"Waxay Shuro Net iyo S/Land forum go'aansanay in Maxkamada sare aanu u gudbino kiis ku saabsan baabi'inta gudida nabadgelyadda...weligay ma maqlin Maxkamad tidhaahda ma qabanayo kiis, waa wax taariikhda kow ku ah." Ururada xuquuqda aadaha

 

Hargeysa (Ogaal) 13/05/07- Guddoomiyaha Dallada Xuquuqal-Insaanka Somaliland ee Shuro Net Samsam Cabdi Aadan iyo koox weriyayaal ah oo ka mid ah Warbaahinta maxalliga ah, ayaa shalay waqti kooban ku xidhnaa Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

 

Amarka xadhiga oo sida la sheegay uu bixiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa waxa uu ka dambeeyay ka dib markii masuuliyiinta Dallada Shuro Net ay qabteen shirjaraa'id, oo ay ku sheegayeen dacwad dastuuri ah oo ka dhan ah Guddida nabadgelyada oo ay geeyeen Maxkamadda Distooriga. Kaas oo sida ay sheegeen ay diiday Maxkamaddu inay ka qabato.

 

Xadhiga Guddoomiyaha iyo kooxda weriyayaasha ah ka hor, ayaa shirjaraa'id oo ay xubnaha Shuro Net kaga warbixiyeen Kiiska la diiday qabashadiisa ee ay u gudbiyeen Maxkamadda sare iyo sababta ku kalliftay inay Kiiska ah in la baabiiyo guddiga nabadgelyada soo oogaan.

 

"Muddo dheer ayaa ururada xuquuqal Insaanka iyo Somaliland Forum, dhibaatada iyo sharci darada ay samaynayaan gudiga nabadgelyada, lagaga soo hadlayay, waxay soo gaadhay maanta in layidhaahdo hadalkii haloo bedelo waxqabad. Somaliland Forum dhawaan waxay ka soo saareen, baaqyo aad u fara badan, baaqyadaas oo ay u direen Baarlamanka, Madaxweynaha iyo Maxkamadahaba. Ugu dambayn waxaanu wada qaadanay haddaanu nahay ururada Xuquuqal Insaanka Somaliland, oo marka la soo gaabiyo layidhaa Shuro Net, iyo Somaliland Forum oo ay ku midoobeen qurba jooga Somaliland iyo ururka xuquuqal Insaanka Somaliland, inay arrintan iska kaashadaan oo ay si wada jira Maxkamadda Somaliland ay ugu gudbiyaan kiis ku saabsan, sidii loo baa'biin lahaa gudiga nabadgelyada oo runtii la odhan karo boqolaal qof ayay u taxaabeen jeelasha, iyagoo haba yaraatee aan wax Maxkamada soo taagin."

 

Sidaa waxa yidhi, Agaasimaha Shuro Net, Mubaarik Ibraahim Aar. Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo uu yidhi,

 

"Hadda annagu xaqaa'iqa aanu hayno waxaa ka mid ah, 143 qof oo ku xidhan jeelka Mandheera, 143-kaa qof haba yaraatee wax Maxkamada oo la geeyay ma jirto, intaba waxa xukumay oo jeelasha u taxaabay Guddiga nabadgelyada. Iyada oo aan wax Maxkamada la horkeenin, oo distoorkii laga talaabsanayo, markaa runtii maanta kiiskaa waanu furnay, Looyarkayaga ayaa kiiskaa Maxkamadda geeyay, isaga ayaa hor-dhigay Gudoomiyaha Maxkamadda."

 

Garyaqaanka Kiiskan u qaabilsan Shuro Net iyo Somaliland Forum Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan, Oo faahfaahinaya kiiska ayaa waxa uu yidhi.

 

“Waxaanu ugu talo-galay maanta oo sida uu dastuurku uu na siiyay, in la furo dacwad dastuuriya oo ku saabsan xadhiga sharci darada ah iyo tacadiyada dhinaca Xuquuqal Insaanka ee lagula kaco dadka muwaadiniinta ah...Sharcigu wuxuu awood u siiyay in dacwadaha laga furto Maxkamadda Sare, cidda lagu dacwaynayaa waa xukuumadda, xaqaa dastuuriga ah annagoo ka duuleyna, ayaa maanta waxaanu gaynay Maxkamadda Sare dacwadda dastuuriga ah. Ujeedaduna waxay ahayd in lagu soo afjaro ama lagaga jawaabo dastuuriyan iyo halka ay sharciga kaga jirto xadhiga sharci darada ah ee dadka lagula kaco. Waxa dhacday in la diiday dacwadaa oo ay dabada ka wadeen ururada Xuquuqal Insaanka ee Somaliland oo uu hormood u yahay ururka Shuro, oo ka dhiidhiyay xadhiga sharci darada ah ee muwaadiniinta. Waxaa jirta in la diiday haba yaraatee inay Maxkamadda soo gasho dacwadaa dastuuriga ahi."

 

Garyaqaanku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi.

