
7. Shardi waxa Golaha ku ah in xadaynta
Gunnooyinka Kalfadhiyadu ku salysnaato awoodooda dhaqaale ee Degmada.
QODOBKA
61AAD
AWOODDA SHARCI DEJINTA.
Awoodaha
Xeer dejinta ee ku xusan Xeerkan wuxuu Golaha awood buuxda u siinayaa inuu ku
maareeyo ama ku maamulo dhammaan hawlaha xilkiisa ku tilmaaman ee Xeerkan oo ku
siman xaka Degmada.
XUBINTA 7AAD
QODOBKA 62AAD
DHAARTA MUDANAYAASHA GOLAHA
1. laga bilaabo maalinta ku dhawaaqida maxkamdda
gobolka natiijada kama danbaysta ah ee doorashada mudanayaasha cusub, wasiirka
wasaaradda Arrimaha Guduhu wuxuu ku dhawaaqayaa maalinta fadhiyada golayaasha
deegaanada ee demooyinka dalka ay qabsoomayso, isagoo ka baahinaya warbaahinta,
(15) cisho gudohood.
2. Haddii
wasiirku ku dhawaaqi waayo, gole waliba isaga ayaa iskii u kulmaya (10) cisho
gudahood oo ka danbaysa (15) cisho ee hore.
3. Kulankaa ugu horeeyay, waxaa gudoominaya isla
markaasna dhaarinaya Gudoomiyaha maxkamadda Gobolka ama garsoore uu u igmaday
oo ka tirsan kuwa gobolka iyo kuwa degmooyinka gobolkaas ka tirsan.
4. Fadhigaas lagu dhaarinayey mudanayaasha waxaa
gudoonka shirka lagu wareejinayaa mudanaha ugu da’da weyn, waxaana lagu
dooranayaa Duqa iyo ku xigeenkiisa, iyadoo ay goobjoog ka yihiin
garsoorayaashii dhaariyey
QODOBKA 63AAD
HABKA DOORASHADA DUQA IYO KU-XIGEENKIISA.
1.
Duqa Degmada iyo Ku-Xigeenkiisa Doorashadoodu waa
kali kali, lamaane maaha.
2.
Marka la magaacabo ama uu isu sharaxo hal musharax in loo doorto Duqa ama ku Xigeenkiisa, wuxuu
shir gudoonka fadhigu ku dhawaaqayaa codayntii ka dibna wuxuu natiijadii
codbinta.
3.
Marka laba musharax ama ka badan la soo jeediyo ama
ay isu taagaan in loo doorto Duqa ama ku-Xigeenkiisa, habka Doorashadu waxay
noqonaysaa Gacan taag, oo ku ansaxaysa cod hal (1) dheeri ah.
QODOBKA 64AAD
1. Duqa iyo Ku-Xigeenkiisa muddada loo
doortay Xilka way haynayaan, hadii aanay iska casilin ama aan laga qaadi ama
aanay ku sifoobin tilmaamaha ku xusan Q.26aad ee xeerkan.
2.
Duqa
iyo Ku-Xigeenkiisa Degmooyinka way is casili karaan, istiqaadooda oo sababaysan
waxay u soo gudbinayaan Golaha Deegaanka oo leh awooda aqbalaada ama diidmada
3.
Haddii
istiqaaladda laga aqbalo, Doorashada Duqa iyo Ku-xigeenkiisa cusub ama
midkoodba isla fadhigaas ayaa lagu dooranayaa, iyadoo la raacayo nidaamkii hore
loogu soo doortay Ee ku xusan Qodobka 63aad Ee Xeerkan.
QODOBKA 65AAD.
1. Gudiga fulinta marka Sannad u
dhammaadaba, waxaa waajib ku ah inay warbixin buuxda oo waxqabad, Qoraal ahaan
muddo (30) cisho Gudahood ah Golaha ugu soo gudibiyaan.
2. Xubnaha
Goluhu waxay xaq u leeyihiin inay su’aalo ka weydiiyaan warbixinta.
QODOBKA 66aad.
XIL KA QAADISTA
DUQA IYO KU-XIGEENKIISA .
1. Duqa Degmada iyo
ku-Xigeenkiisa waxaa xilka lagaga qaadi karaa marka ay ku sifoobaan oo ay ku
cadaadaan sababaha soo socda ee hoos ku qoran.
Haduu: -
b. Ka leexdo
gudashada waajibaadka golaha Degmada iyo istraatiijiyadda guud ee Qaranka.
t. Jabiyo ama uu baal maro, Xeer Hoosaadyada
Golaha iyo Xeerkan .
j. Ku sifoobo Awood maroorsi iyo kaligii
talisnimo.
x. Caadaysto ku tumashada shuruucda, iyo
Xeerarka Qaranka .
kh. Kukaco Kooxaysi,
qabyaalad, kicin xamaasad oo horseedi kara Nabadgelyo darro.
d. Ku cadaato laguna helo musuqmaasaq iyo lunsi
hanti qaran.
r. Haddii uu qaban waayo duqu kalfadhiyada ama
shirarka Golaha uu waajibiyay xeerkan.
2. Xil ka qaadista Duqa ama ku-Xigeenkiisa ama
labadooda oo wada jir ah waxaa soo jeedin kara Saddex meelood meel (1/3)
xubnaha Golaha Deegaanka, iyaga oo qoraal sababaysan u soo gudbinaaya Duqa oo
ku qaban doona shir aan caadi ahayn muddo (3) cisho gudahood ah oo ka
bilaabanta maallinta uu soo gaadhay qoraalkum waxaana nuqulo la siinayaa Gudoomiyaha
Gobolka iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
3. Haddii uu Duqu uu
ku fulin waayo qabashada shirkaas aan caadiga ahayn muddada ku xusan faqradda
2aad ee qodobkan, waxaa xilkii qabashada shirkaas fulinaya Gudoomiyaha Gobolka
oo muddo 5 cisho gudahood ah ku qaban doona shirka taas oo ka bilaabmaysa
dhamaadka 3dii cisho ee hore.
4. Duqa
ka baaqsaday fulinta qabshadii shirkana wuxuu mutaysanayaa ciqaab gaadhi
karta waayitaanka xubinimada sida ku xusan Q. 26aad ee xeerkan.
5. Xil ka qaadista Duqa iyo Ku-Xigeenkiisa waxay
ku ansaxaysaa sadex meelood laba meelood (2/3) tirada xubnaha Golaha
6. Marka Duqa iyo Ku-Xigeenkiisa laga qaadayo
xilka iyadoo la raacaayo qodobkan faqradihiisa (1aad iyo 2aad), waxaa shirkaa
gudoominaya xubinta ugu da’da wayn, mudanayaasha
jooga shirkaa gaarka ah waxay sii wadanayaan, una sii gudbayaan Doorashada Duqa
iyo ku-Xigeenkiisa, ee buuxinaya jagooyinka bannaanaaday, iyada oo la raacayo
Qodobka 64aad ee Xeerkan waxaana Shirkaa Gudoominaya xubinta ugu da’da wayn
Golaha
7. Marka Ay Xilka Ka
Qaadistu khusayso duqa oo kali ah, waxaa shirkaa gudoominaya kuxigeenka duqa.
kadibna waxaa loo gudbayaa doorashada duqa iyada oo la raacayo qodobka 64aad.
8. Soo jeedinta Codsiga Xil ka qaadista Duqa
iyo ku xigeenkiisa waxa shardi ah inay sababaysantahay aynna waafaqsantahay
shurrudaha ku xusan qodobkan, faqradiisa 1aad,
ee Xeerkan.
9. Haddii
la isku qabto Sifaha Sharci ee xil ka qaadista Duqa iyo ku xigeenkiisa waxaa
xallinta murankaasi u xilsaaran Go’aana ka gaadhi kara iyagoo u eegaya Sifaha
Sharci ee Xeerkan, Guddiga Joogtadda ee Golaha Deegaankaasi khilaafku ka dhacay
marka hore, haddii ay ku guul-daraysataan ama ay ku dhammaan waydo arrintu,
waxa loo gudbinayaa Guddoomiyaha Gobolka & Wasiirka Arrimaha Guddaha.
XUBINTA 8aad.
QAAB
DHISMEEDKA MAAMULKA DAWLADAHA HOOSE EE
DEGMOOYINKA IYO XILALKOODA.
QODOBKA 67AAD
MAAMULKA DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA.
1.
