SOMALILAND FORUM                                  www.somalilandforum.com

 

XEERKA DOORASHOOYINKA MADAXTOOYADA IYO G/DEGAANADA

 

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

GOLAHA WAKIILADA JSL

XEERKA DOORASHOOYINKA MADAXTOOYADA IYO G/DEGAANADA (Xeer Lr. 20/2001)


GOLAHA WAKIILADA JSL

Markuu Arkay: Qodobada 9aad, 22aad , 25aad, 83aad iyo 111aad ee Dastuurka Qaranka JSL.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo ka digo-rogashada hab-beeleedka iyo xaqiijinta himilada ummaddu ka dhursugaysay mudada dheer ee u tartanka xorta ah ee xilalka Qaranka.

WUXUU ANSIXIYEY XEERKAN:

Qodobka 1aad
Macnaha erey-bixinta

Doorasho: Waxa loola jeedaa kala saaridda murashaxiinta u tartamaya xilalka, iyadoo lagu go'aan qaadanayo aqlabiyadda codadka dadka ay khusayso.

Komishanka: waxaa loola jeedaa Guddiga sare ee loo xilsaaray maamulidda iyo ka garsooridda
doorashooyinka.

Goob-codbixin: waxa loola jeedaa goobaha tirooyin dadweynaha ka mid ah oo isku degaan dhaw ka dhiibanayaan codkooda.

Goob-Doorasho: waxa loola jeedaa barta kulmisa goobo-codbixineed oo loogu talagalay in lagu kala saaro laba murashax iyo wixii ka badan.

Wakiil: waxa loola jeedaa xubinta urur/xisbi u soo wakiishay la socodka hawlaha doorashada ee
goob-cod-bixineed ama xafiisyada doorashada.

Murashax: waxa loola jeedaa xubinta uu ururkiisu/xisbigiisu u soo magacaabay inuu u tartamo
xil lagu heli karo doorasho.

Cod-bixiye: waxa loola jeedaa qofka buuxiyey shuruudaha cod-bixinta ee go'aankiisa ku dhiibanaya cod.

Golaha Degaanka: waxa loola jeedaa Golaha cod-bixiyayaasha degmadu u doortaan maamulka iyo sharci-dejinta D/Hoose ee degmada.

Gobol-doorasho: waxa loola jeedaa soohdimaha kulmiya degmooyin doorasho.

Degmo-doorasho: waxa loola jeedaa soohdimaha kulmiya ugu yaraan hal goob-doorasho.

Kursi: waxa loola jeedaa jago-xil oo lagu hananayo doorasho hal qof.

Astaan/Astaamaha: waxa loola jeedaa summadda ama calaamadda u gaarka ah hal xisbi/urur ee lagu aqoonsanayo.

Liis/Liisaska: waxa loola magacyada murashaxiinta uu soo gudbiyey xisbi/urur loona kala hormariyey siday u kala helayaan doorashada.

Ololaha Doorashada: waxa loola jeedaa hawlgalka ay ururada/axsaabtu iyo murashaxiintoodu ugu tartamayaan iska dhaadhicinta iyo soo kala jiidashada cod-bixiyayaasha.

Xafiiska dhexe: waxa loola jeedaa xarunta ugu saraysa ee laga maamulayo hawsha doorashada ee ay ku shaqeeyaan Komishanka.

Xafiiska Degmada: waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo goobaha cod-bixinta ee degmo.

Xafiiska Gobolka: waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha doorashada ee Gobolka.

Xafiiska Goobta: waxa loola jeedaa xafiiska laga maamulayo hawlaha doorashada ee goob-cod-bixineed.

Goob-joogayaal: Waxa loola jeedaa kormeerayaasha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ee hubinaya habsami u socodka hawlaha doorashooyinka ee Komishanku aqoonsadey.

Qodobka 2aad
Mabaadiida guud

Xeerkan waxaa lagu maamulayaa doorashooyinka Golayaasha Degaanada iyo tan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha JSL.

Qodobka 3aad
Mudada xilka

Mudada xilka ee Murashaxiinta la doorto waxay ahaanaysaa:
a) Madaxweynaha & Ku xigeenkiisa 5 sano
b) Golayaasha Degaanada 5 sano

Qodobka 4aad
Tirada Golayaasha Degaanada

Tirada Golayaasha Degaanada ee la soo dooranayaa waxay ahaanaysaa:-
a) Golaha Degaanka Caasimada 25 Mudane
b) G/Degaanka degmooyinka darajada A 21 Mudane
c) " " " B 17 Mudane
d) " " " C 13 Mudane
e) " " " D 09 Mudane

Qodobka 5aad
Shuruudaha cod-bixiyaha

1. Waa inuu yahay Muwaadin Somaliland u dhashay.
2. Waa in aan da'diisu ka yaraan 16 sano, sanadka
doorashada la qabanayo.
3. Waa inuu xor yahay oo aanu xabsi ku jirin.

Qodobka 6aad
Xuquuqda Cod-bixiyaha

Cod-bixiye kasta oo buuxiyey shuruudaha xeerku tilmaamay wuxuu xaq u leeyahay:-
1. Wuxuu codkiisa ka dhiiban karaa degmada uu ku sugan yahay ee doorashadu ka socoto.
2. Cod-bixiyaha ka maqan dalka JSL wuxuu ka coddaynayaa xafiisyada diblomaasiyadeed ee JSL ku leedahay dibedda ee ugu dhow, haddii aanay jirin ama aanay suuragal ahayn waxa tallo ka gaadhaya Komishanka.
3. Codku waa inuu ahaado mid shakhsi ah, xor ah, toos ah, qarsoodi ah oo si siman loo tixgeliyo.
4. Cod-bixiye kastaa wuxuu yeelanayaa hal cod oo keliya doorashadiiba.
5. Xubnaha Komishanka doorashooyinku ma laha xaqa cod-bixinta inta ay xilka hayaan.

Qodobka 7aad
Shaqaalaha Dawladda & Hay'adaha Dawliga ah

1. Shaqaalaha Dawladda, kuwa Hay'adaha madaxa banaan ee Dawladda iyo ciidamada Qaranka darajo kasta ha lahaadeene looma ogola inay isu sharaxaan doorashooyinka Degaanada iyo Madaxwaynaha ama Ku-xigeenka Madaxweynaha, haddii aanay shaqo-ka-tegis soo qoran 180 cisho ka hor taariikhda qabashada doorashada. Xilligani doorasho ee hadda (doorashadan
hore) mudada shaqo ka tegistu waxay ahaanaysaa 40 cisho ka hor taariikhda qabashada doorashada.
2. Shaqo-ka-tegidda waxa shardi u ah inay sidaa qoraal ku soo caddeyso xafiiska ama Hay'adda awooda u leh caddayntaas.

Qodobka 8aad
Wakhtiga qabashada doorashooyinka

Komishanka ayaa cayimaya taariikhaha la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka, waxanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne.

Qodobka 9aad
Goobaha Cod-bixinta

1. Marka la qabanayo doorashada Madaxweynaha & ku xigeenka waxa dalka loo qaybinayaa gobolo-doorasho (electoral regions) oo loo sii qaybinayo goobo-codbixin (polling stations) iyadoo la waafajinayo soohdimaha Gobolada dalka JSL.
2. Doorashada Golayaasha Degaanada marka la qabanayo soohdimaha maamulka degmada ayaa loo aqoonsanayaa Degmo-doorasho (electoral district), waxaana loo sii qaybinayaa goobo-codbixin, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada Degaanku.
3. Komishanku waa inuu sameeyo goobaha codbixinta ee degmooyinka/gobolada ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta la qabanayo, waxanu Komishanku arrintaas kala tashanayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Gudoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka.