 

"Waxaan leeyahay oo aan halkan kaga dhawaaqayaa inaan marnaba la ogolaan oo aan laga hadhin halganka loogu jiro sidii looga dagaalami lahaa sharci darada iyo jabinta dastuurka la jebinaayo, hana noqoto maanta isbedel iyo weji cusub oo hor leh oo ay qaadato oo la doonayo in lagu dhiciyo xaqa muwaadiniinta ku xidhan xabsiyada una xidhan xukuumadda."

 

Waxa uu sheegay in Axsaabta Golayaasha Baarlamanka iyo ururada bulshada rayidka ahiba inbadan ka hadlayeen sidii gudida nabadgalyada xukumada ay ku fulinayso shacbi bilaa maxkamad meesha looga saari lahaa, islamarkaana la sii wadayo.

 

Gudoomiyaha dalada isku xidhka ururada xuquuqda aadamaha marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyana shirka jaraa'id ka hadashay ayaa tilmaantay in ay la yaabeen talaabada maxkamada sare isku hortaagtay dacwada ay u gudbiyeen.

 

"Sharcigeena wax faahfaahina u gelimaayo oo Looyaradaa dhameeyay, xafiiska Shuro Net wuxuu u furan yahay xuquuqda dadka reer Somaliland, xuquuqda haddanu u furanahay waxaa nagu waajiba oo aanu ku khasbanahay inaanu dadka reer Somaliland xuquuqdooda ilaalino, u doono, wax kastaa annaga ha naga soo gaadhaane. Maalin walba xafiiska waxa noogu yimaada dad la dulmay, oo dulmi ku xidhan, waxaanu ugu tagnaa jeelasha oo dadkaa gudiga nabadgelyadu gaysay oo markaad waraysato, oo aad kiis walba goonidiisa aad u eegto, qaarkood is odhanayso maba dhici karaan, yacnii dadka waxa haysta. Dhibaatadaa aawadeed ayaanu annaku garanay inaanu u qabano Looyar, oo weliba la sameeyo baadhis oo la eego kiis walba qof waliba waxa uu u xidhan yahay, wakhtiguu xidhnaa, sida loo soo xidhay, dhukmantiyo badan la eego. Dabadeed, waxay ka fursan wayday inaanu u furno kiis Maxkamadda Sare, annagoo u qabanay looyar, weligay ma maqlin Maxkamad tidhaahda ma qabanayo kiis, waa wax taariikhda kow ku ah. "

 

ayay tidhi marwo Samsam, waxana ay intaa ku dartay,  

 

"Waxaad arkaysaa in dadka dulmi lagu hogaaminayo, dariiqa lagu wadaa dariiq khaldan yahay, aan loo ogolayn in qofku xuquuqdiisa raadsado iyo qofkan xafiiska fadhiyaa inaanu garanayn xuquuqda bini'aadamku leeyahayba, taasina waa la ogyahay cawaaqibka ay keento. Waa wax ayaan darro ah in dalkeenaa nabadda ah, oo meelo badan oo adduunka ah ka nabadgelyo wanaagsan in waxyaabaha caynkaasi ka dhacaan, oo maanta qof xidhan oo Looyar qabsaday oo yidhi kiiskayga ha la eego gudiga nabadgelyadaa I xidhaye, in la yidhaa lama eegayo. Taasi waa waxaan caqliga galayn, meesha loo ashkato tago garan maayo. Laakiin, annaga khasab bay nagu tahay, kamana hadhayno, baqdin gelin iyo wax yar oo xidhig ah kaga gaban mayno, waxyaabahaasi waa waxyaabaha ay ku jawaabaan dawladuhu."

 

Garyaqaan Maxamed Siciid oo isaguna ka hadlay mowduucani ayaa sheegay in ay sharci waafaqsantahay isaga oo arintaa ka hadlayan waxa uu yidhi

 

"Waxaan leeyahay dacwadani waa xaq dastuuriya oo qofku xaq u leeyahay, umaddu xaq u leedahay in sharciga loo dacwoodo muddo dhaaf male, sida dastuurku caddeeyay, xaqaasi wax kaa dhacaya oo kaa lumaya maaha, qof bini'aadama oo is-hortaagi karaa ma jiro, koox is-hortaagi kartaa ma jirto. Wax allaale iyo wixii dastuurka ka hor-imanayaana waa xaaraan iyo gardaro.

Aniga oo ka mid ah ururkan isbahaysiga Xuquuqal aadamaha ururka qareenada, iyo qareen ahaanba iyo shakhsi ahaanba, waxaan garab taaganahay oo ilaa saacadda u dambaysa aan u halgamaynaa sidii loo heli lahaa xaqaa dastuuriga ah, sidii cadaaladda loo heli lahaa, tacadi baa inaga soo gaadhaya, xad-gudub baa inaga soo gaadhaya sida maantaba (Shalay) dhacday oo Gudoomiyihii iyo Qareenkii iyo Weriyeyaal dhowra loo xidh-xidhay, xaakimkii loo dacwooday ee xaqa dastuuriga ah looga dacwooday uu xidhxidhay, taas ayaa iyana nasiib daro kale ah. Waxaan leeyahay dhibaatooyin badan baa innaga soo gaadhaya, tacadi baa inaga soo gaadhaya. Laakiin, xaqaa dastuuriga ah waanu u halgamaynaa, waanuna barbar-taganahay."

