New Draft Bill on Guurti (House of Elders) Elections: July 2006

 

Jamhuuriyadda Somaliland

 

XEERKA DOORASHADA GOLAHA GUURTIDA

(Xeer No. 20-3/2006)

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

 

 

GOLAHA WAKIILADA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

 

 

Markuu arkay:            Qodobada 9aad, 22aad, 37aad, 38aad, 39aad, 57aad, 58aad, 59aad, 60aad, 128aad iyo 130aad ee Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu xaqiiqsaday:             In doorashda Golaha Guurtidu dhammays tirayso hannaaka dimuqraadiyadeed ee lagu beegsanayo taabba gelinta buuxda ee qaranimada Somaliland

 

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo ka digo-rogashada hab-beeleedka iyo xaqiijinta himilada ummaddu ka dhursugaysay muddada dheer ee u tartanka iyo doorashada xorta ah ee  Mudanayaasha Golaha Guurtida Qaranka

 

Markii uu dhegaystay:           Dooddii mudanayaalsha ee xeerka doorashada ee Golaha Guurtida,

 

Waxa uu soo saaray xeer  lambar 20-3/2006

 

Macnaha erey-bixinta

Doorasho:                       Waxa loola jeedaa hawlgalka kala saaridda murashaxiinta u tartamaya xubinimada Golaha Guurtida, iyadoo lagu go'aan qaadanayo aqlabiyadda codadka muwaadiniinta cod- bixiyayaasha ah.

Komishanka:                waxaa loola jeedaa Guddiga Qaranka ee u xilsaaran maamulidda hawlaha doorashooyinka.

Goobo-codbixin:        waxa loola jeedaa goobaha tirooyin cod-bixiyayaasha ka mid ah oo isku degaan dhaw ka dhiiban karaan codkooda ee Komishanku cayimo.

Wakiil:               waxa Ioola jeedaa xubinta xisbi u soo wakiishay la socodka hawlaha doorashada ee goob-cod-bixineed ama xafiisyada doorashada ee degmo, gobol ama xarunta komishanka.

Musharax:      waxa loola jeedaa xubinta xisbigiisu u soo magacaabay inuu u tartamo xubinimada Golaha Guurtida si xeerka waafaqsan.

Cod-bixiye:    waxa loola jeedaa qofka buuxiyey shuruudaha cod-bixinta ee xeerku tilmaamay ee go' aankiisa ku dhiibanaya codayn.

Kursi:                 waxa loola jeedaa jagada xubinimada Golaha Guurtida ee hal qof loo dooran karo.

Astaan:              waxa loola jeedaa summadda ama calaamadda u gaarka ah hal xisbi ee loo diiwaangeliyay in lagu aqoonsado

Liis:     waxa loola magacyada musharaxiinta doorashada Golaha Guurtida ee Xisbi u soo gudbiyo Komishanka, kuwaas oo si siman ugu tartamaya doorashada, kala horaynta magacyadooduna aanay wax tixgelin ah lahayn doorashada.  

Saraakiisha dawladda: waxa loola jeedaa shaqaalaha masuuliinta ah ee ku siman agaasime waaxeed iyo wixii ka sareeya iyo madaxda hay’adaha madaxa banaan ee dawladda, iyo sidoo kale, madaxda ciidamada ee ku siman taliye urur ama taliye saldhig boolis iyo wixii ka sareeya.

Ololaha Doorashada:              waxa loola jeedaa hawlgalka ay Axsaabtu iyo murashaxiintoodu ugu tartamayaan iska dhaadhicinta iyo soo kala jiidashada cod-bixiyayaasha, si xeerkan waafaqsan

Xafiiska dhexe:            waxa loola jeedaa xarunta ugu saraysa ee laga maamulayo hawsha doorashada ee ay ku shaqeeyaan Komishanka Qaranku

Xafiiska Gobolka:      waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha doorashada ee Gobol ee Komishanku sameeyo, si xeerkan waafaqsan

Xafiiska Degmada:    waxa loola jeedaa xafiiska doorashada laga maamulayo ee degmo ee Komishanku sameeyo, si xeerkan waafaqsan.

Xafiiska Goobta:         waxa loola jeedaa goobta muwaadiniintu cod-bixinta ka dhiibanayaan ee laga maamulayo hawlaha cod-bixinta.

Hawl-wadeen:              waxa loola jeedaa shaqaalaha kala duwan ee komishanku hawlgeliyay inay ka shaqeeyaan goobaha cod-bixinta, xafiisyada doorashada ee degmooyinka iyo gobolada iyo xarunta dhexe ee xeerku jideeyay.

Xad-gudub:    waxa loola jeeda fal kasta iyo qawl kasta oo lid ku ah nidaamka doorashada iyo nabadgelyada guud.

Goob-joogayaal:         Waxa loola jeedaa kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee hubinaya habsami u socodka hawlaha doorashada ee Komishanka Qaranku aqoonsadey.

Jajab   Waxa loo la jeedaa tirada codadka ee ka yar inta hal kursi lagu heli karo

Si Taxane ah  waxa loola jeedaa wax kala duwan oo xidhiidhsan oo loo qoray si is daba taalla oo midba midka kale ka horreeyey

 

Qaybta I

MABAADIIDA GUUD

Qodobka 2aad

Adeegsiga Xeerka

Xeerkan waxa lagu maamulayaa loona adeegsanayaa doorashada xubnaha Golaha Guurtida JSL.

 

Qodobka 3aad

Tirada Xubnaha iyo Doorashada Golaha Guurtida

Golaha Guurtida JSL wuxuu ka kooban yahay 82 (sideetan iyo laba) xubnood. Kuwaas oo lagu soo dooranayo doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo xor ah, sida uu qeexay qodobka 40aad ee Dastuurku.

Qodobka 4aad

Mudada Xilka

Mudada xilka ee musharixiinta ku guulaysta doorashada xubinimada Golaha Guurtida waa 6 (Lix) sano, oo ka bilaabmaysa maalinta Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo go’aamada doorashada, sida uu tilmaamay qodobka 42(1)aad ee Dastuurka JSL.

 

Qodobka 5aad

Shuruudaha cod-bixiyaha

1.       Waa inuu yahay Muwaadin Somaliland u dhashay ama qaatay muwaadinimada Somaliland, si  Xeerka Jinsiyadda waafaqsan.

2.      Waa in aan da'diisu ka yaraan 16 sano, sanadka doorashada la qabanayo.

3.      Waa inuu xor yahay oo aanu xabsi ku jirin maalinta doorashadu dhacayso.

 

Oodobka 6aad

Xuquuqda Cod-bixivaha

Cod-bixiye kasta oo buuxiyey shuruudaha xeerku tilrnaarnay wuxuu xaq u leeyahay:-

1.       Inuu codkiisa ka dhiibto  goobta uu ku sugan yahay ee doorashadu ka socoto.

2.      Marka JSL hesho aqoonsi caalami ah, lana diiwaangeliyo muwaadiniinta, cod-bixiyaha ku sugan dal shisheeye xilliga doorashada la qabanayo, wuxuu codkiisa ka dhiiban karaa xafiisyada diblomaasiyadeed ee JSL ku leedahay dalalka shisheeye ee ugu dhow.

3.      Codku waa inuu ahaado mid shakhsi ah, xor ah, toos ah, qarsoodi ah oo si siman loo tixgeliyo. 

4.      Cod-bixiye kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo keliya doorashadiiba.

 

Qodobka 7aad

Xaqa is sharixidda

1.       Muwaadin kasta oo buuxiyay shuruudaha xeerku tilmaarnay wuxuu iska sharixi

karaa xisbiga uu ka tirsan yahay, si waafaqsan xeerka Xisbiga.

2.      Guddiga Fulinta ee Xisbiga ayaa iska leh awooda xulista musharixiinta. Waxayna ku soo saarayaan go'aan Guddi-fulineed liiska musharixiinta marka aqlabiyadda Guddigu isku raacdo.

3.      Saraakiisha Dawladda, sida, madaxda Wasaaradaha, hay’adaha madaxa-banaan ee dawladda iyo kuwa  ciidamada Qaranka darajo kasta ha lahaadeene, haddii ay ku soo baxaan liiska musharixiinta  doorashada Golaha Guurtida uma banaana inay xilka sii hayaan. Waxana ku waajib ah inay shaqada ama xilka iska casilaan.

4.      Shaqo-ka-tegidda ama is casilaada waa in laga aqbalo,  qoraalna ku soo caddeyso cidda   awooda u lihi.

 

Qodobka 8aad

Samaynta Gobolo-doorasho

Marka la qabanayo doorashada Golaha Guurtida ee JSL, waxa dalka loo qabaybinayaa gobolo-doorasho iyadoo la waafajinayo soohdimihii ay lahaayeen lixdii degmo ee jiray 26 June 1960 ee hadda gobolada ah, si waafaqsan qodobka 109aad ee dastuurka qaranka.

