Somaliland Forum third submission on the Press Law English Version available

 

SOMALILAND FORUM

PRESS RELEASE - 9 February 2004

 

Somaliland Forum wuxuu ku baaqayaa in Sharciga Cusub ee saxaafadda dib-u-eegis lagu sameeyo saddex sannadood ka dib

 

Ururka Somaliland Forum wuxuu maanta gudbiyay talooyin dheeraad ah oo ku saabsan Xeerkii Saxaafadda ee uu Golaha Wakiilladu ansixiyay 18kii January 2004. Wuxuu ururku ku baaqayaa in saddex sannadood ka dib sida sharcigu u shaqaynayo dib-u-eegis lagu sameeyo.

 

Ururku, isaga oo dhawrkii sannadood ee ina dhaafay muddo saddex jeer ah hore u soo bandhigay diidmada uu ka qabay sharcigan, wuxuu ku hambalyaynayaa Guddoomiyaha iyo xubnaha wakiillada sidii ay ugu dheganuglaadeen taladii ay soo gudbiyeen kooxihii metalayay saxaafaddu. Sharciga ugu dambeeyay ee loo codeeyay aad buu uga duwanaa kii hore, saxaafadduna waxa ay u muujisay soo dhowayn.

 

Talooyinkiisan dambe ee uu ururka Somaliland Forum ka dhiibanayo xeerka saxaafadda wuxuu ku rajoweynyahay in sharcigu saldhig u noqdo xeer hoosaad saxaafaddu samaysato oo isku saxdo (Self regulatory code of conduct). Wuxuu ururku si diirran u soo dhowaynayaa in qaybtii adeegsiga Xeerka Ciqaabta oo lafdhabar u ahaa Xeerka Cusub ee saxaafadda laga saaray meeshii.

 

Ururka Somaliland Forum:

 

              wuxuu dareensanyahay in meelaha Xeerku gaadhsiisanyahay aad u ballaadhanyihiin, iyada oo cad in aanu saamaynayn oo keliya daabacadda iyo warbaahinta, balse uu gaadhsiisanyahay filimada, fiidyowyada, buugaagta iwm, talo ahaan wuxuu ururku soo jeedinayaa in Guddida Golaha Guurtida ee Xeerka dib u eegaysaa tixgelin ku sameeyaan in xeerku ku koobnaado Saxaafadda qoran iyo Warbaahinta oo keliya;

              wuxuu rumaysanyahay in qaabka loo qoondeeyay in liisannada loogu sameeyo warbaahintu yahay mid aan la aqbalikarin, wuxuu ku talinayaa ururku in arrintan dib loo eego;

              wuxuu ku baaqayaa in qaybaha Xeerka Ciqaabta ee saamaynaya saxaafadda (sidda danbiga sumcad-xumeynta) dib loo eego oo meesha laga saaro ama lo bedello arrimo lagu xallilo Xeerka Madaniga ah (The Civil Law);

              wuxuu soo jeedinayaa in la dejiyo Xeer Warbaahinta (Broadcasting Law) ah oo dhigaya qaab madaxbannaan oo liisammada loo siiyo idaacadaha iyo telefiishannada dar gaar loo leeyahay iyo qaar qaranku leeyahay intaba;

 

Nuqul aad u faahfaahsan oo ah talada ururka ayaa ku lifaaqan. 

 

The Somaliland Forum is an independent organisation that brings together the Somaliland Diaspora. We believe in a sovereign, prosperous and independent Somaliland. Working together with Somaliland Communities and Somaliland friends around the globe, we believe that we can contribute to the betterment and development of the Republic of Somaliland. It is said that a nation's greatest asset is its human resources - hence, the importance of the contributions of the Somaliland Diaspora.

If you have any comments, questions or suggestions to make, the SL Forum Executive Committee will be eager to hear them.