KOMISHANKA DOORASHOOYINKA JSL

Qodobka 10aad
Qaab-dhismeedka Komishanka Doorashooyinka

Qaab-dhismeedka xafiisyada Komishanka Doorashooyinku wuxuu ahaanayaa sidan:-
a) Xafiiska goobta cod-bixinta doorashada
b) Xafiiska Degmada ee doorashada
c) Xafiiska Gobolka ee doorashada
d) Xafiiska dhexe ee doorashooyinka

Qodobka 11aad
Komishanka doorashooyinka

1. Komishanku wuxuu ka koobnanayaa 7 xubnood, oo kala ah:
a) Gudoomiye iyo 6 xubnood
b) Gudoomiyaha & Gudoomiye-xigeenka Komishanka ayaa iska dhexdooranaya.
c) Mudada xilka ee Komishanku waa 5 sano, oo ka bilaabmaysa marka Golaha Wakiiladu ansixiyo, waana loo cusboonaysiin karaa xilka.
d) Shaqaale dawladeed, xubin Barlaman, Xubnaha Golaha Wasiirada, ciidan Qaran iyo xubin xil u haysa urur/xisbi kama mid noqon karo Komishanka.
2. Komishanka doorashooyinka waxa magcaabaya Madaxweynaha JSL ka dib marka uu helo soo jeedimaha :-
a) 2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo.
b) 2 xubnood oo ay soo xulayaan ururada/xisbiyada mucaaridka ah ee diiwaan-gashan.
c) 3 xubnood ee kale Madaxweynaha ayaa soo xulaya.
3. Komishanka waxa cod kala badh iyo hal ah (absolute majority) ku ansixinaya Golaha Wakiilada, markuu guddi- hoosaadka Arrimaha Guduhu soo hubiyo in ay buuxinayaan shuruudaha Xeerku tilmaamayo.
4. Xafiiska dhexe ee Komishanka doorashooyinku wuxuu xaruntiisa ku yeelanayaa caasimadda Hargeysa.
5. Komishanka xil-gudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo Xeerkan, shirarkoodu wuxuu ku qabsoomayaa Kooram, go'aanadoodu waxay ku ansaxayaan aqlabiyad.
6. Komishanku wuxuu xilkiisa u gudanayaa si madax banaan, lagumana samayn karo wax fara gelin ah haba yaraatee.

Qodobka 12aad
Shuruudaha xubinta Komishanka

1. Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay.
2. Waa inaan da'diisu ka yarayn 40 jir kana waynayn 60 jir.
3. Waa inuu Muslin yahay, kuna dhaqma diinta Islaamka.
4. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare ugu yaraan ama wixii u dhigma.
5. Waa inaanu ka mid ahayn urur/xisbi siyaasadeed, kana madax banaan yahay.
6. Waa in lagu yaqaan dhawrsanaan, sharaf iyo cadaalad bulshada dhexdeeda.
7. Waa inaan dembi ciqaab oo maxkamad horteed kaga cadaadey ku dhicin welligiiba.
8. Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilka.

Qodobka 13aad
Xil ka qaadista Komishanka

1. Xubnaha Komishanka waxa xilka lagaga qaadi karaa:-
a) Markuu jabiyo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay.
b) Marka uu xilka gudan kari waayo karti darro ama caafimaad darro awgeed
c) Marka uu ku kaco anshax-xumo, xatooyo, musuq-maasuq iwm
2. Marka arrimaha kor ku xusan la dareemo, waxa Madaxweynuhu u magacaabayaa guddi-baadhiseed ka soo warbixisa si uu go'aan ugu qaato.
3. Xil ka qaadista Komishanka waxa awood u leh Madaxweynaha, waxase shardi ah in Golaha Wakiiladu ku ansixiyo xil ka qaadistaas cod hal-dheeri ah ( simple majority).
4. Marka ay banaanaato xubin Komishanka ka mid ahi, xil ka qaadis, geeri, ama is casilaad awgeed, waxa buuxinta jagadaas loo raacayaa habka xubintii banaysay ku timi.

Qodobka 14aad
Awoodaha Komishanka

Komishanku wuxuu awood u leeyahay:-
1. Inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro.
2. Inay cayimaan tirada iyo goobaha cod-bixinta degmooyinka & gobolada.
3. Inay magacaabaan, eryaan, anshax mariyaan shaqaalaha xafiiska dhexe, xafiisyada degmooyinka & Gobolada doorashooyinka.
4. Inay qorsheeyaan Miisaaniyadaha lagu maamulayo hawlaha doorashooyinka.
5. Inay ku dhawaaqaan natiijooyinka doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka si ku meel gaadh ah, inta aan Maxkamadda Sare ku dhawaaqin.
6. Inay kormeeraan si kedis ah iyo si qorshaysanba goobaha doorashada iyo meel kasta oo hawshooda khusaysa.
7. Inay go'aan ka gaadhaan muranada doorashada ee ka soo gaadha xafiisyada hoos yimaada.
8. Inay sameeyaan daraasad ku saabsan sidii dalka loogu samayn lahaa goobo-doorasho oo murashaxiin ku tartami karto.
9. Inuu diiwaan-geliyo cod-bixiyayaasha ka hor taariikhda doorashada.

Qodobka 15aad
Miisaaniyadda Komishanka Doorashada

1. Komishanku wuxuu yeelanayaa Miisaaniyad gaar ah, oo ay soo qorshaysteen, una gudbinayaan Madaxweynaha, taas oo marka laysla ogolaado loo gudbinayo Golaha
Wakiilada oo ansixinaya.
2. Miisaaniyadda doorashada waxay komishanku u isticmaalayaan si madax banaan, iyadoo ay waajib tahayinay xisaab-celin saddex biloodle ah u gudbiyaan Xisaabiayaha Guud.

Qodobka 16aad
Xafiiska goobta cod-bixinta

1. Xafiiska goobta cod-bixinta ee doorashu wuxuu ka koobmi doonaa Gudoomiye iyo laba hubiye. Hubiyaha ugu da'da weyn ayaa noqonaya gudoomiye xigeen. Waxa kale oo uu yeelanayaa xoghayn.
2. Gudoomiyaha, Xoghayaha iyo labada hubiye waxaa magacaabaya Komishanka, waxaanu samayn karaa isku bedelid haddii loo baahdo.
3. Haddii loo baahdo oo arrin deg deg ahi timaado, Hubiye ama xoghaynta waxa bedeli kara gudoomiyaha goobta cod-bixinta, iyadoo cod-bixintu socoto, waxanu bedelkaas ka samayn karaa dadka goobta ku sugan ee leh xaqa cod-bixinta sida sharcigu xusayo.
4. Xafiiska goobta cod-bixintu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha doorashada ee goobta.

Qodobka 17aad
Xafiiska Degmada ee doorashada

1. Xarunta degmo kasta waxa jiraya xafiis doorasho degmo. Waxaanu ka koobmayaa gudoomiye, laba hubiye, hubiyaha ugu da'da weyn ayaana noqonaya ku xigeen.
2. Xafiiska doorashada ee degmadu waxa kale oo uu yeelanayaa xoghayn iyo laba tiriye.
3. Gudoomiyaha, hubiyayaasha, xoghaynta iyo tiriyayaasha waxa magacaabaya Komishanka, isagoo awood u leh kala bedelidooda.
4. Xafiiska degmada ee doorashu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha doorashada ee degmada.

Qodobka 18aad
Xafiiska Gobolka ee doorashada

1. Magaalo-madaxda gobol kasta waxaa jiraya xafiis doorasho gobol oo ka kooban Gudoomiye, ku xigeen iyo xoghayn oo uu soo magacaabay Komishanku.
2. Xafiiska gobolka ee doorashadu wuxuu u xilsaaran yahay fulinta hawsha doorashada ee gobolka.