 

Xubnaha wariyayaasha ah iyo gudoomiyaha Shuuro net markii danbe waa la sii daayay.

 

 

Gud. Maxkamadda Sare oo Boolis ku dalbaday Suxufiyiin iyo Masuuliyiinta Xuquuqul Insaanka
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 12 May, 2007


Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Maxamed Xirsi Oomane ayaa ku amray Booliska ilaaliyada Maxkamadda inay xoog ku kala dareeriyaan suxufiyiin iyo xubno ka socdey ururrada waddaniga ah ee Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha oo saaka tegey xarunta Maxkamadda Sare ee Hargeysa. Waxaana la xidhay qaar ka mid ah dadkaas.

 

Dadka la xidhay waxa ka mid ahaa Samsam Cabdi Aadan oo ah Guddoomiyaha Isku-xidhka ururrada Xuquuqul Insaanka Somaliland ee Shuuro Network. Hase yeeshee, qaddar saacad ku dhow markii lagu hayey Saldhigga Dhexe ee Booliska ayaa la siidaayey. Waxa kale oo ay boolisku si xun u garaaceen qaar ka mid ah suxufiyiinta, iyada oo la dhacayey qoriga dabadiisa, harraati iyo feedh, si ay uga dareeriyaan shir jaraa'id oo maxkamadda horteeda ay ku qabteen xubno ka tirsan Guddida Xuquuqul Insaanka. Koox suxufiyiin ah oo boolisku qabqabtay ayaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare amray in saldhigga loo qaado saldhigga, lana xidho, balse, waxaa laga maslaxay ka hor intii aanu dhinaca saldhigga u dhaqaaqin gaadhi boolisku leeyahay oo lagu guray suxufiyiintaas.

Arrintani waxay ka dambaysey markii saaka Xubno ka socda Isku-xidhka Xuquuqul Insaanka oo ay horkacaysey Guddoomiyaha Isku-xidhka, Marwo Samsam Cabdi Aadan ay tageen Maxkamadda Sare, isla markaana ay u gudbiyeen Dacwad ku lid ah Guddiyada Nabadgelyada iyo xukunka Degdegga ah ee ay dadka ku fuliyaan, kuwaas oo ay dad badani ugu xidhan yihiin Jeelasha Dalka, dacwaddaas oo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare diidey inuu qabto.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo markii dacwadda loo gudbinayey ay goobjoog ka ahaayeen suxufiyiintu ayaa si cad u diidey inuu qabto dacwaddaas, una furo gal-dacwaddeed. Markii hawlwadeennada Xuquuqul Insaanka iyo  suxufiyiintu  weydiiyeen sababta uu u qaban waayey dacwaddaasna, waxa uu ciidankiisa ku amray inay dibadda uga saaraan gudaha Maxkamadda. Mar kale, ayaa haddana guddoomiyaha Maxkamaddu amar ku siiyey ciidanka ilaalada Maxkamadda inay xoog ku kala eryaan suxufiyiinta iyo xubnaha xuquuqul Insaanka, kadib markii Garyaqaan ay dacwaddan u qabsadeen ururrada Xuquuqul Insaanku uu shir jaraa'id ku qabtay barxadda hore ee dhismaha Maxkamadda Sare, halkaas oo ciidan boolis ahi uu ku soo dhexdhacay suxufiyiinta iyo xubnihii xuquuqul Insaanka. Waxaana la qabqabtay qaar ka mid ah weriyayaasha.

 

Marwo Samsam oo ah gabadh u firfircoon dhaqdhaqaaqyada Ilaalinta Xuquuqul Insaanka, xorriyadda saxaafadda iyo caddaaladda iyo weriyayaasha la qabqabtayba waxa la siidaayey markii uu arrinta soo dhexgalay Taliyaha Qaybta Booliska oo arrinta dejiyey.

 

Lama garanayo sababta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u diidey inuu qabto dacwadda ururrada Xuquuqul Insaanku ku soo oogey Guddida Nabadgelyada iyo xukunka ay ku fuliyaan dadka.

Xeerka Xukunka Degdegga ee ay dadka ku xukumaan Guddiyada Nabadgelyada ee gobolada iyo Qaranka Somaliland oo uu laalay Golaha Wakiilladu sannadkii 1999, waxa hore dacwad ku saabsan sharcinimadiisa u gudbiyey Maxkamadda Sare ee qaranka labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo KULMIYE, balse, Maxkamaddu wax jawaab ah kama bixin dacwaddaas.

 

Sidoo kale, ururka Somaliland Forum ayaa isaguna marar badan ugu baaqay xukuumadda inay joojiso ku dhaqanka Xukunka degdegga ah, xorriyaddoodana loo soo celiyo dadka badan ee u xidhan.  Dacwadan ay maanta diidey Maxkamadda Sare inay qabato oo gal dacwadeed u samayso ayaa waxa wada jir u wada ururka Somaliland Forum iyo ururka daladaha xaquuqul insaanka ee Shuro Net.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa