www.Somalilandlaw.com
The
following newspaper report illustrates all that is wrong with the
This
is a report of an alleged blatant abuse of human rights by the Hargeysa Security Committee in September 2004. This report
which appeared in the Haatuf Newspaper is based on information and a statement given by the two
lawyers acting for two persons who were jailed for 20 days from 3 September
2004 at a police station and the Hargeysa Central Prison on the orders of the Hargeysa Security Committee.
On
9 September 2004, The President of the
Apparently
their two clients were
detained in connection with a civil dispute, which was not even brought to a
civil court, and the detention was ordered by the Hargeysa
Regional security Committee. The two lawyers point out that the actions of the the Committees are unconstitutional and, in this report, asked
the President that their clients who were detained unlawfully be released.
HAATUF 24/09/04 Issue 682
Waxaa Lagu Xadgudbay Xuquuqdii Iyo Xoriyaadkoodii Aasaasiga Ahaa
Labada muwaadin ee kala ah Aadan
Maxamed Cumar iyo Cabdi Aadan Maxamed waxa si sharci
daro ah looga qaaday xuquuqdoodii iyo xoriyaadkii aasaasiga ahaa, ka dib markii loo xidhay si sharci daro
ah, isla markaana waxa xabsiga lagu
hayaa muddo labaatan maalmood ka badan, kuwaas oo
xabsiga dhexe ku jira iyadoo
aanu wax xukun maxkamadeed ahi ku dhicin, isla
markaana aanu jirin wax dembi ah oo ay cid ka galeen.
Labadan muwaadin gudoomiyaha
guddiga nabadgelyada gobolka Hargeysa oo ah badhasaabka ayaa markii u horaysay
amray in la xidho 3/9/2004,
laakiin hadana guddiga nabadgelyada ayaa 19-kii Sabtambar 2004 u gudbiyey xabsiga dhexe. Iyadoo uu sababta xadhigani
dabada ku hayaa tahay khilaaf
medani ah oo aanay wax dacwad ahi uga furnayn
maxkamadda, waxayna labadan muwaadin ku waayeen xuquuqdoodii
iyo xoriyaadkoodii aasaasiga ahaa iyadoo lagu khasbayo
inay saxeexaan qoraal aan sharci
ahayn oo aan ku iman
rabitaankooda, kaas oo lagu toojar
garaynayo.
Xadhiga labadan
muwaadin waxa ka hadlay xeer ilaaliyaha
guud ee qaranka
oo qaraar ka soo saaray. Sidoo kale gudoomiyaha maxkamadda
gobolka Hargeysa ayaa qoraal ka soo saaray xadhiga
labadan muwaadin. Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa waxa oo qoraalka
ka soo saaray xadhiga labadan muwaadin 9-kii Sabtembar, 2004, wuxuuna qoraalkiisa oo uu ku
socod siiyey taliyaha saldhigga dhexe ee bilayska
Hargeysa ku yidhi
“Ujeeddo: soo caddayn sababta
xadhiga: Aadan Maxamed Cumar iyo Cabdi
Aadan Maxamed.
Taliya waxaad noo soo kala
caddaysaa sababta ay u xidhan yihiin labada
nin ee
aad u hayso. Hadii aan loo hayn
wax dembi ah xoriyadooda haloo celiyo, hadii
aad dembi u haysana maxkamadda awoodda u leh hala
horkeeno”
Qareen
C/raxmaan Ibraahin Caalin iyo qareen
Fawsi Sh. Yoonis Xasan:
“Anaga oo ah labada qareen
ee ka wakiilka ah labadan nin
ee xidhan markii aanu taliyaha
saldhigga dhexe aanu u geynay amarkii
maxkamadda waxa uu noogu jawaabay
aniga iima xidhna ee waxa
uu u xidhan yahay gudoomiyaha gobolka Hargeysa, mana sii daynayo,
maxkamadna ma horgeynayo. Markii aanu wax baadhnayna waxa noo cadaatay inay
sababta xadhigoodu la xidhiidho xuquuq madeniya oo lagu
murransan yahay, iyadoo aanay jirin
dacwad medani ah oo ka furan maxkamad awood u leh.
Waxa xusid mudan qoraalka uu xeer ilaaliyaha
guud ee qaranku
ka soo saaray arintaa ee ay summadiisu
tahay XIG/JSL/02/03 ee
04/01/04, ujeedadiisuna ahayd
wax ka qabasho dad la haye
loo xidhay, kuna xusay inaanu ogolayn
dastuurku, sida ku cad qoddobada 25aad iyo 26aad. Waxayna nimankaasi u xidhan
yihiin guddiga nabadgelyada gobolka Hargeysa, jiritaanka guddi nabadgelyona xeerka ay ku dhisan
yihiin waxa uu khilaafsan yahay
qoddobada dastuurka ee kala ah 97aad iyo 128aad. Sidaa darteed iyadoo ay waajib tahay in la ilaaliyo ku dhaqanka
dastuurka waxaanu halkan ugu soo
jeedinaynaa golayaasha qaranka ee uu
hormuudka ka yahay madaxweyne Rayaale inay nimankaa muwaadiniinta ahi u xidhan yihiin
sharci daro, laguna hayo xabsiga
Hargeysa.”