xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo Golyaasha
deegaanka – xeer lr – 20/2001 IYO WAX KA BEDDELKIISII SHANTA LIFAAQ (2009 ILA 2012)
OO ISKU DHAFAN (
Somalilandlaw.com Consolidated text – Election Law No. 20/2001)
Waxaa hoos ku qoran Xeerki Lr. 20/2001 sidii uu u soo
baxay 2001kii oo qodob kasta aan ku kordhiyey wixi ay ka bedelleen shanti lifaaq ( 1
ila 5) ee an lifaaq dambe tirtirin. Waxaan hoosta (qoraalada farta yar – footnotes) ku
sheegey uun meelaha saddexdii lifaaq ee ugu dambeeyey uun wax ka beddelleen,
waayo labaddii hore wax ka beddelkoodii wuxuu inta badan ku saabsanaa sidii
Xeerkii 2001kii ula jaanqaadi lahaa nidaamka diiwaangelinta cod-bixiyaasha ee
hadda lagu laaley Lifaaqii 3aad ee Wax ka Beddelka iyo Kaabista Xeerka
Diiwaangelinta Cod-bixiyaasha (Xeer Lr. 37/2007) ee la ansixyey 14kii Diisambar
2011. Markaas Lifaaqi 4aad iyo kan 5aad
ee Xeerkan Doorashooyinka waxay wax ka bedelkoodu u badanyahay siddii Xeerkan
loogu geli karo doorasho aan diiwangelin lagu coddeyne, kuna saleysan habka liistada
furan, waxeyna wax badan ka beddelleen Lifaaqyadii 1aad iyo 2aad.
Waxaan
kaloo Xeerkan ku lifaaqey xaashi si shax ah u sheegeysaa qodobada Lifaaq kastaa
uu saameeyey oo tiro ahaan ahaa 37 (una dhiganta 56% ee Xeerka oo wadaar ahaan
ka kooban 66 Qodob). Wax ka beddelka uga badan waxay
ku jireen Lifaaqi 1aad (2009), kii 2aad (2010) iyo Lifaaqii 4aad (2012) sida
aad ku arki karto shaxda ku jirta bogga ugu dambeeya Nuqulkan Xeerkan, laakin
kuma jirto shaxda wax ka beddel kasta wuxuu aha. Waxaad nuqulka Xeerka asalkiisii siduu ahaa 2001kii iyo nuqulada 5ta
lifaaqba ka heli kartaa Bogga Xeerkan
Doorashooyinka 20/2001 ee Mareegta
Xeerarka Somaliland. Hase yeeshe,
waa ku adagtahay qof kasta in uu isbarbar dhigo Xeerka asalkiisii iyo
lifaaqyadaba oo qodob qodob u eego si uu ogaado Xeerku wuxu hadda odhanayo. Sidaas awgeed, waxaan ku sameyey daraasad oo aan isku
dhafey Xeerka iyo shantiisii lifaaqay oo loo yaqaano “Unofficial Consolidation”
– Isku Dhaf aan Rasmi aheyn. Isku dhaf xeer waxa uun uu noqon karaa rasmi
marka Baarlamaanku ansixiyo, Madaxwynuhuma saxeexo, hase mar hadaan taas la
heynin, waa caadi in la isticmalo isku dhafyo aan rasmi aheyn oo fududeeya in
Xeerarka wax badan laga beddellay si sax ah loo hirgeliyo.
Ibrahim
Hashi Jama, Tifatiraha , (editor@somalilandlaw.com )
30 Ogost 2012
Jamhuuriyadda
Somaliland
xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo GOLyAASHA deegaanka – xeer lr –
20/2001 IYO WAX KA BEDDELKIISII 2009, 2010, 2011 7 2012 (iLAA ogost. 2012) oo isku dhafan
(Consolidated Text)
Golaha Wakiilada
Markuu Arkay: Qodobada
9aad, 22aad , 25aad, 83aad
iyo 111aad ee Dastuurka Qaranka JSL.
Markuu tixgeliyey: Baahida
loo qabo ka digo-rogashada hab- beeleedka iyo xaqiijinta himilada ummaddu ka
dhursugaysay mudada dheer ee u tartanka xorta ah ee xilalka Qaranka.
WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN:
Qodobka 1aad
Macnaha erey-bixinta
Doorasho: waxa
loola jeedaa kala saaridda murashaxiinta u tartamaya xilalka, iyadoo lagu
go'aan qaadanayo aqlabiyadda codadka dadka ay khusayso.
Komishanka: waxaa
loola jeedaa Guddiga sare ee loo xilsaaray maamulidda iyo ka garsooridda
doorashooyinka.
Goob-codbixin: waxa
loola jeedaa goobaha tirooyin dadweynaha ka mid ah oo isku degaan dhaw ka dhiibanayaan
codkooda.
.
Goob-Doorasho:
waxa loola jeedaa barta kulmisa goobo-codbixineed oo loogu talagalay in
lagu kala saaro laba murashax iyo wixii ka badan.
Wakiil: waxa loola jeedaa xubinta urur/xisbi u soo wakiishay
la socodka hawlaha doorashada ee goob-cod-bixineed ama xafiisyada doorashada.
Murashax: waxa loola jeedaa xubinta uu ururkiisu/xisbigiisu u
soo magacaabay inuu u tartamo xil lagu heli karo doorasho.
Cod-bixiye: waxa loola jeedaa qofka buuxiyey shuruudaha
cod-bixinta ee go'aankiisa ku dhiibanaya cod.
Golaha
Degaanka: waxa loola jeedaa Golaha cod-bixiyayaasha degmadu u
doortaan maamulka iyo sharci-dejinta D/Hoose ee degmada.
Gobol-doorasho:
waxa loola jeedaa soohdimaha kulmiya degmooyin
doorasho.
Degmo-doorasho:
waxa loola jeedaa soohdimaha kulmiya ugu yaraan hal goob-doorasho.
Kursi: waxa
loola jeedaa jago-xil oo lagu hananayo doorasho hal qof.
Astaan/Astaamaha: waxa loola
jeedaa summadda ama calaamadda u gaarka ah hal xisbi/urur ee lagu aqoonsanayo.
Liis/Liisaska:
waxaa loola jeedaa murashaxiinta uu soo gudbiyay
Xibi/Urur oo u qoran si taxane ah, iyadoo aanay kala hormarinta magacyadu wax
saamayn Sharci ah yeelanahaynin.[1]
Ololaha Doorashada:
waxa loola jeedaa hawlgalka ay ururada/axsaabtu iyo murashaxiintoodu ugu
tartamayaan iska dhaadhicinta iyo soo kala jiidashada cod-bixiyayaasha.
Xafiiska dhexe:
waxa loola jeedaa xarunta ugu saraysa ee laga
maamulayo hawsha doorashada ee ay ku shaqeeyaan Komishanka.
Xafiiska
Degmada: waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo goobaha
cod-bixinta ee degmo.
Xafiiska
Gobolka: waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha
doorashada ee Gobolka.
Xafiiska
Goobta: waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha
doorashada ee goob-cod-bixineed.
Goob-joogayaal:
waxa loola jeedaa kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa
maxaliga ah ee hubinaya habsami u socodka hawlaha doorashooyinka ee Komishanku
aqoonsadey.
Qodobka 2aad
Mabaadiida guud
Xeerkan waxaa
lagu maamulayaa doorashooyinka Golayaasha Degaanada iyo tan Madaxweynaha iyo
Ku-xigeenka Madaxweynaha JSL.
Qodobka 3aad
Mudada xilka
Mudada xilka
ee Murashaxiinta la doorto waxay ahaanaysaa:
1.
Madaxweynaha
& Ku xigeenkiisa 5 sano
2.
Golayaasha
Degaanada 5 sano
Qodobka 4aad
Tirada Golayaasha Degaanada
Tirada Golayaasha Degaanada ee la
soo dooranayaa waxay ahaanaysaa:-
a)
Golaha
Degaanka Caasimada 25 Mudane
b)
G/Degaanka
degmooyinka darajada A 21 Mudane
c)
" " " B 17 Mudane
d)
" " " C
13 Mudane
e)
" " "
D 09
Mudane
Qodobka 5aad
Shuruudaha cod-bixiyaha[2]
1.
Waa inuu
yahay Muwaadin Somaliland u dhashay.
2.
Waa in aan
da'diisu ka yaraan 16 sano, sanadka doorashada la qabanayo.
3.
Waa inuu xor
yahay oo aanu xabsi ku jirin.
4.
Waa la tirtirey.[3]
5.
Murashaxiinta u tartamaaya jagooyinka
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu waxa ay ka codayn karaan goob kasta oo
cod-bixineed. Haseyeeshee hawl-wadeennada Doorashadu waa in ay arrintaas
diiwaan-geliyaan.[4]
Qodobka 6aad
Xuquuqda Cod-bixiyaha
Cod-bixiye
kasta oo buuxiyey shuruudaha xeerku tilmaamay wuxuu xaq u leeyahay:-
1.
Waa la tirtirey.[5]
2.
Cod-bixiyaha
ka maqan dalka JSL wuxuu ka coddaynayaa xafiisyada diblomaasiyadeed ee JSL ku
leedahay dibedda ee ugu dhow, haddii aanay jirin ama aanay suuragal ahayn waxa
tallo ka gaadhaya Komishanka.
3.
Codku waa
inuu ahaado mid shakhsi ah, xor ah, toos ah, qarsoodi ah oo si siman loo
tixgeliyo.
4.
Cod-bixiye
kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo keliya doorashadiiba.
5.
Xubnaha
Komishanka doorashooyinku ma laha xaqa cod-bixinta inta ay xilka hayaan.
6.
Hawlwadeennada xafiiska doorasho ee
goobta cod-bixinta, wakiillada xisbiyada ee goobta cod-bixinta iyo ciidanka
boliiska ee sida rasmiga ah ugu xilsaaran ilaalinta nidaamka doorashada ee
goobta cod-bixintu waxay ka codayn karaan goobta codbixineed ee ay ka
hawlgelayaan maalinta cod-bixinta.
Qodobka 7aad
Shaqaalaha Dawladda & Hay'adaha Dawliga ah
1.
Shaqaalaha
Dawladda, kuwa Hay'adaha madaxa banaan ee Dawladda iyo ciidamada Qaranka darajo
kasta ha lahaadeene looma ogola inay isu sharaxaan doorashooyinka Degaanada iyo
Madaxwaynaha ama Ku-xigeenka Madaxweynaha, haddii aanay shaqo-ka-tegis soo
qoran 90 cisho[6]
ka hor taariikhda qabashada doorashada.
2.
Shaqo-ka-tegidda
waxa shardi u ah inay sidaa qoraal ku soo caddeyso xafiiska ama Hay'adda awooda
u leh caddayntaas
Qodobka 8aad
Wakhtiga qabashada doorashooyinka
Komishanka
ayaa cayimaya taariikhaha la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka,
waxanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne
Qodobka 9aad
Goobaha Cod-bixinta
1.
Marka la
qabanayo doorashada Madaxweynaha & ku xigeenka waxa dalka loo qaybinayaa
gobolo-doorasho (electoral regions) oo loo sii qaybinayo goobo-codbixin
(polling stations) iyadoo la waafajinayo soohdimaha Gobolada dalka JSL
2.
Doorashada
Golayaasha Degaanada marka la qabanayo soohdimaha maamulka degmada ayaa loo
aqoonsanayaa Degmo-doorasho (electoral district), waxaana loo sii qaybinayaa
goobo-codbixin, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada Degaanku.
3.
Komishanku
waa inuu sameeyo goobaha codbixinta ee degmooyinka/gobolada ugu yaraan 40
maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta la qabanayo, waxanu Komishanku arrintaas
kala tashanayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyayaasha Gobolada iyo
Degmooyinka.
4.
Haddii degaano dalka ka mid aha ay la soo gudboonaanto duruufo culus ama
xaalado aan saamaxeyn in doorasho ka qabsoonto, waxaa so qiimaynaaya Komishanka
Doorashooyinka Qaranaka iyagoo kala tashanaaya Xukuumadda iyo Xisbiyada/Ururrada
Siyaasada.[7]
5.
Goobaha codbixinta ee ay
doorashadu ka qabsoomi waydo, tirade kuraasida loo qoondeeyay goobahaas waxay
Xisbiyadu/Ururradu u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay u kala helaan wadarta
guud ee codadka ansaxay ee Degmada.
6.
Haddise ay doorashadu ka qabsoomi waydo Degmo dhan, waxa ay
Axsaabtu/Ururradu kuraasida degmedaas u kala qaadanayaan saami u dhigma sida ay
u kala helaan wadarta guud ee codadka ansaxay ee Gobolka. Waxaana loo raacayaa sida magacyadoodu ay
liiska ugu kala horreeyaan.
KOMISHANKA DOORASHOOYINKA JSL
Qodobka 10aad
Qaab-dhismeedka Komishanka Doorashooyinka
Qaab-dhismeedka
xafiisyada Komishanka Doorashooyinku wuxuu ahaanayaa sidan:-
1.
Xafiiska
goobta cod-bixinta doorashada
2.
Xafiiska
Degmada ee doorashada
3.
Xafiiska
Gobolka ee doorashada
4.
Xafiiska
dhexe ee doorashooyinka
Qodobka 11aad
Komishanka doorashooyinka
1.
Komishanku
wuxuu ka koobnanayaa 7 xubnood, oo kala ah:
a. Gudoomiye iyo 6 xubnood
b. Gudoomiyaha & Gudoomiye-xigeenka Komishanka ayaa
iska dhexdooranaya.
d. Mudada xilka ee Komishanku waa 5 sano, oo ka
bilaabmaysa marka Golaha Wakiiladu ansixiyo, waana loo cusboonaysiin karaa
xilka.
e. Shaqaale dawladeed, xubin Barlaman, Xubnaha Golaha
Wasiirada, ciidan Qaran iyo xubin xil u haysa urur/xisbi kama
mid noqon karo Komishanka.
2.
Komishanka
doorashooyinka waxa magcaabaya Madaxweynaha JSL ka dib marka uu helo soo
jeedimaha :-
a. 2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo.
b. 2 xubnood oo ay soo xulayaan ururada/xisbiyada
mucaaridka ah ee diiwaan-gashan.
c. 3 xubnood ee
kale Madaxweynaha ayaa soo xulaya.
3.
Komishanka
waxa cod kala badh iyo hal ah (absolute majority) ku ansixinaya Golaha Wakiilada,
markuu guddi- hoosaadka Arrimaha Guduhu soo hubiyo in ay buuxinayaan shuruudaha
Xeerku tilmaamayo.
4.
Xafiiska
dhexe ee Komishanka doorashooyinku wuxuu xaruntiisa ku yeelanayaa caasimadda Hargeysa.
5.
Komishanka
xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo Xeerkan, shirarkoodu wuxuu ku qabsoomayaa Kooram, go'aanadoodu
waxay ku ansaxayaan aqlabiyad.
6.
Komishanku
wuxuu xilkiisa u gudanayaa si madax banaan, lagumana samayn karo wax fara gelin
ah haba yaraatee.
Qodobka 12aad
Shuruudaha xubinta Komishanka
1.
Waa inuu
yahay muwaadin Somaliland u dhashay.
2.
Waa inaan
da'diisu/da’deedu ka yarayn 40 jir
kana waynayn 70 jir
3.
Waa inuu
Muslin yahay, kuna dhaqma diinta Islaamka.
4.
Waa inuu
leeyahay aqoon dugsi sare ugu yaraan ama wixii u dhigma.
5.
Waa inaanu ka
mid ahayn urur/xisbi siyaasadeed, kana madax banaan yahay.
6.
Waa in lagu
yaqaan dhawrsanaan, sharaf iyo cadaalad bulshada dhexdeeda.
7.
Waa inaan
dembi ciqaab oo maxkamad horteed kaga cadaadey ku dhicin welligiiba.
8.
Waa inuu jidh
ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilka.
Qodobka 13aad
Xil ka qaadista Komishanka
1.
Xubnaha
Komishanka waxa xilka lagaga qaadi karaa:-
a. Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo
doortay.
b. Marka uu xilka gudan kari waayo karti darro ama
caafimaad darro awgeed
c. Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatooyo, musuq-maasuq
iwm.
2.
Marka
arrimaha kor ku xusan la dareemo, waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa
guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go'aan ugu qaato.
3.
Xil ka
qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha
Wakiiladu ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah (
simple majority).
4.
Marka ay
banaanaato xubin Komishanka ka mid ahi, xil ka qaadis, geeri, ama is casilaad awgeed, waxa buuxinta jagadaas loo raacayaa
habka xubintii banaysay ku timi.
Qodobka 14aad
Awoodaha Komishanka
Komishanku
wuxuu awood u leeyahay:-
1.
Inuu cayimo
wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu
Degreeto ugu soo saaro.
2.
Inay cayimaan
tirada iyo goobaha cod-bixinta degmooyinka & gobolada.
3.
Inay
magacaabaan, eryaan, anshax mariyaan shaqaalaha xafiiska dhexe, xafiisyada
degmooyinka & Gobolada doorashooyinka.
4.
Inay
qorsheeyaan Miisaaniyadaha lagu maamulayo hawlaha doorashooyinka.
5.
Inay ku
dhawaaqaan natiijooyinka doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka si ku meel
gaadh ah, inta aan Maxkamadda Sare ku dhawaaqin.
6.
Inay
kormeeraan si kedis ah iyo si qorshaysanba goobaha doorashada iyo meel kasta oo
hawshooda khusaysa.
7.
Inay go'aan
ka gaadhaan muranada doorashada ee ka soo gaadha xafiisyada hoos yimaada.
8.
Inay
sameeyaan daraasad ku saabsan sidii dalka loogu samayn lahaa goobo-doorasho oo
murashaxiin ku tartami karto.
9.
Inuu
diiwaan-geliyo cod-bixiyayaasha ka hor taariikhda doorashada.
Qodobka 15aad
Miisaaniyadda Komishanka Doorashada
1.
Komishanku
wuxuu yeelanayaa Miisaaniyad gaar ah, oo ay soo qorshaysteen, una gudbinayaan
Madaxweynaha, taas oo marka laysla ogolaado loo gudbinayo Golaha Wakiilada oo
ansixinaya.
2.
Miisaaniyadda
doorashada waxay komishanku u isticmaalayaan si madax banaan, iyadoo ay waajib
tahayinay xisaab-celin saddex biloodle ah u gudbiyaan Xisaabiayaha Guud.
Qodobka 16aad
Xafiiska goobta cod-bixinta
1.
Xafiiska
goobta cod-bixinta ee doorashu wuxuu ka koobmi doonaa Gudoomiye iyo laba
hubiye. Hubiyaha ugu da'da weyn ayaa noqonaya gudoomiye xigeen. Waxa kale oo uu
yeelanayaa xoghayn.[8]
2.
Gudoomiyaha,
Xoghayaha iyo labada hubiye waxaa magacaabaya Komishanka, waxaanu samayn karaa
isku bedelid haddii loo baahdo.
3.
Haddii loo
baahdo oo arrin deg deg ahi timaado, Hubiye ama xoghaynta waxa bedeli kara gudoomiyaha goobta cod-bixinta, iyadoo cod-bixintu
socoto, waxanu bedelkaas ka samayn karaa dadka goobta ku sugan ee leh xaqa
cod-bixinta sida sharcigu xusayo.
4.
Xafiiska
goobta cod-bixintu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha doorashada ee goobta.
Qodobka 17aad
Xafiiska Degmada ee doorashada
1.
Xarunta degmo
kasta waxa jiraya xafiis doorasho degmo. Waxaanu ka koobmayaa Gudoomiye,
Gudoomiye Ku-xigeen iyo hubiye.
2.
Xafiiska
doorashada ee degmadu waxa kale oo uu yeelanayaa xoghayn iyo laba tiriye.
3.
Gudoomiyaha,
Gudoomiye Ku-xigeenka, hubiyaha,
xoghaynta iyo tiriyayaasha waxa magacaabaya Komishanka, isagaana awood u leh
isku-beddelkooda.
4.
Xafiiska
degmada ee doorashu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha doorashada ee
degmada.
Qodobka 18aad
Xafiiska Gobolka ee doorashada
1.
Magaalo-madaxda
gobol kasta waxaa jiraya xafiis doorasho gobol oo ka kooban Gudoomiye, ku
xigeen iyo xoghayn oo uu soo magacaabay Komishanku.
2.
Xafiiska
gobolka ee doorashadu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha doorashada ee
gobolka.
Qodobka 19aad
Hawl-wadeenada Xafiisyada Doorashada
1.
Xubnaha
Komishanku u magacaabo xafiisyada doorashada waa in loo sheego in xilka loo
magacaabay ugu yaraan 60 (lixdan) maalmood ka hor taariikhda la qabanayo.
Shuruudaha lagu soo xulanaayo Guddoomiyeyaasha Xafiisyada Doorashada
Degmada iyo Gobolku waxa ay la mid yihiin kuwa lagusoo xulanaayo Komishanka
Heer Qaran marka laga reebo da’da oo ah “in aanu/aanay da’diisu/da’deedu ka
yarayn 36 jir kana waynayn 70 jir”.
2.
Qofkii loo
magacaabo xilalka xafiisyada doorashooyinka marmarsiiyo shaqada loogama dayn
karo, haddii aanu jirin cudurdaar dhab ah oo Komishanku ku qanci karo.
3.
Xubnaha loo
magacaabay xafiisyada doorashada ee goobaha, degmada iyo gobolka waxa
dhaarinaya gudoomiyaha Maxkamadda degmada (dhaar fagaare), dhaartaas oo
noqonaysa sidan:
WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILAAHIYA
INAAN HAWSHA DOORASHADA U GUDAN DOONO SI XILKASNIMO, DAACADNIMO LEH. INAAN DHEX
U AHAADO XISBIYADA/URURADA IYO MURASHAXIINTA, SHARCIGA IYO CADAALADNA AAN KU
SHAQAYNAYO.
4.
Komishanku
waxay mid mid dhaarta kor ku xusan kaga hor dhaaranayaan Gudoomiyaha Maxkamadda
Sare.
5.
Xubnaha
ciidamada qalabka sida ama kuwa leh qaab-ciidameed, Gudoomiyayaasha gobolada,
degmooyinka, golayaasha degaanada, murashaxiinta u taagan doorasho looma
magacaabi karo xafiisyada doorashooyinka.
6.
Hawl-wadeenada
goobaha cod-bixinta, kuwa xafiisyada doorashada degmooyinka/gobolada waxay
mudada shaqadoodu ku dhamaanaysaa marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada,
hasa yeeshee Komishanku wuu kordhin karaa mudada shaqada intii uu u baahdo.
7.
Gudoomiyayaasha
xafiisyada doorashada degmooyinka iyo gobolada ma noqon karaan shaqaale
dawladeed, ciidan qaran, xubin xisbi/urur. Shuruudaha lagu soo xulanayaa waxay
la mid yihiin kuwa Komishanka lagu soo doortey.
Qodobka 20aad
Gunnada Hawl-wadeenada
1.
Gunnooyinka
ay qaadanayaa hawlwadeenada xafiisyada doorashooyinka waxa qorshaynaya
Komishanka, iyagoo ku salaynaya xilalka hawlwadeenadu ku kala magacaaban
yihiin.
2.
Hawlwadeenka
loo diro hawl meel ka baxsan halka uu ku noolaa wuxuu yeelanayaa gunno-saad
(subsistence allowance) mudada uu maqan yahay, waxana qorshaynaya Komishanka.
Qodobka 21aad
Dhawrsanaanta Komishanka, Murashaxiinta,
Hawl-wadeenada
1.
Dhamaan
hawl-wadeenada ka hawlgelaya xafiisyada doorashooyinka, wakiilada Ururada/xisbiyada
ee xeerkani tilmaamay waxay sharci ahaan (legal status) la mid yihiin saraakiil
guud (puplic officer).
2.
Murashaxiinta,
hawl-wadeenada xafiisyada doorashooyinka iyo wakiilada xisbiyada lama xidhi
karo xilliga doorashada, haddii aan la qaban iyagoo dembi ciqaabtiisu gaadhayso
3 sano faraha kula jira.
3.
Haddii uu
dembi galo waxaa lagu soo oogi karaa marka ay doorashadu dhamaato ee laga
wareejiyo hawsha uu u xil saarnaa.
4.
Komishanku
wuxuu leeyahay dhawrsanaan la mid ah ta Golaha Wasiirada mudada uu xilka hayo.