Chairman:  Kaltuun Faarah chair@somalilandforum.com

Vice-Chair:  Axmed Jaamac vice@somalilandforum.com

Secretary:  Rashiid Webi    secretary@somalilandforum.com

Treasurer: Adan Hirsi    treasurer@somalilandforum.com

Member at large: Sayid Mohamed Yusuf xubin@somalilandforum.com

 

For more information about Somaliland forum please visit our website at: www.somalilandforum.com

 

 

 

FAALLO KU SAABSAN XEERKA SAXAAFADDA EE HADDA LA ANSIXIYEY

1.    Ururka Somaliland Forum waxa ay si rasmi ah tiraba ugu yaraan sadddex mar ka faalloodeen Xeerka Saxaafadda ee Somaliland, tasoo ay si cad ay ugu muujiyeen  dareenkooda ah inay ka soo horjeedaan xeer kasta oo loo adeegsanayo in lagu xakameeyo warbaahinta madaxa banaan, siiba midda qoraalka ah (Print Media).  Xeerkaas hadda waxa ansixiyay Golaha Wakiilada 18 Janawari 2004, waxaanu dhaqan-galidoona marka  ay ansixiyaan Golaha Guurtidu, Madaxweynuhuna ogolaado.  Haddaba iminka waxaanu fursad u helnay in aanu daraasad ku samayno xeerka nuqulkiisan ugu dambeeyay, wax aanu halkan hoose ku soo gudbinayna faallo iyo talooyin ku saabsan wixii talaabo ah ee  mustaqbalka la qaadi lahaa.

2.    In kastoo mawqifkayagu yahay, sida ugu haboon ee loo badbaadin karo warbaahinta madaxa banaan, siiba, mida qoraalka ah, waxay tahay in loo maro qaab ku dhisan xeer-hoosaad hufan oo ay warbaahintu iyadu isku xukunto, ku dhaqankiisana ay kor ka ilaaliyaan guddi ka tirsan saxaafadda qoraalka iyo tan hawada (broadcasting) oo madax banaan, waxa aan soo dhoweynaynaa is-bedellada doorka ah ee lagu sameeyay nuqulkii Xeerka ee hore loo shaaciyay, waxa kaloo ammaan muddan sida  Golaha Wakiiladda ay wada tashiga kula yeesheen wakiilada Saxaafadda Somaliland.  Waxaa walaac wayni naga hayay in Xeerka nuqulkiisii hore sidii uu u qornaa loo meel marin doono, hase yeeshe waxaan ku bogaadinayanaa Guddoomiyaha iyo Wakiilada Golahaba sida ay u tix geliyeen talooyinkii xoogga lahaa ee loo soo gudbinayay.

3.  Waanu maqalnay in wakiilada Saxafaddu in si taxadir ku jiro ay u soo dhaweeyeen nuqulkan u dambeeyay ee Xeerka. inkastoo xeerkan ay ku jiraan waxyaabo u baahan in laga fiirsado, haddana waxaanu rajaynaynaa oon Eeba ka baryaynaa in Xeerka loogu dhaqmi doono si warbaahinta madax banaan xoojineysa.  Hase yeeshe, waxaan talo ku soo jeedinaynaa, in Gudiga Sharciyadda ee Golaha Wakiiladdu ay indho feejigan ku eegaan sida loogu dhaqmayo xeerkan, iyagoo la kaashanaya xubnaha Saxaafadda, ay darraasad ku saameyaan Qodobadda Xeerkan muddo saddexda sanadood gudahood ah.