Dawladdaha Hoose Ee Darajadoodu tahay “A” waxay
yeelanayaan “4” Afar waaxood oo kala ah: -
b) Waaxda Maamulka
& Maaliyadda.
t)
Waaxda Hawlaha Guud iyo dhulka.28
j)
Waaxda Cashuuraha.
Kh) Waaxda Arrimaha Bulshada.
2)
Waax kasta oo ku xusan qodobka 1aad waxay u sii
kala baxaysaa qaybo “Head Units” iyo laamo hoos yimaadda qayb kasta ee
Waaxyahu ka kooban yihiin.
3)
Qaybaha waax kastaa ka kooban tahay iyo laamaha ka
farcama qaybaha waxay ku cad yihiin qaab dhismeedka D/Hoose ee Degmada “Structure”
ee ay soo wada diyaariyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyo Hay’adda
Shaqaalaha Dawladda.
4)
Waaxyaha Dawladda Hoose ee Degmada waa la
kordhinkaraa, waana la yarayn karaa, waana la isku dari karaa hadba baahidoodu
siday tahay.
5)
Degmooyinka Darajada B & C, waxay yeelanayaan labada waaxood ee kala ah:
-
b.
Waaxda Maamulka iyo Cashuuraadka.
t. Waaxda Dhulka iyo Adeegyada Bulshada.
6)
Degmooyinka Darajada “D” waxay yeelanayaan laba
qaybood “Head Of Service” oo kala ah: -
b.
Qaybta Maamulka iyo Cashuuraadka.
t.
Qaybta Dhulka iyo Adeegyada Arrimaha Bulshada.
7)
Abuuridda, Balaadhinta iyo kordhinta waaxyaha
Degmooyinka Darajooyinka B, C, & D waxay ku salaysnaan doontaa qiimayn
Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku samayso Kobaca Dhaqaalaha iyo korodhka Dakhliga
hadba Heerka Degmo kastaa ka gaadho.
1. Hubinta, Diyaarinta, kaydinta iyo ku shaqaynta
Miisaaniyadda dawladda Hoose ee Degmada.
2. Diyaarinta, Xafidaadda, iyo kaydinta
dhokumentiga Xisaabxidhyada la xidhiidha
maamulka Xisaabaadka iyo Miisaaniyadda.
3.
Maamulka iyo ilaalinta hantida iyo Qalabka Bakhaaradda iyo Xafiisyada.
4.
Kaydinta iyo la socodka dhokumentiga la xidhiidha qandaraasyada ay dhinac ka tahay Dawladda Hoose ee Degmada.
5.
Diiwaangelinta hantida guurtada iyo tan ma guurtada ah ee Dawladda Hoose
ee Degmada.
6.
Dalabka Daabacaada, kaydinta iyo qaybinta Buugaagta
lacag qabashada iyo Cashuuraadka, Shidaalka iyo Bakhaarada.
7. Is-barbar dhigga qorshaha
Dakhliga iyo kharashka bil walba.
8. Diyaarinta
Xisaab-xidhyada, bileed, Saddex bilood, Lix Bilood iyo
Sannadkii.
9. Soo iibinta Alaabta,
diiwaangelintooda iyo kaydintood.
10. Hubinta soo xeraynta
Dakhli maalmeedka, bileedka iyo kan Sannadka.
11. Hubinta soo xeraynta Buugaagta iyo
tigidhada la isticmaalay iyo kaydintooda.
T. XILKA WAAXDA CASHUURAHA.
1. Ururinta Cashuuraha Dawladda Hoose ee Degmada.
2. Abuuris ilo dhaqaale oo cusub iyo u
sahamintooda.
3. Dabagalka iyo soo xaraynta Cashuurihii baaqday
sannooyinkii hore.
4. Kormeerka suuqyada iyo hawl qabadka shaqaalaha
ururiya Cashuuraadka.
5. Qiimaynta Shaqaalaha Cashuuraha iyo ku
tababaridaa goob shaqo (on the job training).
6. Tira-koobidda iyo diiwaangelinta hantida ma
guurtada ah ee dadewynaha Degmada ku nooli leeyihiin, sida Daaraha, Carshaanta,
Sandaqadaha, Beeraha, Gawaadhida I.W.M. ee Cashuuruhu ku waajibtay.
7. Ka talo bixinta Arrimaha shaqada iyo shaqaalaha
Waaxda.
8. Qiimaynta noocyada Cashuuraha ee Sannad kasta.
9. Ururinta kirada iyo Arrimaha ijaarka Hantida
Dawladda Hoose.
10. Tirakoobka iyo Diiwaangelinta ilaha Dakhliga.
11. Soo xeraynta Dakhli maalmeedka
12. Talo soo jeedinta abuuridda iyo dib u habaynta
Cashuuraha.
13. Kala xadaynta iyo kala habeynta Darajooyinka
Liisamadooda.
J. XILKA WAAXDA HAWLAHA GUUD &DHULKA
1. Hirgelinta mashaariicda iyo dhismayaasha.
2. Dayactirka Dhismayaasha D/Hoose ee Degmada.
3. Hawlgelinta iyo dayactirka Gaadiidka, Guryaha,
Xafiisyada, iyo qalabka Dawladda Hoose.
4. Soo gudbinta baahidda Gaadiid Cusub. Dayactirka
iyo xanaanaynta jidadka, Beeraha Nasashada, garoomada iyo fagaarayaasha Caanka
ah.
5. Soo diyaarinta qorshe maalmeedka, shidaalka,
Saliidaha iyo xaydhaha Gaadiidka, matoorada iyo qalabka culusi u baahan yihiin.
6. Maamulka
Hoosooyinka, Geerashyada iyo qalabayntooda
7. Ku
dhaqanka qorshaha iyo jaangoynta Dhulka.
8. Ku
dhaqanka shuruucda iyo Xeerarka Dhulka.
9. Diiwaangelinta oggolaanshaha lahaanshaha Dhulka,
mulkiyadaha, dhismayaasha ma guurtada ah ee dadweynaha, arrimaha Dhul bixinta
iyo kormeerka Dhulka.
10 Ilaalinta
daryeelka, qorsheynta iyo jaangoynta dhulka danta guud.
11. Jaangoynta iyo Gacan ku haynta dayactirka
dhismayaasha Golaha Degmada, Xannaanaynta jidadka, goobaha nasashada,
garoomada, Dugsiyada, rugaha Caafimaadka, Rugaha kawaanada (iyo Istaamada
Gaadiidka) I.W.M.
12. Kala
saaridda iyo xallinta khilaafaadka ka yimaadda farsamada Dhulka.
13.
Qorshaynta iyo isku dheelitirka Basaska, Tagaasidda, Iskarogooyinka iyo
Gaadiidka xammuulka dadweynaha saldhigyadooda, Gaadhi Dameerada iyo Dadka
maritaankooda iyo Calaamadaha la xidhiidha.
14. Samaynta iyo diyaarinta calaamadaha la
xidhiidha Nabadgelyadda wadooyinka iyo muujintooda.
15.
Habaynta iyo dejinta Calaamadaa Ganacsiga iyo xayaysiinta (Commercial
Sign Boards).
16. Samaynta, diyaarinta iyo rakibaadda tiirarka
laydhka waddooyinka, Aarkooyinka, xarumaha nasashada, goobaha Dabaaldegyada iyo
munaasibadaha.
17. Hubinta, Farsamadda, badbaadada qalabka
korontoda, Telfoonada, shidaalka iyo ka hortagga khatarta dabka.
18. Habaynta
iyo kala duwida bulaacadaha, biyo mareenada, dhuumaha Biyaha, saaqiyadaha iyo
adeegyada mara dhulka hoostiisa iyo oogadiisaba.
19. Keydinta Mulkiyadaha iyo Dhokomantiga la
xiriira Dhul bixinta iyo Diiwaangalintooda.
20. Hubinta,
iswaafajinta Naqshada iyo Qaabka Dhul bixinta.
21. Sameynta iyo Hubinta Jidadka, Wadooyinka,
Sakadaha, iyo Lambarintooda.
22.
Tirakoobka, Diiwaangalinta iyo lambarinta dhismayaasha Dadweynaha iyo
Dawladda.
23. Astaynta
iyo Tilmaamidda Goobaha Danta Guud.
24. Dib u
habeynta Naqshadaha Dhismaha iyo jaangoynta Cabirka Dhulka ayadoo loo kala
saaraayo raqamadda kala ah A,B,C iyo D si Qof waliba itaalkiisa u dhisto.