Dhawrsanaan ka qaadistoodana waxa loo marayaa sida uu tilmaamayo qodobada 94(8)
iyo 96(4) ee Dastuurka.
QAABKA DOORASHADA
Qodobka 22aad
Habka Doorasho
1.
Xisbi/Urur
kasta oo doonaaya in uu ka qaybgalo doorashada Goleyaasha Deegaanka, waa in uu
Komishanka Doorashooyinka Qaranka u gudbiyo liiska murashaxiinta uu u xulay
inay uga tartamaan doorashada oo degmaysan, kaas oo ku sar-go’an tirada kuraasida
Degmo kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah oo ku salaysan Habka
Liistada Furan (Open
List Sytem). Waxa Komishanka Doorashooyinka Qaranku uu siin doonaa murashax
kasta Lambar u gaar ah oo u noqon doona
summad.[9]
Hasa yeeshee doorashada
Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Madaxweynaha waxay noqonaysaa habka aqlabiyadda
hal-dheeriga ah (majority system), sida dastuurku tilmaamay.
2.
Kuraasta
Degmo-doorasho, waxaa Axsaabtu/Ururadu ku kala helayaan habka saami qaybsiga
(Proportional Representation System) ee kuraasida iyo codadka xisbi/Ururkasta
ka helo Degmadaas, iyadoo uu xisbiga/Ururkuna ay musharaxiintiisu ku kala
guulaysanayaan sida ay u kala codbadan yihiin.[10]
3.
Musharaxiinta ku
guulaysan waaya doorashada Deegaanka waxay noqonayaan kayd, iyadoo loo kala
qaadanayo sida ay u kala codbadan yihiin, marka xubin ama xubno ka mid ah
Golaha Deegaanku uu baneeyo xilka.[11]
Qodobka 23aad
Qaabka soo bandhigida Murashaxiinta
1.
Liiska
murashaxiinta golaha degaanka waxaa soo bandhigaya Guddiga degmada ee
Ururka/xisbiga, waana in si cad loo soo muujiyaa magaca murashaxa oo saddexan, meesha
uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashay; haddii ay jiraan dad isku magacyo ah waa
in la sheego naanysta (haddii ay jitro) iyo magaca oo afaran, waxa kale oo la
soo muujinayaa degmada laga sharaxay.
2.
Liisaska
murashaxiinta ururka/xisbiga waxa kale oo la soo raacinayaa:-
b. Caddeynta
shaqo ka tegidda ee ku xusan qodobka 7aad ee xeerkan
t. 4
koobi oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii ururku/xisbigu.
j. Caddeyn uu bixiyey murashax kastaa oo
uu ku muujiyey inuu ogol yahay murashaxnimada iyo inuu buuxiyey shuruudaha ku
xidhan.
d. Rasiidhada bixinta deebaajiga
murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda eeku xusan qodobka 25aad ee xeerkan.
3.
Waa la tirtirey.[12]
4.
Muran kasta
oo ka dhasha xeraynta ama bandhigga liis murashaxiin oo ka dhex dilaaca
xisbi/urur gudahiisa waxa go'aan ka gaadhaya golaha dhexe ee xisbiga/ururka
arrintu khusayso.
5.
Murashaxa isusoo sharraxay Jagada Madaxweynaha
ama Ku-xigeenkiisu waxa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo. Haseyeeshee waa
in uu qoraal rasmi ah usoo gudbiyo Xisbigii uu ka sharraxnaa iyo Komishanka
Doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 20 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta.
Xisbigii uu murashaxaasi ka sharraxnaa waxa uu soo beddeli karaa oo keliya 7
maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta.
6.
Haddii mid ka mid ah murashaxiinta Madaxweynaha
ama Ku-xigeenkiisa ee Xisbiyada Siyaasaddu uu geeriyoodo ka dib marka la soo
gudbiyo liiska murashaxiinta, waxa uu Xisbiga ay khusaysaa xaq u leeyahay in uu
soo beddesho 7 (toddoba)
maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta. Haddii uu murashaxu
geeriyoodo 7da maalmood ee ugu dambeeya gudahooda, Xisbigaasi xaq uma laha in
uu soo beddesho. Xaaladaha ku saabsan bannaanaanshaha Jagada Madaxweynaha ama
Ku-xigeenka ee ku xusan Qodobbada 86aad iyo 89aad ee Dastuurka, waxaa loo
tixraacayaa Dastuurka.
7.
Haddii muddada lagu cayimay faqradaha 5aad iyo
6aad ee toddobada maalmood ah ay Xisbiyadu kusoo beddeli waayaan Murashaxii ay
jagadiisu bannaaanaatay sababaha ku xusan faqradahaas awgood, magaca murashaxa
jagadiisu bannaanaatay ayaa lagu tartamayaa.
Qodobka 24aad
Astaamaha Liistooyinka Murashaxiinta
1.
Lambarrada
murashaxiinta ee Ururrada/Xisbiyadu waa in ay kala duwanaadaan marka lasoo
bandhigaayo, iyadoo la raacaayo habka uu Komishanku usoo dhigay.[13]
2.
Xisbi/urur wuxu isticmaalayaa astaan keliya markuu soo bandhigayo
murashaxiintiisa heerka degaanka ama Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Qodobka 25aad
Deebaaji
Murashaxiinta
u tartamaya xilalka waxay bixinayaan deebaaji aan celin lahayn, oo kala
noqonaya sidan:-
a)
Sl.Sh. 5,000,000
(Shan Milyan oo Shilin) Murashaxiinta Madaxtooyada midkiiba
b)
Sl.Sh 1,000,000
(hal Milyan oo Shilin) Murashaxiinta Golayaasha Deegaanka midkiiba.
Qodobka 26aad
Qabashada Liisaska Murashaxiinta
1.
Liistooyinka
murashaxiinta Madaxweynaha & ku xigeenkiisa waa in la geeyo xafiiska
Komishanka, Liistooyinka murashaxiinta Goleyaasha deegaanka waa in la geeyo
xafiisyada doorashada ee degmooyinka ka hor 6da galabnimo maalinta 75aad
intaanay cod‐bixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin lifaaqyadiisa ku
tilmaaman Xeerka.[14]
2.
Xafiiska
Komishanka ama xafiisyadiisa doorashada ee degmooyinka waxay hubinayaan in
murashaxiinta liisaska ku qorani buuxinayaan dhamaan shuruudaha u dhigan
heerkooda, Murashaxa aan buuxin shuruudaha waxa lagu celinayaa urur/xisbigii
soo sharaxey si ay bedelkiisa u keenaan muddo loo cayimey.
Qodobka 27aad
Sheegidda
Liisaska Murashaxiinta
1.
Komishanka
iyo xafiisyadooda degmo kasta waa inay diyaariyaan qaabka sheegidda
murashaxiinta iyagoo u habaynaya siday u kala horeeyaan, kana muuqato
astaamahoodii.
2.
Komishanka
iyo xafiisyadiisa goob kasta oo cod-bixineed waa inay qoraal ahaan diyaariyo
qaab sheegid liisaska murashaxiinta degmada iyadoo lagu dhajinayo goobaha
cod-bixinta degmada.
3.
Komishanka
iyo xafiisyadiisu waa inay 30 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta ku
dhajiyaan liisaska murashaxiinta degmada goobaha fagaarayaasha, boodhadhka
ogeysiiska, xafiisyada Dawladaha Hoose iwm,[15] haddii ay suuragal
tahayna idaacadda laga sheego ama wargeysyada lagu baahiyo.
OLOLAHA DOORASHOOYINKA
Qodobka 28aad
Bilowga iyo
Dhamaadka Ololaha doorashada
1.
Ololaha
doorashooyinku wuxuu bilaabmayaa marka la soo dhejiyo ogeysiiska ku xusan
qodobka 27aaad ee xeerkan, waxaanu dhamaanayaa 48 saac ka hor taariikhda la
qabanayo cod-bixinta.
2.
Haddii muddada olole Doorasho ku
beegmo bisha barakaysan ee Ramadaan, si xisbigii doonaa uu miisaanka ololihiisa
uga soo hormariyo bisha Ramadaan, waxa ololaha Doorashadu bilaabmayaa 60
(lixdan) maalmood ka hor maalinta cod-bixinta, waxaanu dhammaanayaa 48
saacadood ka hor maalinta cod-bixinta.
3.
Ololaha Madaxtooyada ee xilligani (Doorashada
Madaxtooyada ee sannadka 2010) waxa uu noqonayaa muddo saddex todobaad ah (21
maalmood). Waxa uu Ololuhu bilaabmayaa 23 maalmood ka hor maalinta doorashadu
ay dhacayso, waxaanu dhammaanayaa 48 saac ka hor maalinta codbixinta. Hase
yeeshee, haddii Ololaha Doorashadu uu ku beegmo bisha Ramadaan waxaa la
adeegsanayaa Qodobka 28aad , faqradda 2aad ee
Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Lifaaqa u ah Xeer Lr. 20/2001 ee Golaha Wakiilladu
ansixiyay 26/07/2009.
4.
Ololaha
Doorashada Goleyaasha Deeegaanka ee xilligan ay Xisbiyada/Ururradu tartamayaan
waxa uu noqonayaa muddo dhan affar todobaad oo hal maalin la’ (27 maalmood).
Waxa uu Ololuhu bilaabmayaa 29 maalmood ka hor maalinta doorashadu ay dhacayso,
waxaanu dhammaanayaa 48 saac ka hor maalinta codbixinta. Jadwalka Ololaha
Doorashada waxaa soo saaraaya Komishanka Doorashooyinka Qaranka.[16]
Qodobka 29aad
Qabashada
shirarka & Banaan-baxyada
1.
Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu diyaarinayaa soona
saarayaa shaxda isu-soo-baxyada iyo dhoollo-tusyada qorshaysan ee
Xisbiyada/Ururrada ee muddada Ololaha Doorashada, oo Xisbiyada/Ururrada loogu
qoondeeyey tiro maalmo ah oo is-le’eg. Wasaaradda Arrimaha Gudaha,
Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka iyo Duqa Magaalada waxaa ku waajib
ah in ay ku dhaqmaan shaxda ay soo saareen Komishanka Doorashooyinka Qaranku xilliga
ololaha doorashada.[17]
2.
Magaalo ama
tuulo laguma wada qaban karo maalin qudha wax ka badan hal[18]
shir iyo banaan-bax.
Qodobka 30aad
Muuqaalka
boodhadhka
1.
Muuqaalka boodhadhka, waraaqaha dacaayadaha ololaha doorashada iyo
farriimaha ololaha doorashada ee Xisbi/Urur/Murashax waxaa oggolaanaaya
Komishanka Doorashooyinka Qaranka islamarkaana joojinaaya haddii ay kasoo hor
jeedaan Xeerarka iyo Anshaxa Guud. Mana jirto wax cashuur ah oo laga bixinayaa.[19]
2.
Lama ogola in boodhadhka iyo waraaqaha ololaha doorashooyinka
lagu dhejiyo masaajidada, xafiisyada & gaadiidka dawladda, xarumaha
diplomaasiyiinta & ururada caalamiga ah iwm.
Qodobka 31aad
Hub iyo Lebbis Ciidanimo
Shirarka iyo banaan-baxyada
ololaha doorashooyinka waxa ka reebban in loo qaato HUB iyo lebbis ciidan ama
wax u eg.
Qodobka 32aad
Wakiilada Axsaabta/ururada
1.
Guddiyada
dhexe ama kuwa gobolada/degmooyinka ee ururadu/xisbiyadu waxay wakiil leh xaqa
cod-bixinta u soo diran karaan goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso oo ay
murashaxiin ku leeyihiin. Waxa kale oo ay keeni karaan bedelkiisa haddii uu
maqnaado.
2.
Wakiilada ay
ururadu/axsaabtu soo dirsadeen waa inay goob-joog ahaadaan marka xafiiska
doorashadu hawsha hayo, soona jeediyaan wixii tabasho ama caddeyn ay qabaan
(haddii ay jirto), taas oo la diiwaangelinayo.
3.
Magacyada
wakiilada ururada/xisbiyada waa in la geeyo
Komishanka ama xafiisyadiisa 20 maalmood[20] ka hor taariikhda
cod-bixinta. [Komishanka ama xafiisyadiisu wuxuu siinayaa wakiil kasta qoraal
ogolaansho ah oo u fasaxaya inuu geli karo kana hawl geli karo goobta
cod-bixinta ee loo soo diray.[21]]
4.