4.  Waxaan aad u soo dhaweynaynaa in wixii xad gudub ku ah mas'uuliyadda saxaafadda ee ku taxan Qodobka 10aad ee Xeerkan, loo raacayo xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda ee ay iskood u samaysteen, kuna lifaaqan Xeerkan (sida ku xusan farqadda 10(6)) iyo habka  Xeerka Madaniga ah.  Faqraddan (10(6)) ee Xeerku wuxu si gaar ahaan u sheegayaa ku-xad-gudubka Qodobka 10aad oo keliya, markaas waxaan u qaadan karnaa, in arrimaha kale ee ku xusan Xeerkan, gaar ahaan Qeybta V (Qodobka 13 ilaa 26) oo iyana qeexaya anshaxa warbaahinta in ku-xad-gudubkoodu aanu dhalineyn ciqaab ee ay arrimahaas oo dhan ka mid yihiin xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda.  Waa noo muuqataa sida ku xusan Qodobka 27aad, in mas'uuliyadda ku dhaqanka iyo fulinta qodobaddaas Xeerka ay saaran tahay tifatirayaasha, waanu ku faraxsanahayna in mas'uuliyaddan marka lagu ladho qaabka xeer-hoosaadka anshaxa saxaafadda ee ku lifaaqan Xeerkan, ay saldhig adag u noqondoonto ismaamulaka saxaafadda (self regulation of the Press).

5.   Waxaanu weli aad iyo aad  uga walaacsanahay xaqiiqda ah in Xeerkani weli u fasirayo saxaafadda "abuurida hawl qabad kasta oo saameynaya maskaxda fikradaha dadweynaha oo dhan, sida: wargeysyada, joornaalada, qoraalo-xiliiyeedyo, wakaaladaha wararka, raadiyaha, telefishanka, filimada la daawado (filimo iyo fidhiyo) musawirada, kartoonada, buugaga, miyuusiga iyo wax kasta oo loogu talo galo isku xidhiidhinta wadareed (mass communication)".  Waxa kaloo aanu ku aragnay nuqulkii Xeerkan ee 1997kii in xitaa ku jireen liiskan (oo ka dib laga saaray) riwaayadaha iyo Internetka (In kastoo waxa laga yaaba in Internetka hadda  lagu tilmaami karo nooc ka mid xidhiidhinta wadareed).  Waxaanu weli aaminsan nahay in micnahan ereyga "saxaafadda" ay weli tahay  mid aad u ballaadhan oo aan loo baahnayn in lagu soo daro Xeerkan filimada, fiidhiyada, buugta iyo miyuusiga aan lagu baahin warbaahinta qoraalka ah ama hawadda.  Sida darteed waxaan ku adkeyneyna Golaha Guurtida inay bedellan qodobka 2aad  ee Xeerka, si loogu soo koobo Xeerkan warbahinta qoraalaka (Press) iyo tan hawada (Broadcasting) oo keliya.

6.    Mar haddii uu haatan Xeerku ka gudbay Wakiilada, waxaan halkan ku tilmaamaynaa meelaha ay nala tahay in Golaha Guurtidu dib uu eego.

6.1.1.           Suxufiyiintu, sida muwaadiniinta kale ayay xaq u leeyihiin inay ururro samaysan karaan sida ku xusan Qodobka 23(3)aad ee Dastuurka, waana in si cad loogu muujiyaa Qodobka 3(d) ee Xeerkan in haddii ay sidaa doonaan ay samaysan karaan urur dallad ah.

