Somaliland Forum Second Submission on the Press Bill – Appeal To The
Honourable Members Of The Somaliland House Of Representatives not pass the
Press Bill
Baaq:
Mudanayaasha Sharafta Leh Ee Golaha Wakiillada Somaliland Yaanay Ansixin Xeerka
Saxaafadda
Somaliland Forum —
--- — 10 January, 2004
Waxa aanu ka warqabnaa in uu idin horyaallo Xeerkii Saxaafadda kaas oo dhawr
jeer la idin horkeenay marka laga soo bilaabo 1997. Waxanannu
ogsoonnahay in markan la damacsanyahay in ansixintiisa loo codeeyo Sabtidan ama
dhowaan.
Annago laba jeer oo hore idiin soo gudbinnay aragtidayada ku saabsan
Xeerkan, waxaanan si faahfaahsan u soo qornay Bishii July 2003 sababaha aanu ku
diidannahay Xeerkan. Wax bedellaad ah oo micno leh weli laguma sameyn Xeerkan,
waxaanay weliba wararka qaar sheegayaan in nuqulkii ugu horreeyay ee 1997 kii
dib la idiin hor keeni doono si loogu codeeyo.
Sidaas awgeed:
- Waxa aanu
Xubnaha Golaha si aad ah ugu baaqeynaa in ay is hortaagaan Xeerkan oo ah
mid aan hagaagsaneyn. Sida aanu dhowr jeer oo hore u nidhi, Xeerkani maaha
mid ku haboon diimuqraadiyadeena curdinka ah.
- Waxa aanu
idinka codsanaynaa in aan Xeerkan oo saameynaya xorriyad asaasi ah aan
lagu ansixin tiro yar oo xubnaha Golaha ka mid ah.
- Nooma
muuqata wax inagu cadaadinaya hadda in Xeerkan, oo aragtidiisa aad loogu
kala duwanyahay, si deg deg ah loo ansixiyo. Waxa aanu idinka codsaneynaa in dib looga fikiro sida loo dajinayo
xeer-nidaamiye waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee lagu dhaqmo.
- Waxa aanu
Dawladda iyo Golaha Wakiillada u soo jeedineynaa in ahmiyaddu noqoto
dhiirigelinta iyo kobcinta saxaafaddeena curdinka ah si ay u xoogsato oo
ku barbaarto hab diimuqraadi ah oo qiimeeya xuquuqda iyo waajibaadkaba.
Sidaa awgeed, fadlan, haddii la soo jeediyo in aydun cod
ka bixisaan Xeerkan, waxa aanu idinka codsanaynaa in codkiino noqdo MAYA.
Si fahfaahin ah, waxa aanu halkan hoos ku lifaaqnay
sababihii aanu ku diidnay Xeerkan.
Wa Billaahi Tawfiiq
The Somaliland Forum is an independent organisation that brings together the
Somaliland Diaspora. We believe in a sovereign, prosperous and independent Somaliland. Working together with Somaliland Communities
and, Somaliland friends around the globe, we believe that we can contribute to
the betterment and development of the Republic of Somaliland.
It is said that a nation's greatest asset is its human resources. Hence, the importance of the contributions of the Somaliland
Diaspora."
Should you have any comments, questions or suggestions to make, the SL Forum
Executive Committee will be eager to hear them.
Chairman:
|
|
Kaltuun Faarah
|
chair@somalilandforum.com
|
|
Vice-Chair:
|
|
Axmed Jaamac
|
vice@somalilandforum.com
|
|
Secretary:
|
|
Rashiid Webi
|
secretary@somalilandforum.com
|
|
Treasurer:
|
|
Adan Hirsi
|
treasurer@somalilandforum.com
|
|
Member
at large:
|
|
Sayid Mohamed
Yusuf
|
xubin@somalilandforum.com
|
For more information about Somaliland
forum please visit our website at: http://www.somalilandforum.com
SOMALILAND FORUM: WARQAD
FURAN OO KU SAABAN XEERKA SAXAAFADDA (oo la diray July 2003)
- Waxaanu ka
war helnay in Golaha Wakiilada ee Somaliland
ay imika gacanta ku hayaan dooda Xeerka Saxaafadda ee waddanka oo ay
dowladu dhowaan soo jeedisay. Hadaba anagoo indhaha ku hayna raadka
balaadhan ee Xeerkani ku yeelan karo xaquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta
Somaliland oo uu dastuurka Qaranku uu kafaalo qaatay, waxaa lagama maarmaan
noola muuqatay inaanu si cad ugu soo bandhigno Dowladda, Baarlamaanka iyo
dhamaan ummadada reer Soomaaliland sida aanu Urur ahaan u aragno Xeerkan
dowladu ay usoo gudbisay Golaha Wakiilada.
