Presidential Decree on Publicly Owned Land:  5 SEP 2003

 

This Decree relates to publicly owned land, such as playing grounds, former government properties, land abutting airports, land belonging to public schools etc. The Decree says that any such land granted to an individual since 1991 will be considered by a special national committee, and in appropriate cases, other suitable land will be given out in exchange. 

 

The Decree re-news previous presidential decrees dated 10/08/1995 and other presidential circulars on the same topic issued in 1997 and 2002

Tixraac xeer Madaxweyne No: LR.49 ee ku taariikhaysan 10/8/95, warqadda sumadeedu tahay JSL/MARGUD/226/0117/1097 ee 28-kii October, 1997.

Warqadda kale ee ah JSL/MARGUD/226/0020/1197 ee 11/11/97, M/DHH/038/8-023/32001 ee 13-kii March 2001, JSL/M/WAG/224-89/62002 ee 15/06/02 iyo JSL/M/WAG/224-248/82002 ee 11/08/02,

qoraalladaas oo qaarkood Madaxweynihii hore qoray iyo kuwa aan qoray-ba oo intuba ka wada hadlayaan Dhulka, gaar ahaanna Dhulka Danta Guud ah.

Haddaba, waxa caado noqotay in Wasaaradaha iyo Dawladaha Hoose ay ku dhaqmi waayeen Wareegtooyinkii iyo Awaamiirtii aan ka soo saaray oo dhammaantood lagu wargelinayay in aan la bixin karin agagaarka Dhismaha Dhulka Danta Guud iyo Dhulka Shacabka Magaalo-Madaxyada Gobollada oo dhan, ha ugu sii daraadaan Hargeysa iyo Burco, taas oo dhalisa dhimasho, dhaawac iyo xasilooni darro joogto ah.

Dhulka Bixinta Ka Caagan.
Dhulka Danta Guud ah (Shacabka magaalooyinka iwm).
Guryaha Dawladda ee dunsan ama baaba’san.
Dhulka Airports-ka ku gadaaman.
Iskuullada iyo Garoomadooda.
Garoomada Ciyaaraha.

Laga bilaabo taariikhda ay soo baxday wareegtadani, waxa la farayaa Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Goleyaasha Deegaanada Dawladaha Hoose in dhulka danta guud ah (Dhul bixinta ka caagan) ee bannaan, seesan, jeexan ama dhagaxaan la dhigtay ee dad sheeganayaan ee sharcigoodu u dhan yahay aydun u bedeshaan sida ugu dhakhsaha badan.

Muwaadiniinta Dhulka sheeganaya, waxa lagu boorinayaa in ay la xidhiidhaan Wasaaradda Hawlaha Guud, Arrimaha Gudaha iyo Goleyaasha Degaanada Dawladda Hoose, Dhulka ay ugu bedelaanna ay qaataan, kana taxadiraan inay ka hor yimaadaan shuruucda iyo nidaamka kala dambaynta, iyadoo muwaadin kastaba ay waajib ku tahay inuu ixtiraamo shuruucda Dalka iyo nidaamka Dawladnimo.

Dhulka Danta Guud ee la dayrtay ama la dhistay laga soo bilaabo 1991, kuwa sharci lagu dhisay iyo kuwa aan sharci lagu dhisin-ba, waxa loo saarayaa guddi baadhis iyo qiimeyn ku samaysa oo horkeeni-doonta Golaha xukuumadda si go’aan kama dambays ah looga gaadho.

Taliyayaasha Ciidamada Qaranka JSL, waxa la farayaa in ay gacan ka siiyaan Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Goleyaasha Deegaanada Gobollada iyo Degmooyinka, hawl-galka lagu badbaadinayo inta yar ee ka hadhay Dhulka danta Guud.

Masuuliyiinta ay ku caddaato baadhis kadib inay ku tagrifaleen awoodii sharci ee dhul-bixineed, waxa lala tiigsanayaa sharciga.