JAMHUURIYA
COMMENTARY 2001: What Should be Done about Unlawful
Sentences
Jamhuuriya: 01/12/2001:
Maxaa xal
u ah xukunadda ciqaabeed ee aan sharcigu
xalaalayn.
Horaantii
bishii May 1999kii, ayaa Golaha Wakiilladu ganafka ku dhuftay
ansixinta sharcinimada Guddida nabad-gelyada, xilligaas oo ay xukuumaddu u gudbisay dalab ay ku doonaysay
sharciyeynta Guddidaasi ayaa dood uu
ka yeeshay Goluhu ka dib cod aqlibiyad ah ku diiday sharciyeynta Guddidaasi taas oo sharci darro
ka dhigaysa jiritaanka Guddidaaasi wixii markaa ka dambeeyay.
Hase yeeshee, xukuumadda Madaxweyne Cigaal dheg jalaq
umay siin go’aankaas Golaha sharci dejinta Qaranka, waxaanay Guddidaasi iska sii wateen xukumista
xadhiga iyo soo saarista awaamiirta
go’aanada ah.
Tan iyo muddadaa waxa xukun Guddi
nabad-gelyo xabsiga loogu taxaabay dad fara badan oo
isugu jira dhallinyaro iyo waayeel ba, kuwaas
oo ku jira
xabsiyada badi magaalooyinka waaweyn oo uu guddidaasi
ka jiro.
Xukunadii
ugu dambeeyay ee ay guddidaasi gaadhaan, oo ay dad ku xabsi ugu
direena waxaa ka mid ah:-
·
Horaantii sannadkan oo ay Guddida nabad-gelyada
Boorama xukun xadhig ah ku fuliyeen
dhallinyaro rabshadi ku dhex martay
kubbad ay ciyaarayeen.
·
Sebtembar 28-keedii, sannadkan
2001 ayaa Guddi nabad gelyo saddex
qof ku xukumay
min saddex sannadood oo xadhig ah, magaalada
Burco.
·
Sidaas oo kale magaalada Burco ayay isla gudidaasi
xukun min saddex sanno ku xukumeen
saddex qof badhtamihii bishan.
·
Magaalada Ceerigaabo, Guddi nabadgelyo ayaa ku xidhay
lix qof bishii
Oktoobar 22-keedii.
·
Sidoo kale waxay isla guddidaasi horaantii bishan soo saartay go’aan
ay isku hor taagayso cashuurta qaadka Laas-caanood, uga yimaada magaaladaasi
oo ay ku soo rogtay Wasaaradda
Maaliyadu.
·
Waxa kale oo ay Guddida nabad-gelyada ee Burco soo
saartay go’aan ay ku joojinayso bixinta
dhulka.
Xukunada Guddidani
oo toos loo fuliyo isla markaana
aan lahayn meel rafcaan looga
qaato oo jabisa cafis Madaxweyne
mooyee, ayaa walaac ku dhaliyay
dadweynaha waxaanay is weydiinayaan sababta ay xukuumaddu ugu dhegsan tahay jiritaanka
gudigan iyada oo aanay dalka
jirin xaalad deg deg ah oo nabad
gelyo darro ahi taas oo
laga bixinayo jawaabo kala duwan.
Dadka
qaar ayaa waxay ku macneeyeen
inay xukuumaddu uga dan leedahay
inay u adeegsato qaab ay ku cabudhinayso
cidii ay u aragto inay ka hor imanayso
danaheeda siyaasadeed, iyagoo qaar kalena
ay ku doodayaan inay tani daliil
u tahay sida ay xukuumaddu isaga indho tirto ilaalinta
shuruucda ka soo baxda Golaha sharci
dejinta dalka waxaase iyaguna jira dad fekrad kuwaa ka duwan qaba oo u arka
in ay jiritaanka Guddidan nabad-gelyada loo baahan yahay mararka qaarkood
iyo goobaha qaarkood.
Si kastaba ha ahaatee, waxa cad in go’aanada xukunka Guddidani uu meel
ka dhac iyo gefba ku yahay
xuquuqda distooriga ah ee muwaadiniinta iyada oo ay jiraan
maxkamadihii shariciga ahaa oo la hor
geyn karo qofkii dambi gala, iyada oo uu
qofkuna ka helayo xuquuqdiisa is difaac. Haddaba, waxa is weydiintu tahay, maxaa xal u ah xukunada sharci darrada ah ee ay Guddida nabad-gelyada ee aan iyaduna
sharciga ahayni sii wado? Jawaabta
su’aashaasina waa mid u taala Madaxweyne Cigaal, iyo xukuumadiisa.