6.1.2.           In kasta oo aanan wax diidmo ah ka qabin in loo sameeyo nidaam ruqsad ah (licence) warbaahinta hawadda, waanu ka  walaacsan nahay in taa lagu daro warbaahinta qoraalka ah.  Tusaale ahaan,  Bayaanka Ururka Barwaaqo-Soorka (the Commonwealth) ee Xoriyadda Ra'yi-dhiibashadda  wuxuu caddeynaa in "wargeysyada, Joornaalada iyo qoraal-xilliyeedyada oo ay dawladdu ruqsad (licence) u samaysaa ay tahay arrin aan la aqbali karin".   Hase yeeshe waxaan rumaysan nahay, si loo yareeyo gabood-falka, in Qodobka 6aad iyo Qodobka 7(g), ee xaqiijinaya inaan hawl warbaahineed la fulin karinba haddii aan lays diiwaan galin, halkaas lagu daro faqrad ku adkaynaysa Xeer-Ilaaliyaha, maadaama uu yahay diiwaangeliyaha, in ay khasab ku tahay in muddo aan ka badaneyn 30 maalmood marka laga soo tiriyo maalinta ay soo gaadhaan codsiga isdiiwaangelinta iyo shuruudaha la xidhiidha ee ku taxan Qodobka 7aad ee Xeerka, uu diiwaangeliyo warbaahinta arrintan soo dalbatay. Isla markaasna, haddii Xeer-Ilaaliyuhu aanu dhameystrin diiwaangelintan lasoo dalbaday 30ka cisho marka ay dhamaadeen, in loo qaato in warbaahintaas dalabka keensatay in ay diiwaanka gashay oo sharciyaysanatahay.  (Arrintan waxaanu ka soo xiganay Xeerka Saxaafadda 1992 ee dalka Ethiopia - Qodobkiisa 7(2)aad). In kastoo sharciga idaariga ah ee Somaliland qeexayo in go'aanada xildhibaanadda dawladda ay gaadhaan looga dacwoon karo Maxkamadda Sare, waxaanu ku daraynaa talada, si loo tuhun biixiyo, in farqad lagu kordhiyo Qodobka 6aad, taasoo odhanaysa haddii diiwaan galinta cid loo diido, waxay dacwad u gudbisan karaan Maxkamadda Sare.

6.1.3.           Qddobka 10(7) wuxuu tilmaamayaa waajibka ka saaran saxaafaddu in ay bixiso lacagta ruqsada (licence fee).  Sida uu hadda u qoran yahay Xeerku, hawsha diiwaan gelinta ee ku qoran Qodobada 6aad & 7aad kuma xidhna bixinta lacagtan, markaa annagu waxaan u fahamnay bixin la'aanteedu in aanay wax u dhimayn diiwaan gelinta saxaafadda ay khusayso, laakin lacagtaas loo raadin doono sida la dhiganta deymaha kale (eeg farqada
ka horeeysa - 10(6) - oo xaqiijinaya wixii xad-gudub ah ee lagula kaco Qodobka 10 aad waxaa loola dhaqmi doonaa si waafaqsan qaabka anshaxa iyo Xeerka Madaniga ah).  Arrintani waxay u baahantahay in la cadeeyo, annaguna waxaan ku boorinaynaa in la yareeyo lacagta laga qaadi doono ruqsada  warbaahinta qoraalka ah (Print media), oo aanay noqon wax aan la garawsan karin oo xakameynaya xorriyadda ra'yi dhiibashada.

6.1.4.           Waxaan la yaaban nahay laba qodob oo ku saabsan sirta ciidamadda  (faqradaha 3 & 4 ee Qodobka 10aad) oo markii ugu horeysay lagu soo daray nuqulkan Xeerka.  Inkastoo aanu fahamsanahay xurguftan hadda ka aloosan Beriga Somaliland oo laga yaabo arrintan meesha keenay, waxaan ka digaynaa in xeer si deg deg ah lagu meel mariyo, anagoo tilmaamaynaa in qodobo ku filan ka hor taga arrimahaas ku jiraan Xeerka Ciqaabta (eeg Qodobada 199 ilaa 205 oo ku saabsan sirta ciidmadda iyo qaranka), oo
suxufiyiintu kala simanyihiin qof kasta oo kale.