Somaliland Forum ma aha urur siyaasi ah. Ujeedadayadda ugu waynina waxay
tahay sidii loo xoojin lahaa habka dowladnimo oo ku salaysan
dimoqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha, aragtidayada arrintan ku
saabsanina waxay ku qotontaa horumarinta iyo sii xoojinta dimiqraadiyada
dalkeena ka hana qaaday.
Saxaafad xor ah oo madax banaani waxay saldhig lagama maarmaam ah u tahay
horumarinta dimoqoraadiyadda waddanka. Sidaas darted, waxaanu aad iyo aad
uga xunahay xeer saxaafadeedkii Golaha Wakiiladu ay diideen laba goor oo
hore oo ay immika dowladdu mar saddexaad dib ugu soo celisay iyada oon
sida aanu la socono aan wax is bedel ah oo muuqda lagu samayn xeerkaasi.
Xeerarkan warfaafinta ee ay dowladu soo diyaarisay waxa uu ku salaysan
yahay kii dowladda Itoobiya ay sameysay sanadkii 1992-kii. Xeerkaas oo si
xoog leh loo diiday aadna looga soo hor jeestay. Waxa xeerkaasu ahaa mid
si aan cadaalad iyo sharci ku dhisnayn u xakameynaya saxaafadda. Waxay
anaga noola muuqataa inaanay hagaagsanayn in dalkeena laga dhaqan galiyo
xeerkaas oo ah mid qalafsan, khalad wayna ay tahay in waddankeena laga
hirgaliyo Xeerkan oo ka mid kuwa uga xun ee dunida ka jira.
- Guud
ahaan, anagoo xasuusan dhibaatooyinka haysta saxaafaddeena da'da yare ee
hadda ka soo koraysa waddankeena, ogsoona sida ay muhiim u tahay in aynu
xoojino arrimaha xaqqa muwaadiniinto u leeyihiin ogaanshaha macluumaadka
(right to freedom of information), xaqa jawaab celinta (right to reply)
iyo kor-u-qaadidda heerarka ansahaxa (ethical standards) saxaafadda xorta
ah, waxay anaga noola muuqataa in Xeerkani aanu ahayn mid arrimahaas
xoojinyaa. Waxaa noo cad in Xeerkani in uu yahay mid baabi'inkara
saxaafadeena curdinka ah, oo kana soo horjeedda Qodobka 32aad ee Dastuurka
Qaranka iyo xuquuqda caalimiga. Sidaa darteed waxaanu kula talinaynaa
Golaha Wakiiladu in ay diidaan Xeerkan la soo hordhigay.
- Qoddobka
2aad ee Xeerkani waxaa uu sheegayaa in Xeerkani anu ku ekeen saxaafadda
qoran, ee uu u xakamynayu "hawlqabad kasta oo saamaynaya maskaxka iyo
fikradaha dadweynaha" sida wakaaladaha wararka, raadiyowga,
telefishanka, filimka, fiidiyowga, sawiradda, cartoonka, buugaagta,
muyuusiga, iyo wax kasta oo loogu talo-galay isku xidhiidhinta wadareed
(mass communication). Waxaanu rumaysanahay in Xeerkani yahay mid aad u
balaadhan oo haddi aynu rabno in aynu nidaamino waxyaalahaas, waa in aynu
sharciyou u gaar ah u samaynaa. Waxaa hadda wadanku si aad ah uu ugu
baahan yahay xeer ku saabsan war baahinta cirka (broadcasting) si loo
xorayo Idaacadaha iyo Telifishinada, lagan dhigo Idaacadaha dawladu
leedahay qaar ka madax banaan dawlada. Uma baahnin hadda in aynu sii
kordhino xakameynta fara badan ee hadanba lagu hayo xaqqa ra'yi
dhiibashada.