Komishanka qaranka ayaa laga doonayaa inuu sameeyo gobolo-doorasho ugu yaraan 60 maalmood ka hor maalinta cod-bixinta. Waxaannu komishanka qaranku arrintaa kala tashanayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka iyo saddexda xisbi qaran.

Komishanka qaranka ayaa ku dhawaaqaya warbaahintana u gudbinaya gobolada-doorasho (electoral regions) ee la cayimay marka ay la tashadaan Wasaaradda arrimaha Gudaha, guddomiyayaalsha gobolada iyo saddexda xisbi qaran.

 

Qaybta II

HANAANKA DOORASHADA

 

Qodobka 9aad

Habka Doorasho

1.                   Xisbi kastaoo doonaya inuu ka qayb galo doorashada Golaha Guurtida, waxa laga doonaya inuu komishanka qaranka u gudbiyo liiska musharaxiinta uu u xulay inay ugu tartamaan doorashada oo gobolaysan, kaas oo ku salaysan tirade kuraasida goblo kasta loo xaddiday, una qoran si taxane ah.

2.                  kuraasta gobol-doorasho, waxa axsaabtu ku kala helayaan habka saami-qaybsiga (propotional sytem), ee kuraasida iyo codadka xisbi waliba ka helo gobolkaas.

Qodobka 10aad

Goobaha Codbixinta

Gobol-doorasho kastaba wuxu yeelanayaa goobo codbixineed, waxana cayimaya komishanka qaranka marka uu la tashado Wasaaradda Arrimaha Gudaha, guddoomiyayaasha gobolada iyo xisbiyada qaranka.

Komishanku waa inuu goobahaa codbixin-bixineed ku sameeyaa ugu yaraan 60 maalmood ka hor maalinta codbixinta la qabanayo.

 

Qodobka 11aad

Habka Qaybinta Kuraasida

 

1.                   Iyadoo mudnaanta kowaad la siinayo danta qaranka ugu jirta taabba-gelinta doorashada awgeed, saamiga kuraasida goboladu ku yeelanayaan Golaha Guurtida , waxa doorashadan oo keliya loo qaybiyey sidan:    

 

1)                              Gobolka  Hargeysa …………….             20 Kursi

2)                              Gobolka  Tog-dheer ……………            15 Kursi

3)                              Gobolka Awdal ………………….             14 Kursi

4)                              Gobolka Sanaag ………………..              12 Kursi

5)                              Gobolka Sool ……………………               11 Kursi

6)                              Gobolka Saaxil ………………….              10 Kursi

2.                  gobol walba hal kursi ayuu u reebayaa dadka laga tirade badan yahay iyo haweenka

3.                  Marka doorashadu qabsoonto ee la isu geeyo wadarta guud ee codadka ansaxay ee gobol kasta waxa la oo qaybinayaa tirada kuraastaa gobolkaas loo cayimay, markaa waxa la ogaanayaa qadderka codadka hal kursi lagu heli karo. Intaa dabadeed, waxa la isu qaybinayaa tirada codadka xisbi kastaa ka helay gobolka iyo qaddarka codadka hal kursi lagu heli karo, halkaasna waxa ka soo baxaya tirada kuraasida kuraasida gobolka ee xisbi kastaa ku guulaystay.

4.                  Marka tirada codadka ansaxay ee gobolka iyo tirada kuraasida gobolkaas la isu qaybiyo, haddii ay jiraan tirooyin codad jajab ah oo xisbi kastaa marka loo eego ka yar qaddarka codadka hal kursi lagu heli karo, waxa xisbiyadu kursiga ama kuraasida hadhay u kala helayaan sida ay ugu kala badan yihiin tirada codadka jajabka ah.

5.                  Marka la fuliyo hawlgalka ku tilmaaman faqradaha 2aad & 3aad ee qodobkan, tirada kuraasida ee xisbi kastaa marka gaarkiisa loo eego ka helo kuraasida gobolka u xaddidan waxa musharixiinta xisbi kastaa gudihiisa u kala qaadanayaa sida ay u kala cod badan yihiin iyagoo ku kala helya aqlabiyad fudud ( simple majority).

6.                  Haddii deegaano dalka ka mid ah ay la soo gudboonaato duruufo  culus ama xaalado aan saamaxayn in doorasho ka qabsoonto, waxa soo qiimaynaya go’aanna ka gaadhaya xaaladahaas Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka, markay sidaas isla gartaan Xukuumadda iyo axsaabta qaranka

7.                  Goobaha codbixninta ee doorashadu ka qabsoomi weydo, tirada kuraasida loo qoondeeyey goobahaas waxay xisbiyadu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala helaan wadarta guud ee codadka ansaxay ee gobolkaas.

8.                  Haddii se ay doorashadu gobol dhan ka qabsoomi weydo tirada kuraasida loo qoondeeyey goobahaas waxa xisbiyadu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala heleen wadarta guud ee codadka ansaxay ee dalka. Waxana loo raacayaa sida magacyadoodu liiska ugu kala horreeyaan

 

Qodobka 12aad

Liiska Musharixiinta

1.       Xisbi kasta waxa uu komishanka u soo gudbinayaa liiska magacyada musharixiintiisa uu u xulay inay uga tartamaan doorashada kaas oo ku salaysan tirada kuraasida gobol kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah.

2.      Axsaabtu waa inay tixgeliyaan xaqa muwaadiniinta ee doorashada iyo ka qaybgalka hawlaha siyaasadda, iyadoo aan lagu kala soocayn jinsiga, luqada, iwm. Sida uu jidaynayo qodobka 22aad ee Dastuurku. Sidoo kale, waa inay dhiirigaliyaan ka qaybgalka haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay talada dalka sida uu tilmaamayo qodobka 36(2)aad ee Dastuurku.

 

Qodobka 13aad

Musharixiinta doorashada ku guul-daraysta

1.       Musharaxiinta liisaska xisbiyada ee kuraasi waaya waxay noqonayaan musharixiin kayd ah. Waxayna xaq u leeyihiin inay buuxiyaan marka ay jago baneeyaan Mudanayaasha xisbigooda kaga jira Golaha Guurtida.

2.      Marka ay banaanaato xubin/ xubno ka mid ah Golaha Guurtida si waafaqsan asbaabaha ku xusan qodobka 50aad ee Dastuurka, Shirgudoonka Goluhuna sidaa caddeeyo, waxa Komishanku bedelkii xubinta/xubnaha banaan ku buuxinayaa musharaxiinta kaydka xisbiga ay ka soo jeedeen kuwa banneeyay, muddo aan laba todobaad ka badnayn. Waxana loo raacayaa sida ay kula cod badnaayeen.

 

Qaybta III

 

MUSHARIXIINTA

 

Qodobka 14aad

Shuruudaha Musharaxa

Sida uu tilmaamayo qodobka 59aad ee Dastuurku, qofka isu taagaya doorashada Golaha Guurtida waa inuu buuxiyo shuruudahan:

1)                        waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay ama qaatay jinsiyadda Somaliland si sharciga waafaqsan.

2)                       Waa inuu muslin yahay kuna dhaqmo diinta Islaamka.

3)                       Waa inaan da'diisu ka yarayn 45 sano sanadka doorashada la qabanayo.

4)                       Waa inuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba gudan karo xilkiisa.

5)                       Inuu yahay qof diinta aqoon fiican u leh ama oday dhaqan yaqaan ah  

6)                       Waa inuu yahay xilkas, akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.

7)                       Waa inaanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah shantii sano ee u dambeeyay.

8)                       Waa inuu saxeexay qoraal uu shakhsi ahaan ku cadaynayo musharaxnimadiisa doorashada iyo inuu u hogaansamayo shuruucda doorashada iyo kuwa anshaxa.

9)                        Waa inuu bixiyey deebaajiga mushaxnimo ee ku waajibay.

 

 

 

Qodobka 15aad

Soo Gudbinta Musharaxiinta

1.       Guddoomiyaha ama Xoghayaha Guud ee xisbiga ayaa Liiska murashaxiinta xisbiga ee doorashada Golaha Guurtida oo gobolaysan u soo gudbinaya xafiiska Komishanka 6da saac ee galabnimo maalinta 60aad doorashada ka hor, waana in si cad loogu soo muujiyaa magaca musharaxa oo afaran, da'diisa iyo gobolka uu ka tartamayo. Haddii ay jiraan musharaxyo isku magacyo ah waa in la sheego naanaysta (haddii ay jitro) iyo magaca oo afaran. 