25. Dejinta
iyo Sameynta Qorshaha hor’umarinta Degmada.
26. Dab
Demiska, Qurxinta iyo Bilicsamida Magaalada.
X . XILKA WAAXDA ARRIMAHA BULSHADA.
1. Ilaalinta Nadaafadda, Fayo dhawrka,
bilicsanaanta iyo quruxda Degmada
2. Horumarinta Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga
ah ee Degmada.
3. Horumarinta fanka, isboortiga, suugaanta,
Hiddaha iyo Dhaqanka
4. Noolaynta shacaa’iirta islaamiga ah, waddaniga
iyo Caalamiga ah.
5. Daryeelka faya-dhawrka Guud iyo ka hortagga
cuduradda faafa.
6. Daad-guraynta iyo u gargaarka dadweynaha haddii
aafo dhacdo iyo u gargaarkooda.
7. Dhisidda iyo dayactirka Dugsiyada aasaasiga ah,
kuwa quraanka iyo daryeelka Masaajidyada.
8. Daryeelka iyo dhismaha xarumaha Xanaanada Hooyada iyo Dhalaanka iyo
Dugsiyada dhaqaalaha guriga (Hoyga).
9. Habaynta, Qorshaynta, Hubinta iyo isku dheeli
tirka baahida Goobaha Biyaha “Kiosks”
iyo waxqabadkooda.
10. Maamulidda iyo kormeerka la xidhiidha
horumarinta miyiga.
11. Habaynta hawlaha aasidda iyo Qabuuraha.
12 Qorshaha kaltanka Rugaha Caafimaadka iyo
Farmasiyayaasha iyo heegan galintooda.
13. La socodka isticmaalka dhaqan-galka daawooyinka
iyo Cuntada Qasaacadaysan iyo la socodka mudada isticmaalka.
14. Casriyeynta Suuqyada dalagyada wadaniga ah iyo
dhiirigalinta cunidooda
15. Ilaalinta anshaxa, wacyi galinta iyo
taakulaynta dadka tabaalaysan.
16. Sicir
Goynta qiimaha Badeecadaha iyo ilaalinta maceeshada quutal daruuriga.
17. Ilaalinta Anshaxa, wakhtiga goobaha lagu
daawado fiidiyoyaasha, Silimada iyo Xafladaha Aroosyada.
18. Diiwaan-gelinta &
tiro-koobka Dadweynaha iyada oo la raacayo igmasho laga helo &
xeer-nidaamiye ay diyaariso wasaaradda Arrimaha Gudduhu, si la isku waafajiyo
qoddobka ka hadlaya arrintaasi iyo Xilka Wasaaradda ee ku cad Xeerka Jinsiyada.
QODOBKA 69AAD
MAGACAABISTA
AGAASIMEYAASHA WAAXYAHA & MADAXDA
QAYBAHA.
1.
Agaasimeyaasha
waaxyuhu waxay ka mid yihiin shaqaalaha Dawladda Hoose ee Degmada.
2.
Agaasimayaasha
Waaxyaha qoritaankooda, magacaabistooda, dallacaadooda, casilaadooda iyo
erigooda waxaa iska leh Guddiga Fulinta ee Degmada, waxaana qeexaya Xeerka
shaqaalaha Dawladaha Hoose.
3.
Agaasimayaasha,
madaxda qaybaha, madaxda laamaha iyo shaqaale weynaha, mushaharkooda iyo jagadii
Gunno Xil mudan waxa soo jeedinaya Gudida fulinta waxaana ansixinaya Golaha Deegaanka Degmada.
4.
Madaxda
qaybaha iyo madaxda laamaha waxaa magacaabaya Xoghayaha Fulinta ka dib markuu
la tashado Agaasimayaasha Waaxyahayaha
QODOBKA 70aad.
DHISMAHA MASHAARIICDA.
1.
Dhulka danta Guud ee Degsiimo kasta, waxaa ku
waajib ah Dawladda Hoose ee Degmadda, iany mashaariicda horumarineed ee
adeegyada Arrimaha Bulshada si isu dheeli tiran oo ku salaysan baahidda looga
fuliyo.
2.
Dhismaha Mashaariicda adeegyada Arrimaha Bulshada
ee ay maalgalinayaan hay’adaha Caalamiga ee Q31aramada Midoobay iyo Hay’adaha
kale ee Caalamiga ah waa in ay waafaqsan yihiin Goobaha laga dhisayaa
jaangoynta D/Hoose.
3.
Dawladda Hoose ee Degmadu waxay awood u leedahay
inay joojiso ama diido mashruuc kasta oo aan marka hore lagala tashan oo aan
oggolaansho haysan isticmaalka dhulka ama dhismaha aan waafaqsanayn jaangoynta
Dawldda Hoose.
4.
Dhismaha mashaariicda adeegyada bulshada waxaa laga
dhisi karaa Degsiimooyinka iyo Goobta ay isla waafaqaan Golaha Degmadda iyo
Hay’adaha ay khusayso.
5.
Golaha Deegaanku
mashaariicda horumarineed ee Degmada waxay uga baahan yihiin Hay’ada caalamiga
ah waxay u soo gudbinayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo u sii gudbin doonta
Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.
QODOBKA 71aad.
HESHIISYADA FARSAMADA.
Hay’adaha
Dawliga ah ee adeegga Bulshada, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha
iyo shirkadaha caalamiga ah waxaa shardi ah inay heshiis qoraal ah kala galaan
Degmada arrimaha farsamada ee Qodobkan 1,2,3,4,5,6,7,8, ee hoos ku qeexan: -
1.
CURIN DHISMO AMA HAWL SHAQO.
Lama
bilaabi karo hawlgal shaqo curin dhisme cusub, dib-u- habayn mid duuga haddii
aan Dawladda Hoose laga haysan oggolaanshaha ku dhaqanka dhulka iyo dhisme
curin “Building Permit”
2.
SOO GUDBINTA NAQSHADAHA “MAP OF THE AREA”.
b)
Ruqsadda ogoolaanshaha xukuumadda ka sakow
wakaaladaha Nalka iyo shirkadaaha Telefoonada, waxaa ku waajib ah markasta inay
Naqshadahooda qorshaha fidinta iyo ballaadhinta farsamadda Nalka iyo
Telefoonada u soo gudbiyaan Dawladda Hoose ee Degmada si loo waafajiyo ama
loogu talo galo jaangoynta Degmada, loona siiyo oggolaanshaha ku dhaqanka.
t)
Naqshadda laga rabo shirkadaha Nalka iyo
Telefoonada waa inay ku cad yihiin arrimahan.
1. Aagga iyo xaafadda ay hawlgalka u rabaan.
2. Tirada
iyo magacyada jidadka iyo toobiyaha xaafad kasta u qoondaysan inay gaadhsiiyaan
Nalka ama tilifoonada.
3.
Tiirarka Nalka/Tilifoonada dhumucdooda balaadhka iyo dhererkoodaba.
4. Qalabka ay ka samaysan yihiin, (Shub, Bir,
Loox, I.W.M)
5. Cabirka ay isku jirayaan tiirarku ( mitir)
6.
Cabirka (Mitir) tiirarku ay aasan yihiin iyo inta ay dhulka ka sareeyaan.
7.
Waayiradda Nalka iyo xadhkaha tilifoonada in ay yihiin kuwa dhulka hoostiisa ku
aasan ama hawada sare maraya (Under Ground or over head line Cables).
8.
Goobaha la dhigayo haddii ay jiraan (Transmeters or transformer and main cable
distribution Stations)
9. Nooca
waayirada iyo xadhkaha dhumucdooda iyo inay duuban yihiin ama qaawan yihiin.
10.
Cabirka dhulka ee qalabka la dhigaayo
(Transformers)
11.Cabirka
tiirarka Nalka ama tilifoonadu u jiraan daaraha, dhismayaasha hortooda iyo intay jidadka u jiraan.
