XUKUUMADDA
1.
WASIIRKII HORE EE ARRIMAHA
GUDAHA, ISMAACIIL AADAN CUSMAAN (HAATUF: Hargeysa June 20, 2004)
S: Waxa beryahan soo baxayey cabashooyin
ku waajahan guddiyada nabadgelyada heer degmo iyo heer gobolba oo la sheegay
inay dad xabsiyada isaga direen bal arrintaa ka waran?
J: Waa arrin runtii la buunbuuniyey, gaar ahaan mucaaradka, ma jirto gobolada
kale dad la xidh-xidho, marka laga reebo dadka khamri cabay, ama waxyaabo
dhaqan xumo ah ku kacay, ama falal nabadgelyada wax u dhimaya keena.
Dadka noocaasi ahina waxa ay u badan yihiin Caasimada JSL ee Hargeysa, waxa
markaa ku soo xigta gobolka Togdheer oo aan aad u badnayn, xukunada gudiyada
nabadgelyada ee gobolkuna Hargeysa ayey u badan yihiin, maaha xukun maxkamadeed
oo ay ridaan ee edaab ayey u diraan muddo ayaanay u diraan ilaa 3-8 bilood ah.
Dadkaasina waa kuwa khamriga caadaystay, ama dariiqyada istaaga ee wax dila ama
ku kaca xaaladaha nabadgelyo darrada ah, sida kuwa mudaharaadada bilaa sharciga
ah abaabula, waxa kale oo ka mid ah dadka caasi-waalidaynka ah oo runtii aad
iyo aad inoogu badan oo inta badan ay waalidku codsadaan in ilmahooda loo
xidho, kolkay muddo xidhnaadaan ee ay edaabtii qaataana waa la sii daayaa,
maaha xukun dheeraad ah oo lagu riday ee waa wax sharciya oo loo baahan yahay. Anigu Kama hadlayo ta ay baarlamaanku laaleen,
anigu hore waxaan u ahaa wasiirka ganacsiga imikana waxaan ahay wasiirka
arrimaha gudaha, xaalada noocaas ah edeb ahaan baa loo hayaa (Detention),
xaalado in maxkamad la geeyo sugi karayana maaha, haddii maxkamadaha la geeyo
waxaaba laga yaabaa xadhig kaa ka badan inay galabsadaan.
Taasina waa mid nabadgelyada lagu sugayo, ee marka ay
dhamaystaana waa la iska sii daayaa, ee wax xukun ahi ma jiro.
S:
Waxa jira dad xidh-xidhan oo ay guddiyada nabadgelyadu xukumeen, qaarkoodna uu
madaxweynuhu cafiyey, balse aan sii dayn sida
J: Ma jirto wax cafis ah oo uu madaxweynuhu u fidiyey Cali Qoryoolay, Cali
Qoryoolay waa dambiile ku qoran liiska dambiyada, had iyo jeer wuxuu ku kacaa
waxyaalaha nabadgelyo darrada abuura, dhawr goor oo horena waxa loo xidhay
dambiyo uu geystey, isaga oo gacantiisa ku qaata sharciga, inkasta oo aan anigu
maqnaa markii la xidhay, haddana cafis umuu fidin madaxweynuhu, waxaana la
mariyey maxkamadii sharciga ahayd xukun baanu sugayaa.
Haddii aan eegno dadkii kale ee mudaharadaadka ku kacay madaxweynuhu wuxuu
cafiyey wixii arday ahaa, intii kalena maantadan ayuu madaxweynuhu cafis u
fidiyey, had iyo jeerna guddida nabadgelyadu waxa ay qabataa waa xaalad dejin,
waana danteena, wax haatan guddida nabadgelyada u xidhanina ma jiraan, waana la
sii daayey.
2.
WASIIRKII HORE EE ARRIMAHA
GUDAHA, ISMAACIIL AADAN CUSMAAN (Awdalnews Network 30 May 2004)
S: Dad badan
baa is weydiinaya waxa sababay maxkamaddii degdegga ahayd ee lagu qaaday
dhallinyaradii maalintii xuskii 18 May mudaaharaadka samaysay oo leh arrintani
waxay dadka soo xusuusisay maxkamadihii dawladdii macangagii ee xukunkii
askarta? Haddaba hadii aad Wasiirkii Gudaha tahay arrintaasi
maxay ku dhacday?
J: Horta waxa weeyi
mudaharaadka sharcigeenu ma diidayo, laakiin waxa weeyi in uu dadkeenu
fahamsanaado wakhtiga lagu jiro iyo tayada uu u leeyahay nabadgelyada
booliskeenu. Haddaba ma la oggolaan karaa weeyi mudaharaad?
Iyada oo Dastuurkii iyo sharcigii inoogu jirta? Marka
run la doonayo jawaabtu waa maya, lamana oggolaan karo wax mudaharaad sheegta
ilaa uu booliskeenu uu awood u yeesho sida kuwa caalamka, muddaharaadada waxa
had iyo goor dhex socda rabshado iyo fidmo abuur. Haddaba waad ogtihiin in
wadankeena ay ka jirto shaqo la’aan 90% waa kow, dadka waxa u yaal guryaha
qoryo oo ma aynaan samayn in aan ka ururino ee ciidamadeena ayuun baan
qaramaynay waa laba, lacagteena iyo dahabkuba wuxu wadhan yahay suuqyada oo
malaha aqalo kiraysan oo lagu xareeyo, bacadluhuna waa la mid oo waa sida
Sunday Marketka Yurub; markaas mudaharaadka dhaca boolisku uma laha awood
waxaas oo dhan uu ku ilaaliyo; malaha tababar lagaga hortago oo hadaan gacanta
ku haynaa, qalabkii loogu talo galay; malaha sida Budhkii, gaashaankii, qiiqii
ilmada iyo wixii ay ka xidhanayeen, baabuurtii biyaha tuuraysay IWM. Markaas awood uma lihin uma aynaan bislaana mudaharaadyo wali.
