Report of a Ministerial programme relating to
the creation of marine reserves and the conservation of marine life – 22 April
2007
Wasiirka
Wasaarada Kaluumaysiga oo Wareegto ka soo saaray Xaalufinta
Xeebaha Somaliland. April-22-04
Hsdhwanaag News WN(Hargeysa)-
Wasiirka Wasaarada
Kaluumaysiga iyo Xeebaha Mudane Maxamed Maxamud Faarax (Oday), ayaa shalay shaaca
ka qaaday in shan goobood oo ka mid ah Xeebaha badaha Somaliland laga sameeyay seerayaal
xeebeed, Wasiirka Mudane Maxamed Maxamuud Faarax (Oday) oo shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay waxaa
uu sheegay in Jasiiradaha Sacaadudiin, Koorshoora, Beebeed, iyo xeebta
Maydh iyo Dufinle ay yihiin goobaha loo aqoonsdaya seerayaasha isagoo halkaasna ka akhriyay qoraal dheer waxaa
uu dhignaa sidan:
“Bada
Cas iyo gacanka
cadmeed waxay can baxday deegaamada iyo quruxda aan
wax la mid ahi jirin,noocyadeeda
noolayaasha kala duwan,shacaabiyada , geedaha takhayd, deegaanka cawska leh iyo
qiimaha khayraadka kale eek
u jira, Gacanka cadmeed waxay Somaliland ku leedahay 850 KM oo xeeb ah inkastoo
khayraadka ku jiri aan weli
adigiisa si fiican loo aqoon,waxaase la og yahay inay
wali dihin tahay, waxaana khayraadka ku jira
xeebtaas looga faa’iidaysan karaa cunto ahaan daawooyin
macdan ahaan tamar dalxiis shaqo
abuurid iyo waxyaabo kale,laakiin dadka way u dag tahay inay si habsami
ah u maamulaan khayraadkooda
siiba marka ay timaado inay kala
doortaan dakhli yar oo dhaqso
loo helayo iyo faa,iido weyn oo
mustaqablka fog ah, daryeel
la’aanta ka timaada waxaa dadka ka dhexeeyaa waa mid can ah, waxaa ay dadku wada leeyihiin waxaa uu markiiba
noqdaa waxaan cidiba lahayn waayo
waa uu burburayaa
ama xaalufayaa, hadii aan khayraadka
la ilaalin ama aan xeer loo samayn
hantida dadweynaha ha noqoto mid la daaqo ama mid kaluumaysiba waxay noqdaan kuwo
la booboo oo lagu talax tago waayo
cidina iskama xil saarto inay
ka fikiraan waxna u dhigaan mustaqbalka ama da,da iman
doonta.
Abuurida seero badeed waa nidaam
ay dawladuhu ku maamulaan khayraadkooda si joogto ahna
loogu manaafacaadsado, iyadoo aan wax loo dhimayn khayraadkaas si ay uga faa’iidaystaan
dadka inaga ambeeya, ujeedooyinka loo abuuro seera badeedyadu
waxay isugu biyo shubtaan si
loo dhawro deegaanadaas si maanta iyo
mustaqbalkaba looga manaafacaadsado taasina waxay u baahan tahay in la dhawro meelaha kaluunka iyo noolayaasha kalaba ay ku dhalaan
iyo meelaha ay ku koraan deegaanada
gaarka ah meelaha ay ku nool yihiin
kuwa sii dabar go,aya, abuurtisa
seerayaashani kama celinayso dadka inay ka faa,iidaystaan khayraadka, nidaamka seerayntu waxaa uu ogal yahay
in si caqli gal ah looga faa,iidaysto goobahaas laakiin aan la xaalufin”
Wasiirka Wasaarada
kaluumaysiga Mudane Maxamed Maxamuud Faarax (Oday) oo sii wata qoraalkiisan
uu ka akhriyay shirka jaraa’id waxaa uu hadana
yidhi
“Wasaarada Kaluumaysigu:
Markay aragtay: culaysyada dhinaca dadka kaga
iman kara nololaha kala duwan
ee bada iyo
deegaanka ay ku nool yihiin, kuwaa
soo ay ka mid yihiin, baabiinta iyo goynta
loo gaysanayo dhirta Takhayga ah oo muhiim u ah deegaanka kaluunka iyo noolayaasha
badaba, burburinta shacaabiga iyo caws badeedka oo ah meelaha uu ku
dhalo kaluunku, Qiyaas la ‘aanta loo guranayo iyo noolayaasha
kalaba, khatarta lagu hayo noolayaasha
muhiimka ah ee sii yaraanaya
sida qubada saca badeedka iyo
libaax badeedka, Tafiir go’a ku
dhacaya libaax badeedka loo yaqaan miishaar ama saraaciimo,
geeslaha iyo qubada.
Markay deristay: waayo aragnimada wadama hore u sameeyay seerayaasha badda iyo waxtarka ay u keentay dadkooda iyo dalakooda, waxtaradaas oo ay ka mid yihiin, Habsami uga faa’iidaysiga khayraadka badda, dhawrsanaanta noolaha kala duwan, wadajir
u wada noolaanshaha noolayaasha oo si fiican u jirta,
deegaandii hore loo burburiyay oo soo
noolaada, degaano dabiici ah oo lagu
samayn karo cilmi baadhisyo,kaabida horumarinta dalka iyadoo ay abuurmayaan fursado shaqo iyo
dalxiis waayo deeganada aan la wasakhayn.
Markay tixgalisay: iskaashiga xaga bada iyo
dhawrista deegaanka ee ka dhaxeeya wadamada ku yaala
Bada Cas iyo Gacanka cadmeed
iyo sida ay iskula garteen in 12 goobood loo magacaabo seero badeedyo goboleed kuwaas oo ay ka jirto jasiiradaha Sacaadadiin iyo Ceebaad ee
xeebteena in shnata goobood ee hoos
ku qoran loo aqoonsado Seero Badeed kuwaas oo
kala ah:
· Jasiiradaha Sacaaddiin,
· Ceebaad ee gobolka awdal,
· Koorshoora oo ku taal Karin gobolka
saaxil,
· Xeebta Dufinle
oo kutaal gobolka Sanaag,
· Jasiirada Maydh ee Gobolka Sanaag.
Hadaba si
loo hirgaliyo arintaas waxay u baahan tahay barnaamij isku xidhan oo
waqtiyaysan oo la fuliyo waxaana ka mid ah.
1.
In lagu dhawaaqo lana
baahiyo in goobahaas yihiin Seero Badeedyo
2.
In la wacyi galiyo dadka ku
nool xeebaha iyo kuwa ka shaqaysataba
3.
In la lala kulmo dadka
odayaasha ah deegaanada si dood iyo
talo
iswaydaarsi loola yeesho
4.
In la abuuro gudiyo goobahaas
ku nool oo
ka kala tirsan maamulalka dawlada iyo dadka deeganaas
5.
In la tababaro dhalinyaro goobahaas oo isku
xilsaara dhawrista seerayaasha
6.
In marka u horaysaba laga mamnuuco maraakiibta
sharciga haysta inay deegaanadaas gaadhaan shan Km oo isku weer
ah
7.
In xiliyo la xidho inay dadka xeebuhu
ka kaluumaystaan deeganaadas
8.
In laga joojiyo dabashada
noocyada khatrata ku jira”
Wasiirka Wasaarada
Kaluumaysiga Mudane oday waxaa uu
sheegay inuu qoraalkiissan u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyada
Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.