2.      Liisaska musharaxiinta xisbiga marka loo gudbinayo komishanka waxa la soo raacinayaa:-

a.             Caddeymaha caafimaadka, dambi la'aanta, waxbarshada, shaqo ka tegidda (hadday jirto), iwm.

b.            Liisasku waa in ay yihiin min 4 nuqul oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii xisbigu.

c.             Caddeyn uu bixiyey murashax kastaa oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay murashaxnimada iyo inuu u hogaansamayo xeerka & anshaxa doorashada.

d.            Go' aanka guddiga fulinta xisbigu ku ansixiyey Liiska musharixiinta.

e.             Rasiidhada bixinta deebaajiga murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda.

3.      Khilaaf kasta oo ka dhasha xulista ama soo gudbinta liiska murashaxiinta oo ka dhex dilaaca xisbi gudahiisa waxa go' aan ka gaadhaya Guddiga Fulinta xisbiga arrintu khusayso.

 

Qodobka 16aad

Hubinta Musharaxiinta

1.       Hogaanka Xisbiga waxa ku waajib ah in ay si daacad ah u kala saaraan musharaxiinta marka ay xulayaan. Iyagoo hubinaya inay buuxinayaan shuruudaha aasaasiga ah ee xeerku jideeyay, isla markaana masuuliyadda ay u tartamayaan si haboon u gudan karaan, magac iyo milgona u soo jiidi karaan xisbiga iyo qarankaba.

2.      Komishanku waa inay dhinacooda si madax banaan qof qof ugu hubiyaan musharixiinta loo soo gudbiyay inay shuruudaha buuxinayaan. Haddii Komishanku ku qanco in xubin ama xubno liiska ka mid ahi aanay buuxinayn shardi ama shuruudaha, waxay muddo 3 cisho gudahood ah ku ogaysiinayaan xisbigii u soo gudbiyey inuu muddo loo cayimay ku soo dhamaystiro shuruudaha dhiman ama bedelkiisa ku keeno.

 

Qodobka 17aad

Astaamaha Liisaska Musharaxiinta

1.       Astaamaha liisaska musharixiinta ee xisbiyada ka muuqdaa waa inay kala duwanaadaan marka la soo bandhigayo.

2.      Xisbina waa in aanu isticmaalin astaan uu xisbi kale hore ugu isticmaalay doorasho.

3.      Astaantu waa in ay ahaato mid gaar ah oo muujinaysa sumadda aqoonsiga xisbiga, hase yeeshee waa in aanay ka muuqan calaamado dawladeed, qabyaaladeed ama dariiqo.

 

Qodobka 18aad

Dhawrsanaanta Musharaxinta

Musharixiinta u taagan doorashada Golaha Guurtida ee Komishanku faafiyey musharaxnimadooda lama xidhi karo mudada doorashadu socoto. Haddii aan la qaban iyagoo faraha kula jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso 3 sano oo xadhig ah iyo ka badan.

 

Qodobka 19aad

Faafinta Liisaska Musharaxiinta

1.       Komishanka waa inay daabacaan liisaska musharixiinta gobol kasta, iyagoo si bayaan ah u kala muujinaya astaamaha xisbiyadooda .

2.      Komishanku goob kasta oo cod-bixineed waa inay gaadhsiiyaan nuqulada liisaska musharixiinta gobolka, si loogu dhajiyo dhamaan goobaha cod-bixinta ee gobolkaas.

3.      Komishanka iyo xafiisyadiisu waa inay 45 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta si rasmi ah u faafiyaan Liisaska musharixiinta xisbiyada, iyagoo adeegsanaya warbaahinta kala duwan; isla markaana ku dhaqaaqaya sifa kasta oo ay ku xaqiijinayaan in shacbigu meel kasta oo ay ku sugan yihiin ay si haqab la'aan ah uga bogan karaan liisaska musharixiinta tartamaya.

 

Qodobka 20aad

Deebaaji

Musharixiinta u tartamaya xubinimada Golaha Guurtida waxay bixinayaan deebaaji aan celin lahayn, oo dhan SI.Sh. 1,000,000 (hal milyan shillin) oo lagu bixinayo xafiiska cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda.

 

Qaybta IV

 OLOLAHA DOORASHADA

 

Qodobka 21aad

Bilowga iyo Dhamaadka Ololaha Doorashada

Ololaha doorashadu wuxuu bilaabmayaa marka Komishanku 30 maalmood ka hor maalinta cod-bixinta ku dhawaaqo fasaxa ololaha doorashada, waxaanu dhamaanayaa 24 saac ka hor taariikhda la qabanayo cod- bixinta.

 

Qodobka 22aad

Qabashada Banaan-Baxyada

1.       Masuuliinta Axsaabta ee qabanqaabinaya banaan-baxyada  ololaha doorashada waa inay qoraal ku ogeysiiyaan Duqa magaalada 48 saacadood ka hor wakhtiga la samaynayo.

2.      Duqa magaaladu wakhti kale ayuu u cayimi karaa haddii laba banaanbax ama ka badan isku maalin laga codsado, sidoo kale, wuu joojin karaa in la sameeyo banaan-baxyo, haddii uu ku qanco in waxyeelo loo gaysanayo caafimaadka, anshaxa, ama nabadgelyada guud iwm, waxaana ku waajib ah inuu amro in banaa-baxyadaas lagu qaban karo meel uu tilmaamay ama wakhti uu cayimay.

3.      Magaalo ama tuulo laguma wada qaban karo maalin qudha wax ka badan hal  banaan-bax.

 

Qodobka 23aad

Muuqaalka boodhadhka

Ma banaana in boodhadhka iyo waraaqaha ololaha doorashooyinka lagu dhejiyo masaajidada, xafiisyada & gaadiidka dawladda, xarumaha diblomaasiyiinta shisheeye & ururada caalamiga ah iwm.

 

Oodobka 24aad

Anshaxa  shirarka iyo Banaan-baxyada

Shirarka iyo banaan-baxyada ololaha doorashada ee Xisbiyadu ku raadinayaan taageerada cod-bixiyayaasha waxa ka reebban:

1.       In loo qaato HUB iyo lebbis ciidan ama wax u eg.

2.      in ololaha ama banaan-baxa lagu sameeyo agagaarka meelaha xurmada mudan sida masaajidada iyo goobaha aanay ku haboonayn sida dugsiyada, cusbitaalada, iwm.

3.      in lagu tiraabo hadalo ama lagu soo bandhigo muuqaalo wax loogu dhimayo dhaqanka, diinta, nabadgelyada iyo xasiloonida guud iwm ama sidoo kale lagu dhaawacayo sharafta iyo karaamada xisbi, musharax, qabiil, degaan iwm.

4.      in xisbi ama musharax u adeegsado hantida qaranka sifa kasta ha lahaatee.

 

Oodobka 25

Isticmaalka Hantida Qaranka.

Axsaabta qaranku si siman ayay u isticmaalayaan warbaahinta dawladda iyo fagaarayaasha Khayriyaddaha mudada ololaha doorashadu socdo. Sidaa awgeed, waxa reeban in xisbiyadda loo kala buriyo adeegyada qaranka. Komishankuna waa inuu hubiyo arrintaas.

 

Waxa reeban in xisbina si gaar ah ugu takri falo dhaqaalaha qaranka.

3.      Waxa kale oo reeban in xisbina si dadban iyo toos ahba u isticmaalo dhaqaale shisheeye oo ay ka mid yihiin NGO iyo Haya’daha UN ee dalka deggan.

4.      Ciddii ama xisbigii ay ku cadaato in uu ku kacay falalka faqradaha 1,2 & 3aad ee qodobkan waxaa lala tiigsanyaa sharciga.

 

Qodobka 26aad

Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Maalinta Doorashada

1.       Guud ahaan dalka JSL dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynuhu (public transport/Gov) wuu reeban yahay maalinta cod-bixintu socoto laga bilaabo 6da saac ee subaxnimo ilaa 8da fiidnimo, marka laga reebo gaadiidka lagama-maarmaanka ah, sida: dhooliyada (ambulance), booyadaha biyaha, wiishashka nalka, iwm. kuwaas oo fasax dhaqdhaqaaq la siin doono.

2.      Gaadiidka hawl-wadeenada doorashada iyo madaxda Axsaabta waxa komishanku siinayaa fasax dhaqdhaqaaq iyo astaan gaar ah oo lagu aqoonsado.

3.      Komishanku wuxuu dadweynaha warbaahinta uga tebinayaa todobaad ka hor amarka xayiraada dhaqdhaqaaqa gaadiidka maalinta cod-bixinta. Iyadoo gaadiidka ku xadgudba qodobkan la qabanayo sharcigana la horgaynayo.

