URURKA
07/06/2004: Soo-gaabin: Maxuu ururka
Hordhac
1. Ku dhaqanka xukunnada aan-caadiga ahayn ee Guddiyada Nabadgelyada ee
gobollada oo dhan ka jira, gaar ahaan magaalooyinka waawayn, waxa weeye mid aad
u warwar geliyay ururrada madaniga ah, hay’adaha xuuquuqda aadamaha, iyo
ururrada siyaasadda ee mucaaradka iyo dadweyne badan oo xuquuqdoodii ay
duudsiyeen xukunnada ay qaaddaan guddiyadani. Somaliland Forum waa urur ka
madaxbannaan siyaasadda, isuguna hanwayn inuu go’anno ka gaadho arrimo lagu
kala aragti yahay, si miisaamanna u lafaguro, isaga oon cidna ugu habranayn,
una taagan horumarinta dimuqradiyadda ee Somaliland iyo ilaalinta ku dhaqanka
xeerarka iyo ixtiraamka xuquuqda aadamaha.
2. Go’ankayagu cidna ka yaabin mayo.
Runtii in badan ayaa nalagu canaantay inaanu arrintan dhayalsannay. Sida
ururrada bulshada ee Somaliland ee kale ayaanu rumaysannahay in sii socodka ku
dhaqanka xukunnada aan caadiga ahayn ee Guddida Nabadgelyadu uu ka soo horjeedo
distoorka dalka u yaala iyo waliba mabaadi’da guud ee xeerarka xuquuqda
aadamaha oo sharciyan khasab ah in
Xeerkii 1963 iyo Distoorkii
3.
Waxanu ognahay in jiritaanka Guddiyada Nabadgelyadu uu ka soo unkamay Xeerkii
Lam. 21 ee 26 August, 1963. Xeerkan waxa loo asaasay in uu awood siiyo ciidanka
bilays-ka iyo hay’ado kale si loo sugo nabadgelyada guud. Xeerkani waxa loo sameeyay in marka xaalad
deg-deg ahi timaaddo ay Guddiyadani haystaan awood ay ku qaadi karaan
tallaabooyin ku meel gaadh ah, iyaga oo aan marnaba ku xadgudbi Karin
distoorkii 1961kii ee Jamhuuriyaddii
Guddiyadii Nabadgelyada ee Siyaad Barre
4.
Xilligii kaligii taliyihii Mohamed Siyaad Barre (1969 - 1991) waa la baab’iyay
distoorkii 1961, waxaana la dhisay hay’addo nabadsugidda oo baaxad weyn leh,
kuna daqma xeerar badan oo umadda xakameynayey. Kuwaas waxaa ka mid ahaa
Maxkamadda Badbaadada iyo Maxakamadda
Wareegta iyo Guddiyada Nabadgelyada ee gobollada. Guddiyadii Nabadgelyada oo aan cid garsoorka
ka tirsan (sidii uu dhigayey Distoorkii 1961) dib-u-eegin dambe ku lahayn ayaa
waxaay sida badan ka koobnaan jireen Guddoomiyaha Gobolka, Taliyaha Ciidanka,
Guddoomiyaha NSS ta, Taliyaha Bilayska, Sarakiil Ciidanka, Madaxa xisbiga hanti-wadaagga,
Madaxa guulwadayaasha, iyo Madaxa Asluubta.
Guddiyadaasi waxay lahaayeen awood maxkamadeed oo xoog leh, waxanay ku
xukumayn dadka dil ama xabsi dheerba. Waxa kaloo ay guddiyadaasi ka hawlgali
jirtay heer degmo iyo heer qaran labadaba.
5. Guddiyadii Nabadgelyada ee xilligii Siyaad Barre waxay aad uga shaqayn
jireen gobollada Somaliland, sidaa daraadeed dadka reer
Guddiyada Nabadgelyada ee
6.
Kuma doodayno in Guddiyada Nabadgeylada ee
7.
Distoorka Somaliland waxa uu ku salaysanyahay qaybinta awoodaha waaxyaha
qaranka, oo kala ah Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka (eeg hordhaca
Distoorka). Waxa madaxbannaanida garsoorku isna saldhigiisu yahay fikradda ah
in waaxyaha qaranku ay kala xadeynsanyihiin oo mid kasta awood gaar oo qeexan
leeyahay. Markaas waa inaanay jirin waax
kale oo aan ahayn waaxda garsoorka oo xukun ridi karta, gaar ahaan marka
arrinto fal danbi ah ku saabsantahy oo qofka xorriyaddiisa ku waayi-karo.