Waxaa
lagu soo xulayaa wakiillada
Axsaabta/Ururrada Shuruudaha hoos ku xusan[22]:
b) Waa in uu yahay/tahay muwaadin Somaliland u
dhashay;
t) Waa in aanay/aanu da’diisu/da’deedu
ka yarayn 25 jir sannadka doorashada la qabanayo;
j) Waa in
uu/ay wax qori karo/karto waxna akhriyi karo/karto;
x) Waa in uu yahay/tahay qof xilkas ah oo dhaqan
toosan.
DOORASHADA GOLAYAASHA DEGAANKA
Qodobka 33aad
Shuruudaha Murashaxa Golaha Degaanka
1.
Waa inuu
yahay muwaadin u dhashay Somaliland
2.
Waa inuu si
rasmi ah u degan yahay degmada uu iska sharaxayo
3.
Waa inuu
muslin yahay kuna dhaqmaa diinta islaamka.
4.
Waa inaan
da'diisu ka yareyn 25 sano[23] sanadka doorashada la
qabanayo.
5.
Waa inuu ku
sifoobay xilkas, dhaqan
toosan bulshada dhexdeeda.
6.
Waa in aanu
ku dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga cadaadey 10kii sano ee u
dambeeyay.
7.
Waa inuu
leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu iska sharaxayo degmooyinka darejada A iyo
B. Hadii uu iska sharaxayo degmooyinka derajada C iyo D waa inuu lahaado aqoon
dugsi dhexe ugu yaraan ama wixii u dhigma.
8.
Waa inuu
yahay cashuur bixiye degmada uu degan yahay ama uu ka qayb qaatey si
mutadawacnimo ah hawlo dan guud ah ee degmadaas.
Qodobka 34aad
Ururada u gudbi waaya xisbi
Ururada ku guulaysan waaya inay u gudbaan xisbi
hasayeeshee, doorashada Golayaasha degaanka ee degmooyinka qaarkood ku
guulaysta kuraas, waxa ku waajib ah inay ku biiraan saddexda xisbi ee la
ansixiyey midkood. [24]
DOORASHADA MADAXWEYNAHA IYO KU XIGEENKA
MADAXWEYNAHA
Qodobka 35aad
Shuruudaha Murashaxa Madaxweynaha & Ku xigeenka
Madaxweynaha
1.
Shuruudaha
murashaxa Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxay ahaanayaan kuwa ku
tilmaaman Dastuurka Qodobka 82aad.
2.
Xubnaha isu
taagaya doorashada Madaweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waa inay ka mid
yihiin urur/xisbi diiwaan-gashan ama ansaxsan, soona sharaxay.
Qodobka 36aad
Habka
Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha
Habka lagu dooranayo Madaxweynaha
iyo ku xigeenka Madaxweynaha wuxuu ahaanayaa kan ku tilmaaman Dastuurka qodobka 83aad,
faqradihiisa 1, 2, 3, iyo 4aad.
NIDAAMKA MAAMULKA DOORASHADA
Qodobka 37aad
Qalabka xafiisyada Doorashooyinka
1.
Komishanka
Qaranka ee doorashooyinku waa inay goob cod-bixineed kasta u diyaarisaa
qalabkan:
a. Nuqul xeerkan ka mid ah.
b. Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shaambaddii goobta
cod-bixinta oo ay la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.
c. Xidhmo lingaxan oo ay ku jiraan waraaqihii
cod-bixintu.
d. Sanaadiiqdii cod-bixinta lagu ridayay.
e. Weel lagu qaado waraaqaha cod-bixinta.
f. Saddex foom oo
lagu qoro hawlgalka cod-bixinta.
g. Foom leh khaanado jeexjeexan.
h. Qalimo-biiro ku filan calamadaynta warqadaha
cod-bixinta.
i. Ugu yaraan 5 waraaqadood oo
tusinaya qaabka cod-bixiyayaashu u calaamadaynayaan warqadaha cod-bixinta.
j. Quraarad ah
khadka aan tirtirmi Karin ee la marinayo cod-bixiyayaasha.
k. Qalabka qoraalada kala duwan ee loo baahan karo.
l. m. n Waa la
tirtirey[25]
2.
Qalabka ku
xusan c, d, e, f, g, ee ku tilmaaman faqradda xubinta hore waa inay ahaadaan
laba laba oo si fiican loo kala calaamadiyaa haddii wadajir loo qabanayo
doorashooyinka Degaanka.
3.
Komishanku
waa inay xafiiska dhexe ee doorasho iyo degmo/gobol kasta u diyaarisaa
qalabkan:
a. Nuqul xeerkan ah
b. Xidhmo
lingaxan oo ay ku jirto shambaddii xafiiska degmada, gobolka ee doorasho oo ay
la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.
c. Saddex foom oo lagu qorayo hawlgalka cod-bixinta xafiiska doorashada ee
degmada/.gobolka.
d. Foom leh
shax jeexjeexan (tabulation forms)
e. Qalabka wax lagu qoro oo kala duwan (stationery)
f. Waa la tirtirey. [26]
4.
Qalabka
xafiis kasta oo doorasho waa in lagu rido saxarad gaar ah. Saraxadda waa in la
xidho oo la lingaxo. Komishanku waa inay qalabkaas dirto wakhti ku haboon
iyadoo la socdaan sanaadiiqdii codka lagu ridayey, waxaana loo dirayaa
xafiisyada doorashada degmada/gobolka oo u sii gudbinaya goobaha cod-bixinta
5.
b. Komishanku
wuxuu goob kasta oo cod‐bixineed u diyaarinayaa waraaqo codbixineed oo dheeraad ah oo aanay
tiradoodu ka badnayn 2% tirada waraaqaha ee Komishanku u qoondeeyay goobta,
lambarradooda iyo goobaha cod‐bixineed ee loo kala dirayana lagu qorayo diiwaan
gaar ah oo Komishanka Doorashooyinka
Qaranku leeyahay; waxaana goobta loogu
ridayaa baqshad xidhan oo gaar ah oo lagu rido sanduuqa doorashada ee goobta
cod‐bixineed.[27]
t. Waraaqaha dheeraadka ah waxa loo adeegsanayaa
oo keliya beddelaadda waraaqaha cod‐bixineed
ee xumaada intaan lagu codeyn, taas oo
ay waajib tahay
in ay ku
wada qancaan gudoomiyaha goobta
iyo wakiilada Axsaabta/Ururrada u jooga goobta codbixinta. Mar kasta oo warqad
ka mid ah waraaqaha dheeraadka ah
lagu codeeyana waa
in la diiwaan‐geliyaa asbaabaha kalifay.
Qodobka 38aad
Waraaqaha Cod-bixinta
Waraaqaha
cod-bixinta waa inay ku daabacan yihiin astaamaha ururada/xisbiyada oo kor u
taagan si afar gees ah. Astaan kastaa waa inay leedahay meel
banaan oo loogu talagalay inuu cod-bixiyuhu ku muujiyo codkiisa. Waraaq kastaana waa ianay leedahay cidhif yar oo xabagaysan oo lagu
rogo warqadda cod-bixinta oo lagu lingaxo.
Qodobka 39aad
Habaynta Liisaska rasmiga ah
iyo goobaha codbixineed
a.
Goob kasta oo
codbixinta laga dhiibanayaa waa inay lahaato laba qol oo yar yar oo loogu
talagalay in lala galo calaamadaynta waraaqaha cod-bixinta loona habeeyo in
qarsoodi codka lagu hubiyo
b.
Sanaadiiqda
cod-bixinta lagu ridayaa waa inay yaaliin meel muuqata ama hareeraha ka xigaan
miisaska Gudoomiyaha goobta cod-bixinta.
c.
Waa la tirtirey. [28]
Qodobka 40aad
Ogeysiinta Liiska Murashaxiinta
1.
Halka nuqul
ee ku xusan qodobka 27aad ee xeerkan waa in lagu dhejiyo meel la wada arki karo
oo ka mid ah xafiiska doorashada ama goobta cod-bixinta gudaheeda iyo
dibeddeedaba
2.
Nuqulka
ogaysiinta ee ku xusan qodobka 27aad ee xeerkan oo Komishanku ka soo sameeyay
liiska murashaxiinta oo u kala horeeya sidii loogu soo gudbiyay waa in lagu
dhejiyo banaanka xafiisyada doorashada iyo gudaha meel la wada arki karo.
Qodobka 41aad
Qaybinta Qalabka Doorashada
1.
Xafiiska
doorashada degmadu waa inuu hubiyo in goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso in la
geeyo wixii qalab ah ee loo baahan yahay markay saacadu tahay 6:00 saac ee
subaxnimo ka hor maalinta cod-bixinta.
2.
Komishanku
Waa inuu geeyo xafiiska doorashada degmada qalabka loogu talagalay cod-bixinta
ugu dambayn 4ta galabnimo maalinta ka horaysa cod-bixinta.
3.
Goob kasta oo
cod-bixineed waa in la siiyo:-
b. Nuqul muujinaya magacyada hawlwadeenada goobta
t. Nuqul muujinaya wakiilada ururada/axsaabta ee goob-jooga ahaanaya.
Qodobka 42aad
Xafiiska Goobta cod-bixinta
1.
Gudoomiyaha
goobta cod-bixintu markuu helo qalabka ku xusan qodobka la soo dhaafay waa
inuu:-
a) Dhiso xafiiska oo uu hubiyayaasha iyo xoghaynta u
sheego inay yihiin hawlwadeenadii goobta isla markaana la socodsiiyo sida ay
hawsha loo xilsaaray u gudanayaan.[29]
b) Hubiyo in Wakiilada axsaabta/ururada ee loo soo
ogolaaday inay goob-joog ahaadaan inay joogaan.
c) Markuu hubiyo inay saxaraduhu lingaxan yihiin waa inuu
furo saxarada oo hubiyo inay dhan yihiin qalabkii, waana inay goob-joog
ahaadaan Hawl-wadeenadii goobta iyo wakiiladii ururada/axsaabtu.
d) Markuu hubiyo isaga iyo hawl-wadeenadiisa iyo
wakiiladu in xidhmooyinka ay ku jiraan shaambadda goobta iyo waraaqaha
cod-bixintu lingaxan yihiin, waa inuu furo xidhmooyinka oo waraaqaha
cod-bixinta la dhaco shaambada goobta, oo si nidaamsan ugu rido weel xafidan.
Waxaa reebban inay markaas joogto qof aan ahayn inta goobta ku qoran.
e) Inuu hubiyo in ogeysiinta ay ku qoran yihiin
tilmaamaha cod-bixinta iyo liisaska murashaxiintu ku dhegan yihiin meelihii
loogu talagalay.
f) Inuu hubiyo in qalabkii loo baahnaa ee cod-bixinta
loogu talagalay loo agaasimay sida xeerku tilmaamayo, si hawsha doorashu si
hufan ugu hirgasho.
2.
Waa inuu
diiwaan-geliyo dhamaan hawlgalka kor ku xusan in la fuliyey. Qoraalka waa inay
ku cadaato shaambadda goobta, tirada waraaqaha cod-bixinta ee goobta
cod-bixintu heshay.
3.
Waa inuu
markaa ka saxeexo hawlwadeenada iyo wakiiladaba in wax waliba sidii loogu
talagalay yihiin.
4.
Markuu hubiyo
Gudoomiyaha goobta cod-bixintu in hawshaasi qabsoontay waa inuu ku dhawaaqo in
cod-bixintu furan tahay.
5.
Haddii ay Xisbiyada Siyaasaddu goob cod-bixineed
usoo diran waayaan wakiillo, hawsha doorashadu u xannibmi mayso,
hawl-wadeennada Komishanka ee goobtuna shaqadooda way wadanayaan.
Qodobka 43aad
Awoodda Gudoomiyaha Goobta cod-bixinta
1.
Gudoomiyaha
goobta cod-bixinta waxa waajib ku ah inuu ilaaliyo nidaamka inta doorashadu
socoto. Booliska ayuu ku amri karaa inuu qof goobtaa dibedda uga saaro ama in
la qabto qof gef ku sameeyay hawsha doorashada ama qof waali ka muuqato
2.
Booliska
looma ogola inuu galo gudaha goobta cod-bixinta haddii aanu Gudoomiyuhu amrin
3.