 

Oodobka 27aad

Wakiilada Axsaabta

1.       Guddiyada fulinta xisbiyadu waxay min 2 wakiil oo leh xaqa cod-bixinta u soo diran karaan goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso oo ay musharaxiin ku leeyihiin iyo xafiisyada doorashada ee gobolada iyo degmooyinka. Waxa kale oo ay keeni karaan bedelkooda haddii ay  maqnaadaan.

2.      Wakiilada ay axsaabtu soo dirsadaan waa inay ku sugnaadaan goobahooda xilliyada hawsha doorashadu socoto, soona jeediyaan wixii tabasho ama caddeyn ay qabaan (haddii ay jirto), taas oo la diiwaangelinayo.

3.      Magacyada wakiilada xisbiyada waa in loo geeyo Komishanka ama xafiisyadiisa 10 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta. Komishanka ama xafiisyadiisu wuxuu siinayaa wakiil kasta aqoonsi ama qoraal ogolaansho ah oo u fasaxaya inuu geli karo kana hawl geli karo goobta cod-bixinta ama xafiiska doorashada ee loo soo diray.

 

Qodobka 28aad

Shuruudaha Wakiilka Xisbiga

Wakiilada xisbiyaddu u soo magacaabaan goobaha cod-bixinta iyo xafiisyada doorashada waa inay buuxiyaan shuruudahan:

1.       Waa inuu yahay  muwaadin Somaliland u dhashay.

2.      Waa in aan  da' diisu ka yarayn 25 sano sanadka doorashada la qabanayo.

3.      Waa inuu wax qori karo waxna akhriyi karo

4.      Waa inuu yahay qof xilkas ah oo dhaqan toosan.

5.      Waa in komishanku u tababaraa hawsha wakiilnimada. 

 

Qaybta V

 

DIYAAR-GARAWGA IYO MAAMULKA DOORASHADA

 

Qodobka 29aad

Jadwalka hawlgalka doorashada

1.       Iyadoo aan waxba loo dhimayn waajibaadka iyo awoodaha Komishanka ee uu tilmaamay Xeerka Doorashooyinka (Xeer No. 20/2001), waxa kale oo ku waajib ah inay si rasmi ah u soo saaraan jadwal mudaysan oo ay si cad ugu muujinayaan qorshaha hawlgalkooda. Kaas oo ay nuqulo ka mid ah u dirayaan Axsaabta, isla markaana ku faafinayaan warbaahinta kala duwan.

2.      faafinta jadwalka ka dib, haddii Komishanku lagamamaarmaan u arko wax ka bedelka meelo ka mid ah qorshaha hawlgalka waa inuu axsaabta sidaa ku wargeliyo isla markaana warbaahinta ka sheego isbedelkaas

 

Qodobka 30aad

Hawl-wadeenada Doorasbada

Iyadoo aan waxba loo dhimayn arrimaha ay tilmaamayaan qodobada 19aad & 20aad ee Xeerka. Doorashooyinka (Xeer No. 20/2001), ee ku saabsan hawl-wadeenada, waxa Komishanka ku waajib ah:

1.       In si qoto dheer u hubiyaan hawl-wadeenada ay ku aaminayaan masuuliyada culus ee doorashada inay yihiin kuwa xilkas ah oo gudan kara hawsha loo xilsaaray.

2.      In ay siiyaan tababar ku filan, isla markaana hubiyaan inay si hufan hawshooda u gudan karaan, inta ka horaysa maalinta cod-bixinta.

3.      In xafiisyada doorashada iyo kormeerada u diyaariyaan gaadiidka shaqo lagu fulin karo iyo isgaadhsiin.

4.      Komishanku waxay awood u leeyihiin inay kordhiyaan tirada hawl-wadeenada goobaha cod-bixinta, degmada iyo gobolka, haddii baahidaasi u muuqato.

 

 

Qodobka 31aad

Qandaraasyada Agabka iyo Adeegyada  Doorashada

1.       Si looga fogaado musuqmaasuq, danaysi iyo cadaalado daro, Komishanku waa inuu qandaraas  loo siman yahay ku bixiyaa agabka  iyo adeegyada  doorashada ay ku fulinayaan.   

2.      Cidda qandaraaska ku guulaysata komishanku wuxuu la galayaa heshiis muddaysan oo lagu caddaynayo sifaha qandaraaska, muddada lagu keenayo iyo wakhtiga iyo sida loo bixinayo lacagta, iwm. 

3.      Waxa reebban in xubnaha Komishanka ama qoysaskooda iyo meheradahoodu qaataan qandaraasyada ay bixinayaan iyo inay sifa kale kaga faa'iidaystaan xilalkooda.

 

Qodobka 32aad

Qalabka/Agabka xafiisvada Doorashooyinka

Komishanka Qaranka ee doorashooyinku waa inay goob cod-bixineed kasta u diyaariyaan qalabkan/agabkan:

a.       Nuqul xeerkan ka mid ah.

b.      Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shaambaddii goobta cod-bixinta oo ay la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.

c.       Xidhmo lingaxan oo ay ku jiraan waraaqihii cod-bixintu.

d.       Buuga diiwaan gelinta  iyo waraaqaha cod bixinta

e.       Sanduuq lambaraysan oo warqaddaha cod-bixinta lagu rido.

f.        Afar (4) nuqul lagu qaado agabka cod-bixinta.

g.       Saddex (3) foom oo lagu qoro hawlgalka cod-bixinta.

h.      Foom leh khaanado shaxaysan.

i.        Qalimo-biiro casaan ah oo ku filan calamadaynta warqadaha cod-bixinta.

j.        Ugu yaraan shan (5) waraaqadood oo daabacan tusinaya qaabka cod-bixiyayaashu u calaamadaynayaan warqadaha cod-bixinta.

k.       Xidhmo shamac iyo kabriido loo isticmaalo meelaha aan korontada lahayn ama haddii ay danto

l.        Qalabka qoraalada kala duwan ee loo baahan karo (stationary)

m.    Siddeed (8) foom oo rasmi ah oo lagu qoro natiijada codbixinta oo ay wada saxeexayaan guddoomiyaha goobta iyo saddex (3) wakiil xisbi

n.      Si aanay u qoyin haddii roob yimaado agabka yaala gaabta codbixinta, waa in loo diyaariyaa baco ama teendhooyin.

o.      Wixii agab ah ee shaqayn waaya/xumaada/ama maqan markay isala hubiyaan guddiga iyo wakiilada saddexda xisbi waa inay isla saxeexaan waxay ku beddelsheen ay caddeeyaan

 

Qodobka 33aad

Habaynta Qalabka iyo agabka Doorashada

1.       Komishanku waa inay xafiiska doorashada degmo/gobol kasta u diyaarisaa qalabkan:

a.                   Nuqul xeerkan ah

b.                  Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shaambaddii xafiiska degmada ama gobolka ee doorasho oo ay la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.

c.                   Afar (4 ) nuqul  oo lagu qorayo hawlgalka cod-bixinta xafiiska doorashada degmada ama gobolka.

d.                  Foomam shaxaysan (tabulation forms)

e.                   Qalabka wax lagu qoro oo kala duwan (stationary)

2.      Qalabka xafiis kasta oo doorasho waa in lagu rido saxaarad gaar ah. Saxaradda waa in la xidho oo la lingaxo. Komishanku waa inay qalabkaas diraan wakhti ku haboon, iyadoo ay la socdaan sanaadiiqdii codka lagu ridayey oo lambaraysan, waxaana loo dirayaa xafiisyada doorashada gobolada oo u sii gudbinaya kuwa degmooyinka si ay ugu qaybiyaan goobaha cod- bixinta degmadaas.

3.      Komishanku waa inay xafiisyadooda degmo/gobol u diyaariso waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah oo ku lingaxan kiishash si loo siiyo xafiiska doorasho ee soo codsada, iyadoo ay waajib tahay in ay soo sababeeyaan codsigooda. waxana waraaqahaas la gudoonsiinayaa gudoomiyaha goobta cod-bixinta.

4.      Dhammaan agabka iyo qalabka kala duwan ee loo isticmaalayo doorashada waa in si adag loo xafido, lana diiwaangaliyo goob kasta oo uu yaalo. Iyadoo lagu soo ururinayo xarunta dhexe ee doorashooyinka marka hawshu dhamaato.

5.      Toddoba (7) nuqul oo lagu qorayo natiijada  codbixinta degmada oo rasmi ah, ooy wada saxeexayaan 3 wakiil xusbi iyo Guddoomiyaha Goobta oo shaabadaysan.  

 

Qodobka 34aad

Waraaqaha Cod-bixinta

1.       Waraaqaha cod-bixintu waa inay ku daabacan yihiin astaamaha xisbiyada oo kor u taagan si afar gees ah. Astaan kastaa waa inay kor kaga wareegsan tahay afar geesley banaan oo loogu talagalay inuu cod-bixiyuhu ku muujiyo codkiisa. Waraaq kastaana waa inay leedahay cidhif yar oo xabagaysan oo warqadda cod-bixinta lagu lingaxo.