12
Shirkadaha Tilifoonada iyo kuwa Laydhka in mid kasta tiirarkeedu u gaar yihiiin
wax wadaag la yidhaahdaana aanu ka dhaxayn
3. WAKAALADA BIYAHA DEGMADA
b)
Golaha Degmadda, waxay xaq u leeyihiin kormeer iyo warbixin, la tashi madaxda Wakaaladda Biyaha iyagoo mar
walba ka duulaya daryeelka Arrimaha Bulshada ee dhinaca Biyaha, Waxayna hoos
imanaysaa Wakaalada Biyuhu maamulka Dawladda Hoose
t) Golaha Degmada waxay warbixinta u soo
gudbinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha
j) Wakaalada biyaha Degmada waxa laga
rabaa inay joogtaynta biyo gelinta oo naqshadaysan u gudbiyaan maamulka
Degmadda si loo waafajiyo fidinta iyo Naqshada Degmadda waxaana laga rabaa
macluumaadkan: -
1. Xaafadda biyo galinta lala rabo
2. Jidadka iyo toobiyaha biyo
galinta,
3. Cabirka iyo muga dhismaha biyo
kaydiyaha (Water Reservior)
4. Dhuumaha iyo qasabadaha Kiyooska
“Main Pipes” dhumucdooda
5. Qasabadaha biyo qaybinta
dhumucdooda “Distrbution pipe line”
6. Cabirka dhismaha gododka biyo
qaybinta “Main Valves”
7. abirka dhulka hoostiisa ee
qasabaduhu ku duugan yihiin ama ku aasan yihiin.
8. Nooca saacadaha biyo tiriska
9. Goobaha waraabka dadweynaha
“Kiosks” tiradooda
x) Maareeyaha iyo Maareeye ku-Xigeenk Biyaha waxaa magacaabaya Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha markuu la tashado Madaxweynaha, marka laga reebo
Mareeyaha iyo Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa oo uu si toos ah Madaxweynuhu
u magacaabayo.
4. SHIRKADAHA
LAYDHKA.& ISGAADHSIINTA GAARKA LOO LEEYAHAY
.
b)
Shirkadaha laydhka iyo isgaadhsiinta gaarka loo leeyahay way ka reeban yihiin in
la siiyo ruqsadda oggolaanshaha ku dhaqanka dhulka haddii aanay la iman
ruqsadda hay’adaha xukuumada ee hawshoodu khusayso
t)
Kuma jiraan matoorada yaryar ee sida gaarka ah loo
leeyahay ee lagu isticmaalo guri ama xafiis I.W.M. (Personal use )
5. GOOB
SHAQO.
b) Hawlaha goob shaqo sida dib u dhis, dayac tir,
dib-u- habayn ama hawlgal cusub oo la
xidhiidha, Nalka, Tilifoonada, Biyo gelinta iyo wadooyinka ee kala ah godod
qodis, dhul jeexid, ama furfurid qalab koronto, iyo tilifoon waxaa laga rabaa
in ay marka hore ka soo qaataan Dawladda Hoose Ruqsadda oggolaanshaha goob
shaqo.
t)
Inay dhaqan galiso lana timaado hay’addu shuruudaha
iyo astaamaha goob shaqo, kana mid yihiin.
1. Inay
goob joog yihiin saraakiil ka kala tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda
Boosaha, Iyo Dawladda Hoose “Inspectors” aqoon u leh hawsha. Saraakiishaas waxa
xil ka saaran yahay xogogaal u noqoshada
qalabka hubinta iyo is waafajinta joogtaynta iyo naqshadaha ilaa dhammaadka
hawsha
2. In
goobta laga taago astaanta goob – shaqo ka socoto iyo eeriyada (iska jir ka
digtoonow I.W.M.)
3. In
goobta shaqo la xidho laguna wareejiyo dayr
“Tiirar” (Udubyo) taagtaagan oo maryo cas laga lulo
4. Haddii
hawshu gaadho xilli habeenimo ah in Nal
iftiimaya lagu xidho, haddii ay bohol ama godod la jeexay jiraan
waardiye dadka uga diga la dhigo goobta.
5. In
degdeg loo awdo ama loo dhiso gododka iyo dhulka jeexan isla markay hawshu
dhamaato oo laga faraxasho.
6. In
wixii qalab ah iyo hadhaa qashin ah degdeg looga raro goobtaas lana nadiifiyo.
j) Haddii fulin la’aanta shuuradaha ku qoran
faqradda (1)aad ee Qodobkan awgeed dad wax ku noqdaan goobtaas shaqo ha noqoto
dhimasho ama dhaawacba ama khasaare Gaadiid midkood waxa loo raacayaa magdhawga
oo ka mas’uul ah hay’adda, shirkadda iyo cidda
ay khusayso hawsha goobtaasi .
x)
Maamulka Degmada haddii uu ka fulinayo goob ama
aagag ay ku aasan yihiin ama ka taagan yihiin qalab farsamo ee Biyaha, laydhka
iyo Tilifoonada kama fulin karaan karto hawl ilaa ay kala xidhiidho Hay’adaha
ay khusayso.
Kh) Haddii ay dhacdo inay la tashi la’aan iyo
wargelin la’aan hawl ka fuliyaan Goobahaas wixii khasaare gaadha qalabkaas
waxaa ka mas’uul ah Maamulka Hay’adda ama Shirkadda.
6.
SHIRKADAHA
HADDA JIRA.
b) Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku shaqada leh
Nalka iyo Tililfoonada waa inay naqsahadahooda hadda jira “Map of the Area” u soo
gudbiyaan Dawladda Hoose ee Degmada soona raaciyaan tirakoob waafi ah ee la
xidhiidha qalabkooda dhismayaashooda iyo Guryaha ay ku jiraan laydhka iyo
Tilifoonada.
t)
Sannad kasta dhammaadkiisa shirkadaha Tilifoonada iyo laydhka waxa laga rabaa soo
gudbinta korodhka Tilifoonada iyo laydhka ku soo biiray.
7.
KAALMAHA
SHIDAALKA.
b) Kaalmaha shidaalka kuma haboona oo way ka reeban
tahay: -
1. In
laga dhiso Xaafadaha la deggan yahay dhexdooda iyo Guryaha lagu nool yahay
dhinacyadooda.
2. In
laga dhiso Faras magaalaha Ganacsiga iyo suuqyada cidhiidhiga ee cagtu ku badan
tahay ee jidadka dhexmaraa yahay 30 mitir ama wax ka yar.
3. In
laga dhiso kaalmaha Shidaalka hareeraha Jidadka laamiga ah iyo jidadka caadiga
ah masaafad 10 mitir wax ka yar.
4.
Kaalmaha shidaalka ee foostooyinka kaydka u yihiin waa khatar iyo halis
badheedha, ku ganacsigooduna sharciyan waa xaaraan lamana oggola.
t)
Rugaha ka ganacsiga shidaalka waxa waajib ku ah
inay u dhan yihiin kuna rakiban yihiin qalabka lagu bakhtiiyo ama lagula
dagaalamo dabka (Safety Engineering and Work Shop Precautions).
1. Barkad
Biyo ah oo kayd ah.
2. Ciid
ku jirta weel diyaar ah lana dhigo ceelasha agtooda.
3. Haamo
gacmeedka dabdamiska (Fire extinguishers ba)
4.
Majarafado iyo baaldiyo.
5.
Calaamadaha sigaar laguma cabi karo iyo calaamadaha khatarta “Madax Aadamiga ee
lafaha ah ee isku talaabta “Shanshooyin ku suntan tahay”
6. In baabuurka matoorkiisu densanaado marka badroolka lagu shubayo.
8.
KA HORTEGGA KHATARTA DABKA.
b. Dabka ka dhasha kaalmaha shidaalka iyo xadhkaha laydhka sababo la
xidhiidha taxadir la’aan ama cillad farsamo iyo dayactir la’aan waxaa loo raacayaa oo ka mas’uul ah bixinta
magdhawga dhibaatada iyo khasaaraha ay u gaystaan dad iyo duunyo cidda ay khusayso
ee leh kaalinta ama korontada.
t. Shilalka gaadiidka dadweynuhu sababaan magdhaw laguma leh Shirkadaha
laydhka haddii qalabkoodu waafaqsan yihiin shuruudahan: -
1. Tiirarka laydhka oo shub ah, qori ama bir
2. Xadhkaha laydhka oo dhulka ka sareeya ugu yaraan
(8) mitir, hoostana ugu yaraan 1 mitir
qodan
3. Xadhkaha laydhka
oo duuban.
9. WAX SOO SAARKA
WAKAALADAHA.
1.
Wakaaladaha iyo shirkadaha ku hawlahan laydhka,
Biyaha, Tilfoonada iyo Warshadaha waxa laga rabaa Cashuurta Dawladda Hoose ee
ku waajibtay: -
b) Wax soo saarkooda.
t) Cashuurta
Dhulka ee Dhismayaasha iyo Qalabkooda Farsamo (Areial Transmision or Disc
Units) Transformers tiirarka.
