Law
on the Prevention of Deforestation & Desertification (Law N: 04/1998)
This Law sets out the type of wild plants (30 in all) which
can be cut down under licence
issued by the Ministry of Rural Development (Art. 1) and the type of plants (10 in
number) which cannot be cut down (Art. 2).
The fees and taxes for licences
are set out in Art.14.
The Law also deals with forest reserves - 18 are listed in
Art.3 as absolute reserves, but there is provision for more may be created near
towns and villages. There are also seasonal, draught and
rotational reserves (Art. 7). Art. 5
bans trading in wild plants and grass without licence.
Art.8 bans the hunting and exportation of wildlife, but
significantly, it exempts wildlife which is detrimental to agriculture, and
provides no list of such wildlife. Gifts
of wildlife (maximum of one or two in number) which is not near extinction by high
Government officials are allowed.
The Ministry is given powers to undertake range management,
where necessary, and may designate land in certain parts for various uses,
under Art.9 and Art.10, and the Ministry may appoint environment protection
rangers under Art.11.
Art.17 deals with punishment for offences created by this
Law, which fall within the range of the
District Court jurisdiction.
Jamhuuriyadda Somaliland
GOLAHA WAKIILADA
XEERKA KA HORTAGGA XAALUFKA IYO NABAD
GUURKA (Xeer No. 04/98)
GOLAHA WAKIILADDA JSL.
MARKUU ARKAY Qodobka
16’aad ee dastuurka oo tilmaamaya in dawladdadhexe masuul ka tahay kheyraadka
dabiiciga ah, kuna waajibiyay in ay qaado talaabo kasta oo sida haboon loogaga
faa’iidaysan karo khayraadkaas.
MARKUU ARKAY Qodobka
26’aad ee dastuurka oo waajibiyay in dawladdu mudnaanta koowaad siiso daryeelka
iyo iaalinta degaanka, kana tabaysato sidii looga shortage lama aafooyinka
dabiiciga ah ee ka yimaada baabiinta degaanka.
MARKUU
OGAADAY Sida ba’an ee loo gumaadayo dhirta
loona baabiinayo bii’adda oo maraysa heer aad u xunoo aan la eegan karin.
MARKUU KA DOODAY Qodobada
mashruuc sharcigan, ka dib markuu dhagaystay soo jkeedimaha iyo talooyinka
guddi hoosaadkii arrimaha bulshada iyo iftiiminta uu ka bixiyay Wasiirtka ku
shaqada leh.
MARKUU KU QANCAY Sida daran ee loogu baahan yahay sharci
xakameeya nacabka degaanka, laguna soo celiyo dhulka nabaadkiisii.
WUXUU SOO SAARAY
XEERKAN.
Qodobka 1’aad
DHIRTA
AAN MAMNUUCA AHAYN
a.
Dhirta aan mamnuuca ahayn ee lagu jari karo ruqsad
ay bixisay ama amar cad ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga,
daaqsinta iyo degaanka, waxa kala yihiin
1. Beeyo 2. Bidin (Malmal
3. Jeerin
(Danno) 4. Dharkayn
5. Garas 6. Lebi
7. Meydi 8. Maraa
9. Xuyeen 10. Cadaad
11. Folaa 12, Kabxan
13. Dheydey 14. Ximir
15. Gob 16. Ganlaalo
17. Bisiq 18. Xaskul
19. Xarar 20. Kulan (Sheelax)
21. Cansheendi 22. Dheygaan
23. Dhamal 24. Yaaq
25. Mataan Biyood 26. Shorrey
27. Reydab 28. Dheynta
29. Kidi 30. Galool.
b.
Qof
kasta oo amar la’aan ama ruqsad la’aan ku jara, guba, rida dhaawaca, u
isticmaala midhihiisa baayac mushtar, dhoofin ama warshadayn, wuxuu
mutaysanayaa ciqaabta qodobka 17’aad ee xeerkan.
Qodobka 2’aad
DHIRTA MAMNUUCA AH.
a.
Dhirta
goynteeda iyo gubideedu mamnuuca tahay guud ahaan Dalka JSl, waxay kala
yihiin:-
1. Yicib
2. Hobob
4. Barde
5. Midho
cas
6. Gomoshaa
7. Xamur
8. Dareemo
(Cawo Gaab)
9. Bal dhoole (Caws)
10. Himir.
b.
Qof
kasta oo gooya, gubba, dhirta ku xusan faqrada (a) ee qodobkan, wuxuu
mutaysanayaa ciqaabta qodobka 17’aad ee Xeerkan.