Qodobka 21 ee distoorku waxa uu xoog inoo farayaa in dhamaan laamaha qaranka
(xeerdejinta, fulinta iyo garsoorka) iyo dawladaha hoose ee gobollada dalkuba
ay dhammaan ilaaliyaan xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee qofka ee ku xusan Qaybta III ee Distoorka.
8. Xukunnada aan-caadiga ahayn ee Guddiyada Nabadgelyadu waxay saameeyaan
xaquuqda distooriga ahaa, ay ka mid yihiin Qod.25aad, oo damaanad qaadaya inaan
qofna xorriyadiisa laga qaadi karin si aan Xeerarka waafaqsanayn, mna banana in
qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan dembi fraha kula jirin,
ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore. Xuquuqda kale ee distooriga ah waxa ka mid ah
Qodobka 26 (3) oo sheegaya in uu qofku danbi-laawe yahay ilaa uu ku caddaado
danbigu, Qodobka 28 (2) oo odhanaya qof waliba wuxu xaq u leeyahay inu isku
difaaco maxakamadda horteeda, iyo Qodobka 27 oo amraya in qofka maxkamad sharci
ah la soo taago muddo 48 saacadood gudahood ah laga bilaabo marka la soo qabto.
9. In kastoo Qodobka 25 (4) ee distoorku uu sheegayo in sharciyada ilaalinaya
maslaxadda qaranka, nabadgelyada dalka iyo xuquuqda dadka kale ay kahor
iman karaan xuquuqda shaqsiga, hadana
sharci caalami ah ayaa xadaynaya arrintan oo aad u yareenaya dhimidda xuquuqda.
Tusaale ahaan, Qodobka 4 ee Heshiika Caalimaga ah ee Xuquuqda Madaniga iyo Siyaasasadda (ICCPR
1966) wuxuu dhimid kasta oo xuquuqda qofka ah si adag ugu xidhayaa jiritaanka
“xaalad waqaf oo degdeg ah oo halis galinaysa nolosha waddanka oo jiritaankeeda
si cad daaha looga qaaday”, waana in dalalku qaadi karaan oo kaliya
tallaabooyin “si ay uga hor tagaan dhibaatada xaaladda degdega ah, iyadoo
talaabooyinka ay qaadayaan aanay jabinayn sharciyada caalamiga ah”. Duruufaha
caynkaas ahi kama ay jirin
Mabaadi’ida Caalamiga ah.
10.
Si cad ayuu Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland isugu xidhay xorriyaddaha iyo
xuquuqda qofka ee kafaloqaaday iyo mabaadii’da guud ee adduunka ka jira ee
damaanad qaadaya xorriyadda qofka. Awoodda xukunnada aan-caadiga ahayn ee
Guddiyada Nabadgelyadu waxay ka soo horjeedaan heshiisyadda caalimaga, kuwaas qaarkoodna
waxaanu ku qornay hoos. Gaar ahaan, qof waliba xaqbuu uleeyahay in si cadaalad
ah loo xukumo (right to a fair trial), taasina
waa mid siyaabo badan loo xadgudbi karo,
siduu dhigayo qaabka xuquqda aadamaha caalamiga ahi, waxaana ka mid ah
siyaabahaas iyadoo qofka uu xukumo hay’ad idaari ah oo aan ahayn maxkamad
madax-banaanayn oo cadaalad ku dhaqmeysa.
Xaaladdii ka horraysay 1991
11. Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, sida distoorada kale ee adduunka, ayuu
caddaynayaa in yahay xeerka ugu sarreeya xeerarka dalka, xeer kasta oon aan
isaga waafaqsanaynina uu noqonayo waxba
Go’aankii aqalka wakiilladu uu ka
gaadhay Guddida nabadgelyada
12. Golaha Wakiillada waxa ay aragtidooda ka
dhiibteen Guddida nabadgelyada oo ay ka soo saareen go’aankii ka soo baxay
taariikhdu markay ahayd 1 August, 1999 (sumad GW/KF-81/99) oo ay ku diideen
Xeerkii 1963 ee ay ku shaqeysanayeen Guddiyadani. Iyada oo go’ankaasi jiray
ayay haddana dawladdu oggolaatay inay Guddiyadani siddii hore isga shaqeystaan.