2.
Dawladda Hoose iyo Hay’adaha ay khusayso ee ay ku
waajibtay cashuurta ku cad xarafka 1aad ee Qodobkan, Qaabka iyo nidaamka
Xisaabaadka ay ku kala qaadanayaan Cashuurta Dawladda Hoose, waxaa isla meel
dhigaaya labada dhinac ee ay khusayso.
3.
Shardise waxaa ah in lagu saleeyo raad raaca
nidaamkan hoos ku qoran midkood:-
b) In loogu qaado biilasha ay ku soo dallacaan
macaamiisha ee billaha ah.
t) Meter
Reading system saacadaha istimaalka qoraan.
j) Dakhli
bileedka Monthly income “Cash Buug Reference”
x) Bank Statement “Dhinaca Dakhlliga”.
Kh) Diiwaanada macaamiisha iyo iibka “General
Ledger & Sales Journal”.
d) Diiwaanka
Dakhli maalmeedka xarunta ee Hay’ad kasta.
r) Xisaab
xidh billeedka ama sannadeedka.
QODOBKA
72aad.
GOOBAHA QALABKA
LAYDHKA IYO TILFOONADA.
1.
Dawladda Hoose xil baa ka saaran qalabka korontada
iyo tilfoonada ilaalintooda, waxaana ka reeban bixinta Goobaha ay ka taagan
yihiin ama ku aasan yihiin qalabka korontada iyo Tilifoonada
2.
Waxa kale oo ka reeban bixinta dhulka Naqshada ugu
jira ee D/Hoose ku dhaqankiisa hore u bixisay.
QODOBKA 73aad.
GAADIIDKA DADWEYNAHA.
1.
waxa waajib ku ah Golaha Deegaanka tirakoobka, dib
u habaynta, Diiwn Gelinta iyo isu dheeli tirka Gaadiidka daweynaha “Basaska,
Tagaasida” ee u kala goosha Degmada.
b) In la diiwaan geliyo lana siiyo Baabuur kasta
l ambar ka diiwaan gashan Dawladda
Hoose oo taxane ah, laguna qoro 2 dheeg.
t)
In diilin renji ah lagu sunto Tagaasida Degmada
gudaheeda ka hawlgala korkiisana laga taago calaamadda (Taxi ) iyo astaanta
Degmada ee labada daaqadood
dhinacyada hore
j)
In rugaha gaadiidka dadweynaha iyo adeega guud la kala
saaro, si saxmadda loo yareeyo.
x)
In saldhigyada iyo barxadaha nasashada iyo marinada
ay maraan la habeeyo, lagana taago astaamaha gaadiidka daweynaha.
Kh) In aagga go’doonka ah ee gaadiid la’aanta iyo
gaadiid xumo ka taagan tahay gaadiid ka howl gala loo sameeyo.
QODOBKA 74aad.
GAWRACA IYO SARIIBADAHA.
1. Hubinta
iyo suggida Caafimaadka Xoolaha daabaxa ah ka sokow waxaaa Dawladda Hoose saran
u fiijignaanta ka hortagga cudurada faafa ee ka dhashay nadaafad-darrada siiba
goobaha gawraca, sariibadaha hilibka, Kaluunka iyo khudradaarta oo loo baahan
yahay joogtaynta nadaafadooda.
2. In
shaqaalaha ku hawlan dareyeelka iyo nadaafadda Goobtaas la daryeelo loona
fidiyo gunnayn gaar u ah iyo nafaqayn.
3. In biyo
kayd ah oo ku filan ay khasab tahay helitaankoodu.
4. Hawl maalmeedka
Nadaafada goobahaas oo ah sidatan: -
b)
In biyo kulul lagu maydho goobta Gawraca,
Sariibadaha Hilibka, khudaarta Kaluunka miisaska, iyo qalabka la isticmaalo.
t)
In Caustic Acid iyo soodhe “Powder” ah lagu maydho
maalin kasta xilliga laga rawaxo oo joogto ah.
x)
in bulaacadaha iyo dhuumaha wasakh mareenka ah
Canalization/Drainage ee xero dhiigta xilliyada qaarkood lagu shubo Sulphuric
acid biyana la raacsiiyo ugu dambaynta.
5. Isticmaalka
kiimikada lagu nadiifinayo kawaanada iyo sariibadaha waxa oggolaansho looga
qaadanayaa Wasaaradda Caafimaadka
QODOBKA75aad.
FAYA
DHOWRKA.
Kor u
qaadidda iyo ilaalinta fayadhawrka waxaa asaas u ah jaangoynta kormeerka iyo
wax ka qabadka.
b) Bulaacadaha, Musqulaha iyo Goobaha khashin qubka Buufintooda iyo
Nadaafadooda
t) Goobaha Ganacsiga sid sariibadaha, HuteeladaCuntada, Mukhaayadaha, Albeerkooyinka Hurdada
qalabkooda iyo weelka Cuntada hubintooda Xaaladooda Nadaafadeed iyo amar
bixinta baddalkooda haddii ay lama huraan noqoto.
QODOBKA 76aad.
DAB DEMISKA.
1. Mudnaanta
kowaad ee maalgelineed waa in la siiyo helitaanka Baabuurta dab-demiska iyo
qalabka fudud ee dabka lagula dagaalamo bakhtiintiisa.
2. Dawladda
Hoose ee Degmada waxaa laga rabaa inay hanato maalgashiga iyo dedejinta
dhismaha kooxda dab-demiska ee Degmada.
b) Xarunta iyo Hoosada Gaadiidka Dab-demiska iyo
Hoosada
Hagaajinta Gaadiidka/Qalabka.
t) Dugsiga tababarka shaqaalaha ee kooxda dab
damiska “Anti-Fire Gang/ Brigade”.
j)Berkadaha keydka biyaha
dab-demiska dhismahooda.
x) Keenista
qalabka fudud ee dab-deminta “Portable Fire
Extinguishers”.
3. Inay
waajib kaga dhigaan meheradaha, Guryaha, Huteelada kuwa Cuntada iyo Hurdadaba
inay dhigtaan qalabka dab-demiska laguna kormeero fulintooda.
4. Inay dhismayaasha Cusub waajib kaga dhigaan ku tala-galka
qalabkaas nooc kastuu yahay.
QODOBKA 77aad.
ASTAAMAHA WADOOYINKA.
Dawladda
Hoose ee Degmada waxa waajib ku ah, iyadoo adeegsanaysa Ciidanka Nabadgelyada
Wadooyinka, inay qotomiso ama dejiso astaamaha waddooyinka (Traffic Signs) kuna
dhammaystirto dhammaan jidadka Degmada oo dhan.
QODOBKA 78aad.
QURXINTA IYO DAYACTIRKA.
1. Dawladda Hoose waxa ku waajib ah in ay dhisto
Dhulka ku yaalla laamiga baalihiisa ee u dhexeeya dhismayaasha iyo jidka
laamiga ah “Pavement”.
2. Si kor loogu qaado bilicda iyo quruxda
magaalada, waxaa ku waajib ah muwaadin kasta oo leh dhisme inuu dayactiro oo
caddeeyo qurxinta dhismayaashiisa gaar ahaan faras magaalaha iyo suuqa
ganacsiga Sannadiiba hal mar siiba maalmaha ciidaha.
3. Dawladda Hoose ee Degmada waxa ku waajib ah
wacyi galinta iyo muddeynta dhismaha jidadka “Pavment” ee dadku maro iyo
qurxinta dhismayaasha, Meel marin la’aanta faraqadda 1aad, 2aad ee qodobkan
waxaa lagu mutaysanayaa ganaax.
4. Dawladda Hoose waxa ku waajib ah oo laga rabaa
inay qodobada kor ku qoran ee xubintani ka kooban tahay lagu faafiyo wageysyada
lagana sii daayo Idaacadda muddo bil ah ugu yaraan iyo mar kasta oo loo baahdo.
QODOBKA 79aad.
HEEGAN GALINTA FARMASIIYADA.
Habaynta kaltanka famasiiyada
iyo heegan galinta Rugaha Caafimaadka, Dabdamiska, Korontoda, Biyaha iyo Kaalmaha Shiidaalka ee heer Degsiimo iyo
Guud ahaanba Degmada, waxaa dajinaysa Dawladda Hoose
QODOBKA 80aad.
ILAALINTA
SICIR GOYNTA.