Qodobka 19aad
Hawl-wadeenada Xafiisyada Doorashada

1. Xubnaha Komishanku u magacaabo xafiisyada doorashada waa in loo sheego in xilka loo magacaabay ugu yaraan 15 cisho ka hor taariikhda la qabanayo cod-bixinta.
2. Qofkii loo magacaabo xilalka xafiisyada doorashooyinka marmarsiiyo shaqada loogama dayn karo, haddii aanu jirin cudurdaar dhab ah oo Komishanku ku qanci karo.
3. Xubnaha loo magacaabay xafiisyada doorashada ee goobaha, degmada iyo gobolka waxa dhaarinaya gudoomiyaha Maxkamadda degmada (dhaar fagaare), dhaartaas oo noqonaysa sidan:
WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILAAHIYA INAAN HAWSHA DOORASHADA U GUDAN DOONO SI XILKASNIMO, DAACADNIMO LEH. INAAN DHEX U AHAADO XISBIYADA/URURADA IYO MURASHAXIINTA, SHARCIGA IYO CADAALADNA AAN KU SHAQAYNAYO.
4. Komishanku waxay mid mid dhaarta kor ku xusan kaga hor dhaaranayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.
5. Xubnaha ciidamada qalabka sida ama kuwa leh qaab-ciidameed, Gudoomiyayaasha gobolada, degmooyinka, golayaasha degaanada, murashaxiinta u taagan doorasho looma magacaabi karo xafiisyada doorashooyinka.
6. Hawl-wadeenada goobaha cod-bixinta, kuwa xafiisyada doorashada degmooyinka/gobolada waxay mudada shaqadoodu ku dhamaanaysaa marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada, hasa yeeshee Komishanku wuu kordhin karaa mudada shaqada intii uu u baahdo.
7. Gudoomiyayaasha xafiisyada doorashada degmooyinka iyo gobolada ma noqon karaan shaqaale dawladeed, ciidan qaran, xubin xisbi/urur. Shuruudaha lagu soo xulanayaa waxay la mid yihiin kuwa Komishanka lagu soo doortey.

Qodobka 20aad
Gunnada Hawl-wadeenada

1. Gunnooyinka ay qaadanayaa hawlwadeenada xafiisyada doorashooyinka waxa qorshaynaya Komishanka, iyagoo ku salaynaya xilalka hawlwadeenadu ku kala magacaaban yihiin.
2. Gunnada kala-badh ayaa la siinayaa haddii hawlwadeenku yahay shaqaale dawladeed ama Hay'ad dawladeed (public bodies).
3. Hawlwadeenka loo diro hawl meel ka baxsan halka uu ku noolaa wuxuu yeelanayaa gunno-saad (subsistence allowance) mudada uu maqan yahay, waxana qorshaynaya Komishanka.


Qodobka 21aad
Dhawrsanaanta Komishanka, Murashaxiinta, Hawl-wadeenada

1. Dhamaan hawl-wadeenada ka hawlgelaya xafiisyada doorashooyinka, wakiilada Ururada/xisbiyada ee xeerkani tilmaamay waxay sharci ahaan (legal status) la mid yihiin saraakiil guud (puplic officer).
2. Murashaxiinta, hawl-wadeenada xafiisyada doorashooyinka iyo wakiilada xisbiyada lama xidhi karo xilliga doorashada, haddii aan la qaban iyagoo dembi ciqaabtiisu gaadhayso 3 sano faraha kula jira.
3. Haddii uu dembi galo waxaa lagu soo oogi karaa marka ay doorashadu dhamaato ee laga wareejiyo hawsha uu u xil saarnaa.
4. Komishanku wuxuu leeyahay dhawrsanaan la mid ah ta Golaha Wasiirada mudada uu xilka hayo. Dhawrsanaan ka qaadistoodana waxa loo marayaa sida uu tilmaamayo qodobada 94(8) iyo 96(4) ee Dastuurka.

QAABKA DOORASHADA

Qodobka 22aad
Habka Doorasho

1. Habka doorashooyinka degaanada wuxuu noqonayaa Habka isu qiyaasidda saamiyada kuraasta iyo tirada codadka uu xisbi/urur ka helo gobol ama degmo (proportional representative system). Hasa yeeshee doorashada Madaxweynaha iyo Ku xigeenka Madaxweynaha waxay noqonaysaa habka aqlabiyadda hal-dheeriga ah (majority system), sida dastuurku tilmaamay.
2. Doorashada Golayaasha degaanada xisbi/urur kastaaba wuxuu soo bandhigayaa liiska dadka uu u doonayo in degmada looga doorto. Tirada dadka liiska lagu qorayaa waa in aanay ka yaraan laban-laab xubnaha laga doonayo in degmo kasta laga soo doorto.
3. Tirada kuraasida uu helayo liis kasta oo ah dadka loo soo bandhigay inay ka qaybgalaan doorashada Golayaasha degaanka waxa loo xisaabayaa qaabka qiyaasta saamiga kuraasta iyo codadka (proportional representative list system).
4. Degaamada aanu tartan ka jirin ee la soo bandhigo liis keliya, cod-bixin laga samayn mayo, waxana la qaadanayaa dadka loo soo magacaabay Degaanadaas, iyadoo ku jaan go'an tiradii degmada laga doonayay, waxana loo raacayaa sida loo soo kala horaysiiyey.

Qodobka 23aad
Qaabka soo bandhigida Murashaxiinta

1. Liiska murashaxiinta golaha degaanka waxaa soo bandhigaya Guddiga degmada ee Ururka/xisbiga, waana in si cad loo soo muujiyaa magaca murashaxa oo saddexan,
meesha uu ku dhashay iyo sanadkii uu dhashay; haddii ay jiraan dad isku magacyo ah waa in la sheego naanysta (haddii ay jitro) iyo magaca oo afaran, waxa kale oo la soo muujinayaa degmada laga sharaxay.
2. Liisaska murashaxiinta ururka/xisbiga waxa kale oo la soo raacinayaa:-
a) Caddeynta shaqo ka tegidda ee ku xusan qodobka 7aad ee xeerkan
b) 4 koobi oo ay si wanaagsan uga muuqato astaantii ururku/xisbigu.
c) Caddeyn uu bixiyey murashax kastaa oo uu ku muujiyey inuu ogol yahay murashaxnimada iyo inuu buuxiyey shuruudaha ku xidhan
d) Rasiidhada bixinta deebaajiga murashaxnimo ee Wasaaradda Maaliyadda eeku xusan qodobka 25aad ee xeerkan.
3. Sida ay murashaxiintu liiska ugu kala horeeyaan ee la isugu xigsiiyey ayaa loo aqoonsanayaa in loo soo kala doortey ururka/xisbiga gudihiisa.
4. Muran kasta oo ka dhasha xeraynta ama bandhigga liis murashaxiin oo ka dhex dilaaca xisbi/urur gudahiisa waxa go'aan ka gaadhaya golaha dhexe ee xisbiga/ururka arrintu khusayso.

Qodobka 24aad
Astaamaha Liistooyinka Murashaxiinta

1. Astaamaha liisaska murashaxiinta ee ururada/xisbiyada ka muuqdaa waa inay kala duwanaadaan marka la soo bandhigayo.
2. Xisbi/ururna waa in aanu isticmaalin astaan uu xisbi/urur kale hore ugu isticmaalay doorasho hore.
3. Astaantu waa in ay ahaato mid gaar ah oo muujinaysa sumadda aqoonsiga, hase yeeshee waa in aanay ka muuqan calaamado dawladeed, qabyaaladeed ama dariiqo.
4. Xisbi/urur wuxuu isticmaalayaa astaan keliya markuu soo bandhigayo murashaxiintiisa heerka degaanka ama Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Qodobka 25aad
Deebaaji

Murashaxiinta u tartamaya xilalka waxay bixinayaan deebaaji aan celin lahayn, oo kala noqonaya sidan:-
a) Sl.Sh. 1,000,000 Murashaxiinta Madaxtooyada midkiiba
b) Sl.Sh 50,000 Murashaxiinta Golayaasha Deegaanka

Qodobka 26aad
Qabashada Liisaska Murashaxiinta

1. Liistooyinka murashaxiinta Madaxweynaha & ku xigeenkiisa waa in la geeyo xafiiska Komishanka, kuwa murashaxiinta degaanadana la geeyo xafiisyada doorashada ee degmooyinka ka hor 6da galabnimo maalinta 45aad intaanay cod-bixintu dhicin, iyadoo ay dhan yihiin lifaaqyadiisa ku tilmaaman xeerka.
2. Xafiiska Komishanka ama xafiisyadiisa doorashada ee degmooyinka waxay hubinayaan in murashaxiinta liisaska ku qorani buuxinayaan dhamaan shuruudaha u dhigan heerkooda, Murashaxa aan buuxin shuruudaha waxa lagu celinayaa urur/xisbigii soo sharaxey si ay bedelkiisa u keenaan muddo loo cayimey.

