Somaliland House of Representatives Articles of Impeachment of the President: 21 July 2001

 

Jamhuuriyadda Somaliland


Ku: Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland

Ku: Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland


July 21, 2001


UJ: SOO JEEDIN EEDAYN IYO MAAMUUS KA XAYUUBIN MADAXWEYNE


Mudane Gudoomiye iyo Mudanayaal

 

Haddii aanu nahay 36ka mudane ee magacyadooda hoos ku saxeexan yihiin .


Anagoo tixraacayna Dastuurka Qaranka Qodobkiisa 96aad, faqradda 1aad, ee ku saabasan habka eedaynta iyo maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland .

 

Anagoo caddaynayna in Madaxweyne Cigaal uu galay Dembiyada kala ah


(B) Ku xadgudub Dastuur.


(T) Khiyaamo qaran.


Sidaa darteed, waxaanu u soo jeedinaynaa shirgudoonka iyo Mudanayaasha kale ee Golaha Wakiilada, in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Ibrahim Cigaal lagu eedeeyo laguna oogo denbiyada uu galay ee kor ku xusan sida aynu wada ognahay, qaab dhismaaedka Qarankan aynu hoos hadhsanayno wuxuu ka kooban yahay, (3) saddex waaxood oo is dheeli tira .


Nidaamkan ku qotoma kala qoqobka awoodaha Dowladnimadu, waa mid nuxurkiisu yahay in aanay marnaba dhicin in Awoodda oo dhami ay gacanta u gasho qof qudha ama qayb qudha .


Nasiibdarrose, yoolka iyo abaartiisu waxay noogu muuqataa mid uu baal maray Maamulka Madaxweyne Cigaal.


Hadaba aan si kooban u iftiimino Eedaha kor ku xusan.


(I) KU XAD GUDUB DASTUUR


Qodobada Dastuurka ka midka ah, ee uu sida cad u jebiyay Madaxweynuhu, waxaa markhaati madoon inoogu filan.


(1) Faragalinta Garsoorka


Qodobka 97aad, farqadihiisa 1aad, iyo 2aad, oo tilmaamaya Madaxbanaanida garsoorka, kaas oo uu Madaxweyne Cigaal ku sameeyay faragelin rasmi ah.

Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa dhowrkan dhacdo.


(B) Nov, 4,2000, wuxuu tirtiray Madaxwenuhu xukun maxkamadda sare ee S/land, ku riday Shirkadda Total, taas oo ay u xukuntay, (3) nin oo muwaadiniin ah oo ku sumoobay Alaabo kiimiko ah,oo ay mariyeen gudaha hoose ee haamaha.


Waxaa xusid mudan tuducyadan hadalkiisii ka mid ahaa.


"Ma'aha in xukun Makaxmadeed lagu boobo Shirkad dalka maal galisay, waxaan idin farayaa in aan laga hoos qaadin ciddii xukunkaa soo saartay"


Isla dhacdadan waxaa kale oo uu Madaxweyne Cigaal xukunkii kaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Maxamed X. Siciid, isaga oo aan ogolaasho ka helin Golaha Wakiilad iyo Golaha Guurtida, sida uu waajibinayo dastuurka Qaranka Qodobkiisa 105aad, faqradiisa 3aad.


(T) Dacwadii Maxkamadda sare ka furtay kuraastii Golayaasha ee ay Beelaha Qaarkood isku haysteen.


Ka dib markii uu si aan gabasho iyo geed isku soo toosin toona lahayn uu uga faramaroojiyay Maxkamaddii Awoodda u lahayd in ay ka garsoorto murankaa.

(J) Sep, 29, 97, Wuxuu Madaxweynuhu is hortaagay Dacwad uu ku soo oogay Xeer ilaaliyihii Qaranku, Askar ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada, oo rasaas ay ku rideen dad si nabad galyo ah u Mudaharaadayay, ku dhaawacay labo caruur ah.