2.      Waa in la daabaco waraaqo ku filan axsaabta oo tusaale ah (sample), loona qaybiyo xisbiyada si loo gaadhsiiyo ama loo fahansiiyo habka loo codaynayo.

3.      waraaqaha cod-bixintu waa inay noqdaan kuwo leh astaamo qarsoon (hologramed) oo aan la been-abuuri karin, isla markaana waa inay leeyihiin tirsi taxane ah (serial number).

 

Qodobka 35aad

Qolka Calaamadaynta & Sanduuqa cod-bixinta

1.       Goob kasta oo codbixinta laga dhiibanayaa waa inay lahaato laba qol oo yar yar oo loogu talagalay in lagu calaamadeeyo waraaqaha cod-bixinta. 

2.      Sanduuqa waraaqaha cod-bixinta lagu ridayaa waa inuu yaalo meel muuqata oo ka mid ah goobta cod-bixinta, taas oo ay si bayaan ah u wada arki karaan Gudoomiyaha goobta cod-bixinta, hawl-wadeenada goobta iyo wakiilada axsaabtu.

 

Qodobka 36aad

 Bandhigidda Liiska Musharixiinta

Liiska magacyada musharixiinta Axsaabta ee daabacan ee degmada ka tartamaya waa in lagu dhejiyo meel la wada arki karo oo ka mid ah xafiiska doorashada ama goobta cod-bixinta horteeda.

 

Qodobka 37aad

Qaybinta Qalabka iyo agabka Doorashada

1.       Komishanku, isagoo ku xisaabtamaya duruuf kasta oo lama-filaan ah oo hakin/xayiri karta gudbinta agabka doorashada,   Waa inuu gaadhsiiyo xafiiska doorashada gobolka qalabka loogu talagalay cod-bixinta wakhti munaasib ah. Xafiiska doorashada gobolku waa inuu agabkaas gaadhsiiyo xafiiska doorashada degmada  ugu dambayn 10ta subaxnimo maalinta ka horaysa cod-bixinta.

2.       Xafiiska doorashada degmadu waa inuu gaadhsiiyo dhamaan goobaha cod-bixintu ka dhacayso ee degmadaas  wixii agab ah ee loo baahan yahay ka hor 5:00 saac ee subaxnimo  maalinta cod-bixinta.

3.      Gudoomiyayaasha goob kasta oo cod-bixineed waxa kale oo loo gudbinayaa:

a.             Nuqul muujinaya magacyada hawl-wadeenada goobta

b.            Nuqul muujinaya magacyada wakiilada axsaabta ee goob-jooga ahaanaya.

c.        Nuqul muujinaya magacyada goob-joogayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee degaanka ka hawlgalaya.

 

Oodobka 38aad

 Diyaargarowga Xafiiska Goobta cod-bixinta

1.       Gudoomiyaha goobta cod-bixintu markuu helo qalabka ku xusan qodobka kore waa inuu:-

a.       Abaabulo xafiiska oo uu hubiyayaasha iyo xoghaynta goobta u sheego waajibaadyadooda, isla markaana la socodsiiyo sida ay hawsha loo xilsaaray u gudanayaan.

b.      Hubiyo in Wakiilada axsaabta ee loo soo gudbiyay inay goob-joog yihiin.

c.       Markuu hubiyo inay saxaraduhu lingaxan yihiin waa inuu furo saxarada oo hubiyo inay dhan yihiin agabkii , waana inay goob-joog ahaadaan Hawl-wadeenadii goobta iyo wakiiladii axsaabtu.

d.      Markay wadajir u hubiyaan gudoomiiyaha iyo hawl-wadeenadiisa iyo wakiilada xisbiyadu in xidhmooyinka ay ku jiraan shaambadda goobta iyo waraaqaha cod-bixintu lingaxan yihiin, waa inuu furo xidhmooyinka oo waraaqaha cod-bixinta la dhaco shaambada goobta, oo si nidaamsan ugu rido weel xafidan. Waxaa reebban inay markaas joogto qof aan ahayn inta goobta ku qoran.

e.       hubiyo in ogaysiiska tilmaamaha cod-bixinta iyo liisaska murashaxiintu ku dhegan yihiin meelihii loogu talagalay.

f.        hubiyo in qalabkii loo baahnaa ee cod-bixinta loogu talagalay loo agaasimay sida xeerku tilmaamayo, si hawsha doorashu si hufan ugu hirgasho.

2.      Waa inuu xoghaynta faro inuu diiwaan-geliyo dhamaan hawlgalka kor ku xusan in la fuliyey. Qoraalka waa inay ku cadaato shaambadda goobta, tirada waraaqaha cod-bixinta ee goobta cod-bixintu heshay iyo buuggii diiwaangelinta.

3.      Waa inuu markaa ka saxeexo hawl-wadeenada iyo wakiiladaba in wax waliba sidii loogu talagalay yihiin.

4.      Markuu hubiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixintu in hawshaasi qabsoontay waa inuu ku dhawaaqo in cod- bixintu furan tahay.

 

Qodobka 39aad

Awoodda Gudoomivaha Goobta cod-bixinta

1.       Gudoomiyaha goobta cod-bixinta waxa waajib ku ah inuu ilaaliyo nidaamka inta doorashadu socoto. Booliska ayuu ku amri karaa inuu qof goobtaa dibedda uga saaro ama in la qabto qof gef ku sameeyay hawsha doorashada ama qof waali ka muuqato.

2.      Booliska looma ogola inuu galo gudaha goobta cod-bixinta haddii aanu Gudoomiyuhu amrin.

3.      Haddii ay timaado xaalad lama filaan ah oo wax u dhimi karta habsami u socodka doorashada Gudoomiyaha goobtu wuxuu awood u leeyahay inuu qaato go'aan ku meel gaadh ah oo uu ku xalinayo dhibaatada taagan, isagoo go'aankaas qoraal ahaan u diiwaangelinaya, una gudbinaya xafiiska doorashada degmada.

4.      Saraakiisha Booliska iyo kuwa shaqaalaha dawladda waa in ay fuliyaan codsiyada Gudoomiyaha goobta si loo hubiyo in si dhib yar codka loo bixiyo oo aanay u dhicin in lagu ururo miiska hawl-wadeenada ama goobta cod-bixinta agagaarkeeda.

5.      Gudoomiyaha goobta cod-bixintu wuxuu xaq u leeyahay inuu isticmaalo awoodaha ku qoran xubnaha qodobkan.

 

Qodobka 40aad

Nidaamka Goobta Cod-bixinta

1.       Goobta cod-bixinta waxa geli kara hawl-wadeenada goobta ka shaqaynaya, wakiilada axsaabta iyo codbixiyayaasha codkooda dhiibanaya.

2.      Ma banaana in  hub lala yimaado goobta cod-bixinta, marka laga reebo ciidanka amniga ee goobta ka shaqaynaya.

3.      Cod-bixiyayaashu waxay isu taagayaan safaf,  markiibana hal qof oo keliya ayaa gelaya qolka calaamadaynta, iyadoo loo kala hor marinayo sidii loo soo kala horeeyay, hasa yeeshee waa 1a tixgelin karaa inuu ugu hormaro haddii ay jirto qof xaalad gaar ah loo tixgeliyay ama ka shaqaynaya hawsha doorashada oo doonaya inuu codkiisa bixiyo.

 
Qodobka 41aad

Cod-bixiyayaasha aan codka dhiiban Karin

Waxa codkiisa dhiiban kara cod-bixiyaha taga goobta cod-bixinta oo codkiisa ku ridi kara sanduuqa.

Haddii uu jiro qof ay naafonimo ama da’ u diidey inuu codkiisa bixiyo  kuna sugan goobta codbixinta  Gudoomiyaha goobta cod-bixinta ayaa u calaamadinaya iyagoo ay goob joog ka yihiin muraaqibiinta xisbiyadu.

Xoghayaha goobta cod-bixinta ayaa diiwaangelinaya sababta loo ogolaaday in qofkaas naafada ah laga kaalmeeyo sidii uu codkiisa u bixin lahaa, waxa kale oo uu qoraalka ku muujinayaa magacyada qofka naafada ah iyo qofka kaalmeeyey.

 

Qodobka 42aad

Habka cod-bixinta

1.       Markuu dhammaado hawlgalka ku xusan qodobka 44aad, Gudoomiyaha goobta cod-bixinta wuxuu cod- bixiyaha siinayaa warqaddii cod-bixinta oo lagu dhuftay shaambaddii goobta, isla markaana laga reebay dabadii hadhaaga ahayd ee warqaddu ku taalay.

