XEER WASIIR KU SAABSAN BACDA MIIKADA: FEBRUARY 2005

MINISTERIAL DECREE RELATING TO PLASTIC BAGS: FEBRUARY 2005

This Ministerial Decree bans the importation, manufacture and sale of polyethyiene  plastic bags in Somaliland within 120 days of the passing of the Decree.  It is not cler which primary legislation this issuing of this Decree relies on as Parliament has not passed any law on this issue, but the Decree Recital mentions Articles 17 and 18 of the Constitution and adds that it is implementing a decision made by the Council of Ministers on 3rd February 2005.

 

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha

Markuu arkay:              Dastuurka JSL, qodobadiisa kala ah 17-aad iyo 18-aad.

Isagoo fulinaya:             Dhaqan-galka iyo Meel-marinta go’aankii Golaha Xukuumada JSl, Lr. Sh/278 ee 03/02/2005, laguna go’aamiyey mamnuucidda Bacda.

Isagoo ka duulaya:        Natiijooyinka Daraasada Cilmi-baadhiseed ee la xidhiidha dhibaatada ay Bacdu u geysato kuna hayso Noolaha dad iyo duunyo, gaar ahaanna dhirta, daaqa, xoolaha, degaanka iyo caafimaadka guud.

Wuxuu soo saaray Xeerkan:

 

Qodobka 1aad

1.      Waxaa la mam-nuucay Bacda Miikada ah soo dejinteeda, ka ganacsigeeda iyo tacab soo saarkeeda dhinaca Wershadaynta dalka JSL gudihiisa.

2.      Bacda la joojiyey lana mam-nuucay keenistooda waa Bacda ka samaysan “Polyethyiene” ee loo isticmaalo kiish (Plastic Bags) ee qarada yar, loona yaqaano Miiko ee loo adeegsado qaad qaadashada, cuntooyinka iy sharaabka siiba Caanaha iwm.

 

Qodobka 2aad

Bacda Miikada ah waxay ka mid tahay Badeecadaha soo gelintaankoodu, ka ganacsigoodu, wershadayntooda iyo isticmaalkoodu ka xaaraantimaysan yihiin gudaha dalka JSL.

 

Qodobka 3aad

Muddo (120) Maal-mood ka bacdi laga bilaabo Taariikhda soo saarista xeerkan, markuu wasiirku saxeexo ee ku xusan qodobka soo socda, waxa xeerkani xaaraantimeeyey inay Bacda nooceedu yahay Miikada inay ka soo degto kana soo gasho dekedaha, garoomada, furdadaha iyo rugaha ganacsiga ee ku yaala xuduudaha JSL.



Qodobka 4aad

Xeerkani wuxuu dhaqan-gal yahay laga bilaabo Taariikhda soo saarista oo ah marka wasiirku saxeexo.

 

Nuux Cumar Sh. Muuse

Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha

28 February 2005