Qodobka 27aad
Sheegidda Liisaska Murashaxiinta

1. Komishanka iyo xafiisyadooda degmo kasta waa inay diyaariyaan qaabka sheegidda murashaxiinta iyagoo u habaynaya siday u kala horeeyaan, kana muuqato astaamahoodii.
2. Komishanka iyo xafiisyadiisa goob kasta oo cod-bixineed waa inay qoraal ahaan diyaariyo qaab sheegid liisaska murashaxiinta degmada iyadoo lagu dhajinayo goobaha cod-bixinta degmada.
3. Komishanka iyo xafiisyadiisu waa inay 30 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta ku dhajiyaan liisaska murashaxiinta degmada goobaha fagaarayaasha, boodhadhka ogeysiiska, xafiisyada Dawladaha Hoose iwm, sidoo kale waa in suuqa lala maro oo cod baahiye lagu
sheego, haddii ay suuragal tahayna idaacadda laga sheego ama wargeysyada lagu baahiyo.

OLOLAHA DOORASHOOYINKA

Qodobka 28aad
Bilowga iyo Dhamaadka Ololaha doorashada

Ololaha doorashooyinku wuxuu bilaabmayaa marka la soo dhejiyo ogeysiiska ku xusan qodobka 27aaad ee xeerkan, waxaanu dhamaanayaa 48 saac ka hor taariikhda la qabanayo cod-bixinta.

Qodobka 29aad
Qabashada shirarka & Banaan-baxyada

1. Dadka qabanqabinaya shirarka iyo banana-baxyada la xidhiidha ololaha doorashada waa inay qoraal ku ogeysiiyaan Gudoomiyaha Degmada iyo Saldhigga booliska ay khusayso 48 saacadood ka hor wakhtiga la samaynayo. Gudoomiyaha degmadu wuu diidi karaa in la
sameeyo shirarkaas ama banaan-baxaas, haddii uu ku qanco in waxyeelo loo gaysanayo caafimaadka, anshaxa, ama nabadgelyada guud iwm, waxaana ku waajib ah inuu amro in shirarkaas ama banana-baxaas lagu qaban karo meel uu tilmaamay ama wakhti uu cayimay.
2. Magaalo ama tuulo laguma wada qaban karo maalin qudha wax ka badan laba shir iyo banaan-bax.

Qodobka 30aad
Muuqaalka boodhadhka

1. Muuqaalka boodhadhka iyo waraaqaha dacaayadaha ololaha doorashada waa in la geeyo xafiiska Gudoomiyaha degmada 48 saac ka hor intaan shaaca laga qaadin. Mana jirto wax cashuur ah oo laga bixinayo arrintaas.
2. Lama ogola in boodhadhka iyo waraaqaha ololaha doorashooyinka lagu dhejiyo masaajidada, xafiisyada & gaadiidka dawladda, xarumaha diplomaasiyiinta & ururada caalamiga ah iwm.

Qodobka 31aad
Hub iyo Lebbis ciidanimo

Shirarka iyo banaan-baxyada ololaha doorashooyinka waxa ka reebban in loo qaato HUB iyo lebbis ciidan ama wax u eeg.

Qodobka 32aad
Wakiilada Axsaabta/ururada

1. Guddiyada dhexe ama kuwa gobolada/degmooyinka ee ururadu/xisbiyadu waxay wakiil leh xaqa cod-bixinta u soo diran karaan goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso oo ay murashaxiin ku leeyihiin. Waxa kale oo ay keeni karaan bedelkiisa haddii uu maqnaado.
2. Wakiilada ay ururadu/axsaabtu soo dirsadeen waa inay goob-joog ahaadaan marka xafiiska doorashadu hawsha hayo, soona jeediyaan wixii tabasho ama caddeyn ay qabaan (haddii ay jirto), taas oo la diiwaangelinayo.
3. Magacyada wakiilada ururada/xisbiyada waa in loo geeyo Komishanka ama xafiisyadiisa 10 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta. Komishanka ama xafiisyadiisu wuxuu siinayaa wakiil kasta qoraal ogolaansho ah oo u fasaxaya inuu geli karo kana hawl geli karo goobta cod-bixinta ee loo soo diray.

DOORASHADA GOLAYAASHA DEGAANKA

Qodobka 33aad
Shuruudaha Murashaxa Golaha Degaanka

1. Waa inuu yahay muwaadin u dhashay Somaliland
2. Waa inuu si rasmi ah u degan yahay degmada uu iska sharaxayo.
3. Waa inuu muslin yahay kuna dhaqmaa diinta islaamka.
4. Waa inaan da'diisu ka yareyn 35 sano sanadka doorashada la qabanayo
5. Waa inuu ku sifoobay xilkas, dhaqan toosan bulshada dhexdeeda.
6. Waa in aanu ku dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga cadaadey 10kii sano ee u dambeeyay.
7. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare haddii uu iska sharaxayo degmooyinka darejada A iyo B. Hadii uu iska sharaxayo degmooyinka derajada C iyo D waa inuu lahaado aqoon dugsi dhexe ugu yaraan ama wixii u dhigma.
8. Waa inuu yahay cashuur bixiye degmada uu degan yahay ama uu ka qayb qaatey si mutadawacnimo ah hawlo dan guud ah ee degmadaas.

Qodobka 34aad
Ururada u gudbi waaya xisbi

Ururada ku guulaysan waaya inay u gudbaan xisbi hasayeeshee, doorashada Golayaasha degaanka ee degmooyinka qaarkood ku guulaysta kuraas, waxa ku waajib ah inay ku biiraan saddexda xisbi ee la ansixiyey midkood.

DOORASHADA MADAXWEYNAHA IYO KU XIGEENKA MADAXWEYNAHA

Qodobka 35aad
Shuruudaha Murashaxa Madaxweynaha & Ku xigeenka Madaxweynaha

1. Shuruudaha murashaxa Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxay ahaanayaan kuwa ku tilmaaman Dastuurka qodobka 82aad.
2. Xubnaha isu taagaya doorashada Madaweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waa inay ka mid yihiin urur/xisbi diiwaan-gashan ama ansaxsan, soona sharaxay.

Qodobka 36aad
Habka Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha

Habka lagu dooranayo Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha wuxuu ahaanayaa kan ku tilmaaman Dastuurka qodobka 83aad, faqradihiisa 1,2,3, iyo 4aad.