Saraakiisha
Booliska iyo kuwa shaqaalaha dawladda waa in ay fuliyaan codsiyada Gudoomiyaha
goobta si loo hubiyo in si dhib yar codka loo bixiyo oo aanay dhicin in lagu
ururo miiska hawlwadeenada ama goobta agteeda.
4.
Gudoomiyaha
goobta cod-bixinta iyo kuwa xafiiska dhexe waxay xaq u leeyihiin inay
isticmaalaan awoodaha ku qoran xubnaha qodobkan.
Qodobka 44aad
Gelidda
Goobta Cod-bixinta
1.
Xafiiska
goobta cod-bixinta waxa geli kara dadka maamulaya
xafiiska iyo kuwa ka wakiilka ah axsaabta/ururada iyo kuwa codka bixinaya.
2.
Waxa reebban
in cod-bixiyayaashu hub la yimaadaan goobta, markiiba qof ayaa gelaya, iyadoo
lookala hor marinayo sidii loo soo kala horeeyay, hasa yeeshee waa la tixgelin
karaa inuu ugu hormaro haddii ay jirto qof ka shaqaynaya hawsha doorashada oo
doonaya inuu codkiis a bixiyo.
Qodobka 45aad:
Talaabooyinka Ka Horeeya Cod-bixinta
Waa la
tirtirey. [30]
Qodobka 46aad
Cod-bixiyayaasha aan codka dhiiban Karin
1.
Waxa codkisa
dhiiban kara cod-bixiyaha taga goobta cod-bixinta oo
codkiisa ku ridi kara sanduuqa.
2.
Haddii uu
jiro qof ay naafonimo u diidey inuu codkiisa bixiyo Gudoomiyaha goobta
cod-bixinta ayaa u ogolaanaya in cod-bixiye kale oo uu aaminsan yahay inuu
gacan siinayo oo ka caawiya sidii uu codkiisa u dhiiban lahaa.
Haddii uu jiro qof waayeel ah
ama aan fahmi karahayn halka uu warqadda ka calaamadinayo, Gudoomiyaha goobta
codbixintu wuxuu amrayaa in qof uu ku kalsoon yahay ama haddiiaanu jirinna
hawlwadeenada goobtu ay gacan ka siiyaan oo ay ka caawiyaan sidii uu codkiisa u
dhiiban lahaa. Wakiilka Xisbiga/Ururka uu u codaynaayo murashaxiisu goobjoog wuu
ka ahaan karaa.[31]
3.
Xoghayaha
goobta cod-bixinta ayaa qoraalka gelinaya sababta loo ogolaaday in qofkaas
naafada ah laga kaalmeeyo sidii uu codkiisa u bixin lahaa, waxa kale oo uu
qoraalka ku muujinayaa qofka naafada ah iyo qofka kaalmeeyey.
Qodobka 47aad
Nidaamka cod-bixinta
1.
Marka la dhammays-tiro hawlaha ku
xusan qodobka 45aad ee cusub (as amended) ayuu xoghayuhu
a) cod-bixiyaha u goynayaa warqadda codbixinta isagoo xaqiijinaya in
dabadii hadhaaga ahayd ee warqaddaa
cod-bixineed ku hadhay buugga, u shaambadaynayaa, kuna wareejinayaa si uu ugu
soo codeeyo;
b) Waa la tirtirey.[32]
c)
Waa la tirtirey.[33]
2.
Haddii uu arko cod-bixiyuhu intaanu
codayn in warqadda cod-bixintu aanay dhammayn ama ay jeexan tahay, wuu soo
celinayaa, waxaanu codsanayaa in loo beddelo, dhacdadaasna waa in la diiwaan-geliyaa.
3.
Cod-bixiyuhu wuxuu dabadeed gelayaa
qolka yar ee waraaqaha lagu soo calaamadiyo.
4.
Isagoo adeegsanaya mid ka mid ah
qalimmada goobta, ayuu cod-bixiyuhu calaamadinayaa meel ka mid ah qaybta
warqadda ee u gaarka ah xisbiga/musharraxa uu doonayo inuu u codeeyo,
dabadeedna uu soo laalaabayaa warqadda kana soo baxayaa qolka calaamadinta
warqadda.
5.
Intaa ka dib ayuu cod-biixyuhu wuxuu
ku ridayaa warqaddisa cod-bixinta sanduuqa
cod-codbixinta.
6.
Cod-bixiyuhu wuxuu dabadeed u
imanayaa Hubiyaha labaad,[34] kaasoo
far-yaradiisa bidix u marinaya khadka aan masaxmin, haddii aanu far-yaro bidix
lahaynna, far-yarada gacanta midig, haddii aanu labada far-yaro midna lahaynna
farta kale ee u soo xigta iyadoo gacanta bidix mudnaanta khadaynta la siinayo,
haddii aanu labada gacmood midna lahaynna meeshii kale ee jidhkiisa ah ee
muuqanaysa.
7.
Waa la tirtirey. [35]
8.
Waa la tirtirey.[36]
9.
Waa la tirtirey.[37]
10.
Guddoomiyaha goobtu wuxuu ku
ilaalinayaa hawlwadeennada kale ee Xafiiska doorasho ee goobta gudashada
xilkooda, waxaanu u gacan-bannaanaanayaa kala-socodsiinta hawsha goobta.
11.
Guddoomiyuhu wuxuu awood u leeyahay
inuu debedda uga saaro cod-bixiyaha cudur-daar la’aan dhex meeraysta goobta iyo
inuu cod-bixiyahaas dib uga soo celiyo warqadda cod-bixinta. Cod-bixiyahaas waxa
loo oggolaanayaa inuu codkiisa dhiibto ka dib marka dadka safka taagani
codkooda wada dhiibtaan.
12.
Waa la tirtirey.[38]
13.
Cod-bixiye kasta[39]
waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah ama ka duwan kuwa la isticmaalayo,
Guddoomiyuhu wuxuu si degdeg ah u amrayaa in laga qaado, hadday suurto-gal u
noqotana wuxuu u dhiibayaa ciidanka nabadgelyada si dacwad loogu oogo,
dhacdadaasna qoraal ayaa lagu diiwaan-gelinayaa.
Qodobka 48aad
Hawlgalka cod-bixinta
1.
Hawlgalka
cod-bixintu waa in la dhamaystiro hal maalin gudaheed oo ka bilaabmaysa 7:00
saac ee subaxnimo kuna dhamaanaysa 6:00 fiidnimo
2.
Cod-bixintu
way soconaysaa wakhtiga xidhitaanka la tixgelin mayo, haddii ay jiraan
cod-bixiyayaal safka ku jira oo aan welli codkooda bixin ilaa ay ka
dhamaanayaan.
Qodobka 49aad
Go'aanka cabashooyinka ee goobta cod-bixinta
Xafiiska
goobta cod-bixintu waa inuu si ku meel gaadh ah go'aan uga gaadho cabashooyinka
(haddii ay jiraan) oo ay ka mid yihiin kuwa af ahaan
loo soo jeediyey iyo wixii muran ah ee ku hawlgalka goobta cod-bixinta. Cabashooyinka iyo muranadaas
waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.
Qodobka 50aad
Hawsha ka horaysa Tirinta Codadka
1. Markay
cod-bixiyayaashu codkooda bixiyaan Gudoomiyaha goobtu wuxuu cod sare ku
dhawaaqayaa inay cod-bixintu xidhan tahay.
2. Markuu
Gudoomiyaha goobtu ka ururiyo miiska dhamaan waraaqaha iyo qalabka aan tirinta
wax ahmiyad ah u lahayn wuxuu bilaabayaa hawsha soo socota:-
a) Hubinayaa tirada cod-bixiyayaasha isagoo ka eegaya
tirada waraaqaha cod-bixinta.
b) Ururinayaa oo tirinayaa waraaqaha cod-bixinta ee aan
la isticmaalin waxaanu ku ridayaa baqshadda 1aad.
c) Xaqiijinayaa oo saxeexiisa ku muujinayaa waraaqaha
doorashada ee xumaaday ama aan hagaagsanayn ee ay soo celiyeen cod-bixyayaashu,
ama la arkay inay xun yihiin, waxaanu ku ridayaa baqshada 2aad.
Qodobka 51aad
Tirinta codadka
1.
Marka
Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha ku xusan qodobka la soo dhaafay wuxuu
bilaabayaa tirinta waraaqaha cod-bixinta ee
sanduuqa ku jira. Si taa loo fuliyo Hubiyuhu wuxuu markiiba sanduuqa ka soo
saarayaa hal warqad cod-bixineed, wuxuuna u dhiibayaa Gudoomiyaha,
Gudoomiyuhuna wuxuu furayaa warqaddii codbixinta oo cod sare ku dhawaaqayaa
ururka/xisbiga codka lagu siiyey; warqadaas waxa hubiyuhu u sii gudbinayaa
Hubiyaha kale oo isna tusi doona wakiilada Xisbiyada/Ururada, markaas xoghayaha
ayaa gelinaya foomka khaanadaysan ee loogu talagalay ururka/xisbiga codkaas
helay waxaanu warqadaas ku ridayaa sanduuqa loo sameeyay
2.
Ma banana in
sanduuqa laga soo saaro warqad kale oo cod-bixineed inta tii ka horaysay laga
dhamaynayo ee sanduuqa lagu ridayo. Hawsha waxa maamulaya hawl-wadeenada goobta
oo keliya.
3.
Gudoomiyaha
goobtu markuu dhameeyo tirinta, wuxuu hubinayaa tirada waraaqaha cod-bixinta,
iyo inay is keenayaan tirada codadka ururada/axsaabtu guud ahaan heleen, wuxuu
intaas raacinayaa tirada codadka lagu muransan yahay ama aan hagaagsanayn ama
aanay waxba ka jirin ee ku xusan qodobka 57aad ee xeerkan.
4.
Guddoomiyaha goobtu, markuu caddeeyo
ee uu sidaas saxeexiisa ku muujiyo:
a)
wuxuu waraaqaha cod-bixinta ee
wax-kama-jiraanka laga dhigay iyo waraaqaha cabashada ee wakiillada xisbiyada
ku ridayaa baqshadda 3aad;
b)
wuxuu waraaqaha cod-bixinta ee lagu
muransan yahayna ku ridayaa baqshadda 4aad;
c)
ugu dambayntiina, wuxuu waraaqaha ansaxay ee la tiriyey ku
uruurinayaa baqshadda 5aad.
5.
Hadii sanduuqa cod-bixinta laga helo
waraaqo dheeraad ka ah ama ka duwan kuwii
goobta lagaga codeeyey, sida iyaga oo aan lahayn shaambaddii goobta,
lambarkii waraaqaha cod-bixinta ee goobta amaba nooc ahaan aanay ula mid ahayn
waraaqaha lagaga codeeyey goobta, hawlwadeennada goobta cod-bixineed waxay ka
dhex saarayaan waraaqaha la tirinayo, waxayna tusayaan wakiilada xisbiyadda/uruurrada[40]
ee goobta codbixinta, ka dibna waa la daadinayaa, iyadoo dhacdadaas la
diiwaangelinayo.
Qodobka 52aad
Xidhitaanka Hawsha Tirinta
1.
Markuu
Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha tirinta ee ku xusan qodobada kore wuxuu
iyadoo fagaare ah ku dhawaaqayaa wadarta tirada cod-bixiyayaasha, codadka saxda
noqday iyo tirada codadka uu helay liis kasta oo xisbi/urur iyo Murashaxa[41].
2.
Si
looga badbaado luminta codadka ay muwaadiniintu dhiibteen, waxa
wakiilka Xisbi/Urur ku
waajib ah in uu
saxeexo buqshadaha ama uu qoraal kusoo gudbiyo sababaha uu u saxeexi waayay
laguna rido sanduuqa.[42]
3.
Baqshadaha
korkooda waxa lagu qorayaa faahfaahinta waxa baqshadda gudaheeda ku jira
4.
Hawsha
tirinta waa in loo dhamaystiro si isdaba jooga ah ee la soo tilmaamay oo hakad
lahayn oo wax kale aan la dhex galin
5.
Qoraalada
raadraaca ahi (records) waa inay si cad u muujiyo hawlaha kor ku xusan
Qodobka 53aad
Codadka
xumaada ama Lagu muransanyahay
1.