2.      Markaa cod-bixiyuhu wuxuu gelaya qolka yar ee uu warqadda ku soo calaamadinayo, kuna soo xidhanayo.

3.      Cod-bixiyuhu wuxuu ka calaamadinayaa warqadda cod-bixinta meel ka mid ah afar geesta ay ku dhex jirto astaanta xisbiga uu codka siinayo, isagoo isticmaalaya qalin-biro casaan ah oo uu siinayo xoghayaha goobtu. Ka dib warqaddii wuu soo laabayaa. isagoo ku xidhaya dacalkii yaraa ee xabagta lahaa waxanu ku ridayaa sanduuqii loogu talagalay cod-bixinta.

4.      Markuu cod-bixiyuhu warqaddiisa ku rido meesha daloosha sanduuqa, waa inuu goobta ka baxo, waxase ka horaysa inuu Gudoomiyaha goobtu hubiyo in cod-bixiyaha ay si fiican uga muuqdo khadkii codayntu.

5.      Haddii cod-bixiyuhu arko in warqadda la siiyey aanay dhamayn ama dhaawac qabto inta aanu codka bixin, waa inuu soo celiyo oo Gudoomiyaha goobta weydiisto mid fayow. Arrintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.

6.      Gudoomiyaha goobtu wuxuu xaq u leeyahay inuu goobta ka saaro isla markaana ka qaado warqadda codbixinta, cod-bixiye kasta oo cudur-daar la'aan goobta ku daaha. waxana mar kale loo ogolaan karaa inuu codkiisa dhiibto markay dadkii kale ee goobta ku sugnaa ee codkooda dhiibanayey ay dhamaadaan.

7.      Haddii cod-bixiye lagu helo inuu sito waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah ama kuwo ka duwan kuwa codka lagu bixinayo ama inuu hore codkiisa u soo dhiibtey, Gudoomiyaha goobtu waa inuu si degdeg ah u amro in la qabto oo booliska u dhiibo si maxkamad loo horgeeyo, arrintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan- geliyo.

8.      Warqad kasta oo codbixineed waxay waajib ku tahay guddoomiyaha goobta iyo saddexda wakiil xisbi inay hubiyaan inay shaabadaysan tahay.

 

Qodobka 43aad

Wakhtiga Hawlgalka cod-bixinta

1.       Hawlgalka cod-bixintu waa in lagu dhamaystiro hal maalin gudaheed oo ka bilaabmaysa 6:00 saac ee subaxnimo kuna dhamaanaysa 6:00 saac ee fiidnimo. Hasayeeshee, hawl-wadeenada doorashada iyo wakiilada axsaabta waxa ku waajib ah inay goobahooda shaqo ku sugnaadaan saacad ka hor wakhtiga codbixintu bilaabmayso. 

2.      Cod-bixintu way soconaysaa oo wakhtiga xidhitaanka coddaynta la tixgelin maayo, haddii ay jiraan cod-bixiyayaal safka ku jira oo aan welli codkooda bixin ilaa ay ka dhamaanayaan cod-bixiyayaasha markaas safka taagan.

Qodobka 44aad

Cabashooyinka goobta cod-bixinta

Gudoomiyaha goobta cod-bixintu waa inuu qaraar ka gaadho cabashooyinka iyo wixii muran ah ee ka dhasha hawlgalka goobta cod-bixinta (haddii ay jiraan). kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa af ahaan ama qoraal ahaan loo soo jeediyey. Cabashooyinka iyo muranadaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.

 

Qodobka 45aad

U diyaar-garowga  Tirinta Codadka

1.       Marka Cod-bixiyayaashii safka taagnaa wada codeeyaan, Gudoomiyaha goobtu wuxuu cod Sare ku sheegayaa inay cod-bixintu xidhan tahay.

2.      Gudoomiyaha goobtu markuu hubiyo in hawlwadeenadii goobta iyo wakiiladii axsaabtuba goob-joog yihiin wuxuu ka ururinayaa miiska dhamaan waraaqaha iyo qalabka aan tirinta codadka wax ahmiyad ah u lahayn, wuxuu bilaabayaa hawsha soo socota:

a.       Wuxuu hubinayaa tirada guud ee cod-bixiyayaasha, isagoo isu eegaya tirada waraaqaha cod-bixinta ee la isticmaalay iyo tirada cod-bixiyayaasha diiwaanka ku qoran.

b.      Wuxuu ururinayaa oo tirinayaa waraaqaha cod-bixinta ee aan la isticmaalin waxaanu ku ridayaa baqshadda 1aad.

c.       Wuxuu hubinayaa tirada waraaqaha cod-bixinta ee xumaaday ee ay soo celiyeen cod-bixyayaashu, ama la arkay inay xun yihiin, waxaanu ku ridayaa baqshada 2aad.

d.      Guddoomiyaha Goobta codbixinta iyo saddexda wakiil xisbi waxay wada saxeexayaan buuga diiwaan gelinta goobta kuna caddeeyaan inay si nabadgelyo ah u dhacday una xidhantay.

 

Oodobka 46aad

Habka Tirinta cod-bixinta Goobta

1.       Marka Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha diyaargarawga ee ku xusan qodobka 50aad, wuxuu bilaabayaa tirinta waraaqaha cod-bixinta ee sanduuqa ku jira. Si taa loo fuliyo; Hubiyuhu wuxuu markiiba sanduuqa ka soo saarayaa hal warqad cod-bixineed, wuxuuna u dhiibayaa Gudoomiyaha goobta, Gudoomiyuhuna wuxuu furayaa warqaddii codbixinta oo cod Sare ku sheegayaa xisbiga codka lagu siiyey; warqadaas waxa hubiyuhu u sii gudbinayaa Hubiyaha kale oo isna tusi doona wakiilada Xisbiyada, markaas xoghayaha ayaa gelinaya foomka shaxaysan ee loogu talagalay xisbiga codkaas helay waxaanu warqadaas ku ridayaa  weel  xafidan oo calaamadda xisbiga leh.

2.      Ma banana in sanduuqa laga soo saaro warqad kale oo cod-bixineed inta tii ka horaysay laga dhamaynayo ee weelka lagu ridayo. Hawsha waxa maamulaya hawl-wadeenada goobta oo keliya. Hasa yeeshee, wakiilada Axsaabtu waxay si fiiro le ula   soconayaan hawlgalka tirinta, iyagoo hubinaya codadka. 

3.      Gudoomiyaha goobtu markuu dhameeyo tirinta, wuxuu hubinayaa tirada waraaqaha cod-bixinta, iyo inay is keenayaan tirada codadka axsaabtu guud ahaan heleen iyo cod-bixiyayaasha diiwaanka ku qoran. wuxuu intaas raacinayaa tirada codadka lagu muransan yahay ama xumaaday ee waxba kama jiraan loo aqoonsadey.

4.      Guddoomiyaha goobtu markuu hawshaas dhameeyo, wuxuu waraqadaha xumaaday ama waxba kama jiraanka laga soo qaadey ama/iyo kuwa muranku ka taagan yahay iyo waraaqaha cabashada iyo dacwooyinka ku ridayaa baqshadda 3aad.

5.      intaa dabadeed, Gudoomiyaha goobtu wuxuu ugu dambeyntii waraaqihii cod-bixinta ee la tiriyey ku ururinayaa baqshadda 4aad, iyagoo kala soocan

 

Qodobka 47aad

Xidhitaanka Hawsha Tirinta

1.       Markuu Guddoomiyaha goobtu dhammeeyo hawsha tirinta ee ku xusan qodobka 51aad wuxuu ku dhawaaqayaa wadarta tirada cod-bixiyayaasha, codadka ansaxay, kuwa xumaaday iyo tirada codadka uu helay xisbi kasta .

2.      Intaa dabadeed, baqshadaha waa la lingaxayaa, korkana waxa lagaga dhufanayaa shaambaddii goobta, waxaana korka wadajir uga saxeexaya Gudoomiyaha goobta, ugu yaraan hal hubiye iyo wakiilada saddexda xisbi qaran.

3.      Iyadoo laga taxadirayo inaan la lumin codadka muwaadiniinta, haddii wakiil xisbi si kas ah u diido ama ka hakado ama muran geliyo inuu saxeexo natiijada goobta waxa lagu kaaftoomi karaa saxeexa laba wakiil xisbi iyo hawlwadeenada goobta. waxna u dhimi mayso sharcinimada hawsha, hasa yeeshee cabashadiisa waa loo diiwaan gelinayaa.

4.      Haddiise laba wakiil iyo ka badan saxeexi waayaan cabasho darteed waxa cabashadaas loo gudbinayaa muddo aan ka badnayn 12 saacadood xafiiska doorashada degmada si uu go'aan uga gaadho. Arrintaasna waa la diiwaangelinayaa.