NIDAAMKA MAAMULKA DOORASHADA

Qodobka 37aad
Qalabka xafiisyada Doorashooyinka

1. Komishanka Qaranka ee doorashooyinku waa inay goob cod-bixineed kasta u diyaarisaa qalabkan:
a. Nuqul xeerkan ka mid ah.
b. Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shaambaddii goobta cod-bixinta oo ay la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.
c. Xidhmo lingaxan oo ay ku jiraan waraaqihii cod-bixintu.
d. Sanaadiiqdii cod-bixinta lagu ridayay.
e. Weel lagu qaado waraaqaha cod-bixinta.
f. Saddex foom oo lagu qoro hawlgalka cod-bixinta.
g. Foom leh khaanado jeexjeexan.
h. Qalimo-biiro ku filan calamadaynta warqadaha cod-bixinta.
i. Ugu yaraan 5 waraaqadood oo tusinaya qaabka cod-bixiyayaashu u calaamadaynayaan warqadaha cod-bixinta.
j. Quraarad ah khadka aan tirtirmi Karin ee la marinayo cod-bixiyayaasha.
k. Qalabka qoraalada kala duwan ee loo baahan karo.
2. Qalabka ku xusan c, d, e, f, g , ee ku tilmaaman faqradd xubinta hore waa inay ahaadaan laba laba oo si fiican loo kala calaamadiyaa haddii wadajir loo qabanayo doorashooyinka Degaanka.
3. Komishanku waa inay xafiiska dhexe ee doorasho iyo degmo/gobol kasta u diyaarisaa qalabkan:
a. Nuqul xeerkan ah
b. Xidhmo lingaxan oo ay ku jirto shambaddii xafiiska degmada, gobolka ee doorasho oo ay la socdaan khadkii iyo khadeeyihii.
c. Saddex foom oo lagu qorayo hawlgalka cod-bixinta xafiiska doorashada ee degmada/.gobolka.
d. Foom leh shax jeexjeexan (tabulation forms)
e. Qalabka wax lagu qoro oo kala duwan (stationary)
4. Qalabka xafiis kasta oo doorasho waa in lagu rido saxarad gaar ah. Saraxadda waa in la xidho oo la lingaxo. Komishanku waa inay qalabkaas dirto wakhti ku haboon iyadoo la socdaan sanaadiiqdii codka lagu ridayey, waxaana loo dirayaa xafiisyada doorashada degmada/gobolka oo u sii gudbinaya goobaha cod-bixinta.
5. Komishanku waa inay xafiisyadooda degmo/gobol u diyaariso waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah oo ku lingaxan kiishash si loo siiyo xafiiska doorasho ee soo codsada, iyadoo ay waajib tahay in ay soo sababeyaan , waxana la gudoonsiinayaa gudoomiyaha goobta cod-bixinta.
6. Meelaha is gaadhsiintu adag tahay Komishanku wuxuu u dhiibi karaa waraaqaha cod-bixinta oo lingaxan oo dheeraad ah kormeerka doorashada ka hawlgalaya si uu u hayo xafiiska doorashada ee degmada/gobolka.

Qodobka 38aad
Waraaqaha Cod-bixinta

Waraaqaha cod-bixinta waa ianay ku daabacan yihiin astaamaha ururada/xisbiyada oo kor u taagan si afar gees ah. Astaan kastaa waa inay leedahay meel banaan oo loogu talagalay inuu cod-bixiyuhu ku muujiyo codkiisa. Waraaq kastaana waa ianay leedahay cidhif yar oo xabagaysan oo lagu rogo warqadda cod-bixinta oo lagu lingaxo.

Qodobka 39aad

1. Goob kasta oo codbixinta laga dhiibanayaa waa inay lahaato laba qol oo yar yar oo loogu talagalay in lala galo calaamadaynta waraaqaha cod-bixinta loona habeeyo in qarsoodi codka lagu hubiyo.
2. Sanaadiiqda cod-bixinta lagu ridayaa waa inay yaaliin meel muuqata ama hareeraha ka xigaan miisaska Gudoomiyaha goobta cod-bixinta.

Qodobka 40aad
Ogeysiinta Liiska Murashaxiinta

1. Halka nuqul ee ku xusan qodobka 27aad ee xeerkan waa in lagu dhejiyo meel la wada arki karo oo ka mid ah xafiiska doorashada ama goobta cod-bixinta gudaheeda iyo dibeddeedaba.
2. Nuqulka ogaysiinta ee ku xusan qodobka 27aad ee xeerkan oo Komishanku ka soo sameeyay liiska murashaxiinta oo u kala horeeya sidii loogu soo gudbiyay waa in lagu dhejiyo banaanka xafiisyada doorashada iyo gudaha meel la wada arki karo.

Qodobka 41aad
Qaybinta Qalabka Doorashada

1. Xafiiska doorashada degmadu waa inuu hubiyo in goob kasta oo cod-bixin ka dhacayso in la geeyo wixii qalab ah ee loo baahan yahay markay saacadu tahay 6:00 saac ee subaxnimo ka hor maalinta cod-bixinta.
2. Komishanku Waa inuu geeyo xafiiska doorashada degmada qalabka loogu talagalay cod-bixinta ugu dambayn 4ta galabnimo maalinta ka horaysa cod-bixinta.
3. Goob kasta oo cod-bixineed waa in la siiyo:-
a. Nuqul muujinaya magacyada hawlwadeenada goobta
b. Nuqul muujinaya wakiilada ururada/axsaabta ee goob-jooga ahaanaya.

Qodobka 42aad
Xafiiska Goobta cod-bixinta

1. Gudoomiyaha goobta cod-bixintu markuu helo qalabka ku xusan qodobka la soo dhaafay waa inuu:-
a) Dhiso xafiiska oo uu hubiyayaasha iyo xoghaynta u sheego inay yihiin hawlwadeenadii goobta isla markaana la socodsiiyo sida ay hawsha loo xilsaaray u gudanayaan.
b) Hubiyo in Wakiilada axsaabta/ururada ee loo soo ogolaaday inay goob-joog ahaadaan inay joogaan.
c) Markuu hubiyo inay saxaraduhu lingaxan yihiin waa inuu furo saxarada oo hubiyo inay dhan yihiin qalabkii, waana inay goob-joog ahaadaan Hawl-wadeenadii goobta iyo wakiiladii ururada/axsaabtu.
d) Markuu hubiyo isaga iyo hawl-wadeenadiisa iyo wakiiladu in xidhmooyinka ay ku jiraan shaambadda goobta iyo waraaqaha cod-bixintu lingaxan yihiin, waa inuu furo xidhmooyinka oo waraaqaha cod-bixinta la dhaco shaambada goobta, oo si nidaamsan ugu rido weel xafidan. Waxaa reebban inay markaas joogto qof aan ahayn inta goobta ku qoran.
e) Inuu hubiyo in ogeysiinta ay ku qoran yihiin tilmaamaha cod-bixinta iyo liisaska murashaxiintu ku dhegan yihiin meelihii loogu talagalay.
f) Inuu hubiyo in qalabkii loo baahnaa ee cod-bixinta loogu talagalay loo agaasimay sida xeerku tilmaamayo, si hawsha doorashu si hufan ugu hirgasho.
2. Waa inuu diiwaan-geliyo dhamaan hawlgalka kor ku xusan in la fuliyey. Qoraalka waa inay ku cadaato shaambadda goobta, tirada waraaqaha cod-bixinta ee goobta cod-bixintu heshay.
3. Waa inuu markaa ka saxeexo hawlwadeenada iyo wakiiladaba in wax waliba sidii loogu talagalay yihiin.
4. Markuu hubiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixintu in hawshaasi qabsoontay waa inuu ku dhawaaqo in cod-bixintu furan tahay.

Qodobka 43aad
Awoodda Gudoomiyaha Goobta cod-bixinta

1. Gudoomiyaha goobta cod-bixinta waxa waajib ku ah inuu ilaaliyo nidaamka inta doorashadu socoto. Booliska ayuu ku amri karaa inuu qof goobtaa dibedda uga saaro ama in la qabto qof gef ku sameeyay hawsha doorashada ama qof waali ka muuqato.
2. Booliska looma ogola inuu galo gudaha goobta cod-bixinta haddii aanu Gudoomiyuhu amrin.
3. Saraakiisha Booliska iyo kuwa shaqaalaha dawladda waa in ay fuliyaan codsiyada Gudoomiyaha goobta si loo hubiyo in si dhib yar codka loo bixiyo oo aanay dhicin in lagu ururo miiska hawlwadeenada ama goobta agteeda.
4. Gudoomiyaha goobta cod-bixinta iyo kuwa xafiiska dhexe waxay xaq u leeyihiin inay isticmaalaan awoodaha ku qoran xubnaha qodobkan.