Waraaqaha
cod-bixinta marka la tirinayo waxay noqonayaan waxba kama jiraan:
a) Haddii ay ka duwan yihiin waraaqaha cod-bixinta ee
Komishanku gartay in doorashada loo isticmaalo.
b) Haddii aanay lahayn shaambadda goobta cod-bixinta.
2.
Waraaqaha
cod-bixinta ee la tiriyay waxay noqonayaan waxba kama jiraan haddii:-
a) Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqdaan qoraal ama
calaamado ama raad si xirfad leh loo soo agaasimay oo aan loogu talagelin in
lagu qoro.
b) Haddii warqadda cod-bixinta aanay si fiican uga muuqan
Karin Ururka/xisbiga codka la siiyey oo la aqoonsan kari
waayo.
c) Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqato in
cod-bixiyuhu calaamadeyay hal astaan xisbi/urur wax ka badan.
3.
Codka waxba kama jiraan wuxuu noqon karaa marka go'aan wadajir ah isku
raacaan Hawl-wadeenada goobta cod-bixintu. Haddiise ay isku raaci waayaan oo ay
ku kala qaybsamaan, waxa waraaqahaas cod-bixineed loo aqoonsanayaa kuwo muran
ka taagan yahay.
4.
Xafiiska
Doorashada ee degmada ayaa go'aan ka gaadhi kara
waraaqaha cod-bixinta ee muranku ka taagan yahay.
Qodobka 54aad
Qoraalka raadraaca Goobta Cod-bixinta
1.
Natiijada raadraaca ee goobta
cod-bixinta waxa lagu qorayaa foomka uu soo diyaariyey Komishanka Doorashooyinka
Qaranku ee ka kooban xaashi asal (original) ah iyo kow iyo toban[43] xaashiyood oo nuqullo (copies) ah,
iyadoo fagaare ahna waxa Guddoomiyaha Goobtu ku dhawaaqayaa:
a) tirada guud ee ka codaysay goobtaa,
b) tirada codadka xumaaday,
c) tirada codadka lagu muransan yahay;
d) tirada codadka ansaxay, iyo
e) tirada ay kala heleen Xisbiyada/Ururrada[44]/Musharrixiinta tartamay.
2.
Xaashida asalka ah ee foomka ku xusan
faqradda 1aad ee qodobkan waxa loo gudbinayaa Guddoomiyaha Xafiiska
Doorashada ee Gobolka, laba nuqulna waxa lagu ridayaa isla sanduuqa ay ku
jiraan baqshadaha lingaxan ee ku xusan qodobka 55aad(1
iyo 2) ee Xeerka iyo wixii ka hadhay agabkii doorashada waxaana loo gudbinayaa
Xafiiska Doorashada ee Degmada, sagaalka[45] nuqul ee soo hadhayna waxa la kala
siinayaa wakiillada Xisbiyada/Ururrada[46] .
Qodobka 55aad
Qaadista iyo wareejinta Qalabka
1.
Gudoomiyaha
goobta cod-bixinta oo ugu yaraan ay la socdaan xubin hawlwadeenada ka tirsani
iyo Boolis ilaalo ahi ayaa qaadaya qoraalka raadraac iyo baqshadaha goobta kuna
wareejinaya xafiiska doorashada ee degmada, iyadoo aan lahayn wax dib u dhac
ah.
2.
Marka
xafiiska doorashada ee degmada lagu wareejinayo baqshadaha waa in la hubiyo
inay lingaxan yihiin oo aan la furin lana farafarayn.
Gudoomiyaha doorashada ee degmadu waa inuu bixiyo caddaynta la wareegidda
agabkaas.
Qodobka 56aad
Shaqada xafiiska doorashada ee Degmada
1.
Markuu
Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee degmadu helo agabka lagu tilmaamay qodobka
55aad ee xeerkan waa inuu:-
a. Waa inuu faro hubiyayasha, xoghayaha iyo tiriyayaasha
inay hawshooda u diyaar garoobaan.
b. Waa inuu u yeedho wakiilada ururad/axsaabta ee
murashaxiin ku leh degmada ee Komishanku soo ogolaaday inay goob-joog ahaadaan
inta hawshu socoto.
c. Markay Gudoomiyaha, hawlwadeenada iyo Wakiiladu
hubiyaan inay saxaraduhu lingaxan yihiin oo aan la furin, waa inuu furo
saxarada oo ka soo saaro qalabka ku jira oo hubiyaa.
d. Markay wadajir u hubiyaan in baqshadahu lingaxan
yihiin oo aan hore loo furin, waa inuu furaa baqshadda ay ku jirto shaamnbadu
oo hubiyaa in lambarka shaambadu ku yaal qoraalada.
2.
Xafiiska
doorashada ee degmadu waa inuu markaas hubiyo in qoraalada iyo baqshadaha ku
xusan qodobada 50, 51, 54aad ee xeerkan ay dhan yihiin.
Qodobka 57aad
Tirinta Codbixinta Degmeda[47]
Xafiiska
Doorashada ee Degmadu, markuu la wareego qalabka goobta doorashada, iyadoo ay
goob-joog yihiin wakiillada xisbiyada ee Xafiiska Doorashada ee Degmadu:
1.
Wuxuu hubinayaa inay baqshadaha kala
duwani si hagaagsan u lingaxan yihiin;
2.
Wuxuu hubinayaa codadka
wax-kama-jiraanka laga dhigay, wixii isbeddel ah ee halkaa ka soo baxana wuxuu
ugu kala darayaa xisbiyada/ururrada[48]/musharrixiinta
tartamay;
3.
Wuxuu go’aan ka gaadhayaa waraaqaha
cod-bixineed ee lagu muransan yahay, iyadoo waraaqaha uu garto in la tiriyo uu
xisbiyadu/ururradu/musharrixiintu siday u kala heleen ugu kala darayo;
4.
Wuxuu go’aan ka gaadhayaa sanduuqyada
goobaha cod-bixineed ee lagu muransan yahay, natiijooyinka goobahaa
cod-bixineedna wuxuu ku qorayaa foomamka raadraaca natiijooyinka cod-bixineed
ee goobahaas;
5.
Sanduuq cod-bixineed wuxuu noqon
karaa:
a) mid la tiriyo, haddii loo aqoonsado in si sharciga waafaqsan loogu
codeeyey;
b) wax-kama-jiraan, haddii ay sugnaato in si aan sharciga
waafaqsanayn loogu codeeyey;
c) waxa waajib ah in
sanduuqa lagu murmo xaaladda sugnaanshihiisa lagu go’aamiyo sugnaanshihiisa
labada xaaladood ee ku xusan xubnaha “a” iyo “b” ee faqraddan midkood.
6.
Go’aanka Xafiiska Doorashada ee
Degmadu wuxuu ku ansaxyaa aqlabiyadda fudud ee hawlwadeennada xafiiska.
7.
Haddii uu Xafiiska Doorasho ee Degmadu muranka
sanduuqa goobta cod-bixineed ama cabasho ku saabsan waraaqo lagu muransanaa
dhammayn kari waayo amaba ay cabasho ka timaaddo
dib-u-hubinta waraaqo xafiis doorasho ee goob cod-bixineed wax-kama-jiraan ka
dhigay, wuxuu u gudbinayaa sanduuqa iyo warbixintiisa oo qoraal ah ama
cabashada Xafiiska Doorashada ee Gobolka oo ku dedaali doona inuu muranka
halkaa ku dhammeeyo.
8.
wuxuu isu geynayaa natiijada
doorashada ee dhammaan goobaha cod-bixinta ee degmada, waxaanu natiijada
raadraaca doorashada ee degmada ku qorayaa foomka loogu tala-galay oo ka kooban
xaashi asal ah iyo eleven[49] xaashiyood
oo nuqullo ah, iyadoo fagaare ahna wuxuu
ku dhawaaqayaa:
a) tirada guud ee ka codaysay degmada,
b) tirada codadka xumaaday,
c) tirade codadka lagu muransan yahay
d) tirada codadka ansaxay, iyo
e) tirada ay kala heleen xisbiyada/ururrada/musharrixiinta tartamay;
9.
wuxuu u dirayaa Xafiiska Doorashada ee Gobolka xaashida asalka ah ee
raadraaca natiijada doorashada Degmada oo ay ku lifaaqan yihiin xaashiyihii
asalka ahaa ee goobaha degmada iyo nuqulladdii natiijooyinka dhammaan goobaha
degmadu, laba nuqulna wuxuu ku ridayaa sanduuqa, sagaalka[50] nuqul
ee soo hadhayna wuxuu kala siinayaa wakiillada Xisbiyada/Ururrada[51] ee
Xafiiska Doorashada Degmada.
Qodobka 58aad
Hawsha xafiiska doorashada ee Gobolka
1.
Xafiiska
doorashada ee gobolku markuu helo qoraalada raadraaca goobaha cod-bixinta iyo
natiijada guud ee codadka ka soo baxay degmooyinka gobolka iyo inta xisbi kasta
ka helay ee uu u soo gudbiyey xafiisyada doorashada ee degmooyinka gobolku
wuxuu hubinayaa xisaab ahaan natiijada codadka.
2.
Xafiiska Doorashada ee Gobolku wuxuu
ka go’aan-gaadhayaa wixii cabasho ka taagnayd ama lagu muransanaa ee loo soo
gudbiyey, iyadoo ay goob-joog yihiin wakiillada Xisbiyada/Ururrada[52] tartamayaana, wuxuu isu geynayaa natiijooyinka
doorashada ee degmooyinka gobolka, waxaanu soo saarayaa:
a) tirada guud ee codadka laga dhiibtay dhammaan degmooyinka Gobolka,
b) tirade guud ee codadka
xumaaday ee degmooyinka Gobolka.
c) tirada guud ee codadka ansaxay ee degmooyinka Gobolka,
d) tirada codadka ay kala heleen xisbiyada/ururrada tartmay;
ka dib markuu natiijada doorashada ee
gobolka geliyo foomka loogu talagalay, wuxu iyadoo fagaare ah, ku dhawaaqayaa
natiijada Doorashada ee Gobolka.
3. Xafiiska Doorashada ee Gobolku:
a) wuxuu natiijada raadraaca doorashada ee gobolka ku qorayaa foomka
ku xusan faqradda 2 ee qodobkan oo ka kooban xaashi asal ah iyo shan[53] (kow iyo toban) xaashiyood oo nuqullo ah;
b) xaashida asalka ah, oo uu ku lifaaqan yahay nuqul ka mid ah
natiijada doorashada ee degmo kasta oo gobolka ah, wuxuu u dirayaa Maxkamadda
Sare;
c) laba nuqul, oo ay ku lifaaqan yihiin xaashiyihii asalka ahaa ee
natiijooyinka doorashada ee degmooyinka gobolkuna, wuxuu u dirayaa Komishanka
Doorashooyinka Qaranka;
d)
sagaalka[54] nuqul ee soo hadhayna wuxuu kala siinayaa
wakiillada saddexda xisbi ee Xafiiska Doorashada Gobolka.
Qodobka 59aad
Tirinta codadka doorashada Degaanka & ku
dhawaaqidda natiijada
Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee
degmadu markuu helo agabka ku xusan qodobka 55aad ee doorashada degaanka,
markaas waa inuu
1.
Waa inuu
tiriyo oo isu geeyo dhamaan cod-bixinta ka soo baxday goobaha cod-bixinta
degmada
2.
Hubiyo
codadka waxba kama jiraanka ah ee ka soo xerooday goobaha cod-bixinta degmada
3.
Go'aan ka
gaadho codadka lagu muransan yahay.
4.
Tiriyo
codadka ansaxay ee urur/xisbi kasta ka helay doorashada degmada.
5.
Xisaab ahaan
isu qaybiyo tirada guud ee codadka ansaxay ee degmada iyo tirada kuraasta
degaanka degmada, soona saaro inta urur/xisbi waliba ka helayo codadka.
6.
Hubiyo
urur/xisbi kasta inta uu ka helayo kuraasida degaanka.
7.
Markaas ku
dhawaaqo magacyada murashaxiinta ee xisbi/urur kasta ku guulaystay doorashada,
iyagoo isugu xiga siday u kala horeeyeen, sida uu tilmaamayo qodobka 23aad ee
xeerkan.
8.
Natiijada
doorashada degmada si fagaare ah ugu dhawaaqo kuna dhejiyo boodhka xafiiska
doorashada ee degmada magacyada murashaxiinta guulaystay.
Qodobka 60aad
Gudbin raad raac (records)
1.