7.  Guud ahaan, waxaan aad u soo dhaweynaynaa in waxa alla wixii qodobo ciqaab ku oogaya saxaafadda ee ku jiray nuquladii hore ee Xeerkan, hadda laga wada saaray. Waxaanu  mar hore soo jeedinay in si deg deg ah looga saaro qodobadda doorka ah ee ku jira Xeerka Ciqaabta, kuna noqon kara dhuun-gal madax banaanida saxaafadda. In kasta oo Qodobka 31aad ee Xeerkan Saxaafadda uu tirtirayo sharci kasta oo ka hor imanaya,  bal weynu arkidoona habka loo dhaqan geliyo Xeerkan  oo caddeynya  xoriyadda saxaafadda, diidana wax kast oo cadaadinaya amaba faafreebin (sida uu ugu nuuxnuuxsaday Qodobka 3aad) iyo in la adeegsankaro Xeerkan marka  eedmo ku xusan Xeerka Ciqaabta saxaafadda lagu oogo. Tusaale ahaan, Xeerka Saxaafaddu wuxuu si cad u qeexayaa qodobkiisa 10(7) in arrinta  ruqsada (licence) bixinta loo cuskan doono xeerka madaniga, hase yeeshe  Qodobka 516 ee Xeerka Ciqaabta wuxu fal dambiyeed ka dhigaya qeybinta iyo baahinta warqado aan loo haysan ogolaansho ama ruqsad.  Xeerka Ciqaabtu, waxa uu si siman u saameynaya saxaafadda iyo dadweynahaba, kasoo aragtidayada ay nala tahay in si dhakhso dib loogu noqdo Xeerka Ciqaabta oo la soo yareeyo wixii xakameyn kara xorriyadda  saxaafadda ee aan loo baahneyn. Waxaan soo bandhigi lahayn ayadoo iskaba kooban, qodobada aan is leenahay waxay lid ku yihiin xoriyadda saxaafadda, kuwaaso aanu qabno in ama la tirtiro ama loo bedello xagga xeerka madaniga:

 

  • Qodobka 451: Caytanka -Wax u dhimista mudnaanta iyo sharafta qof
    lala hor yimaad, ama la qoro ama sawir ahaan lagu gaadhsiiyo.
  • Qodobka 269: Caytan loo gaysto hay'ad siyaasadeed, maamul ama
    maxakamad, amase wakiilladooda aygoo goob joog ah, ama qoraal ahaan, ama
    sawir lagu gaadhsiiyo.
  • Qodobka 452:  Sumcad Xumayn - in dhaawac loo geysto maamuska ama
    sumcadda qof kale (ciqaabtu waa laba-jibaar haddii saxaafadda lagu faafiyo),
    in kasto ay banaantahy run sheegid difaac lag dhigto.
  • Qodobka 328: Faafinta war been abuur ah, la buunbuuniyay, war dhiilo oo khalkhal gelin kara degganaanshaha bulshada.
  • Qodobka 220: Wax u dhimista sharafta Madaxa Qaranka, kasoo aanu la wadaagin Madaxa Dawladdu - tani waa arrin aan hadda saameyn  Somaliland oo labadda jago distoorkeena qof kaliyi hayo.

8.    Waxa kale oo aan ku boorinaynaa dawladda Somaliland inay diyaariso sida ugu dhakhsaha badan xeer ku saabsan warbaahinta hawadda (Broadcasting Bill) oo ruqsad siinaya, fasaxayana warbaahinta idaacadaha iyo telefiishinada ay leeyahiin xubnaha dadweynaha amaba qaranku.  Waxaan intaas ku daraynaa in Xeerku abaabula nidaam ruqsad bixin oo ka madax banaan dawladda iyo laamaheeda,  waana in idaacadaha ama telfiishin oo uu qaranku leeyhay ay maamulaan guddiyo  ka madax banaan Dawladda iyo Golayaasha Qaranka.

  9.   Soo gabagabeyn, waxaan soo dhaweynaynaa waajibka Qodobka 30(2) ee
Xeerku Dawladda ka saaray Xukuumadda in ay dhiiri geliso oo taakuleyso intii suura gal ah saxaafadda, waxaanan ka filaynaa in ay hadda so dejiso barnaamijka ay ku fulinayso hawshaas.


URURKA SOMALIAND FORUM
9 February 2004