Qodobka 44aad
Gelidda Goobta Cod-bixinta

1. Xaffiiska goobta cod-bixinta waxa geli kara dadka maamulaya xafiiska iyo kuwa ka wakiilka ah axsaabta/ururada iyo kuwa codka bixinaya.
2. Waxa reebban in cod-bixiyayaashu hub la yimaadaan goobta, markiiba qof ayaa gelaya, iyadoo lookala hor marinayo sidii loo soo kala horeeyay, hasa yeeshee waa la tixgelin karaa inuu ugu hormaro haddii ay jirto qof ka shaqaynaya hawsha doorashada oo doonaya inuu codkiis a bixiyo.

Qodobka 45aad
Talaabooyinka Ka Horeeya Cod-bixinta

1. Cod-bixiye kasta wuxuu codkiisa dhiiban karaa markuu:-
a. Bixiyo tilmaamihiisa ku saabsan magaciisa, aqoonsigiisa iyo da'diisa.
b. La hubsado inuu xaq u leeyahay cod-bixinta oo buuxinayo shuruudaha cod-bixinta, iyadoo si guud mar ah looga eegayo aqoonsigiisa, waraaqaha uu sito, marag-muujin kale ama sidii kale ee kolba loo caddayn karo.
2. Calaamad khad aan tirtirmi Karin laga mariyo cidida far-yarada gacanta bidix, haddii gacanta bidix maqan tahayna waa in cidida far-yarada gacanta midig laga mariyo, haddii ay labada gacmood maqan yihiin waa in laga mariyo meel kale oo jidhka cod-bixiyaha oo la arki karo.

Qodobka 46aad
Cod-bixiyayaasha aan codka dhiiban Karin

1. Waxa codkisa dhiiban kara cod-bixiyaha taga goobta cod-bixinta oo codkiisa ku ridi kara sanduuqa.
2. Haddii uu jiro qof ay naafonimo u diidey inuu codkiisa bixiyo Gudoomiyaha goobta cod-bixinta ayaa u ogolaanaya in cod-bixiye kale oo uu aaminsan yahay inuu gacan siinayo oo ka caawiya sidii uu codkiisa u dhiiban lahaa.
3. Xoghayaha goobta cod-bixinta ayaa qoraalka gelinaya sababta loo ogolaaday in qofkaas naafada ah laga kaalmeeyo sidii uu codkiisa u bixin lahaa, waxa kale oo uu qoraalka ku muujinayaa qofka naafada ah iyo qofka kaalmeeyey.

Qodobka 47aad
Nidaamka cod-bixinta

1. Markuu dhamaado hawlgalka ku xusan qodobka kore, Gudoomiyaha goobta cod-bixinta wuxuu cod-bixiyaha siinayaa warqaddii cod-bixinta oo lagu dhuftay shaambaddii goobta oo laga reebay dabadii hadhaaga ahayd ee laga gooyey.
2. Markaa cod-bixiyuhu wuxuu gelaya qolka yar ee uu warqadda ku soo calaamadinayo, kuna soo xidhanayo.
3. Cod-bixiyuhu wuxuu calaamad soo saarayaa warqaddii cod-bixinta oo ka soo saarayaaa dhinaca midig ee astaanta uu codka siinayo, asagoo isticmaalaya qalin-Biro ah oo uu siinayo xoghayaha goobtu. Ka dib warqaddii wuu soo laabayaa.isagoo ku xidhaya dacalkii yaraa ee xabagta lahaa waxanu ku ridayaa sanduuqii loogu talagalay cod-bixinta.
4. Markuu cod-bixiyuhu warqaddiisa ku rido meesha daloosha sanduuqa, waa inuu goobta ka baxo, waxase ka horaysa inuu Gudoomiyaha goobtu hubiyo in cod-bixiyaha ay si fiican uga muuqato calaamaddii aan tirtirmayn, markaas haddii aanay calaamaddu si fiican u muuqan waa
in lagu celiyo mar kale, si loo cadeeyo inuu codkiisii dhiibtey.
5. Haddii cod-bixiyuhu arko in warqadda la siiyey aanay dhamayn ama dhaawac qabto, waa inuu soo celiyo oo Gudoomiyaha goobta weydiisto mid fayow, arrintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.
6. Gudoomiyaha goobtu wuxuu xaq u leeyahay inuu goobta ka saaro cod-bixiye kasta oo cudur-daar la'aan goobta ku daaha oo laga qaado warqadda cod-bixinta, waxana mar kale loo ogolaan karaa inuu codkiisa dhiibto markay dadkii kale ee goobta ku sugnaa ee codkooda dhiibanayey ay dhamaadaan.
7. Haddii cod-bixiye lagu helo inuu sito waraaqo cod-bixineed oo dheeraad ah ama kuwo ka duwan kuwa codka lagu bixinayo ama hore codkiisa u soo dhiibtey, Gudoomiyaha goobtu waa inuu si de deg ah u amro in la qabto oo booliska u dhiibo si maxkamad loo horgeeyo, Arintaas waa in qoraal ahaan loo diiwaan-geliyo.

Qodobka 48aad
Hawlgalka cod-bixinta

1. Hawlgalka cod-bixintu waa in la dhamaystiro hal maalin gudaheed oo ka bilaabmaysa 7:00 saac ee subaxnimo kuna dhamaanaysa 6:00 fiidnimo.
2. Cod-bixintu way soconaysaa wakhtiga xidhitaanka la tixgelin mayo, haddii ay jiraan cod-bixiyayaal safka ku jira oo aan welli codkooda bixin ilaa ay ka dhamaanayaan.

Qodobka 49aad
Go'aanka cabashooyinka ee goobta cod-bixinta

Xafiiska goobta cod-bixintu waa inuu si ku meel gaadh ah go'aan uga gaadho cabashooyinka (haddii ay jiraan) oo ay ka mid yihiin kuwa af ahaan loo soo jeediyey iyo wixii muran ah ee ku hawlgalka goobta cod-bixinta. Cabashooyinka iyo muranadaas waa in qoraal ahaan loo
diiwaan-geliyo.

Qodobka 50aad
Hawsha ka horaysa Tirinta Codadka

1. Markay cod-bixiyayaashu codkooda bixiyaan Gudoomiyaha goobtu wuxuu cod sare ku dhawaaqayaa inay cod-bixintu xidhan tahay.
2. Markuu Gudoomiyaha goobtu ka ururiyo miiska dhamaan waraaqaha iyo qalabka aan tirinta wax ahmiyad ah u lahayn wuxuu bilaabayaa hawsha soo socota:-
a. Hubinayaa tirada cod-bixiyayaasha isagoo ka eegaya tirada waraaqaha cod-bixinta.
b. Ururinayaa oo tirinayaa waraaqaha cod-bixinta ee aan la isticmaalin waxaanu ku ridayaa baqshadda 1aad.
c. Xaqiijinayaa oo saxeexiisa ku muujinayaa waraaqaha doorashada ee xumaaday ama aan hagaagsanayn ee ay soo celiyeen cod-bixyayaashu, ama la arkay inay xun yihiin, waxaanu ku ridayaa baqshada 2aad.