Raadraacyada
hawlgalada ku xusan qodobada 55aad, 56aad iyo 58aad ee xeerkan waxa lagu
qorayaa foomamka Komishanku u diyaariyey mid kasta, waana inay ahaadaan min
saddex nuqul.
2.
Nuqulada
raadraacyada (records) waxaa loo qaybinayaa sida uu tilmaamayo qodobada 55, 58aad
ee xeerkan.
Qodobka 61aad
Soo saaridda Go'aanada Doorashooyinka Degaanada
Xafiiska doorashada ee degmaddu waa inuu soo saaro
go'aanka doorashada degmada, iyagoo ku muujinaya qoraal kooban oo ay ku qoran
yihiin magacyada murashaxiinta ku guulaystay doorashada degaanka, waxaana lagu
dhejinayaa xafiiska maamulka Dawladda Hoose ee ay khusayso. Iyagoo nuqul ka mid ahna u
gudbinaya xafiiska dhexe.
Qodobka 62aad
Hubaal-celinta doorashada Degaanada
1.
Gudoomiyaha
Maxkamadda gobolku waa inuu hubaal-celiyo oo ansixiyo go'aanka doorashada Golayaasha
degaanada. Waa inuu go'aan ka gaadho wixii muran ama cabasho ah ee guud ahaan
uu u soo gudbiyey xafiiska doorashada ee degmadu ee soo baxay intii hawshu
socotey.
2.
Dacwadaha ku
saabsan Doorashada Deegaanka waxaa awood u leh Maxkamadda Gobolka, waana
in dacwaddaasi ay soo gaadho Kaalinta
Maxkamadda Gobolka 7 (toddoba) maalmood gudahood oo ka bilaabanta
maalinta ay Xafiisyada heer Degmo ee
Komishanka Doorashooyinka Qaranku
ay soo saaraan go'aannada doorashooyinka
deegaannada sida ku
cad Qodobka 61aad ee
Xeer Lr. 20/2001. Cabasho kasta oo ka dambaysa muddada
Qaanuuniga ahi waa waxba kamajiraan (null and void).[55]
3.
Maxkamadda Gobolku waa in ay ku
go'aan qaadataa muddo 10 (toban) cisho gudahood ah oo ka bilaabanta maalinta ay
cabashadu soo gaadhay kaalinta Maxkamadda Gobolka ee ay khusayso. Dhinac kasta
oo aan ku qanacsanayn go'aanka Maxkamadda Gobolku waa in ay racfaan qaadashadooda
diiwaangeliyaan isla marka xukunka lagu dhawaaqo. Waa in ay racfaan qaadashadooda ku
diiwaan-geliyaan muddo 2 (laba) cisho gudahood ah oo ka bilaabanta isla
maalinta ay Maxkamaddu ku dhawaaqday go'aanka.
Maxkamadda Gobolku waa in ay muddo 2 (laba) cisho ah ugu soo gudbiso
Maxkadda sare. Haddii ay isla maalintaa racfaan qaadan waayaan, xaq uguma laha
in ay
dacwadoodu u gudubto Maxkamadda
Sare;
4.
Go'aannada Maxkamadda Gobolka waxaa looga
racfaan qaadanayaa Maxkamadda Sare (oo ah Maxkamadda Dastuuriga ah[56]). Maxkamadda sare waa in ay muddo toban cisho
gudahood ah (10 cisho) kusoo saartaa xukunka iyo natiijada kama
dambeysta ah.
Qodobka 63aad
Hawsha xafiiska Dhexe ee Doorashada
1.
Gudoomiyaha
Komishanku markuu helo qalabka & qoraalada raadraaca ee ku xusan qodobka
60aad ee xeerkan, waa inuu a. Inuu faro kaaliyayaasha iyo xoghaynta inay u
diyaaargaroobaan hawsha.
a. U yeedho Wakiilada ururada/axsaabta si ay goob-joog u
ahaadaan marka hawshu socoto.
b. Inay wadajir u hubiyaan in baqshaduhu lingaxan yihiin
oo aan la furin, markaa waa inuu furaa oo ka soo saaraa agabka ku jira.
c. Inay wadajir u hubiyaan in baqshadahu lingaxan yihiin
oo aan la furin, markaa waa inuu furo baqshadda ay ku jirto shaambadda xafiiska
doorashadu, waana in qoraalka raadraaca lagu muujiyo lambarka shaambada.
d.
Waa inuu
qalabka hadhay u gudbiyo xoghayaha
2.
Xafiiska
dhexe ee doorashooyinku waa inuu markaas hubiyo inuu helay qoraalka raadraaca
ee ku xusan qodobka 60aad ee xeerkan oo laga doonayo xafiisyada doorashooyinka
ee degmooyinka/gobolada.
Qodobka 64aad
Ku dhawaaqidda natiijada Doorashooyinka Madaxtooyada
1.
Gudoomiyaha
Komishanku markuu ka helo xafiisyada doorashooyinka ee degmooyinka/gobolada waa
inuu:
a. Go'aan ka gaadho dacwooyinka la xidhiidha cod-bixinta
iyo tirinta.
b. Tiriyo oo isku geeyo (xisaab ahaan) codadka ansaxay,
kuwa xumaaday ama waxaba kama jiraanka ah ee ka yimid
xafiisyada doorashooyinka gobolada.
c.
Markuu si
walba u hubiyo ee uu ku qanco in hawshu si habsami u dhacday, wuxuu si ku meel
gaadh ah ugu dhawaaqayaa natiijooyinka doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenka
Madaxweynaha.
Qodobka 65aad
Dacwadaha doorashada
1.
Dacwadaha ku
saabsan doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxa awood u
leh Maxkamadda Sare, waana in dacwadaasi ay soo gaadho kaalinta maxkamadda 10 maalmood
gudahood oo ka bilaabmaya maalinta ay Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku
dhawaaqaan natiijada ku-mel-gaadhka ah. Maxkamadda
Sare, waa in ay ka hor intaanay muddada Dastuuriga ahi dhammaanin ay go’aan
kaga gaadho dacwaddaas. Haddii ay wakhtigaa
loo cayimay dhaafto dacwadaasi wax
tixgelin ah ma leh.
2.
Maxakamadda
Sare markay hesho qoraaladda raadraaca ee xafiisyada gobolada ee doorashada iyo
kuwa xafiiska dhexe ee Komishanka isla markaana hubiso xisaab ahaan iyo sharci
ahaan doorashada waxay ku dhawaaqaysaa natiijada doorashada Madaxweynaha iyo ku
xigeenkiisa.
Qodob 66 Adeegsiga
iyo dhaqangalka wax-ka-bedelka iyo kaabistaa Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Degaanka Xeer Lr.
20/2001 iyo Lifaaqyadiisa[57]
1.
(Xeerkii 2001kii): Xeerkani wuxuu
dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu saxeexo, laguna soo saaro faafinta rasmiga
ah ee Dawlada.[58]
2.
(Lifaaqii 1aad): 1. Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista xeerka
Doorashooyinka Lr. 20/2001, waxa loo adeegsan karaa oo keliya doorasho kasta oo
ku salaysan nidaamka doorasho ee cod-bixiyayaashu diiwaan-gashan yihiin ee laga
qabto dalka JSL. 2. Wax-Ka-Beddelka
iyo Kaabista xeerka Doorashooyinka ee Lr. 20/2001 wuxuu dhaqan-gelayaa marka ay
Golayaasha sharci dejintu ansixiyaan uuna saxeexo Madaxweynaha JSL, laguna soo
saaro faafinta rasmiga ah ee dawladda.[59]
3.
(Lifaaqii 2aad): Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista xeerka
Doorashooyinka ee Lr. 20/2001
wuxuu dhaqan-gelayaa marka ay Golayaasha sharci dejintu
ansixiyaan uuna saxeexo Madaxweynaha.[60]
4.
(Lifaaqii 3aad): Wuxuu
dhaqagelay markii Madaxeynuhu sexeexay.[61]
5.
(Lifaaqii 4aad): Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeer
Lr. 20/2001 iyo Liaaqyadiisa 1aad, 2aad, iyo 3aad waxa uu dhaqan-gelayaa marka
ay Golayaasha Sharci Dejintu ansixiyaan ee uu Madaxweynuhu saxeexo.[62]
6.
(Lifaaqii 5aad): Wax-Ka-Beddelka iyo Kaabista Xeer
Lr. 20/2001 iyo Liaaqyadiisa 3aad, iyo 4aad waxa uu dhaqan-gelayaa marka ay
Golayaasha Sharci Dejintu ansixiyaan ee uu Madaxweynuhu saxeexo.[63]
Allah Mahad Leh
Maxamed Xuseen Cisman C/qaadie
X. Isamaciil Jirde
Xoghayaha Guud ee Golaha
Wakiillada K/S Guddoomiyaha Golaha
Wakiillada
SHAXDA WAX KA BEDDELKII XEERKA: Qodobada wax
laga bedellay ama la tirtirey
Qod. |
Lifaqa
1aad (2009) |
Lifaaqa
2aad (2010) |
Lif.
3aad (2011) |
Lifaaqa
4aad (2012) |
Lifaaqa
5aad (2012) |
1 |
|
|
|
1(liis/Liisaska) |
|
5 |
5(4) |
5(5) |
|
5(4) tirtirid |
|
6 |
6(1), 6(6) |
|
|
6(1) tirtirid |
|
7 |
|
7(1) |
|
|
7(1) |
9 |
|
|
|
|
9(4) ilaa 9(6) |
12 |
|
12(2) |
|
|
|
16 |
|
16(1) |
|
16(1) |
|
17 |
|
17(1), 17(3) |
|
|
|
19 |
|
19(1) |
|
|
|
20 |
|
20(2) |
|
|
|
22 |
|
|
22(1) ilaa (3) |
22(1), 22(2) |
22(1) |
23 |
|
23(5) ilaa 23(7) |
|
23(3) tirtirid |
|
24 |
|
|
|
24(1) ilaa 24(3) |
24(1) ilaa 24(3) |
25 |
|
25(a), 25(b) |
|
|
|
26 |
|
|
|
26(1) |
|
27 |
|
|
|
27(3) |
|
28 |
28(2) |
28(3) |
|
28(4) |
|
29 |
|
|
|
29(1), (2) |
|
30 |
|
|
|
30(1) |
|
32 |
|
32(3) |
|
32(3), 32(4) |
|
33 |
|
|
33(4) |
|
|
37 |
37(1) l, m, n 37(3) f 37(5) a, b,c 37(6) tirtirid |
37(1)n- tirtrid |
|
37(1) l,m,n –titirid 37(3) f - tirtirid 37(5) a, b |
|
39 |
Cinwaanka 39(3) |
|
|
39(3) tirtirid |
|
42 |
|
42(1)a, 42(5) |
|
42(1)a |
|
45 |
45(1), (2), (3) |
45(1), 45(2) |
|
45(1) ilaa 45(3) - tirtirid |
|
46 |
|
|
|
46(2) |
|
47 |
47(1) ilaa 47(13) |
47(7) tirtiid Weedhan mar labaad
ayaa lagu tirtirey Lifaaqii 4aad. |
|
47(1) b & c –
tirtirid. 47(6) 47(8)a ilaa e - tirtirid 47(9) & 47(12)
tirtirid |
|
51 |
51(1), 51(4), 51(5) |
|
|
51(5) |
|
52 |
|
|
|
52(1), 52(2) |
|
54 |
54(1), 54(2) |
|
|
54(1), 54(2) |
|
55 |
55(3) tirtirid |
|
|
|
|
56 |
56(3) tirtirid |
|
|
|
|
57 |
57(1) ilaa 57(9) |
|
|
57(2) & 57(3) 57(8), 57(8)e, 57(9) |
|
58 |
58(1) ilaa 58(3) |
|
|
58(2)d 58(3) a to d |
|
62 |
|
|
|
62(2) to 62(4) |
|
65 |
|
65(1) |
|
|
|
66 |
60(1) – 60(2) |
66(3) |
|
66 |
66 |
[1] Lifaaqa 4aad (2012) oo Madaxweynuhu saxeexay 25 July 2012.
[2] Lambarada faqradaha Qodobkan waxay lamabaro 1, 2, 3 ..
markii Xeerku soo baxay 2001kii, in kastoo nuqul
“darfat” ah oo Holaha Wakiiladu mareegtooda ku soo saareen ay faqradahani u
dhiganyihiin sidii xarafyo a, b, c … Waxaan nuqlkan dib ugu noqdey lamabraddii.