Golaha Deegaanka
waxa ka mid ah waajibaadka saaran sicir goynta iyo ilaalinta quutal daruuriga ha noqdo mid caydhiin,mid
basil, Jimlad iyo miisba (6) lixdii biloodba, hal mar hadba dhaqdhaqaaqa
korodhka iyo hoos u dhaca sarifka hadba
heerka uu joogo.
QODOBKA 81aad.
KALA XADAYNTA MEHERADAHA GANACSIGA & KALA
HABAYNTOODA.
Kala
saarista hawlaha, waajibaadka iyo xuduudda ay kala leeyihiin ganacsatada kala
ah:-
b) Soo dejiyaha badeecadaha iyo dhoofiyaha
(“Importer and Exporter”Jumlad iibiye Whole Saler
t) Tafaariiq iibiye “Retailer”.
Golaha Deegaanka ee
Degmada waxaa xil ka saaran yahay xaqiijinta kala habaynta iyo xadaynta
xuduudaha darajooyinka Ganacsiga ee Xagga sare ku xusan kala leeyihiin iyagoo
ku soo saaraaya Xeer hoosaadyo (By Laws) iyo go’aanno la xidhiidha toosinta
Ganacsiga siiba dib u habaynta liisamadooda oo ku salaysan darajadooda ganacsi.
QODOBKA 82aad.
HAY’ADAHA MAXALIGA .
Hay’adaha
maxaliga ah Qandaraaslayaasha ee ka soo qaata dhisme mashaariic horumarineed
sida MCH, Dugsi, Saldhig Boolis, Sariibad, Hangar I.W.M, kama dhisi karaan
xaafad ama goob aan Dawladda Hoose ugu jirin jaangoynta.
Shardi
waxaa ah in marka hore lagala xidhiidho Dawladda Hoose ee Degmada, kaalinta
baahida dhismahaas ka jirrto iyo goobta loo qoondeeyey.
QODOBKA 83aad.
CIQAABTA KU XADGUDUBKA XEERKAN.
1. Cid kasta
oo jebisa Qodob ama Qodobo ka mid ah Xeerkan ama diida ama ishortaagta amarada
ka soo baxa Golaha Deegaanka ama Saraakiisha u xilsaaran fulinta hawl kasta oo
Guluhu leeyahay
Waxay mudan doonaan Ciqaabaha soo socda: -
Ganaax
lacageed oo u dhaxeeya S.L.SHs. 50,000/= ilaa S.L.SHs. 5, 000,000/= Xadhig
gaadhaya (3) bilood ilaa (6)Bilood ama labada oo la isugu daro.
2.Fal dambiyeedyada ka dhasha,
kana baxsan kuwa ku xusan lambarka 1aad ee Qodobkan, waxa loo gudbinayaa Hay’adaha
sharciga ku shaqada leh, waxaana loo
cuskanayaa Xeerka Ciqaabta Qaranka.
XUBINTA 10AAD
DAKHLIGA.
1. Dakhliga Goluhu wuxuu ka kooban yahay: -
b)
Cashuur
t)
Qiimayaal
j)
Cashuur Maalmeed ka dhasha adeegyada ay qabtaan.
2. Dakhli ka yimaada hantida ma guurtada ah iyo ma
guurtada ah ee Dadweynaha.
3. Dakhli ka yimaada wax kala iibsiga dadweynaha
(Sales Tax).
4. Dakhliyada ka dhasha adeegyada kale ee ay
dadweynaha u qabtaan,
5. Khidmadda laga qaado shaqaalaha Dawladda oo dhan
iyo macaashal macaashka (Municipel Tax)
oo ay qaado Dawladda Dhexe.
6. Cashuurta Shatiyada Ganacsiga kala duwan ee
meheradaha.
7. Ganaaxyada ay Maxkamaduhu qabtaan iyo Deeqaha
Dawladda Dhexe iyo Hay’adaha Caalamiga ah ka helaan
8. Dulsaarka ay ka helaan lacagaha ay Bankiyada
dhigtaan iyo Deeqaha dibadaha ay ka helaan (Caalami ama Wadani).
9. Ijaarka ay ka helaan Hantida uu Goluhu leeyahay
iyo
10. Wixii kale oo ka yimaada Hawlaha Goluhu qabto.
QODOBKA 85aad.
1. Maadaama ay ku kala tagsan yihiin Gobollada iyo
Degmooyinku dhinaca dabiicada, Nolosha ijtimaaciga ah, Ganacsiga, wax soo
saarka, istraatiijiyadda Deegaan, Darajooyinka, Adeegyada Arrimaha Bulshada iyo
Dekhligaba, loona soo doortay Goleyaal Deegaan oo ah madasha xeer dejinta u
gaarka ah, isla markaan laga duulayo hoos u daadajinta Maamulka
“Decentralization” waxay u madax banaanyihiin dejinta Tacriifada Khidmadaha u
gaarka ah oo ku salaysan qiimeyn.
2. Gole kasta oo deegaan wuu u madax banaan yahay
inay xadidaan tacriifahooda, kordhiyaan dhimaan ama wax ka badalaan toosna u
qaataan. waxayna ku soo saarayaan xeer hoosaad.
3. Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa awood u leh ogolaanshaha Ansixinta diidmada iyo
dib u celin iyo talo ka soo jeedin wax ka bedelid.
QODOBKA 86aad
KHIDMADAHA ADEEGYADA GOLAHA DEGMADA.
1. Nooca
khidmadaha adeegyada iyo Cashuuraadka u gaarka ah Golaha Degmadu waxay kala
yihiin sida soo socota isagoo madax kastaa u sii kala baxaayo dhawr khidmadood
kana kooban madaxyadan: -
b)
Cashuurta Liisamada Ganacsi.
t)
Cashuurta Iibka Xoolaha
j)
Cashuurta Calamadaha
x)
CashuurtaMaaweelada
kh)
Cashuurta Beeraha
d)
Cashuurta Qiimaha Guryaha
r)
Cashuurta Qiimaha Dhulka
s) Cashuurta Dhismaha ku meel Gaadhka ah.
Sh)
Cashuurta Suuqa
Dh) Cashuurta kal wareejinta
c)
Cashuurta Kawaanka iyo Gawraca.
g)
Cashuurta Barkadaha iyo Waraha
f)
Cashuurta Hargaha iyo Saamaha
q)
Cashuurta Diwaan Gelinta
k)
Cashuurta Diiwaan Gelinta Dadweynaha
l)
Cashuurta Badeecadaha iyo Qaadka
m)
Cashuurta Wax soo saarka Gudaha
n)
Cashuurta Isticmaalka Korontada.
w)
Cashuurta Khidmada Mashaariicda
2. Qaabka xadaynta tacriifadaha waxaa lagu soo saari doonaa Xeer
Wasiir marka Golaha Deegaanku soo
jeediyo.
QODOBKA 87aad.
MIISAANIYADDA
1. Golaha waxa waajib ku ah inuu diyaariyo
Miisaaniyad Sannadeedkiisa (3) Bilood ka hor inta aan Sannadku bilaabmin
(September kasta)
2. Miisaaniyadaa waxaa lagu muujinayaa: -
b)Ku talagalka Dakhli ee Sannadka soo socda.
t) Ku talagalka kharash ee Sannadka soo socda.
3. Miisaaniyadda waa inay muujisaa madax iyo
madax-xigeenno tilmaamaya Dakhli iyo kharash.
4. Goluhu marka uu Miisaaniyadda ansixiyo, waxa uu
u soo gudbinayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, si loogu soo saaro Xeer Wasiir
Dhaqan galkeeda.
5. Haddii Wasiirku ku arko wax ka qaldan qaab ahaan
ama aan Waafaqsanayn habka Miisaaniyad samaynta iyo sharicga Xisaabaadka wuxuu
xaq u leeyahay inuu ku celiyo, isaga oo talo iyo Tilmaamo raacinaya.
QODOBKA 88aad.
DIB U EEGIS MIISAANIYADEED.
1. Dib u eegis miisaaniyadeed waxa la samayn karaa
(6) bilood ee sannadka ugu dambeeya (laga bilaabo kawda bisha julaay) haddiii
dakhli korodh yimaado.
2. Dakhli korodhka waxa lagu jihaynayaa
mashaariicda horumarinta oo kaliya.
QODOBKA 89aad.
XISAAB XIDHKA GOLAHA DEGMADA.