- Qodobka
3aad ee Xeerkani wuxuu cadaynayaa sida ay laga marmaan u tahay in la
sharfo, lana ixtiraamo xornimadda saxaaffadda Somaliland. Nasiib daro, Xeerka intiisa danbe waxa
uu tilmaamayaa arrimo taas ku lid ah. Inkastoo Xeerkani uu soo jeedinayo
ciqaabo faro badan oo lagu qaaadi karo saxaafadda, hadana waxba kama sheegayo sidii danbi
loogu soo oogi lahaa cidii xad gudub ku samaysa xoriyadda saxaafadda iyo
xuquuqda ama xornimada suxufiyiintaba.
- Qodobka
4aad waxaa uu isku dayayaa inuu soo koobo ujeedada guud ee saxaafadda.
Waxay anaga nala tahay inaan loo baahnayn in sharci lagu xaqiijiyo
ujeedada saxaafadda, maadaama aan si fudud loo soo koobi karin arintaas. Sida aynu ka warhayno saxaafaddu waxay
doorar badan ka qaadataa kobcinta iyo horumarinta qaabka siyaasaddeed ee
dimoqoraadiga ah. Sidaa darteed ma haboona in la samaysto liis kooban oo
hadhow la odhan karo cidii wax liiskaa aan ku jirin samaysa talaabo sharci
ah ayaa laga qaadi doonaa.
- Qodobka
6aad ee Xeerkani waxaa uu odhanayaa waa in saxaafadda oo dhan laga diiwaan
galiyaa Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud iyo Wasaaradda War faafinta, waana
in dhamaan saxaafada hadda waddanka ka jirta ay 90 cisho gudahood lagu
diwaan galiyo. Diiwaan galintaasna waa in la cusboonaysiiya sanad walba.
Taasna waxa ka sii xun in la yadhi ciddii aan is diwaangelin, hawl
suxifinnimo ma gali karaan, go'aanada diiwaangalintana waxaa gownayaa
xildhibaanadda Dawladda. Inksata oo ay sharciga caalamiga uu aqbali karo
diiwaangelinta saxaafadda marka arrintaas uu gacanta ku hayo hay'ad
dawladda ka madax banaaan, waxay anaga noola muuqataa in diiwaangalintan
caynka ahi ay tahay mid xakameynaya saxaafada oo sharciyan loo arkay in uu
ka soo hor jeeddu xaqqa ra'yi dhiibashada.
- Taas waxa
raacsan in Qodobka 15 ee Xeerkani uu awood u siinayaa Xeer Ilaaliyaha Guud
inuu joojiyo wax-soo-saarka saxaafad nooc kastaba, haddii uu tuhmo inay
faafinayaan warar isagu ay latahay sharciga ma waafaqasana. Inkastoo
Xeerku odhanayo Maxkamadda Sare (ama Maxkamadda Rafcaanka) waa in la
geeyaa arintan 24 saacadood gudahood, haddana anaga waxay nala tahay in
awoodan weyn ee la siinayo xildhidhibaan dawladeed ay aad u qalafsantahy,
ayna haboon tahay in la diido dhaqan galintiisa. Xeerka Ciqaabta ayey
haddanba ku jiraan dambiyo faro badan oo lagu oogi karo saxaafada,
sharcigani wuxu ugu daraya awood weyn oo kale oo uu Xeer Ilaaliyuhu ku
xaarantimeeyo suxufadda, int aanay waxba soo saarin.