Qodobka 3’aad
SEERO
KEYMOOD JOOGTA AH (Absolute forest Reserve)
a.
Seero
keymoodka joogta ah (Absolute forest reserve) ee dalka JSl, waa sedan hoos kku
qoran:-
1.
Geed
deebkle (Natural park)
2.
Debis
(
3.
Gacan
Libaax (Natural +
4.
Batalaale
(
5.
Libaaxle
((Natural)
6.
7.
Daalo
(Natural)
8.
Lafaruuq
(
9.
Layacaddo
((
10.
Wager
(Natural)
11.
Cabdilqaadir
(
12.
Jifada
Keynta (Natural)
13.
Boorame (Natural)
14.
Burco
15.
Ceerigaabo
16.
Caynabo
17.
Hargeysa
Shacab
18.
Golis
19.
Qaar
kale oo magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka loo sameyn doono.
Qodobka 4’aad
ADKEYNTA
KEYMO SEEREEDYADDA.
a.
Qof
kasta oo keymoha seere xiliyeedyada iyo kuwa joogtada ah ee ku xusan qod. 3’aad
ruqsad la.aan ama amar cad la’aan.
1.
Gooya,
rida, qaata gubba, dhaawaca, khayraadka dhirta ama
2.
Xagaafa,
qota, beer ahaan u isticmaala amma ujeedo kale dhul ka mid ah seerayaasha
dawladda ama
3.
Dhista,
sii furta, ka qabta shaqo amma
4.
Degga,
ag degga dhul ka mid ah seeraha dawladda amma
5.
ka taaga
guri, dhismo, xero xoolaad ka sameeya, amma
6.
Daajiya,
dhex mariya xoolo, u oggolaada dajin xoolihiisa, amma
7.
Ku
xidha gaaguuri malab ahaaneed, bedela aalada lagu ururiyo malabka, qaata xabag
barsheedka malabka, amma.
8.
Waxyeela,
riixa, bedela, wareejiya, dhaqaajiya, faragalin ku sameeya caalamadaha seeraha
wuxuu muteysanayaa ciqaabta qodobka 17’aad ee
xeerkan
b.
Haddii
qof amar la’aan seeraha gudihiisa ka goosto daababka, hangooladda, budhadhka,
mooyayaasha, bakoortadaha, tibaha, iwqm wuxuu mutaysanayaa ciqaabta qodobka
17’aad ee xeerkan
c.
Wasiirka
ama cidda uu u xilsaaro ayaa awood buuxda u leh inuu ruqsad ka bixiyo arrimaha
faqradaha (a-b) Markey lagama maarmaan noqoto.
Qodobka 5’aad
KHAYARAADKA
DHIRTA & DAAQA.
a.
Qofka
lagu helo inuu si sharci la’aan ah ku sito, wuxuu ku difaacana haysan ee ka
baayac mushtareeya kheyraadka daabiiciga ah, cawska midhaha ee lagu qabto,
wuxuu mutaysanayaa ciqaabta qodobka 17’aad ee xeerkan.
b.
Alaabta
kheryraadka dhirta & daaqa ee la laqabto, waxay maxkamaddu ku wareejineysaa
Waswaaradda Horumarinta Reer Miyiga oo markaas iibineysaa, wixii ka soo baxana
ku wareejineysa Wasaaradda Maaliyadda.
Qodobka 6’aad
BEEN
ABUUR & BEDELID CAALAMAD SEERO
1. Qof
Kasta oo :-
a. Been
abuura, bedela, amma masaxa shaambad calaamadeed ama saxeexa liisanka amma
sharciga amma ruqsadda lagu gooyey xeerkan amma amar kastoo lagu bixiyey ama
digniin kastoo lagu bixiyey.
a.
Bedelaad,
ka riixa, baabiiya, ama sheegta calaamad kastoo seero dhireed mid daaq iyo
ugaadheed ama mid dhinac ahaan loo isticmaalo ugaadh ama daaqa ama dhulka la
ilaaliyo.
b.
Jabiya
shuruudaha liisan kasta ama ogolaansho ama la soo bixi waaya ama la siiyay oo
ku saabsan xeerkan.
2.
Wax
kastoo ka soo go’a kheyraadka dhulka oo gaadiid lagu soo qaado, oo lagula
wareego xeerkan waa la xaraashayaa, qiimahoodana waxaa lagu wareejinayaa
wasaaradda Maaliyadda.
3.
Liisanka
dambi lagu helo ama oggolansho dembi lagu helo lwaa lagala lnoqonayaa ciddii
siiyey.
