War-Saxaafadeed
SF/CLC/07/05 Taarikh:
Maxkamadda
Distooriga ahi Miyaanay u Sinnayn Muwaadinka Sharcidarrada u Xidhan iyo Madaxweynuhu?
Maalintii Sabtidii ee bisha
Nasiib darro,
Gudoomiyaha Maxkamadda Distooriga ee
Guddiyadda Nabadgelyadda
ee dhibanayaasha dacwadan wataa xidheen waxay maroorsadeen
awoodaha Waaxda Garsoorka marka ay dadka xabsiga u taxaabaan.
Tani waa arrin muddo
badan ummadda
Dhibanayaashan Maxkamadda
soo adeegtay waxay ku xidhan
yihiin xabsiyadda
Waxaa markaas la yaab ah in Maxkamaddii maalintii dhaweyd Madaxweynaha Somaliland sida deg dega uga aqbashay
kiiskii ku saabsana Go’aankii Baarlamanka oo ay ku aqbashay Qodobaka
guud ee 98aad ee Distoorka oo
ku saabsan awooda garsoorka, ay maanta diido in ay qabato (iskabadaa in ay soo saarto go’aan ogalaasho
ama diidmo ahba) dacwad dhibanayaal
xuquuqdooda distoorka u baahan in loo fasiro. Fiiro gaar ah waxaa mudan:
a)
In dhibanaayaashani ay xaq u leeyahiin in ay furtaan dacwad sida uu
dhigayo Qodobka 28(1): “Qof kasta wuxu xaq
u leeyahay in uu dacwad xeerka waafaqsan
ka furto maxkamadda awooda u leh”;
b)
in dacwadani ay tahay mid distoori ah oo dhibanaayaashu ay ku dacwoonayaan in xuquudoodii distooriga ahaa ay ku xadgudubeen Gudiyaddan dawladu dhisatay oo xubnahooda
tirada badani ay yihiin waaxda fulinta;
c)
in dhamaan awoodahan Gudiyaduna ay yihiin wax lid ku ah Distoorka;
d)
in Maxkamadani ay tahay ta gaarka u ah “muran kasta oo
la xidhidhiidha waafaqsnaanta
Distoorka” (Q.98(1)(j));
e)
in hawsha garsoorka ay ka mid tahay “u-gar-naqa ka dhaxeya Dawladda iyo dadka”
sida ku xusan
Q.97aad ee Distoorka.
Ururka Shuro-Net oo ah urur sharciyeesan
oo u shaqeeya xuquuqda aadamiga ah oo ah danta guud
iyo dan shaqadooda
u khaasi waxay arkeen in arrintani ay saameyso dad faro badan oo xabsiyadda
Ururka Somaliland Forum oo muddo badanba
soo jeedineyey in awwoodahan garsoorka ay Gudiyadda Nabadgelayadda maroorsadeen la baabi’yo aad iyo aad
ayuu u taageersanyahay dacwadan Maxkamada la keenay, si buuxdana
wuxuu ugu garab taagan yahay
Ururka Shur-Net. Ururku wuxu cambaarenaya sida foosha xun
ee furintaanka dacwada ilaa hadda
loola dhaqmay, iyo xadhigii gaaban
ee Gudoomiyaha Shuro-Net, waanu ku taageeraya dhibanayaasha
iyo Shuro-Net in ay dib-ugu-celiyaan dacwaddan
Maxkamada si deg deg ah.
Ururka Somaliland Forum wuxu ku adkeynayaa
Maxkamadda Distooriga in ay
ka fakarto arrintan oo si gacmo
furan dhibanyaashan dacwadooda
u qabato, kana fadhiisato, go’aan sharciyeysanna ka gaadho.
Xitaa haddii ay Maxkamadu qabto in ay jiraan dhaliilo habka dacwadda, waa in ay soo saarta qoraal
si loo hagaajiyo.
Dad badan ayaa u xidhan Gudiyaddan Nabadgelyada oo dacwadani waxa ay fursad u noqoneysaa Maxkamadu in ay go’aan saameyn kara
dad fara badan halkaas ka gaadho.
Maxkamadani waxay
hore bishii Juun 2004 kasoo jawaabi weyday dacwad qoraal aha oo ku saabsan
Gudiyadda Nabadgelyadda oo ay u soo gudbiyeen
labadda xisbi ee KULMIYE iyo UCID. Haddii ay Maxkamaddan
Uga dambeyn, Ururka Somaliland Forum mar kale ayuu
ka codsanayaa Dawladda
Wabillaahi Tawfiiq
Ururka Somaliland Forum
Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan
oo ay isku bahaysteen qurba-joog reer
Wixii faahfaahin
ah ee arrintan ku saabsan, fadlan
la soo xidhiidh Gudiga Distoorka iyo Xeerarka ee
Somaliland Forum: Ibrahim
Gudidda Dhexe
ee Somaliland Forum:
1. Chairman: Rashid
Garuf -US, Chairman@somalilandforum.com
2. Vice Chair: Abdirahman
M Magan,
3. Secretary: Abdinasir
Haibe -
4. Treasurer: Ismail Awad
-
5. Member at Large: Ahmed
Jama -
Somaliland
Forum Website: http://www.somalilandforum.org