Dhawaan ayuu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ku adkaystay in Golaha Wakiilladu
oo laalay 2001kii soojeedin xil-ka-xuubin Madaxwaynihii hore ee Alla-ha-u
naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal (iyadoo eedeyntiisa ay ka mid ahayd ku dhaqanka Guddiyada Nabadgelyada ka dib
go’aankii Wakiilladu ee 1999), ay
macneheedu tahay in Guddiyadani ay
sharciyaysanyihiin. Waxa annu, si
ixtiraam ku jiro, u sheegaynaa Gudoomiyaha inay taasi qalad tahay, diidmadii uu
Goluhu diiday soojeedintii xil-ka-xuubinta Madaxwaynuhuna aanay wax raad ah ku
yeelan karin go’aankii goonida ahaa
ee Goluhu Wakiilladu ku laaleen Guddiyada Nabadgelyada, iyo Xeerkii 1963kii.
Gabagabo
13. Isku soo duub, oo runtu waxay
tegaysaa in adeegsiga la adeegsanayo xeerkii soo baxay 1963 (oo wax laga
beddelay) ee la xidhiidha Guddiyada Nabadgelyada uu yahay mid uu Golaha
Wakiilladu hore u diiday. Diidmadaasi siday noogu muuqato waxay ahayd mid sax
ah, waayu jiritaanka guddiyadani waa arrin lid ku ah distoorka qaranka.
Habdhaqanka Guddiyada Nabadgelyada ee Somaliland waxay meelo badan uga egyihiin
dikeetooyinkii uu Maxamed Siyaad Barre soo saaray, oo uma dhaqmaan sidii xitaa
Xeerkii 1963 oo isagu ku duruufaysnaa distoorkii 1961 loogu talo-galay. Inta aynu ku mashquul sanahay muran ku
saabsan sharcinimada xeerkii 1963 (murankaas oo ku dhammaan kara uun Maxkamadda
Sare oo go’an ka soo saarta), waxa noo
muuqata in cid kasta oo aan ahayn Gudoomiyaha Golaha Wakiillada iyo dawladdu ay
ku qanacsantahay in uu xeerkani uu yahay mid distoorkeena lid ku ah, kana soo
horjeedo xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda uu qofku leeyahay, iyo
heshiisyadda caalimaga ah iyo mabaadi’ida guud ee adduunka lagaga dhaqmo. Ku
dhaqanka xeerkani waxa uu dib inoo xasuusinayaa maalmihii madoobaa ee kali
taliyayaasha. Sidaa daraadeed xeerkani meel kuma laha
Talo Bixin
14.
Waxa aanu, sababaha kor ku xusan awgood, soo jeedinaynaa talooyinka soo socda:
Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa
1. Waxa aanu si sharaf leh uga codsanaynaa
Madaxwaynaha in uu soo saaro wareegto uu ku baabi’inayo awoodda ay haystaan
Guddiyada Nabadgelyada ee dadka ku qabqabanayaan kuna xukumayaan, isla markaana
uu ku caddeeyo in qofkii danbi lagu soo oogo loo mari doono si sharci ah (due
process of law) oo ah bilayska, xeer-ilaalinta iyo maxkamadaha.
2. Cid kasta oo xilligan u xidhan xukun ay ku qaaddeen Guddiyadda Nabadgelyadu,
amma in kabadan 48 saac u xidhnaa amar ka soo baxay guddiyadaasi, waa in si
dhakhso ah looga sii daayaa xabsiga. Ciddii in ka yar 48 saacadood u xidhan
amar ka soo baxay Guddiyadaas waa in isagana si dhakhso ah loo soo taagaa
maxkamad sharci ah si waafaqasan Xeerka Habka Ciqaabta ee dalka.
3. Dhammaan xubnaha Guddiyadani waa mas’uuliyiin dawladda xil u haya, waana in
la xasuusiyaa in mas’uuliyadoodu tahay ilaalinta xorriyadda asaasiga ah ee
qofka, ayna ogaadaan in Qod. 27 (9) ee distoorka iyo Qod.460 iyo 461 ee Xeerka
ciqaabtu uu dhigayo in ka xayuubinta si sharciga ka baxsan looga xayuubiya
xoriyadda shaqsi ay tahay gef lagu mutaysan karo ciqaab.