Qodobka 7’aad
NOOCYADDA
SEERAYAASHA & SABADA CEELASHA
1. Seerayaasha JSl, waxay noqon karaan
noocyaddan soo socda:-
a. Seero xilli (seasonal reserve) oo ah mikd waqti go’an la
furo, waqti go’an la xidho sanadkii.
b. Seero abaaareed (Drought reserve) oo ah dhul la seeray
waqti dheer oo aan la furi krin ilaa ay baahi culusi timaado ama abaaro.
c. Seero talantaali (Rotational Reserve) oo ah seerto
abaareed loo daaqo si talan taali ah.
d. Seero joogto ah (Absolute reserve) ii ah seero joogta
ahaan u xdhian looguna talaa galaybaadhis cilmiyeed ama geedo dabar go’aya
e. Dhulka la xidhayo ama la seero waa inuu yahay xuduudo la
lcadeynaayo lana calaamadiyo.
f. Xeritaanka ama furitaanka seerayaasha goob kasta waxaa lagu furi karaa oo
xaliya oggolaansho qoran oo uu bixinaayo
Wasiirka Horumarinta reer miyiga markuu la tashado madaxda Gobolka iyo
dadweynaha ay khusayso.
2.
Dhulka
ku xeeran tuuloooyinka dhan walba in ah 1km. (Ikm radius) si xooluhu u helaan
meel ku filan oo banana si ay biyahooda u cabaan una nastaan, waxaa mamnuuc ah
in dhulka sabadda ceelka loo soo jirsado wax ka yar 200 mitir dhinac walba.
Qodobka 8’aad
UGAADHA
& SHINBIRAHA
a.
Waa
mamnuuc ugaadhsigu, ka baayacmushtaraynta, dhoofinta nooc kastoo ugaadha iyo
shinbiro ah, oo aaney ku jirin kuwa beeraha wax yeeleeya.
b.
Waxaa
banana bixinta hadyad ahaaneed ee ugaadha & shinbiraha qodobkan ku xusan oo
aan ka badneyd mid & laba waxaana bixin kara
madaxda heer qaran, gobol iyo degmo.
c.
Lama bixin karo ugaadha iyo shinbiraha ku dhaw dabar go’a sida
gariga, dameer farawga, goodirka, biciidka iwm.
Qodobka
9’aad
KALA XADEYNTA & BABAADINTA DHULKA
a.
Wasaaraddu
mar aliyaale markii ay la noqoto iney tahay lagama maarmaan, iyadoo ujeedadu
tahay haboonaanta dhulka xagga daaqsiinta reer miyiga, beeraha, dhireynta,
dhaqaalaynta carradda ama nabaad guurka, ama la doonayo in dhulka lagu soo
celiyo caradii iyo daaqii, iyadoo lala tashanayo wasiirada Beeraha, Biyaha, iyo
xoolaha ayey awood u leedahay calaamadeynta xaaraantinimeynta iyo kantaroolka
qodobkan:-
1.
Kala
xadeynta dhulka daaqa, beeraha, buuraha, u qeydan.
2.
dhulka loo isticmaalo oo loo cayimey xoolo
dhaqatada.
3.
dhulka la qodo ama la geed qaado oo loo
isticmaalo geedaha xooluhu ku naaxaan (food crop production).
4.
dhulka la gubo ama la jaro geedihiisa.
5.
dhulka loo isticmaalo ;biyo xidheenka, ceelal,
togaga ee dhulka daaqista, beeraha iwm.
6.
dhulkka shubka ah iyo dhulka la seero.
b.
Wasaaraddu
si ay u kantaroosho dhulka daaqa, dhirta iyo wixii la xidhiidha ee geedka ka
yimaada iyo ugaadha, lagana faa’iideysto biyaha, waxay qaadi kartaa talaabooyinka
hoos ku qoran, iyagoo la kaashanaya wasaaradda beeraha, iyo biyaha:-
1.
Ilaalinta
qararka dooxyadda, jeexjeexa ah ee ka baxsan dhulka beeraha.
2.
Joojinta
iyo ilaalinta carro guurka (soil erosion).
3.
horumarinta daaqa ku yeela dhulka Jsl, lana keeno
baad cusub oo ku haboon dhulka.
4.
samayntya beero & xerooyin lagu abuuro daaqa
cusub ee geedaha tayada camuudda xoojiya (Legumes) ee haboon.
5.
Dhiiri
glint beeralayda geedaha tayada leh iyo beero loo abuuro keydinta geedaha,
loona hayo marka loo baahdo (Fodder bank)>
6.
abuurida shirkaddo xoolo ;dhaqato ah oo xoolaha
loo abuuro ;lwaxay u baahan yihiin.