Iyadoo uu Madaxweyne Cigaal diiday in Askartaa la xidho, taas oo aanay jirin sabab rasaasta ridideeda ku keliftay


Waxaa hadaladiisii uu ku yidhi xeer ilaaliyaha ka mid ahaa,


"Labad Askari ee aad daba joogto ee ka tirsan Ciidanka ilaalada Madaxtooyada, waxay leeyihiin dhawritaanka Madaxweynaha mid la mid ah, Dhawritaankaana Madaxweynaha mooyee cid kale oo ka qaadi kartaa ma jirto"


*Nimankaa Askarta ah haddii arinka lagu sheegayo aan baadhay wax ka jiraa ma jiraan, ee waxay dabo ku leedahay Arrin siyaasadeed, wax ka suuro galayaana ma jiro, Maxkamad la gaynayaan ma jirto, mar dambena hadal qaadkooda ma rabo in aan kaa maqlo*


Arimahaas oo ah dhammaan kuwo khilaafsan sharciga, iyo awoodda Madaxweynuhu gaarka u leeyahay ee ku xusan Qodobka 90aad.


(2) Ku Xadgudubka Awoodaha Sharci Dejinta.


Arintan waxaa markhaati cad u ah Qodobadan hoos ku xusan ee uu Madaxweynuhu sida tooska ah uga talaabsaday.

 

(B) Qodobka 53aad, faqrada 2aad, iyo 3aad.


Iyada oo sida aynu la wada socono, mudo(4) Sanadood gaadhaya Madaxweynaha laga sugayay Barnaamijkii xukuumadiisa, kaas oo uu si cad u diiday in uu golaha hor keeno.


Sidoo kalena ilaa maanta ma jiro wax heshiisyo Dowli ah, oo uu Madaxweynuhu galay, Golaha Wakiiladuna u ansixiyay.


Iyada oo aynu xo-ogaal ka nahay Masuuliiyiin Dawladeed, oo Madaxweyne Cigaal laf ahaantiisu uu sheegay in ay wada galeen heshiisyo ay kaga baxeen.


(T) Qodobka 54aad, faqradiisa 1aad, iyo 3aad.


Caado ayay isaga noqotay maamulka Madaxweyne Cigaal, daabicista lacagta, curinta, wax ka badalka cashuuraha iyo takaaliifta aan xeer jidayn.


Taas oo reeban sida uu qeexayo qodobkan kor ku xusan, iyo qodobka 14aad ee Dastuurka Qaranka, farqadiisa 1aad, iyo 2aad.


(J) Qodobka 55aad, farqadihiisa 3aad, iyo 6aad.


Mudanayaal waa waxaad ogtahay ma kuu sheego'eh, Golahan lama keenin Xisaab xidhadii 98-2000. Sida uu waajibanayo qodobka kor ku xusan, faqradiisa 6aad.


Maamulka Madaxweyne Cigaal, wuxuu isticmaalaa kharashyo badan oo aan ku soo arrorin miisaaniyadda, Golaha Wakiiladuna aan ansixin.


Kharashyada sida sharci darida ah loogu takri falo, waxaa ka mid ah, Dalkhliyada ka soo hoyda Dekedda Berbera, Haamaha Shidaalka, Madbacadda Qaranka, Kirooyinka bakhaarada, Macaash macaashka, lacagta adag ee ka soo hoyan jirtay Xoolaha nool ee dhoofa, gaar ahaan Sanadihii 95-98,sanadihii 99-2000na Miisaaniyadda lagu soo daray 50%.


(kh) Sida ku xusan qodobka 109aad faqradiisa 3aad.


Waxaa waajib ah in wax ka badalka tirada Gobolada iyo Degmooyinka ama xuduudohooda ay ogolaadaan Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. Iyoda oo uu Madaxweyne Cigaal sameeyay Gobol Cusub(waa Saaxil) iyo degmooyin cusub oo ka  badan tobaneeyo, kuwaas oo uu si rasmi ah isaga dhaqan galiyay dhidibadana u taagay


(x) Arinta kale ee halista ahi, waxaa weeye M/dane Cigaal isagoo aan badi dhaqan galin ama ku soo saarin faafinta rasmiga ah, xeerarka ka soo baxa waaxda sharci dejinta, sida uu qeexayo Qodobka 77aad, faqradda 5aad, iyo Qodobka 78aad, faqradda 3aad, marka laga reebo kuwa ay si gaar ah Xukuumaddu u danaynayso.