Hase yeeshee, qoladani waxay ahaayeen in yar oo dan leh oo aan xataa soo
waydiisan in ay sameeyaan mudaharaad, waxayna rabeen in dawladan muddadeeda ah
shanta sano kaga dhameeyaan rabshad si aan wax horumara loo qabsan, Raadkoodana
waan la soconaa oo waa dad sheeganaya wadaniyiin, dadkana sida loo qabqabtay
maaha sidii Afweyne ee waxa jirta gudi nabadgelyo oo dadka u dirta detention ee
ma maxkamadayso, dadkuna marka ay sidaas u badan yihiin ma horgeyn karno
maxkamad oo maxkamada ayaaba kaga darnaan lahayd, waayo?Ma anaan rabin in mudo
la sii hayo oo ay bilba ku gaadhaan ee waxay ahayd asluub iyo madax jabin,
sidaas darteedna Gudida Nabadgelyadu waxay detention (xabsi gaaban) u dirtaa
dadka rabshadaha noocaasa sameeya iyo kuwa daroogada qaata iyo caasi
waalidaynka. Waanan sii daynay wixii arday ahaa, mana aha wax bilaa sharci ah
ee sharciga ayay waafaqsan tahay oo nabada ayay sugayaan waanay iman doontaa
maalin aan awood u yeelano in aan wax walba sugno oo qofkii wax sameeya
maxkamad la geeyo.
3. XEERILAALIYAHA GUUD, XUSSEYN CABDI QAALIB (Haatuf 4/06/04)
“S: Gudidan nabadgelyada ee wax xukuma ma sharci
ayaa arintaa ka waran, maadaama aad tahay xeer ilaaliyihii qaranka?
J: Dalaan gudi nabadgelyo lahayni ma jro dunida,
hadii nabadgelyada faraha laga qaado, nina jaraa’id
qori maayo, nina mucaarid ahaan maayo, nina muxaafid ahaan maayo ee nin walba
halkiisa ayaa loogu imanayaa markaa waa inay jirtaa gudi nabadgelyo oo hawsha
isku duba ridaa oo bileyska iyo hay’adii amaanka gaadhgaraysaa waa inay jirtaa.
Hadaad ujeedo dadka la hayayaasha ah iyo xukumada ay gaadhaan waxa loogu talo
galay dadka aan maxkamad waxba lagaga cadayn karin,
denbi toos ah, laakiin wixii ay sameynayeen faraha kula jira. Sida
sakhraamiinta, dadka rabashadaha sameeya, cuqaasha ama odayaasha laba qabiil
hoosta iskaga diraya, kuwii is dilayayna aan ahayn, in lagu waabiyo oo
sharcigaasi wuu jiraa, wuxuuna siinayaa sadex bilood oo xadhig ah, mar way
laaleen sharcigaa baarlamaanku, hadana waxay u ogolaadeen si dadban, waana tii
uu gudoomiyaha golaha baarlamaanku maalinta dhowayd qeexayay, wuxuuna
sharicgaasi isugu jiraa dhowr nooc, sida shirarka xisbiyada, mudaharaadka, sida
loo waydiisanayo. Markaa waa xeer loo baahan yahay in la socodsiiyo oo nin walba dani ugu jirto, haddii wax khaladni ku jiraana
golayaasha xaq ayey u leeyihiin inay wax ka bedelaan. Laakiin sharcigii ayaan
qodob keliya lu tuurayn, hadii ninka baarlamaanka ah
tooray dhuunta lagaga qabto sharci qabanayaa ma jiro, ilayn waa kaa sharcigii
laalee. Markaa waa inaad idinku ka hadashaan oo faaf
faahisaan.”
3.
WASIIRKA CADAALADDA : Shir
Jaraa’id 26/03/2007
“S: Waxaad
sheegtay in cidii xukun lagu ridayo ay Garsoorku u xilsaaran yihiin inay xukun
riddaan, waxa jirta in guddida nabadgelyadu intay iska fadhiistaan iyagoon
dastuur iyo sharci toona eegin xukun dad iskaga riddaan, oo dhowaan dad
hillibleyaal ah oo ay ku jireen haween dhowr maalmood umulannaa xabsi iskaga
xukumeen, markaa arrintaas sideed u aragtaa?
J: Horta waxa weeye guddida Nabadgelyadu bilaa xeer kuma shaqeeyaan ee xeer bay
ku shaqeeyaan, xeerkaasina muran weyn oo Somaliland in badan ka soo jiray buu
ahaa inuu sharci yahay iyo inaanu ahayn, waxaad ogtihiin in mar dawladdii
madaxweynihii hore intuu joogay in baarlamaanku maamus-ka-xayuubin ku qaaday
[impeachment] balse uu fashilmay inta la yidhi dawladdu dastuurkay ku geftay,
xeerkanaana lagu eedeeyay, doodo faro-badan baa laga qabtay, habeen dhawayd
waxaan ka qayb-galay dood jaamacadda lagaga qabtay xeerkaasi inuu sharci yahay
iyo inaanu ahayn, aqoonyahano farabadan iyo ururada xuquuqda aadamaha laysugu
keenay, halkaana doodii u dhacday inuu xeerku [guddida Nabadgelyada] sharci
yahay, loona baahan yahay, markaa xeerkaas bay ku shaqeeyaan ee bilaa xeer kuma
shaqeeyaan.