4. Haddi loo baanyahay in la soo saaro
Xeer Xasiloonidda Guud (Public Order Law),
waxa aanu soo jeedinayna in la sameeyo xeer cusub oo casri ah oo isku
miisaamaya xuquuqda qofka iyo ta bulshada, waafaqsanna xeerarka caalamiga ah,
oo loo gudbiyaa Golayaasha. Inta ka
horraysana waa lagu dhaqmi karaa
Xeerarka Ciqaabta oo ay ku jiran danbiyada la galo xasiloonidda guud.
5.
6. Waxa aynu u baahannahay in cid kasta oo mas’uul ah uu ku dhaqmo fikrad iyo
camal ah dadweynaha ayaad u shaqeysaa, had iyo jeerna ixtraama xuquuqda insaanka. Waxa aannu soo jeedinaynaa
in la gaadhay xilligii dawladda iyo Baarlamaanku ay samayn lahaayeen komishanka
Xuquuqda Aadamiga ah ee Somaliland, taas oo uu magacaabo Golaha Wakiilladu,
sannadkiina mar warbixin usoo dirta Golaha, shaqadeeduna noqondoonto ilaalinta
iyo dhiirigelinta xuquuqda aadamaha iyo inay gacan ka gaystaan wixii ka baxsan
xuquuqda insaanka ee dhaca. Dalal badan oo Africa ah ayaa le Hay’adahan oo
kale, tusaale ahaana ta inoogu dhaw waa
Baarlamaanka
7.
Shaqaynta ay shaqaynayaan Gudiyada Nabadgelyadu may duudsiyin xuquuqdii qofka
oo keliya ee waxay wax u dhimeysaa doodda aynu ku doodno inaynu nahay dal
dimuqraadi ah oo daryeela xuquuqda aadamaha. Haddii, sababtu waxay doonto ha
ahaatee, aanay dawladdu muddo laba bilood gudaheed (ilaa dhamaadka August 2004)
h ku soo saarin wareegto ay ku baabi’inayso awoodda xukun ee ay Guddiyadani,
waxa aannu ka dalbanaynaa labada Gole inay soo saaraan Xeer gaaban oo
baabi’inaya guddiyadan.
8. Waxa aanu kaloo ka codsanaynaa Baarlamaanka in ay taageeraan abuuridda iyo
shaqadda Komishanka Xuquuqda Aadamiga.
Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare
9. Waxa aanu aad u jecellnahay inaanu
aragno nidaam garsoore iyo sharci oo difaaca xuquuqda iyo xorriyadaha asaasiga
ah ee qofka, oo taabogal ku ah sharcinimada qabqabashada iyo xidhidda. Awooda soo saarida amarka sii deynta qofka si
xaq daro ah loo heysto (writ of habeus
corpus) ee ku xusan Qodobka 66aad ee Xeerka Habka Ciqaabta,
waa hubka ugu weyn ee lagaga hor iman karo qabashada ama xidhista qofa leyska
qabsado si aan sharciga qaabilsaneyn.
10. Inta la helayo wax dhammaan lagaga maarmo sharciyadii hore ee
Shacbiga Somaliland iyo hay'adaha aan
Dawliga ahayn
11. Waanu hanwaynahay dadaalka aad ugu
jirtaan taabba gelinta nabadda iyo horumarka
Waad mahadsantihiin
7 June, 2004.
LIISKA HESHIISYADDA CAALAMIGA AH EE ARRINTAN KU
SAABSAN:
1.
African
[
2.
Universal Declaration of Human
Rights adopted and
proclaimed by General Assembly resolution 217 A (III) of 10
December 1948: Articles 10 and 11(1).
3.
International
Covenant on Civil and Political Rights adopted and opened for signature,
ratification and accession by General Assembly resolution 2200A (XXI) of 16
December 1966: entry into force 23 March 1976: Specially Article 9.
4.
African
Charter on the Rights and Welfare of the Child: Article 17.
5.
Declaration
on the Rights and Responsibility of Individuals, Groups and Organs of Society
to Promote and Protect Universally Recognized Human Rights and Fundamental
Freedoms: Article 9.
6.
Basic Principles on the
7.
Rule
15, United Nations Standard Minimum Rules for the Administration of Juvenile
Justice (“
8.
Basic
Principles on the
9.
Other
Regional Human Rights Conventions, such as the European CHR.