Sida aynu ognahay Awoodda xeer dejinta Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar u tahay labada Gole ee Wakiilada iyo Guurtida.


Xilka xeer dejintu uma wareegi karo cid kale, sida uu dhigayo dastuurka Qaranka Qodobkiisa 38aad, faqradda 1aad, iyo Qodobka 39aad.


Mudanayaal shaki kuma jiro in aan go'aamadii iyo xeerarkii uu golahani ansixiyay, tan iyo iyo mudadii uu dhisnaa Badi la dhaqan galin kuwaas oo gaadhaya ilaa 19 sharci.


Mayd waxaa u dambeeyay kaa la sii sido baa la yidhi, waxaa tusaale dhaw u ah, Heshiiskii Xukuumaddu la gashay, ToTal ,ee uu galahani diiday ka dib markii uu ku qanci waayay nuxurkii uu xambaarsanaa heshiiskaasi,balse Madaxweynuhu ganafka ku dhuftay Go'aankaas. Baarlamaankii kan ka horeeyayna, wuxuu sameeyay shuruuc gaadhaysa, ilaa 42sharci, oo ka dhigan hal bacaad lagu lisay.


Waxaa markhaati hor Ilaahay inoogu filan, Hadalkii uu Madaxweynuhu ka yidhi, Munaasabadii xidhitaankii Tababarka Ciidanka Booliiska,June,11,97, “Baarlamankii hore, waatii uu xoogaa agtayda ka dhacay, wax shuruuc ahna lama fulin, kii cusbaana weli waa Qabyo"


(3) Ku xadgudubka Xuquuqda Muwaadiniinta iyo Xorriyaadka Aasaasiga ah


Wuxuu Mudane Cigaal si fool xun ugu tuntay Xorriyaadkii iyo xuquuqdii Rayidka, taas oo ahayd waajib culus oo la dammaanad qaaday dhawritaankeeda, sida uu dhigayo Dastuurka qodobka 21aad, faqrada 1aad, iyo qodobka 25aad, faqradda 3aad.


Qodobada la xidhiidha qaybtan saddexaad ee sida cad loo jebiyay waxaa ka mid ah.


                (B) Qodobka 25aad, faqrada 1aad, iyo 2aad

(T) Qodobka 23aad, faqrada 3aad

(J) Qodobka 27aad, faqrada 1aad, iyo 2aad

(X) Qodobka 28aad,faqrada 1aad,iyo 2aad


Xorriyaadka iyo xuquuqda ku cad Qodobadan aan soo sheegnay, wuxuu Mudane Cigaal ku mindiroorteeyay Abuurista Gudiyo Nabadgalyo Heer Qaran iyo Heer Gobol lagu Magacaabo, Kuwaas oo leh awood garsoor oo aan xad lahayn, isla markaana wax ku xukuma nidaam aan xalaal ahayn .


Taas oo ay markhaati ma doon u tahay Boqolaal muwaadiniin ah oo xabsiyada ka buuxa, iyaga oo aan la marin Garsoor Madax banaan oo ay xaq u leeyihiin.


Waxaa intaa dheer, iyadoo uu golaha Wakiiladu laalay January 8, 99kii, Xeerkii (Public Order Law) ee ay adeegsan jireen Gudiyadaasi, hase yeeshee aan dheg jalaq loo siin, sharci badalana aan Golaha la hor keenin, taas oo khilaafsan Dastuurka Qodobka 90aad, faqrada 14aad,ee tilmaamaysa in Madaxweynuhu u fuliyo xilkiisa si xeerka iyo Dastuurka waafaqsan.