7.
sahaminta dhulka daaqsinta, buuraha bannaanka iwm,
oo lolo qeybiyo -soonayaal is le’eg, oo hour;marinta ;soon soon loo raaci
doono, iyadoo soon waliba yeelan doono lambar u gaara.
8.
sahaminta dhirteena iyo ururinta geedaha dawada
leh.
9.
qaadista tiro koob xoolo dhaqato, xoolo u kala
habooniksta dhulka, xagga beeraha, daaqa dhirta, cilmi baadhista (land
suitability, range lands, agene, forestry, research etc).
10.
dhiiri
glinta iyo cilmi barista wixii bedeli lahaa dhuxusha geedaha oo casri ah
(alternative chergy)
Qodobka 10’aad
ABUURISTA
BEERO HAWLO GAAR AH
a.
Wasaaraddu
waxay ogolaan kartaa abuurista beeraha u gaarka ah geedaha xoolaha lagu naaxiyo
(fodder crop production) iyo keydinta geedaha & cawskooda oo gundhig u
noqonaya baanka geedaha (fodder Bank) in lagu sameeyo meelaha kala ah;-
1.
Dhulka
loo qoondeeyey beeraha oo kaliya (agri land only).
2. Meel kasta oo dib loo soo celinayo loona
barwaaqeynayo oo nabaad guurtay bohol yeelatay, oo
debadda ka ah dhulka beeraha loo qoondeeyey.
b.
Wasiirka
ama W/xigeenku isagoo la tashanaya wasiirada beeraha iyo xoolaha wuxuu ogolaan
karaa.-
1.
Meel
lagu kobciyo geedaha, dhirta, ubaxa, ama kuwa xoolaha (Nursery to raise
forestry, ornamental and flowering species & legumes) meel kasta oo aan
cidi laheyn, oo aanay ku jirin meel macdan loo qoondeeyey ama dawladu hawl gaar
ah u cayintey.
2.
Meel
la xidhey si loo hayo sideeda oo lagu dhaqaaleeyo dabiicadda iyo cimilada,
waxbarashana noqota (Absolute natural reserve for scientific purposes).
Qodobka 11’aad
ILAALADA
DEEGAANKA.
a.
Wasaaradani
waxay abuuri kartaa ciidan ama shaqaale (environment protection rangers) u gaar
ah baadhista, qabashada socodsiinta, xeerkan si loo badbaadiyo dhulka, daaqa,
dhirta, ugaadha, biyaha iyo wax alaale wixii la xidhiidha deegaanka iyo
cimiladiisa.
b.
Ciidankaas
ama ilaaladaas waxaa loo bixinayaa ciidanka ama ilaaladda badbaadaqda deegaanka
(environment conservation protection rangfers)
Qodobka 12’aad
HORUMARINTA BIYAHA & BII’ADDA.
1.
Xilka
wasaaraddu wuxuu yahay horumarinta biyaha loogu talo galey horumarinta xoolaha
iyo daaqa, wasaaraddu la shaqayn & talo waxay weydiisan kartaa hay’adaha
kale ee u xilsaaran hawshaas.
2.
waa in ruqsad loo qaataa samaynta berkadaha,
tuulooyinka. baliyada iyo waraha. Haddii uu nabaad guur ka jiro dhulka ku dhow,
wasaaraddu ayadoo la tashanaysa, lana go’aan qaadanaysa Golayaasha heer gobol
iyo tuulo ee deegaankaas waxay awood u leedhay:-
a.
In ay
baabiiso barkadaha, waraha iwm, haddii loo arko inay dhibaato keenayaan.
b.
In ay
xidho dhulka ku dhow kuna abuurto dhirayn dabayl celin ah (shelter belt
programme)
3.
Berkadaha
meel ku wada yaal ee samaysmay sharcigan kadib, waa in aanay ka badnaan 35 barkadood.
4.
Wasaaradda
horumarinta reer miyiga ayaa iska leh ogolaanshaha harooyinka, baliyadda, iyo
berkadaha dhulka miyiga, ayadoo lala socodsiinayo wasaaradda Macdanta iyo
biyaha.
5.
Wasaaraddu
waa in ay diiwaan galiso dhammaan barkadaha, waraha, ceelasha miyiga, iyadoo
siinaysa lambaro u gaar ah gobol kasta oo dalka ka mid ah.
Qodobka 14’aad
CASHUURAHA & KHIDMADDA RUQSADAHA.