5.      Baqshadaha korkooda waxa lagu qorayaa faahfaahinta waxa baqshadda gudaheeda ku jira.

6.      Hawsha tirinta waa in loo dhamaystiro si isdaba jooga ah ee la soo tilmaamay oo hakad lahayn oo wax kale aan la dhex galin inta laga dhamaystirayo.

7.      Qoraalada raadraaca  (records) waa in si cad loogu muujiyo hawlaha kor ku xusan, iyadoo wakiil xisbi kastaa qaadanayo nuqul ka mid ah foomamka natiijada goobta codbixinta oo wada saxeexan shaabadaysana.

 

Qodobka 48aad

Codadka xumaada ama/iyo kuwa Lagu muransan yahay

1.       Waraaqaha cod-bixinta marka la tirinayo waxay noqonayaan waxba kama jiraan:

a.       Haddii ay ka duwan yihiin waraaqaha cod-bixinta ee Komishanku gartay in doorashada loo isticmaalo.

b.      Haddii aanay ku oollin shaambadda goobta cod-bixinta.

c.       Haddii warqaddu dhaawacan tahay oo aanay dhamaystimayn

d.      Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqdaan qoraal ama calaamado ama raad aan loogu talagelin in lagu qoro.

e.       Haddii warqadda cod-bixinta aanay si fiican uga muuqan  oo la aqoonsan kari waayo xisbiga codka la siiyay.

f.        Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqato in cod-bixiyuhu calaamadeyay  astaan hal xisbi wax ka badan.

g.       Warqadaha cod-bixinta ee waxba kama jiraan loo aqoonsado ee farqadani tilmaantay (a – f) laguma darayo tirada codadka ansaxay, axsaabtana loo tirin maayo.

2.      Codka waxba kama jiraan wuxuu noqon karaa marka go'aan wadajir ah isku raacaan Hawl-wadeenada goobta cod-bixintu. Haddiise ay isku raaci waayaan oo ay ku kala qaybsamaan, waxa waraaqahaas cod- bixineed loo aqoonsanayaa kuwo muran ka taagan yahay. 

3.      Xafiiska Doorashada ee degmada ayaa qaraar ka gaadhi kara waraaqaha cod-bixinta ee muranku ka taagan yahay.

 

Qodobka 49aad

Qoraalka raadraaca Goobta Cod-bixinta

1.       Qoraalka raadraaca ee goobta cod-bixinta waxa lagu qorayaa foomam loogu talagalay oo 8 sideed nuqul ah, kaas oo Komishanku u soo diyaariyey.

2.      Laba nuqul oo qoraalka raadraaca ka mid ah waa in lagu rido saxaradda oo la raaciyo baqshadaha lingaxan ee ku xusan qodobka 51aad oo loo gudbiyo xafiiska doorashada degmada, nuqulka saddexaad waa in loo gudbiyo Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee gobolka, iyadoo la raacinayo wixii ka hadhay agabkii doorashada ee kala duwan

3.      Shanta (5) nuqul ee qoraalka raad-raaca ka hadhay waxa loo qaybinayaa saddexda (3)a wakiil xisbi , hal nuqul oo xarunta dhexe ee komishinka qaranka, nuqulka kalena Maxkamadda Sare.

 

Qodobka 50aad

Qaadista ivo wareeiinta Qalabka/Agabka

1.       Gudoomiyaha goobta cod-bixinta oo ugu yaraan ay la socdaan xubin hawlwadeenada ka tirsan iyo Boolis ilaalo ah, iyo wakiilada xisbiyada ayaa qaadaya qalabka, qoraalka raadraac iyo baqshadaha goobta kuna wareejinaya xafiiska doorashada ee degmada, muddo aan ka badnayn 12 saacadood.

2.      Marka xafiiska doorashada ee degmada lagu wareejinayo qalabka iyo baqshadaha waa in la hubiyo inay lingaxan yihiin oo aan la furin lana farafarayn. Gudoomiyaha doorashada ee degmadu waa inuu bixiyo caddaynta la wareegidda agabkaas iyadoo ay goob jog ka yihiin wakiilada Xisbiyadu.

3.      Gudoomiyaha doorashada ee degmaddu wuxuu u gudbinayaa baqshadaha natiijadda cod-bixinta doorashada Golaha Guurtida oo lingaxan iyo nuqul ka mid ah  qoraalka raadraaca Gudoomiyaha xafiiska doorashada gobolka. Saddex nuqul ooqoraalka raadraaca ahna waxa la siinayaa wakiilada xisbiyadda ee heer degmo.

4.      laba nuqula waxa loo kala dirayaa xafiiska Kumishinka iyo maxkamadda sare

 

Oodobka 51aad

Hawsha xafiiska doorashada ee Degmada

1.       Markuu Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee degmadu helo agabka lagu tilmaamay qodobka 50aad ee xeerkan:

a.       Waa inuu faro hubiyayasha, xoghayaha iyo tiriyayaasha inay hawshooda u diyaar garoobaan.

b.      Waa inuu u yeedho wakiilada axsaabta, kuna wargeliyo inay goob-joog ahaadaan inta hawshu socoto.

c.       Markay Gudoomiyaha, hawlwadeenada iyo Wakiiladu wadajir u hubiyaan in baqshaduhu  lingaxan yihiin oo aan hore loo furin, waa inuu furaa baqshadda ay ku jirto shaambadu oo hubiyaa in lambarka shaambadu ku yaal qoraalada.

d.       Waa inuu  hubiyo in qoraalada iyo baqshadaha ku xusan qodobada , 47aad, 49aad ee xeerkan ay dhan yihiin. 

e.       Waa inuu hubiyo oo isu geeyo dhammaan cod-bixinta ka soo hoyatay goobaha cod-bixinta degmada.

f.        Waa inuu hubiyo oo isugeeyo dhammaan warqadaha cod-bixinta ee aan la isticmaalin

g.       Waa inuu hubiyo oo isugeeyo dhammaan codadka waxba kama jiraanka noqday ee ka soo hoyday goobaha cod-bixinta degmada.

h.      Waa inuu qaraar ka gaadho codadka muranku ka taagan yahay, ee uu tilmaamay qodobka 48aad ee xeerkan.

i.        Waa inuu isu geeyo wadarta codadka xisbi kasta  ka helay  cod-bixinta degmada oo dhan.

j.        Waa inuu natiijada codadka degmada ee soo baxay iyo cabashooyinka ama/iyo dacwadaha (haddii ay jiraan) u gudbiyo Gudoomiyaha Xafiiska doorashada gobolka

 

Qodobka 52aad

Hawsha xafiiska doorashada ee Gobolka

1.       Xafiiska doorashada ee gobolku markuu helo nuqulada  qoraalada raadraaca goobaha cod-bixinta iyo natiijada  codadka ka soo baxay degmooyinka gobolka iyo inta xisbi kasta ka helay ee ay u soo gudbiyeen xafiisyada doorashada ee degmooyinka gobolku wuxuu si dhugmo leh xisaab ahaan u hubinayaa saxnaanta natiijooyinka codadka degmooyinka gobolka.

2.      Hawlgalka faqradda 1aad ee qodobkan kadib waa inuu isu geeyo codadka musharax kasta helay isagoo xisbi kasta gaarkiisa u eegaya

3.      Guddoomiyaha xafiiska doorashada ee gobolku markuu ku qanco wuxuu hawgalka ka samaynayaa raad raaca lagu qorayo foomam loogu talgalay oo lix nuqul ka kooban, wuxuuna laba nuqul oo ka mid ah u gudbinayaa xafiiska dhexe ee doorashooyinka (Komishanka) kan asliga ahna (original) Maxkamadda Sare ee dalka.

4.      Saddex nuqul ee hadhayna saddexda wakiil xisbi ee heer Gobol.

 

 

Qodobka 53aad

Soo saaridda Natiiiada Hordhaca ah ee Doorashada

Gudoomiyaha Xafiiska doorashada ee gobolku, iyadoo uu goob-joog yahay xubinta Komishanka Qaranka gobolka uga hawlgashay- waa inuu si hordhac ah u soo saaro natiijada doorashada Golaha Guurtida ee gobolka, taas oo uu ku soo bandhigayo qoraal kooban oo ay ku muujisan  yihiin wadarta guud ee codadka ansaxay ee gobolka iyo tirada xisbi kasta ka helay cod-bixinta gobolka. Nuqul qoraalkaas ka mid ahna waa inuu u gudbiyo xafiiska dhexe, iyo wakiilada xisbiyada

 

Qodobka 54aad

Gudbin raad-raac (records)

1. Raadraacyada hawlgalada ku xusan qodobada 47aad, 49aad iyo 52aad ee xeerkan waxa lagu qorayaa foomamka Komishanku u diyaariyey mid kasta, waana inay ahaadaan min lix nuqul ugu yaraan.

2. Nuqulada raadraacyada (records) waxaa loo kala qaybinayaa sida ay tilmaamayaan qodobada 49aad iyo 52aad ee xeerkan.

Qodobka 55aad

Hawsha xafiiska Dhexe ee Doorashada

1.       Komishanku wuxuu si feejigan ula soconayaa dhamaan hawlaha doorashada saameeya, isla markaana wuxuu si aan dib u dhac lahayn uga jawaabayaa adeegyada ay soo codsadaan xafiisyada doorashada ee degmooyinka/gobolada iyo xaaladaha kale ee gurmad iyo go'aan ka gaadhis u baahan.

2.      Komishanku markuu helo qalabka & qoraalada raadraaca ee ku xusan qodobka 53aad ee xeerkan, waa:

inuu faro hawlwadeenada inay u diyaaar-garoobaan hawsha

Inuu u yeedho Wakiilada axsaabta si ay goob-joog u ahaadaan marka hawshu socoto.

Inay wadajir u hubiyaan in baqshaduhu lingaxan yihiin oo aan la furin, markaa waa inuu furaa oo ka soo saaraa agabka ku jira.

Inuu xisaab ahaan hubiyo natiijooyinka codadka  gobolada. Taas oo marka uu ku qanco isugu dubaridayo hab-xisaabeed shaxaysan oo si hufan looga dheehan karo tirsiyada goobaha, wadarta codadka, inta ansaxday, inta xumaatay, qadarka xisbiyadu kala heleen oo u kala habaysan heer goobeed, degmo, gobol iyo qaran.

Inuu isku dubarido liiska magacyada murashaxiinta ku guulaystay doorashada Golaha Guurtida ee heer qaran,  isagoo raacaya habka helidda kuraasida ee ku tilmaaman qodobka 12 faqradaha 3aad iyo 4aad ee xeerkan. Sidoo kale wuxuu soo saarayaa liiska magacyada musharaxiinta doorashada waaya ee noqonaya kaydka  ee xisbiyadu u soo gudbiyeen.

Inuu go' aan ka gaadho cabashooyinka ama/iyo dacwadaha (haddii ay Jiraan) ka soo gudba xafiisyada doorashooyinka ee gobolada iyo dacwadaha iyo cabashooyinka ka yimaada xarumaha axsaabta, iyadoo go'aanadaas la diiwaangelinayo.

Inuu hawsha ku dhamaystiro muddo tobabn (10) maalmood gudahood ah laga soo bilaabo maalinta codbixinta la qabtay.

 

Qodobka 56aad

Ku dhawaaqidda & Gudbinta natiiiada hordhaca ah

1.                   Komishanku markuu dhamaystiro hawshiisa qodobka 55aad ku sheegan, ee uu ku qanco in doorashadu si habsami ah u dhacday, wuxuu si hordhac ah ugu dhawaaqayaa natiijada doorashada Golaha Guurtida.

2.                  Komishanku maalinta uu ku dhawaaqo natiijada hordhaca ah, wuxuu si rasmi ah Maxkamadda Sare ee qaranka u gudbinayaa natiijada doorashada oo dhamaystiran oo ay ku lifaaqan yihiin Liiska magacyada musharaxiinta guulaystay iyo dhokomentiyada kala duwan ee taageeraya natiijada.

 

Qaybta VI

SHARCIY A YNTA  NA TllJADA DOORASHADA

Qodobka 57aad

Ansixinta Natiijada

1.       Gudoomiyaha & Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ayaa fadhi buuxa ku go' aaminaya ansixinta natiijada doorashada Golaha Guurtida markay:

a.       darsaan qoraalada natiijada doorashada ee Komishanku u soo gudbiyay.

b.      Hubiyaan in xisaab ahaan iyo sharci ahaanba toosan tahay.

c.       Xaqiijiyaan inaan dacwad ka dhan ah go’aanka komishanka laga furan maxkamadda muddada xeerku cayimay, haddii ay jirtona go,aan ka gaadhaan.

2.      Maxkamadda Sare waxay go'aankeeda ay ku ansixisay natiijada doorashada iyo Liiska Magacyada musharixiinta ku guulaystay kaga dhawaaqaysaa fadhi maxkamadeed oo ay goob joog yihiin madaxda axsaabta, xukuumadda iyo saxaafadda

 

Qodobka 58aad

Dhaarinta Mudanayaasha

Maxkamadda Sare marka ay ku dhawaaqdo go'aanka ansixinta natiijada doorashada waxay muddo aan todobaad ka badnayn u cayimaysaa fadhiga dhaarinta Mudanayaasha la doortay ee Golaha Guurtida. Fadhigaas oo uu gudoominayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare sida ku tilmaaman Dastuurka qodobka 44(3)aad.

 

Qodobka 59aad

Dacwadaha doorashada

1.       Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah, ayaa leh awoodda ka garnaqista dacwadaha la xidhiidha doorashada Golaha Guurtida marka ay ku qanacdo arjiga dacwoodaha.

2.      Dacwadaasi waa inay ku soo gaadho kaalinta Maxkamadda Sare labaatan (20) maalmood gudahood oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada hordhaca ah ee doorashada. Haddii ay wakhtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso.

 

Qaybta VII 

KU XADGUDUBKA XEERKA

IYO NIDAAMKA DOORASHADA

 

Qodobka 60aad

Dhawridda Xeerka iyo Nidaamka Doorashada.

Dhawridda nabadgelyada guud  iyo u hogaansamidda Xeerka iyo nidaamka doorashada  waa waajib saaran muwaadin kasta oo u dhashay dalka JSL. Taas awgeed, ku xad-gudubka nidaamka iyo  sharciga waxa lagu mutaysanayaa ciqaab.  

 

Qodobka 61aad

Eedaynta Komishanka Doorashada

Haddii Xubin ama Xubnaha Komishanka Doorashooyinku ku talaabsadaan fal ay ka dhalan karto dambiyo culus ama  khalkhal galin kara nidaamka iyo habsami u socodka doorashada ama xasiloonida guud ee dalka, waxa eedayntooda, maamuus ka xayuubintooda iyo dacwad ku qadistooda loo cuskanayaa sifaha uu tilmaamayo Dastuurka qodobkiisa 96 faqradaha 1, 4, iyo 5aad.

 

Qodobka 62aad

Anshax marinta Ku Xad-gudubka Xeerka iyo nidaamka doorashada

1. Maadaama Komishanku leeyahay masuuliyadda koowaad ee taabagalinta habsami u socodka doorashada, wuxuu awood u leeyahay inuu anshax-mariyo cid kasta oo ku kacda gef idaari ah ama ku xad-gudubta nidaamka iyo xeerka doorashada. Sidaa darted, Komishanku, iyagoo ku go’aan qaadanaya  miisaanka iyo saamaynta hadba xad-gudubkaasi leeyahay, waxay anshax marintu noqon kartaa siyaabahan:

i               Canaan iyo canbaarayn

ii             Digniin culus oo loo diiwaangelinayo, ama/iyo

iii            Ganaax lacageed

a)      Haddii gefka ama xad-gudubka uu gaysto masuul xisbi ama musharax waxa xisbigiisa lagu anshax marinayaa ganaax lacageed oo dhan Sl.Sh. 5,000,000 – 10,000,000

b)      Haddii gefka ama xad-gudubka uu gaysto hawlwadeenada doorashada waxa lagu anshax-marinayaa ganaax lacageed oo dhan Sl.Sh. 200,000 – 400,000.

c)      Haddii gefka ama xad-gudubka uu gaysto muwaadin caadi ah waxa lagu anshax-marinayaa ganaax lacageed oo dhan Sl.Sh. 300,000 – 500,000.

 

3.      Haddii xad-gudubkaasi yahay mid culus oo ciqaab lagu mutaysan karo ama khalkhal galinaya nidaamka doorashada ama xasiloonidda guud ama wax u dhimaya nidaamka iyo kala dambaynta, waxa komishanka ama masuuliinta xafiisyada doorashadu amrayaan in la qabto cidda xad-gudubka samaysay, si loo horgeeyo maxkamadda awooda u leh.

 

Qodobka 63

Muddo kordhinta Golaha Guurtida

Haddii doorashada Golaha Guurtidu qabsoomiweydo duruufa adag oo la mid ah kuwa ku tilmaaman qodobka 42aad faqradda 3aad ee Dastuurka, waxa soo jeedinaya iyadoo sababaysan Madaxweynaha, waxaana qiimaynaya muddada duruuftaas  lagaga bixi karo, go’aanna ka gaadhaya Golaha Wakiilada   

 

Qodobka 64aad

Dhaqangalka & Faafinta Xeerka.

 

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa marka Baarlamanku ansixiyo ee uu saxeexo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Dawladda JSL.

 

 

 

LLAH    MAHAD     LEH,