Xisaab xidhka Golaha Degmada ha
noqdo mid Bileed, Saddex Bilood, iyo hal sannoba waxa loo soo gudbinayaa
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo leh hubinta iyo sixidda shuruucda Xisaabaadka,
hal nuqulna waxaa loo gudbinayaa Hantidhawrka Guud ee Qaranka.
QODOBKA 90aad.
KALA WAREEJIN LACAGEED.
1. Kala
wareejin lacageed oo madax-xigeenada dhexdooda ah waxa la samayn karaa 6da
bilood ee sannadka ugu dambeeya ansixinteeda waxaa iska leh Wasiirka Wasaaradda
Arrimaha Gudaha.
2. Wax kala
wareejin ah laguma samayn karo madax-Xigeenada khuseeya mashaariicda la
xidhiidha horumarinta.
QODOBKA
91aad.
DEYNTA.
b. Goluhu awood uma laha inuu galo kharash ka
baxsan Miisaaniyadda, oo sababa Deyn lagu
yeesho Golaha.
t. Mas’uuliyiinta saxeexa kharashka u idman ee
galay kharash ka baxsan Miisaaniyadda, iyaga ayaa ka mas’uul ah Deynta ay
galeen, loona raacayaa, loomana dooran karo mar labaad Guddoomiye ( Maayar )
j. Waxaa Guddiga fulinta iyo mas’uuliyiinta maamulkaba ka reeban inay
dadweynaha, Hay’adaha Dawladda, Shirkadaha I.W.M. ka galaan Deyn aanay
lacageedu Miisaaniyadda ku jirin.
x. Haddii timaado duruufo degdeg ah, sida
aafooyinka dabiiciga ah ama arrimo Nabadgelyo oo u baahan dhaqaale, Miisaaniyaddana
aan ugu jirin, Golaha waxaa u furan inuu qaato go’aan uu ku daboolo Deyn
lacageed, oo daboosha baahidaas, isaga oo la kaashanaya Wasaaradda Arrimaha
Gudaha.
Kh. Deynta ku Xusan Xarafka(d) ee Qodobkan waa in
Goluhu ku soo Celiyaa muddo aan ka badnayn laba Sannadood.
QODOBKA 92aad.
XEER NIDAAMIYAHA XISAABAADKA IYO KAYDKA HANTIDA
GOLAHA.
1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
ayaa u dajinaysa Golaha Deegaanka
Xeer Nidaamiye u gaar ah Xisaabaadka Golaha Deegaanka oo ah “Double
Entry System”.
2.
Nidaamka xisaabaadka iyo maamulka makhasinada waxa lagu dhaqmayaa
shuruucda iyo xeerarka Qaranka.
QODOBKA 93aad.
AWOODDA SAXEEXA KHARASH BIXINTA IYO HANTIDA KAYDKA
GOLAHA .
b. Awooda
Saxeexa kharash Bixinta iyo hantida kaydka Golaha, Waxaa leh Duqa Degmada iyo Xoghayaha
Fulinta iyo Cidda ay u igmadaan.
t. Xoghayuhu asaga ayaa Xagga farsamada iyo
waafajinta kharashyada dhinaca shuruucda iyo Miisaaniyadaha iyo Dakhligaba si
gaar ah ugu idman Golaha.
j. Haddii
isqabad ka yimaado awoodaha ku xusan Xarafaha (a) iyo (b) ee Qodobkan,
Xoghayuhu waxa u fulinaya amarka Duqa, marka uu Duqu amar qoraal ah sidaas ku
bixiyo. Wixii ka yimaadana Duqa ayaa ka mas’uul ah.
Kh.
Xoghayuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu qoraalkii Duqa iyo waxa uu ka qabo oo
qoraal ah uu soo hordhigo, Golaha kalfadhiga ku xiga dhacdadaa.
QODOBKA 94aad.
GUDDOONKA DEEQAHA.
1. Goluhu
wuxuu guddoomi karaa deeq kasta oo uga timaada: -
b) Dawladda dhexe
t) Hay’addaha Caalamiga ah
j) Dadweynaha ama jaaliyadaha.
x) Hay’addaha Maxaliga ah iyo
kh) Shirkadaha dibada iyo Gudaba.
2. Deeqahaasi
oo noqon kara, lacag, qalab, Gaadiid, Guryo iyo hadiyad sharafeed nooc kasta
3.
Deeqahaas waxay ka mid noqonayaa hantida Deegaanka
waana la diiwaan galinayaa.
QODOBKA
95aad.
XARAASHKA HANTIDA DEEGAANKA.
1. Haddii dan guud loo arko in la sii iibiyo
(Xaraash) hanti ma Guurto ah amba guurto ah oo ka mid ah Hantida Golaha
Deegaanku leeyahay, waxaa xaraashkiisa oggolaanaaya Golaha Degmada ka dibna
waxa loo gudbinayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku soo saaraya Xeer
Wasiir ka dibna waxaa loo gudbinayaa Guddida Qandaraaska Golaha Deegaanka si
loo naadiyo.
2. Shardise waxa ah in Guddi sannadeedka baadhista,
kormeerka iyo hubinta Hantida Golaha (Annual Board of survey) tallo ku soo
jeediyaan kuna soo caddeeyaan warbixintooda nooca hantida in la xaraasho u
baahan oo faahfaahin sababaysan leh.
3. Dakhliga ka soo baxa
hantida guud ee la iibiyey (xaraashay) waa in dib loogu celiyaa degmadi oo ay
ka muuqataa miisaniyada degmada.
QODOBKA 96aad.
GUDDI SANNADEEDKA KORMEERKA IYO BAADHISTA “ANNUAL
BOARD OF SURVEY”
1.
Guddi
sannadeedka kormeerka iyo baadhista hantida Golaha Degmada waxaa magacaabaaya
Guddoomiyaha Gobolka, waxaana la magacaabayaa Sannad kasta bilawgiisa Bisha
Jeeniwari horaanteeda, (Guddi madax banaan).
2.
Xubnaha Gudidu waxay ka koobnaan doonaan (5)
xubnood.
3.
Qoraalka
magacaabista guddi sannadeedka baadhista hantida golaha Waxaan nuqul la
siinayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hantidhawrka Guud Ee Qaranka.
4.
Guddi sannadeedka
baadhistu xubin kuma leh Hantidhawrka Guud ee Qaranku.
5.
Sidoo kale
saraakiisha ka mas’uulka ah hantida la kormeeraayo kama mid ah guddida balse
waa in ay goob joo ahaadaan marka rugahooda la kormeeraayo.
6. Guddida baadhistu waa inay natiijada kormeerkooda
oo qoraal ah si aan dib u dhac lahayn ugu soo gudbiyaan, Guddoomiyaha Gobolka,
Duqa Degmada, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyadoo nuqulka Asalka ah loo
soo diraayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Faahfaahinta qoraalka oo u
kala baxaysa sidatan: -
b)
Hantida dhiman ama la waayey.
t)
Hantida
dheeraadka leh.
j)
Xaaladda guud ee hantida goluhu ku sugan tahay
dhawrsanaanteeda amba haddii dayac ka muuqdo
x)
Hantida xaraashka u baahan amba in la sii iibiyo ee
la marinaayo qaabka qandaraas bixinta iyo naadinta.
Kh) Hanti loo duwi karo ka faa’iidaysiga isticmaalka dan guud
ama deeq ahaan lagu wareejin karo hay’ad kale
sababaha dan guud awgeed.
d) Gubid iyo baabiin.
QODOBKA 97aad.
MAS’UULIYADDA XISAABEED.
Kharashka
sharcigu oggol yahay ka sokow mas’uulkii ama golaha amra amba bixiya kharash
aan waafaqsanayn sharciga waa in uu soo celiyaa, isaga ayaana ka mas’uul ah
iyada oo la raacaayo sharciga ilaalinta hantida Qaranka.
QODOBKA 98aad.
KORMEERKA IYO BAADHISTA.
Wasaaradda
Arrimaha Gudaha ayaa awood u leh kormeerka iyo baadhista Hantida, shaqada iyo
hubinta fulinta shuruucda, Xeerarka iyo Siyaasadda Guud ee Qaranka. Sidoo kale
Hanti Dhawrka Guud ayaa u xil saaran baadhista maamulka iyo maaliyadda Golaha
Degmada.
QODOBKA 99aad.
HESHIISYADA IYO QANDARAASYADA.
1. Goluhu wuxuu awood u leeyahay inuu heshiis ama Qandaraas la galo
qof, koox, shirkad ama hay’ad, isaga oo ku tashanaya awoodiisa dhaqaale.