Wasaaraddu waxay
qaadaysaa cashuuraha iyo khidmadda ruqsadaha ee hoos ku qoran:-
1. Ruqsadda
cawska (Grass permit) Sl.Sh. 30.000/=
- Cashuurta cawska B/Buurta 3-6 Ton Sl.Sh. 20.000/=
- “ “ ‘ 7-19
“ Sl.Sh. 50.000/=
- “ “ ‘ 20 ” Sl.Sh. 90.000/=
- “ “
Damerka Fardaha Sl.Sh. 10.000
- “ “
A w r k s Sl.Sh. 10.000/=
2. Casuurta
dhuxusha Sl.Sh. 200/= halkii
kiish
3. Cashuurta
Nuradda/xaabada Sl.Sh. 10.000/= buurka 6 ton ah.
4. Ruqsadda
Berkadaha Sl.Sh. 10.000/=
Barkadiiba
5. Cashuurta
Berkadda Sl.Sh. 20.000/=
sanadkiiba
6. Ruqsadaha
Ganacsiga.
- Liisanka ganacsiga dhuxusha Sh.Sl.
150.000/=
- Lisanka ganacsiga xaabadda Sh.Sl. 40.000/=
- Liisanka ganacsiga nuuradda Sh.Sl.100.000/=
7. Cashuurta
xabkaha;-
- Maydiga ------------------------ Sh.Sl.15.000/=
- Moxorka (foxa)---------------- Sh.Sl. 10.000/=
- Malmalka----------------------- Sh.Sl. 5.000/=
- Xabkaha kale------------------- Sh.Sl. 5.000/=
8. Cashuurta
ganaaxa xoolaha ruqsad la’aan gala seerayaasha ama beeraha cilmi baadhista,
waxa laga qaadayaa.-
-
Geella
--------------------------- Sh.Sl. 1.500/=
- Lo’dda--------------------------- Sh.Sl. 1.000/=
- Adhigga------------------------- Sh.Sl. 500/=
- Damero/fardo------------------- Sh.Sl. 1.000/=
Qodobka 14’aad
AWOODA
BAADHISTA & QABASHADDA.
Shaqaalaha
Wasaaraddu, sida seere ilaaliye iyo badbaadada deegaanka iyo Booliiska waxaa
loo xil saarey oo ay awood u leeyihiin inay baadhaan, qabtaan qofkii Ku-xad-gudba
xeerkan, iyagoo isla markiiba horgeynaya Maxkamadda ku shaqada leh.
Qodobka 15’aad
RUQSAD
LA NOQOSHO.
a.
Qofkii
caado ka dhigta inuu ku xad gudbo xeerkan, ruqsadda ama ogolaanshaha uu haysto
waa laga joojinayaa mudo afar bilood ah, waana laga qaadi karaa ruqsadaas.
b.
Qof
kastoo qaadan waaya alaabta dambiga lagu galay muddo saddex bilood ah, alaabta
dawladda ayaa la wareegeysa.
Qodobka 16’aad
XUQUUQDA
HAWL FULIYAYAASHA
Qof
kasta oo soo sheega ama soo qabta dambi kasta oo ku saabsan xeerkan, waxaa la
siinayaa 30% dakhliga ka soo baxa marka la iibiyo waxa la qabtey.-
a.
Dakhli
ururiyayaashu waxay xaq u leeyihiin 30% dakhliga ay soo ururiyaan,
b.
Dakhliga
xeerkan waxaa si deg deg ah loogu xareynayaa khasnadda dawlada ee ugu dhaw
goobta lagu qabtey dakhliga.
Qodobka 17’aad
CIQAAB IYO GANAAX.
Qof
kasta oo ku xad-gudba xeerkan wuxuu mutaysanayaa ciqaabta 6-9 bilood oo xadhig
ah ama/iyo ganaax lacageed oo u dhaxeeya 200.000/= ilaa 1.000.000/= Sl.Sh. ah.
Qodobka 18’aad
R A C F A A N
Dambiilaha ciqaabta xeerkan lagu fuliyaa
wuxuu xaq u leeyahay racfaan qaadasho, haddii uu ku qanci waayo xukunka ku
dhacay.
Qodobka 19’aad
DHAQAN GALKA
Xeerkan
wuxuu dhaqan galayaa marka Madaxweynuhu saxeexo, ansixinta Golaha Wakiilada
kadib, laguna soo saaro qalabka warbaahinta dalka Jsl.
Allaa Mahad Leh
(Maxamed Xuseen Cismaan)
XOGHAYAHA GUUD
G/WAKIILADA
(Cabdi/dir X. Ismaciil Jirde)
K/S.
GUDDOOMIYAHA G/WAKIILADA JSL.