Qodobka 51aad
Tirinta codadka

1. Marka Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha ku xusan qodobka la soo dhaafay wuxuu bilaabayaa tirinta  waraaqaha cod-bixinta ee sanduuqa ku jira. Si taa loo fuliyo Hubiyuhu wuxuu markiiba sanduuqa ka soo saarayaa laba warqad cod-bixineed, wuxuuna u dhiibayaa
Gudoomiyaha, Gudoomiyuhuna wuxuu furayaa warqaddii codbixinta oo cod sare ku dhawaaqayaa ururka/xisbiga codka lagu siiyey; warqadaas waxa hubiyuhu u sii gudbinayaa Hubiyaha kale oo isna tusi doona wakiilada Xisbiyada/Ururada, markaas xoghayaha ayaa gelinaya foomka khaanadaysan ee loogu talagalay ururka/xisbiga codkaas helay waxaanu warqadaas ku ridayaa sanduuqa loo sameeyay..
2. Ma banana in sanduuqa laga soo saaro warqad kale oo cod-bixineed inta tii ka horaysay laga dhamaynayo ee sanduuqa lagu ridayo. Hawsha waxa maamulaya hawl-wadeenada goobta oo keliya.
3. Gudoomiyaha goobtu markuu dhameeyo tirinta, wuxuu hubinayaa tirada waraaqaha cod-bixinta, iyo inay is keenayaan tirada codadka ururada/axsaabtu guud ahaan heleen, wuxuu intaas raacinayaa tirada codadka lagu muransan yahay ama aan hagaagsanayn ama aanay waxba ka
jirin ee ku xusan qodobka 57aad ee xeerkan.
4. Gudoomiyaha goobtu markuu caddeeyo ee sidaas saxeexiisa ku muujiyo wuxuu waraqadaha aan saxda ahayn ama waxba kama jiraanka laga soo qaadey ama muranku ka taagan yahay iyo waraaqaha cabashada iyo dacwooyinka ku ridayaa baqshadda 3aad.
5. Gudoomiyaha goobtu wuxuu ugu dambeyntii waraaqihii cod-bixinta ee la tiriyey ku ururinayaa baqshadda 4aad.

Qodobka 52aad
Xidhitaanka Hawsha Tirinta

1. Markuu Gudoomiyaha goobtu dhameeyo hawsha tirinta ee ku xusan qodobada kore wuxuu iyadoo fagaare ah ku dhawaaqayaa wadarta tirada cod-bixiyayaasha, codadka saxda noqday iyo tirada codadka uu helay liis kasta oo xisbi/urur.
2. Intaa dabadeed, Baqshadaha waa la lingaxayaa, korkana waxa lagaga dhufanayaa shaambaddii goobta, waxaana korka wadajir uga saxeexaya Gudoomiyaha goobta, ugu yaraan hal hubiye iyo wakiilada xisbi/urur kasta oo murashaxiin ku leh goobta-codbixinta.
3. Baqshadaha korkooda waxa lagu qorayaa faahfaahinta waxa baqshadda gudaheeda ku jira.
4. Hawsha tirinta waa in loo dhamaystiro si isdaba jooga ah ee la soo tilmaamay oo hakad lahayn oo wax kale aan la dhex galin.
5. Qoraalada raadraaca ahi (records) waa inay si cad u muujiyo hawlaha kor ku xusan

Qodobka 53aad
Codadka xumaada ama Lagu muransanyahay

1. Waraaqaha cod-bixinta marka la tirinayo waxay
noqonayaan waxba kama jiraan:
a) Haddii ay ka duwan yihiin waraaqaha cod-bixinta ee Komishanku gartay in doorashada loo isticmaalo.
b) Haddii aanay lahayn shaambadda goobta cod-bixinta.
2. Waraaqaha cod-bixinta ee la tiriyay waxay noqonayaan waxba kama jiraan haddii:-
a) Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqdaan qoraal ama calaamado ama raad si xirfadl leh loo soo agaasimay oo aan loogu talagelin in lagu qoro.
b) Haddii warqadda cod-bixinta aanay si fiican uga muuqan Karin Ururka/xisbiga codka la siiyey oo la aqoonsan kari waayo.
c) Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqato in cod-bixiyuhu calaamadeyay hal astaan xisbi/urur wax ka badan.
3. Codka waxba kama jiraan wuxuu noqon karaa marka go'aan wadajir ah isku raacaan Hawl-wadeenada goobta cod-bixintu. Haddiise ay isku raaci waayaan oo ay ku kala qaybsamaan, waxa waraaqahaas cod-bixineed loo aqoonsanayaa kuwo muran ka taagan yahay.
4. Xafiiska Doorashada ee degmada ayaa go'aan ka gaadhi kara waraaqaha cod-bixinta ee muranku ka taagan yahay.

Qodobka 54aad
Qoraalka raadraaca Goobta Cod-bixinta

1. Qoraalka raadraaca ee goobta cod-bixinta waxa lagu qorayaa foom loogu talagalay oo saddex nuqul ah, kaas oo Komishanku u soo diyaariyey.
2. Laba nuqul oo qoraalka raadraaca ka mid ah waa in lagu rido saxaradda oo la raaciyo baqshadaha lingaxan ee ku xusan qodobka 55aad oo loo gudbiyo xafiiska doorashada degmada, nuqulka saddexaad waa in loo gudbiyo Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee gobolka, iyadoo la raacinayo wixii ka hadhay agabkii doorashada ee kala duwan.

Qodobka 55aad
Qaadista iyo wareejinta Qalabka

1. Gudoomiyaha goobta cod-bixinta oo ugu yaraan ay la socdaan xubin hawlwadeenada ka tirsani iyo Boolis ilaalo ahi ayaa qaadaya qoraalka raadraac iyo baqshadaha goobta kuna wareejinaya xafiiska doorashada ee degmada, iyadoo aan lahayn wax dib u dhac ah.
2. Marka xafiiska doorashada ee degmada lagu wareejinayo baqshadaha waa in la hubiyo inay lingaxan yihiin oo aan la furin lana farafarayn. Gudoomiyaha doorashada ee degmadu waa inuu bixiyo caddaynta la wareegidda agabkaas.
3. Gudoomiyaha doorashada ee degmaddu wuxuu u gudbinayaa baqshadaha natiijadda cod-bixinta doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo lingaxan iyo nuqulka saddexaad ee qoraalka raadraca Gudoomiyaha xafiiska doorashada gobolka

Qodobka 56aad
Shaqada xafiiska doorashada ee Degmada

1. Markuu Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee degmadu helo agabka lagu tilmaamay qodobka 55aad ee xeerkan waa inuu:-
a. Waa inuu faro hubiyayasha, xoghayaha iyo tiriyayaasha inay hawshooda u diyaar garoobaan.
b. Waa inuu u yeedho wakiilada ururad/axsaabta ee murashaxiin ku leh degmada ee Komishanku soo ogolaaday inay goob-joog ahaadaan inta hawshu socoto.
c. Markay Gudoomiyaha, hawlwadeenada iyo Wakiiladu hubiyaan inay saxaraduhu lingaxan yihiin oo aan la furin, waa inuu furo saxarada oo ka soo saaro qalabka ku jira oo hubiyaa.
d. Markay wadajir u hubiyaan in baqshadahu lingaxan yihiin oo aan hore loo furin, waa inuu furaa baqshadda ay ku jirto shaamnbadu oo hubiyaa in lambarka shaambadu ku yaal qoraalada.
2. Xafiiska doorashada ee degmadu waa inuu markaas hubiyo in qoraalada iyo baqshadaha ku xusan qodobada 50,51,54aad ee xeerkan ay dhan yihiin.
3. Xafiiska doorashada degmadu markuu hubiyo natiijada doorashada Madaxweynaha & ku xigeenkiisa wuxuu u gudbinayaa xafiiska doorashooyinka ee gobolka oo markuu hubiyo u sii gudbinaya xafiiska dhexe.

Qodobka 57aad
Tirinta cod-bixinta Doorashada Madaxtooyada.