- Qodabadda
Xeerkan ee ku saabsan awooda saxaafaddu u leedahay inay gacan furan u
helaan wararka ay doonayaan maaha qaar muran ka iman karo, waanan
raacsanahay waajibaadka la saaray saraakiisha dowladda (Qodobka 19aad) si
ay u gacmo furan ula sheeqeeyaan xubnaha saxaafadda. Waxaanay anaga noola
muuqataa inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo xeer dowladeed oo u
ogolaanaya inay saxaafadda loo furo albaabadda dawladda, ee heer qaran iyo
heer degaanba ah.
- Qodobka
8aad, fraqadda (5aad) wuxuu saxaafadda ka hor joogsanayaa inay fidiyaan
warar loo arki karo inay ka soo hor jeedaan diinta iyo shareecadda
islaamka iyo wararka loo arki karo inay yihiin dhinac gaar ka-soo-jeeda
ama ah qaar la abuuray. Waano fahamsanahy ka hortaga arrimaha si cad oo
aan muran laheyn uga soo horjeeda diinta islaamka, laakiin qodobaddan
Xeerkan maaha mid cad, waxaanu keeni kara in si
khalad ah loo fasiri karo. Tan kale, anaga nalama hagaagsana in la
mamnuuco inay saxaafadda qaarkeed muujin karaan in ay taageero siinayaan
fikrado gaar ah. Iyada oo aanu fahamsanahay in ay daruuri tahay in
warbaaxinto ay noqoto mid wararka ay tabisa yihiin qaar miisaan iyo
hubsiimo leh, waxa isweydiin leh wa ayo cidda ku
haboon in ay go'aan ka gaadhi karto in war la tabiyay in uu yahay mid la
abuuray iyo in kale. Tan kale, ma aragno wax khalad ah in ay lu jirto marka macluumaad gaar ah oo cabirayaa ra'yi
gooni (editorials and opinions).
- Arimaha ku
saabsan inay saxaafaddu soo bandhigto ilaha ay wararkooda ka soo xigteen,
waxay anaga nala tahay in taas ay go'aanmin karto maxkamad oo kali ah,
laakin waxaanu ka warwarsanahy in la soojeediyo in lagu qasbo saxaafad in
ay sheegaan ilaha warakooda marka lagu tuhmo in ay danbi ka galeen dawlada
ama qof gaar ah sida uu dhigayo qodobka 8(6). Anagu waxaanu aaminasanahay
qodobka odhanaya "hay'adaha sharciga" ee aan Maxkamaddaha ahayn
way weydiin karaan tifatiraha in uu sheegu ilaha warkiisa inay xadgudub ku
tahay xaqa saxaafaddu xaq u leedahay in aan lagu qasbin in ay magacaabaan
ilahooda.
- Qodobka
10aad wuxuu saxaafadda waajib kaga dhigayaa in aanay faafin war loo arki
karo fal-dambiyeed ku lid ah nabadgelyada iyo xasilloonida, ama cay ku ah
shaqsi/beel, ama iska hor keeni kara beelo,
gobolo, ama xumayn kara xidhiidhka aynu la leenahay waddamadda jaarka
inala ah. Waxaa Xeerka Ciqaabta ku yaala qodobo badan oo arrimahan ku
saabsan. Sidaa darteed anagga nalama hagaagsana in dambiyo kale la soo
kordhiyo. Taas waxaanu ku dareynaaba in hadda loo baahanyahy in dib loo
eego Xeerka Ciqaabta oo laga saaro wax allaale wixii cunaqabateynya
xorriyadda saxaafada. Mabaadiii'da iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha aad iyo
aad ayey u horumareyn tan iyo intii Xeerka Ciqaabta la qoray sanadihii
Lixdameeyadii, laakin uu saldhig u ahaa kii Talyaaniga oo la soo saaray
sanadiihii 1930kii. Tusaale ahaan waxa ka mid ah qodobada 451, iyo 452 ee
Xeerka Ciqaabto oo ku saabsan cayda (insult), iyo sumcad dhawaca
(defamation), iyo qodobada badan ee ku saabsan danbiyada laga gali karo
xukuumada iyo masuuliyiinteeda oo uu ku jiraba Qodobka 268 oo danbi ka
dhigaya cayda xildhibaanada dawladda. Addunka waa laysku raacay hadda in
haddii saxaafado ay ku xadgudubto sumcada qof in aanay arrintaasi noqon
mid loo cuskado xeerarka ciqaabata oo keeni kara
xadhig ama ganaax ee ay noqoto mid xeeraka madaniga ah (civil laws) lagu
xallilo.
