OPPOSITION PARTIES SAY THEY WILL COMPLAIN TO THE SUPREME COURT ABOUT THE SECURITY COMMITTEES: 02/06/2004

 

UCID Iyo KULMIYE Oo Sheegay Inay Maxkamad Geynayaan Xeerka Xukunka Degdegga Ah


Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 2 June, 2004

Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE ayaa sheegay inay maxkamad geynayaan dacwad lid ku ah xeerka Xukunka degdegga ah (Public Order Law), kaas oo uu golaha Wakiilladu laalay 1999kii,n sidaas darteedna ay ku tilmaameen sharci darro.

Xeerkaas oo uu Guddiga Nabadgelyada Hargeysa dhowaan ku xukumay 156 dhallinyaro oo lagu qabtay mudaharaadkii dhacay 18kii May xadhig u dhexeeya Lix Bilood ilaa Sannad, ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Qaybe waxa uu sheegay mar xisbiga KULMIYE waydiistey Golaha Wakiillada iyo Maxkamadda Sare inay tirtiraan ku dhaqanka xeerkaas in xeerkaasi sharci yahay, go'aankii lagu laalayna uu burey markii goluhu cod ku diidey dacwad dacwad dastuuri ah oo ay 36 mudane soo jeediyeen in lagu soo oogo Madaxweynihii hore Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal.

Sidaa darteed, shirka Jaraa'id ee ay labada xisbi wadajirka u qabteen maanta waxa lagu soo bandhigay nuqulka go'aankii golaha Wakiilladu ku laalay xeerkaas oo uu saxeexay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) iyo Xoghayaha Guud ee golaha Maxamed xuseen Cismaan, kaas oo u qornaa sidatan:

“GW/KF-08/99/99 01/08/99

GO'AAN BURIN XEER LR. 21 EE 1963 PUBLIC ORDER LAW

GOLAHA WAKIILLADU

MARKUU ARKAY qodobada 40,41, 42, 44, 45, 59, 124, 125 iyo 55 ee
Dastuurka JSL.
MARKUU ARKAY Mooshinka mudanayaashu soo qaddimeen 14/07/99 iyo
10/11/99 ee la xidhiidha xukunka degdegga ah, kana warhelay in dalka lagaga dhaqmo xeerka Nabadgelyada Guud (Public Order Law, no 21) ee soo baxay 1963kii.

MARKUU OGAADEY In xeerkani ka kooban yahay:
- Qayb u baahan xeerar gaar ah in laga soo saaro, sida kan huteelada hurdada,
- Kuwo ka mid ah xeerarka Guud ee garsoorka ee hadda la adeegsado,
- Kuwo xeerar gaar ah leh sida kan dhaqan celinta dhallinyarada (Juvinile),
- Kuwo ka hor imanaya Dastuurka, shareecada Islaamka iyo baaqyada caalamiga ah ee xaquuqda aadamaha oo xukuumadda SL saxeexday.

MARKUU ISTUSAY In kuwa aan waafaqsanayn dastuurka iyo shareecadu noqonayaan waxba kama jiraan sida dastuurka qodobka 155 tilmaamayo
MARKUU KU QANCAY in aanay dalka ka jirin nabadgelyo darro gaadhsiisan xaalad xukun degdeg ah Alle mahadi ha ka gaadhee
MARKUU AQOONSADAY: In hay'adihii sharci fulintu (Waaxad Garsoorka, ciidamada Boliska iyo Asluubtu) dhisan yihiin itaal kasta ha lahaadeene.
MARKUU TIXGELIYEY: Soo jeedinta guddida farsamo iyo la taliyaha sharciga ee goluhu soo bandhigeen iyo aaraada doodda mudanayaashu kaga baaraan degeen mawduuca mudadii u dhexaysey 14-17/7/99.
MARKUU U CODEEYEY: qodobada nuxurkii dooddu ku soo ururtay, fadhigii 27/07/99 oo ay goob joog ahaayeen 54 mudane.

Wuxuu cod aqlabiyad ah (49 cod) oo gacantaag ah ku ansixiyey qodobada go'aankan ee hoos ku qoran, halka uu ka diidey hal (1) mudane, saddex (3) mudne oo kalena ka aamustay, guddoomiyuhuna aanu cod bixin sida caadadu tahay.

GO'AANKA:

1. In xukuumaddu sida ugu firfircoon uga shaqaysiiso hay'adaha sharci fulinta (Law Enforcement bodies) si ay xilkooda u gutaan.
2. In Xeerka Nabadgelyada Guud (Public Order Law, no. 21 of 1963) oo ka horimanaya dastuurka, Shareecada Islaamka iyo baaqyada caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga uu yahay waxba kama jiraan (Null and Void).
3. In haddii ay dalka ku timaaddo xaalad khalkhal gelin karta xasiloonida, amniga, kalsoonida dhaqaale, iwm, Allah inaguma keenee uu Madaxweynuhu ku tallaabsado awooddiisa ku xusan qodobka 117 ee dastuurka, kana ansaxsado labada gole ee Baarlamaanka sida ku qeexan dastuurka qodobka 78 farqadda 5aad.”

Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi oo ka hadlay xeerkaas iyo dadkii lagu xidhay mudaharaadkii ka dhacay Hargeysa 18kii May ayaa isaga oo shucuurtiisu kacsan tahay waxa uu yidhi, "Ucid iyo KULMIYE waxay geynayaan Maxkamad Xeerka Xukunka degdegga ah".  Waxa uu sheegay in dadka ay barayaan axsaabta, si ay iyagu u ilaashadaan sharciga iyo xaquuqdooda.

Waxa ay labada xisbi xukuumadda ugu baaqeen inay sii dayso dhallinyarada inta weli xidhan.