Gudoomiyaha doorashada ee degmadu markuu qabanayo hawsha doorashada Madaxtooyada waa inuu:
a. Waa inuu tiriyo oo isu geeyo dhamaan cod-bixinta ka soo hoyatay goobaha cod-bixinta.
b. Waa inuu hubiyo codadka waxba kama jiraanka noqday ee ka soo hoyday goobaha cod-bixinta.
c. Waa inuu go'aan ka gaadho codadka muranku ka taagan yahay, sida uu tilmaamay qodobka 53aad ee xeerkan.
d. Waa inuu isu geeyo codadka xisbi kasta oo murashaxiin ku leh degmada ka helay goobaha
cod-bixinta.
e. Waa inuu natiijada codadka ee soo baxay iyo cabashooyinka (haddii ay jiraan) u gudbiyo Xafiiska doorashada gobolka.

Qodobka 58aad
Hawsha xafiiska doorashada ee Gobolka

1. Xafiiska doorashada ee gobolku markuu helo nuqulka 3aad ee qoraalada raadraaca goobaha cod-bixinta iyo natiijada guud ee codadka ka soo baxay degmooyinka gobolka iyo inta xisbi kasta ka helay ee uu u soo gudbiyey xafiisyada doorashada ee degmooyinka gobolku wuxuu hubinayaa xisaab ahaan natiijada codadka.
2. Gudoomiyaha xafiiska doorashooyinka ee gobolku wuxuu hawlgalka ka samaynayaa raad raac lagu qorayo foomka loogu talgalay oo saddex nuqul ka kooban, wuxuuna laba nuqul oo ka mid ah u gudbinayaa xafiiska dhexe ee doorashooyinka (Komishanka) kan asliga ahna (original) Maxkamadda sare ee dalka.
3. Xafiiska doorashda ee gobolku markuu helo natiijada cod-bixinta doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, Wuxuu natiijada u gudbinayaa Komishanka si uu u hubiyo uguna dhawaaqo natiijada si ku meel gaadh ah.

Qodobka 59aad
Tirinta codadka doorashada Degaanka & ku dhawaaqidda natiijada

Gudoomiyaha xafiiska doorashada ee degmadu markuu helo agabka ku xusan qodobka 55aad ee doorashada degaanka, markaas waa inuu :-
1. Waa inuu tiriyo oo isu geeyo dhamaan cod-bixinta ka soo baxday goobaha cod-bixinta degmada.
2. Hubiyo codadka waxba kama jiraanka ah ee ka soo xerooday goobaha cod-bixinta degmada.
3. Go'aan ka gaadho codadka lagu muransan yahay.
4. Tiriyo codadka ansaxay ee urur/xisbi kasta ka helay doorashada degmada.
5. Xisaab ahaan isu qaybiyo tirada guud ee codadka ansaxay ee degmada iyo tirada kuraasta degaanka degmada, soona saaro inta urur/xisbi waliba ka helayo codadka.
6. Hubiyo urur/xisbi kasta inta uu ka helayo kuraasida degaanka.
7. Markaas ku dhawaaqo magacyada murashaxiinta ee xisbi/urur kasta ku guulaystay doorashada, iyagoo isugu xiga siday u kala horeeyeen, sida uu tilmaamayo qodobka 23aad ee xeerkan.
8. Natiijada doorashada degmada si fagaare ah ugu dhawaaqo kuna dhejiyo boodhka xafiiska doorashada ee degmada magacyada murashaxiinta guulaystay.

Qodobka 60aad
Gudbin raad raac (records)

1. Raadraacyada hawlgalada ku xusan qodobada 55aad, 56aad iyo 58aad ee xeerkan waxa lagu qorayaa foomamka Komishanku u diyaariyey mid kasta, waana inay ahaadaan min saddex nuqul.
2. Nuqulada raadraacyada (records) waxaa loo qaybinayaa sida uu tilmaamayo qodobada 55,58aad ee xeerkan.

Qodobka 61aad
Soo saaridda Go'aanada Doorashooyinka Degaanada

Xafiiska doorashada ee degmaddu waa inuu soo saaro go'aanka doorashada degmada, iyagoo ku muujinaya qoraal kooban oo ay ku qoran yihiin magacyada murashaxiinta ku guulaystay doorashada degaanka, waxaana lagu dhejinayaa xafiiska maamulka Dawladda Hoose ee ay khusayso. Iyagoo nuqul ka mid ahna u gudbinaya xafiiska dhexe.

Qodobka 62aad
Hubaal-celinta doorashada Degaanada

1. Gudoomiyaha Maxkamadda gobolku waa inuu hubaal-celiyo oo ansixiyo go'aanka doorashada
Golayaasha degaanada. Waa inuu go'aan ka gaadho wixii muran ama cabasho ah ee guud ahaan uu u soo gudbiyey xafiiska doorashada ee degmadu ee soo baxay intii hawshu socotey.
2. Wixii tabasho ama dacwad ah ee aan loo keenin xafiisyada doorashada waxaa loo gudbin karaa maxkamadda gobolka toban cisho gudahood oo ka bilaabanta maalinta lagu dhawaaqo natiijada doorashada.

Qodobka 63aad
Hawsha xafiiska Dhexe ee Doorashada

1. Gudoomiyaha Komishanku markuu helo qalabka & qoraalada raadraaca ee ku xusan qodobka 60aad ee xeerkan, waa inuu a. Inuu faro kaaliyayaasha iyo xoghaynta inay u diyaaargaroobaan hawsha.
b. U yeedho Wakiilada ururada/axsaabta si ay goob-joog u ahaadaan marka hawshu socoto.
c. Inay wadajir u hubiyaan in baqshaduhu lingaxan yihiin oo aan la furin, markaa waa inuu furaa oo ka soo saaraa agabka ku jira.
d. Inay wadajir u hubiyaan in baqshadahu lingaxan yihiin oo aan la furin, markaa waa inuu furo baqshadda ay ku jirto shaambadda xafiiska doorashadu, waana in qoraalka raadraaca lagu muujiyo lambarka shaambada.
e. Waa inuu qalabka hadhay u gudbiyo xoghayaha.
2. Xafiiska dhexe ee doorashooyinku waa inuu markaas hubiyo inuu helay qoraalka raadraaca ee ku xusan qodobka 60aad ee xeerkan oo laga doonayo xafiisyada doorashooyinka ee degmooyinka/gobolada.

Qodobka 64aad
Ku dhawaaqidda natiijada Doorashooyinka Madaxtooyada

1. Gudoomiyaha Komishanku markuu ka helo xafiisyada doorashooyinka ee degmooyinka/gobolada waa inuu:
a. Go'aan ka gaadho dacwooyinka la xidhiidha cod-bixinta iyo tirinta.
b. Tiriyo oo isku geeyo (xisaab ahaan) codadka ansaxay, kuwa xumaaday ama waxaba kama jiraanka ah ee ka yimid xafiisyada doorashooyinka gobolada.
c. Markuu si walba u hubiyo ee uu ku qanco in hawshu si habsami u dhacday, wuxuu si ku meel gaadh ah ugu dhawaaqayaa natiijooyinka doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenka Madaxweynaha.

Qodobka 65aad
Dacwadaha doorashada

1 Dacwadaha ku saabsan doorashooyinka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweynaha waxa awood u leh maxkamadda sare, waana in dacwadaasi soo gaadho kaalinta maxkamadda 20 maalmood gudahood oo ka bilaabmaya marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada. Haddii ay
wakhtigaa dhaafto dacwadaasi wax tixgelin ah ma yeelanayso.
2 Maxakamadda Sare markay hesho qoraaladda raadraaca ee xafiisyada gobolada ee doorashada iyo kuwa xafiiska dhexe ee Komishanka isla markaana hubiso xisaab ahaan iyo sharci ahaan doorashada waxay ku dhawaaqaysaa natiijada doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Qodobka 66aad
Dhaqangal

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa marka uu Madaxweynuhu saxeexo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee Dawladda.

Allah Mahad Leh

Dhamaad


Maxamed Xuseen Cisman
XOGHAYAHA GUUD G/WAKIILADA


C/Qaadir X. Ismaaciil Jirdeh
K/S GUDOOMIYAHA G/WAKIILADA