Sidaas oo kale waxaa ah Qodobada 15, iyo 16 ee Xeerkan.
[3] Lifaaqa
4aad (2012).
[4] In
kastoo faqradani oo ku jirtay wax ka
beddelkii 2010kii ay la xidhiidhay nidaamaka diiwaanka codbiiyaasha, wax
saameyn ah kuma laha Doorashada Golayaasha Deegaanka ee 2012 oo waxay ku
saabsantahy doorashada Madaxweynha.
[5] Lifaaqa
4aad (2012).
[6] Waxa kor u
qaadey Lifaaqii 5aad (2012). Muddadani waxay aheyd 2001kii 180 cisho oo
hoos loogu dhiey 40 cisho; waxaa kor u qaadey Lifaaqii 2aad oo ka dhigey 60
cisho; hadanna waa 90 cisho.
[7] Faqradahan 4aad
ilaa 6aad waxaa ku kordhiyey Xeerka Lifaaqii 5aad (2012).
[8] Lifaaqii 4aad (2012) ayaa weedhii ugu
dambeysey tirtirtey.
[9] Lifaaqii 5aad(2012). Wax ka
Beddelkii hore ee Lifaaqii 4aad (2012)
(oo dib u noqday Lifaaqii 3aad ee
astaanta gaarka ah) ayaa wuxu u dhignaa sidan:
“Xisbi/Urur
kasta oo doonaya in uu ka qayb-galo doorashada Golayaasha Deegaan, waa in uu
komishiinka Qaranka u gudbiyo liiska musharaxiinta uu u xulay inay uga
tartamaan doorashada oo degmaysan, kaas oo ku salaysan tirada kuraasida degmo
kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah, waana in komishinku siiyaa musharax
kasta Astaan u gaar ah”.
Kommishanku waxay soo jeedisey in
murashuxiinta lambar la siiyo haddi kale xaashida codbixinta ayaa aad u
dheeraaneysaa oo khakhal gelineysaa codbixinta. Golaha Guurtidu waxay markii hore ku adkeeysteen
in astaan u gaar
murashax kasta la siiyo oo Glaha Wakiiladu ku ayideen Lifaaqqii 5aad. Labada
Gole oo fadhiyo aan aan caadi aheyn,
oo M/weynuhu codasay, ayey dib u eegeen Qodobkani
oo wax ka bedellkissa ay ku ansixiyeen (lifaaqa
5aad) 7dii iyo 11kii bisha ogosto
2012.
[10] Lifaaqii 3aad (2011).
[11] Lifaaqii
3aad (2011).
[12] Lifaaqa 4aad
(2012)
[13] Lifaaqa 4aad
(2012) iyo
Lifaaqii 5aad (2012) ayaa tirtirey saddexdan faqradood ee Qododkan oo ku
bedelaay faqradan kaliga ah . Doorashada Madaxweynaha, marka la gaadho, waa in
dib loo eega Qodobkan oo aan markii hore gaar u aheyn
[14] Lifaaqa 4aad
(2012) ayaa intan ku bedellay tii hore oo aheyd “kuwa murashaxiinta degaanadana la geeyo
xafiisyada doorashada ee degmooyinka ka hor 6da galabnimo maalinta 45aad
intaanay cod-bixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin lifaaqyadiisa ku tilmaaman
xeerka”.
[15] Lifaaqa 4aad
(2012) ayaa ka saarey weedh ku saabsaneyd in suuqa lala maor cod baahiyo.
[16] Lifaaqa 4aad (2012).
[17] Lifaaqa 4aad (2012).
Ka hor waxa ay faqradani aheyd sidan: “Dadka qabanqabinaya shirarka iyo banana-baxyada la
xidhiidha ololaha doorashada waa inay qoraal ku ogeysiiyaan Gudoomiyaha Degmada
iyo Saldhigga booliska ay khusayso 48 saacadood ka hor wakhtiga la samaynayo. Gudoomiyaha degmadu wuu diidi karaa in la sameeyo shirarkaas ama
banaan-baxaas, haddii uu ku qanco in waxyeelo loo gaysanayo caafimaadka,
anshaxa, ama nabadgelyada guud iwm, waxaana ku waajib ah inuu amro in
shirarkaas ama banana-baxaas lagu qaban karo meel uu tilmaamay ama wakhti uu
cayimay.”
[18] Lifaaqa
4aad (2012). Ka hor waxa aheyd “labo” shir.
[19] Lifaaqa
4aad (2012). Ka hor waxay faqradani aheys sidan: “Muuqaalka boodhadhka iyo waraaqaha dacaayadaha ololaha
doorashada waa in la geeyo xafiiska Gudoomiyaha degmada 48 saac ka hor intaan
shaaca laga qaadin. Mana jirto wax cashuur ah oo laga bixinayo arrintaas.”
[20] Lifaaqa 2aad
(2010) ayaa keeney kordhiskan; Lifaaqa 4aadna (2012) waa uu ku
celiyey.
[21] Lifaaqa 4aad (2012)
– ma muuqatu in weedhan laga saarey faqradan iyo in kale.
[22] Lifaaqa 4aad
(2012).
[23] Lifaaqa 3aad ee wax ka bedelka Xeerkan oo hirgalay 13kii Diisambar 2011
ayaa da’da u bedellay 25 sanno oo markii hore aheyd 35.
[24] Qodobkan waxa sii adkeeyey oo wax
ku darey Qodobka 24(1) ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axaabta Siyaasada, Xeer
Lr. 14/2012: “Xisbi kasta/Urur oo ku guulaysan waaya doorashada Golayaasha deegaanka
waxay ku biirayaan iyaga iyo Xubnahooda golayaasha deegaanka ee ay ka helaan
degmooyinka dalka saddexda xisbi qaran ee soo baxay kay doonaan, waxayna qoraal
ahaan ugu gubinayaan Gudidda Diiwaangalinta mudo aan ka badnayn hal bil (30
maalmood).”
[25] Lifaaqa
4aad (2012) iyo Qod. 4aad ee Lifaaqii 3aad (2011) ee
Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyaasha. Waxaa la tirtirey xarafyada kale ee aha l, m, n, oo markii hore ku
dartey Lifaaqii 1aad (2009), kuna saabsanaa liisaska iyo aalada la xidhiidha
diiwaangelintii cod-bixiyaasha.
[26] Lifaaqa 4aad
(2012).
[27] Lifaaqa 4aad
(2012) ayaa wax ka bedellay faqradahan (b) iyo (c).
[28] Lifaaqa 4aad
(2012).
[29] Lifaaqa 4aad
(2012) ayaa tirtirey weeedhii ugu dambeysey.
[30] Lifaaqii
4aad (2012) ayaa faqradan tirtirey.
[31] Lifaaqa 4aad
(2012) ayaa weedhan ku kordhiyey faqradan waayo, sida Lifaaqa ku qoran “heerka
qoris-akhris la’aanta ee dalkeenna
aad sarreeya”.
[32] Lifaaqa 4aad
(2012).
[33] Lifaaqa 4aad
(2012).
[34] Kalmado
ayaa laga tirtirey - Lifaaqa
4aad (2012).
[35] In kastoo Lifaaqa
4aad (2012) faqraddan 7aad mar kale tirtirey, horey ayaa faqradan oo uu Xeerka
ku kordhiyey Lifaaqa 1aad (2009) lagu tirtirey Lifaaqii 2aad
(2010), waxeyna markii hore u qorneyd sidan: “7. Intaas ka dib ayuu hubiyaha labaad siinayaa cod-bixiyaha
kaadhkiisii oo uu dalooliyey, isagoo adeegsadey aaladda loogu tala-galay
daloolinta kaadhadhka, cod-bixiyuhuna uu si degdeg ah uga baxayaa goobta
cod-bixinta isagoo anshaxa dhawraya.”
[36] Lifaaqa 4aad (2012).
[37] Lifaaqa 4aad
(2012) oo faradaan yidhi waa tii 9aad, laakin waxay aheyd tii 8aad (eeg fiiraha hoose ee kan ka horeeya). Sidoo kale Faqradahan kale ee ku xiga ee Lifaaqa 4aad (2012)
tirtirey oo ah kuwaa 9 ilaa 11aad oo Lifaaqo yidhi waa 8 ilaa 12aad.
[38] Lifaaqa 4aad
(2012).
[39] Kalmado
ayaa laga saarey - Lifaaqa
4aad (2012).
[40] Lifaaqa 4aad
(2011).
[41] Lifaaqa 4aad
(2011).
[42] Lifaaqa 4aad
(2011) ayaa faqradan ku bedellay tii hore oo aheyd: “2. Intaa dabadeed, Baqshadaha waa la lingaxayaa, korkana
waxa lagaga dhufanayaa shaambaddii goobta, waxaana korka wadajir uga saxeexaya
Gudoomiyaha goobta, ugu yaraan hal hubiye iyo wakiilada xisbi/urur kasta oo
murashaxiin ku leh goobta-codbixinta.”
[43] Lifaaqa 4aad
(2002).
[44] Lifaaqa 4aad
(2002).
[45] Lifaaqa 4aad
(2012).
[46] Lifaaqa 4aad
(2012).
[47] Cinwaanka Qodobkan (oo ku saabsan tirinta codbixinta
Degmada) markii hore ee 2001dii waxa u aha “Tirinta Cod-bixinta Doorashada
Madaxtooyada”. Waxa se
la bedellay cinwaanka Lifaaqii 1aad (2009) – oo maaheyn, sida ku qoran Lifaaqa
4aad (2012), Lifaaqii 2aad (2010).
[48] Lifaaqa 4aad
(2012) ayaa ku kordhiyey “ururrada” weedhan iyo tan 3aad iyo tan 8(kh).
[49] Lifaaqa 4aad
(2012).
[50] Lifaaqa 4aad
(2012).
[51] Lifaaqa 4aad
(2012).
[52] Lifaaqa 4aad
(2012).
[53] Waxaa
muuqata in cadadkan 5 ay aheyd in lagu bedello 11, waayo xarafka
(x) ee faqradan waxaa loo bedellay
cadadka nuqulada xaashiyada asalka ee soo hadhaya 9 oo la siinayo wakiilada.
Sidaas oo kale Qodobka 54(1)aad ee Xeerkan ee ku
saabsan goobta codbixinta oo xaashiyadaha asalka ah ee raadraaca ka dhigaya
tiradooda 11.
[54] Lifaaqa 4aad
(2012).
[55] Lifaaqa 4aad
(2012) ayaa bedellay faqaradii 2aad, kuna kordhiyey labo faqradood oo kale ee
(3) iyo (4).
[56] Eeg Qodobka 65aae ee Xeerkan oo ku saabsan
cabashooyinka ama dacwadaha kus saaban doorashada Madaxweynaha iyo Xeerka Nidaamka
Garsoorka (Xeer Lr. 24/2003) (ee 49 Qodob ah) wuxuu dhigaya in Maxkamada Sare
awood u leedahey “dhageysigga cabashooyinka laga keeno maxkamadah goboladda ee ku
saabsan kuraasidda Golayaasha Deegaanada” (Qod. 9(4)(d)). Cabashooyinku waxay ku sal leeyihiin Xeerkan oo maaha ma haboona in Maxkamada Distooriga la dhex
geliyo arrimo aan distoorka fasirraadiisa ku saabsaneyn. Haddi
Goluhu dib u egayaan Lifaaqa 4aad, tanna waa fiicantahay in eegaan oo ka
saaraan.
[57] Lifaaqa 4aad
(2012)
[58] Xeerka iyo
lifaaqyadiisu waxay dhamaan ku dhaqan-gelay markii u madaxweynuhu saxeexey . Markii ugu horeysey Xeerkani wuxu dhaqan-gelay 6/12/2001. Golaha Wakiladu waxay ansixiyeen 14 November 2001 (GW/KF 15/200/2001).
[59] Lifaaqa 1aad waxa
uu dhaqan-gelay 29/07/2010.
[60] Lifaaqa 2aad waxa
uu dhaqan-gelay 17/05/2010.
[61] Lifaaqa 3aad waxa
uu dhaqan-gelay 13/12/2011.
[62] Lifaaqa 4aad waxa
uu dhaqan-gelay 25/07/2012.
[63] Lifaaqa 5aad waxa
uu dhaqan-gelay 07/08/2012.