SNM Condemnation of Security Committees: Press Release 14/07/1999

 

Jamhuuriya  14/7/99

Hargeysa (Jam)-War-murtiyeedka Guddida Fulinta ee SNM isaga oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan:

Hoggaan ummadeed oo ku shaashooba ku dhaqanka sharciga iyo talo-wadaagga isla markaana miciin mooda cabudhin, cago-jugleyn, xadhig iyo dil oo uu si fool xun ugula kaco shacbigiisa waa astaamaha gaarka ah ee bulshada caalamku ku tilmaansato nidaamka keligii-taliyaha. Waxa kale oo ay ka siman yihiin, cabudhinta saxaafadda xorta ah iyo ku-xad-gudubka xorriyadaha aasaasiga ah ee xuquuqal insaanka ee muwaadiniintiisa.


Waxa uu doonaa in dadka oo dhami isaga kelidii daacad u noqdaan. Keli-talisnimadu waxay ka dhalataa marka qofka (shakhsiga) hoggaanka talada ummadda haya qaladka loo sheegi waayo ee inta hareerihiisa tubanina ay sacab been ah u tumaan ee ay had iyo goor ku yidhaahdaan kelidaabaa sax ah, ciddii kalebana way qaldan tahay. Waxaana hubaal ah qof kasta oo inta hareero joogta qaladka ka qaban weyda in uu qofkaasi si quman u ambanayo.


Dalkeenna uma kow ah hab dhaqanka noocaas ihi haddii ay cidi ku macaashayso waxa ku macaashi nidaamkii Maxamed Siyaad Barre iyo kuwii la midka ahaa.


Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland waxa beryahan dambe isa soo taraysay in si ulakac ah la isu dhexgeliyo xilalkii hay'adda garsoorka iyo hay'ada fulinta (Judicary & Executive) ee distoorku sida cad u qeexayay kala soocnaanta waajibaadkooda kala madaxa bannaan. Tusaale; xilkii Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda oo ahaa xilka u sarreeya  hay'adda garsoorka ayaa waxa lagu wareejiyey Wasiir ka tirsan hay'adda fulinta. Waxa lama sii eegtaan ah in ay jirto guddidan nabadgelyada oo uu guddoomiye ka yahay Duqa magaalada Hargeysa, waana nasiib-darro in guddidaas nabadgelyadu ay jiri jirtey cahdigii Afweyne ayna maxkamad la'aan ku xukumi jirtay xadhig iyo dil, ay isla goobtii ka fuliso hawl noocii oo kale ah maanta. Guddidaas ku magacaaban nabadgelyada gobolka oo jiritaankeedu ka soo hor jeedo distoorka iyo shuruucda dalka u dejisan waxa loo awood siiyay in qofka muwaadinka ah ay xidhi karto muddada inta ay doonto iyada oo aan la hor geyn qofkaasi maxkamad sharci ah.

 
Ilaa haddana waxay sifahaas xabsiga loogu taxaabay muwaadiniin aan tiro yarayn. Waxaa in la xuso mudan dhacdadii 11/7/99 ee guddidaas nabadgelyadu shanta dhallinyarada ah xabsiga ugu taxaabeen kuna kala xukumeen xabsi u dhexeeya 3 bilood ilaa sannad. Arrintan xadhigga inamada oo lagu xidhiidhinayo dhacdadii 11/7/99 ay dadweynuhu ku muujiyeen guux iyo sawaxan dareenkoodii ku wajahnaa war-murtiyeedkii shir-guddoonka guurtidu ka akhriyayay fagaaraha khayriyada. Haddaba, Guddida Fulinta ee ku-meel-gaadhka ah ee SNM waxay u aragtaa in tallaabooyinkan noocaasi ahi ee xukuumaddu samaynaysaa ay toos u shabbahaan nidaamkii laga dagaalamay wax la aqbali karana aanay ahayn.

 

Waxa aannu ugu baaqaynaa xukuumadda:

1. In si dhakhso ah oodda looga qaado xorriyadoodiina loo soo celiyo dhammaan dadkii ay xukuntay Guddida Nabadgelyada gobolka Hargeysa ee hadda xabsiyada ku jira;

2. In la baabi'iyo jiritaanka Guddidaas Nabadgelyada (heer gobol iyo heer qaranba) oo aan sharciyadda dalka meelna ka waafaqsanayn.

Waxaa kale oo aanu ugu baaqaynaa hay'adda sharci-dejinta, in arrimaha kor ku xusan oo wiiqi kara nabadgelyada iyo xasiloonida dalka ay ka qaadaan tallaabada sharciga waafaqsan ee ku habboon wax ka qabashadeeda.