- Waxaanu
rumaysanahay oo nala hagaagsan in liistadan dheer ee ku saabsan dhaqanka
saxaafada (Qodobka 13aad) loo baahnayn in lagu daro xeer dambi waxaas uu
dhan ka dhigya. Waxaanu doorbidaynaa in saxaafaddu iskeed u daryeeli karto
anshaxeeda iyo dhanqankeeda, dalkeenuna imika leeyhay ururo saxaafadeed oo
arrimahaas qaban kara, korna u qaadidoona heerka
dhaqankooda.
- Waxaa wax
aad looga naxo lagana xumaado ah in qodobka 17aad ee Xeerkani soo
jeedinayo sidii loo samayn lahaa guddi faaf-reeb "censorship" ku
samaysa warbaahinta waddanka soo gasha. Guddigaas faaf-reebka oo ka
koobnaan doonta saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda
Diinta, tan Dibedda iyo xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud. Guddigaasi waxay
awood wayn u yeelan doontaa diidida ama ogolaanshaha soo galinta waddanka
saxaafadda waddamo kale ka iminaysa. Siday anaga noola muuqato,
abuuritaanka guddi awood caynkaasi lihi waa tii dhici jirtay xiligii
dalkeena uu ka jiray nidaamkii kaligii-taliska ahaa, lagamana heli karo
kaas oo kale dunida xorta ah. Faqraddani kuma jirin Xeerkan markii hore ee
lasoo bandhigay, mid la simanina kuma jirto xita Xeerka Itoobiyanka.
Sharciga caalimaga ah ee xuquuqda ra'yi dhiibashada, kuma eka dhiibashadda
aara'da oo keliya ah ee wuxu kaloo kafaalo qaada helista aara'da.
- Sidaanu
hore u cadaynay, aad iyo aad baanu ugu hor jeednaa in la ganaaxo
saxaafadda sida qodobka 20aad ee Xeerkani odhanayo. Waxay anaga noola
muuqataa in qodobkani aanu hagaagsaneen oo yahay mid wax u dhimaya madax
banaanida saxaafadda. Waxaa kale oo aanu ka hor jeednaa qodobka 20(6) ee
odhanayaa waxaa suxufiyiinta shaqaddooda laga fadhiisin karaa muddo saddex
ilaa lix bilood ah.
- Waxaanu
idin xusuusinaynaa in Somaliland ay aqbashay sharciyadda caalamiga ah ee
ku saabsan xorriyada ra'yi dhiibashada, gaar ahaan Qodobka 19aad ee Baaqa
Caalimiga ah ee Xuquuqda Aadamiga, iyo ka caalimga ku saabsan xuquuqda
siyaasada iyo madaniga, iyo kan Afrikaanka ee ku saabsan
xuquuda aadimiga ah. Sidaas darteed waxaanu rumaysanahay in xakamaynta
saxaafadda Somaliland waxay xadgudub ku tahay xuquuqda saxafiyiinta,
waxayna tahay diidmo loo diidayo in ummadda reer Somaliland
ay helaan ama fidiyaan wararka ay xaqa u leeyihiin oo ay isticmaalaan
warbaahintooda.
- Ugu
danbayn, waxaanu rajaynaynaa inaanu aragno Dowlada Somaliland oo
horumarinaysa xornimadda iyo madax banaanida saxaafadda, oo aanay ku
mashquulsanaan cabudinta iyo deminta iftiinka saxaafada ee gayigeena ka
hana qaaday. Waxaana aanu ugu baaqaynaa Mudanayaasha Golaha Wakiiladu ee
sharaft leh inay diidaan isna hortaagaan Xeerkan cusub ee saxaafada.
Somaliland Forum