2. Goluhu wuxuu yeelanayaa Guddi Qandaraas oo u gaar ah.
3. Tirada xubnaha guddiga Qandaraaska iyo magacyadooda waxaa xadidaya
oo magacaabaya Golaha.
4. Waxaa la raacayaa shuruudaha Qandaraas bixinta ee ku xusan sharciga
Qandaraaska Qaranka.
5. Gudida qandaraasku waxay ka kooban tahay: -
b)
Guddoomiye
t) Guddoomiye
Ku-Xigeen
j)
Xoghayn
x) Iyo
Xubno labo (2) ah.
6. Kooramka Gudida qandaraasku wuxuu ku ansaxayaa guddoomiyaha Gudida
iyo ugu yaraan afar xubnood.
7. Guddida qandaraasku waxaa u banaan awoodna u
leeyahay in uu u yeedho ama ku marti qaado Sarkaal ama farsamo yaqaan sare oo
ka kaalmeeya dhinaca farsamada balse aan cod ku lahayn guddida.
QODOBKA
100aad.
GUDDIGA
QANDARAASKA HEER GOBOL
Qandaraasyada ku saabsan maal gelin Mashaariicda,
Gadashada Gaadiidka, Qalabka Guryaha iyo Xafiisyada, Dhismaha Cusub iyo
Qandaraas kasta oo la xidhiidha badeecada waxaa la marinayaa Guddiga Qandaraas
bixinta Ee Heer Gobol, oo uu Guddoomiye ka yahay Guddoomiyaha Gobolka.
QODOBKA 101aad.
DHAQANGALKA IIBKA.
Hanti kasta (Guurto iyo ma guurto)
oo la kala iibsanayo, la isku wareejinayo, la isku hibaynayo ama la isa siinayo
eek u jira xadka Degmadda, heshiiskii laga galaa ansax noqon maayo (ma
noqonayo) haddii maamulka Dawladda hoose ee Degmadu aanay oggolaanin
QODOBKA 102aad.
Gudbinta Saxeexyada.
Tusaalaha
Saxeexyada Gudida Fulina ee Golaha Degmada iyo Kaydka Saxeexyada Waxaa uu
Goluhu u gudbinayaa hay’adaha ay khusayso, waxaanay nuqul ogaysiin ah siinayaan
Wasaaradda Arrimaha Gudaha
XUBINTA 11AAD
ARRIMO KALA DUWAN
QODOBKA 103aad.
AWOODDA DAWLADDA DHEXE.
1.
Awoodda iyo Waajibaadka Dawladda Dhexe ku leedahay Golaha
Maamulka
Golahu wuxuu ka mid yahay maamulka xukuumada wuxuuna toos u hoos imanayaa
Wasaradda Arrimaha Gudaha oo ku leh waajibaadkan iyo Awoodahan:
b) Sugidda Amaanka iyo ilaalinta Nabadgalyada.
t) Ansixinta
iyo oggolaanshaha dib u habaynta Naqshadda Degmada iyo wax ka badelkeeda.
j)
Ansixinta iyo oggolaanshaha abuuridda iyo dhismaha Degsiimooyinka Cusub
ee hoos yimaadda Golaha Degmada.
x) Kormeerka iyo hubinta habsami u socodka hawlaha
maamulka Golaha Degmada.
Kh) Sugidda iyo u kuur galka fulinta Shuruucda,
Xeerarka iyo dhaqan galka amarada ka soo baxa Goleyaasha Dastuuriga ee Qaranka.
d) Hagida iyo ku hogaaminta Siyaasadda Guud ee
Qaranka.
r) Kala xadaynta
xuduudaha Degsiimooyinka hoos yimaadda Gobollada iyo kala xadaynta Degmooyinka
kale.
s) Jaangoynta, qorshaynta iyo raadinta maalgelinta
mashaariicda horumarineed ee heer
caalami iyo kuwa Dawladda Dhexe
dh) Dajinta
barnaamijka iyo siyaasadda fidinta maamulka.
c) Magacaabista Guddiyaal hawl cayiman iyo
magacaabista Saraakiil, iyo arrimaha kale ee Dastuurka JSL iyo Xeerkani Awoodda u siinaayo.
2. Waxaa reeban in ay Xukuumaddu soo saarto
wareegto ama amar burinaya ama is
hortaagaya fullinta iyo ku dhaqanka qodob ama qodobo ka mid ah xeerkan kadib
markuu dhaqan galo.
3. Haddii ay dhacdo arrinta faqradda labaad kuu
xusan ee qodobkan waxay ciqaabta kadhalataa gaar u noqonaysaa masuulkii amarkaa
bixiyay ama wareegtadu kasoo baxday ishortaaga ahi.
QODOBKA 104ad.
BAABIIN AMA LAALID.
Waxaa la
baabiiyey ama lala laalay sharci kasta oo ka soo horjeeda ama aan la socon
Karin Xeerkan.
QODOBKA 105aad.
DHAQAN GALKA.
Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxeexo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland laguna baahiyo faafinta Rasmiga ah ee
Qaranka.
__________________
Lifaaqa
Xeerka No: 23 ee ismaamulka gobolada iyo degmooyinka.
Degmooyinka
Maamul ee ku meelgaadhka ah
1. Degmo
waxay degmo dhan ku noqonaysaa kadib markay ka gudubto shuruudaha qiimaynta ee
degmonimo.
2. Inta natiijada
qiimaynta ka horaysa waxay ahanaysaa degmo maamul oo ku meel gaadh ah.
3. Degmooyinkii
la magcaabay intii ka danbeysay 1991, marka laga reebo degmooyinka Baliguble
iyo Salaxley oo iyaga shirweyne lagu ansixiyey, waxa loo aqoon sanayaa degmo
maamul oo ku meel gaadh ah waana ku wa hoos ku qeexan:
Gobolka Hargetsa
b) Faraweyne
t) Sabo Wanaag
j) Cadaadley
x) Daarasalaam
kh)
Alaybaday
d) Dacar Budhuq
Gogolka Togdheer
b)
Duruqsi
t) Shiikh Xasan Geele (Bali dhiig)
j)
Qoryaale
Gobolka Awdal
Dila
Gobolka Saxil
b) Bula
xaar
t)
Mandheera
j) Xagal
Gobolka Sanaag
b)Maydh
t)Xiis
j) Darar
Weyne
x) Fiqi
fuliye
Gobolka Sool
b)
Boocane
t)
Yagoori
Isu geyn waa 19 degmo oo ku meel gaadh ah.
4. Degmooyinkaa
maamul inta laga soo qiimaynayo iyadoo loo raacayo shuruudaha looga baahan
yahay, waxay ka tirsanaanayaan degmooyinkii ka farcameen, waxanay yeelanayaan
maamule degmo.
5. Maamulaha
degmada ku meel gaadhka ah waxa soo magcaabaya golaha deegaanka ee ay ka tirsan
tahay, waxa soo jeedinaya gudida fulinta, waxana ogolaanaya golaha deegaanka,
shardi waxa ah in maamulahaas goloha deegaanku magcaabay uu yahay xildhibaan ka
tirsan golaha deegaanka, deegaanan u ah degmadaa ku meel gaadhka ah.
6. Xoghayayaasha
degmooyinka ku meel gaadhka ah waxa magcaabaya wasiirka wasaarada arimaha
gudaha.
7. Marka ay
dhamaato qiimaynta degmooyinkaas ku meel gaadhka ah, degmadii ku guuleysataa,
waxay u gudbaysaa derejada D, waxana laga soo dooranayaa gole deegaan oo
tiradoodu dhan tahay sagaal (9) xubnood, degmadii sifaha qiimaynta buuxin weyda
waxay waayeysaa derejadii degmo maamul waxayna dib ugu noqonaysaa derejadeedii
tuulo nimo.
8. Xukuumadda
waxa ku waajib ah inay kusoo dhamaystirto xuduudaha, qiimaynta iyo shuruudaha
kale ee looga baahanyahay Degmooyinkaas maamul ee ku meel gaadhka ah, muddo aan
ka badnayn (12) bilood laga bilaabo tariikhda dhaqan galka xeerkan una soo
gudbiso Golayaasha Baarlamaaka si loo ansixiyo.
Alla
Mahad leh.
Md.Cabdiraxmaan Maxamed C/Laahi Maxamed Xasan Kaahin
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xog.Guud ee Golaha Wakiillada
________________________________ _______________________________