(II) KHIYAAMO QARAN


Amaanada ugu culus ee lagu aaminay Madaxweyne Cigaal, waxay ahayd meelmarinta Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, hase yeeshee marar badan ayuu ku shaqeeyay mabaadi' khilaafsan, taas oo ay ka marag kacayso.

 

(I) Khudbado uu fagaarayaal ka jeediyay

(II)  Waraysiyo uu siiyay Wargaysyo

(III)  Hadalo ay yidhaahdeen Diblomaasiyiin


Tusaale:

(B) Haweenayda Wasaaradda Arimaha dibedda Masar u Qaabilsan xidhiidhka Afrika, ee lagu magacaabo Fa'isa Abu Naga, oo markii ay socdaalka ku timi Dalka S/land badhtamihii Bishii Ogost, 99kii.


Ay aad wax uga qoreen Jaraa'idda Caalamiga ah ee The economist, iyo Wargeyska Arab News, oo xiganaya Wakaalada wararka ee REUTERS, iyo (AFP), iyo waraysi ay siisay wargayska wadaniga ah ee Jamhuuriya, iyo Idaacadda BBCda, laanta Afka Carabiga, waxay dhammaantood ku caddaysay, hadaladeediina ka mid ahaa, "Masar waxay Soomaaliya u aragtaa hal qof, hal qofna ma qaybsamo, Cigaal fikradiisa Federaalka waanu ka wada hadalnay, shuruudna wuu ku xidhay, waxayna u muuqatay hab macquul ah"


(T) DEC,6,2000, warqad ka soo baxday Xafiiska Ingiriiska u qaabilsan, Arimaha Dibadda iyo Barwaaqo sooranka, waxaa ku cadayd sidan.


"Doodii u danbaysay ee aanu la yeelano Madaxweynaha Somaliland, wuxuu soo jeediyay haddii ay Dawladda ku meel gaadhka ahi ku guulaysato in ay Xukunkeeda ka hirgalisoKoonfurta Dalka, in uu maamulka Somaliland Mabdi'iyan diyaar u yahay wada hadal, lagu lafa guro Midnimada ama dhismaha Dawlad federaal ah oo Soomaliyeed"


(J) Waraysi uu siiyay wargayska Billaha ah, New Africa, kaas oo ka soo baxa cariga Ingiriiska, waxaa uu faafiyay in uu Madaxweyne Cigaal yidhi .


9 sanadood ayaanu sugaynay, Kooxaha koonfurtu bal in ay samaystaan nooc uun Dowlad dhexe ama maamul, si aanu ula hadalno oo aanu ula xaajoono.


Oo xitaa sida LUBNAANIYIINTA, ayaa waxaanu rabnaa in aanu xaqiijino in haddii ay qaataan (Reer Koonfureedku ) Wasiirka Gudaha, Aanu qaadano ka Debedda, haddii ay qaatan Madaxweynaha, Anaguna aanu qaadano Ra'iisal Wasaaraha.


Danqaabooyinkaa iyo dareemadaa kal duduwan , ee ka soo baxay Afafka Dawladaha waaweyn ee aan soo sheegnay Madaxweynuhu marna ma beenin.


(X) Ogost, 16, 99, warbixintii ku saabsanayd Xaaladda Soomaaliya ee uu Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u gudbiyay Golaha Ammaanka, waxaa ku caddayd in uu Madaxweyne Cigaal ka soo debcay mowqifkiisii hore, iyada oo wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud u fadhiya Soomaaliya Mr. David Stephen, laf ahaantiisu uu sheegay March, 23, 2000kii, in uu Madaxweyne Cigaal Ogolaaday ka qayb galka shirka Jabuuti. Waxaanse dafiraadba lahayn in Madaxweyne Cigaal uu taageero wayn u hayay Bilowgii hore Shirka Jabuuti iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geeleba.


Khudbad uu Madaxweynuhu ka jeediyay khayriyadda caasimadda Hargeysa, Nov, 13, 99, waxaa hadaladiisii ka mid ahaa "Shirkaas (waa ka Carta'e) wax dhibaato ah oo inaga soo gaadhayaa ma jiro, mana jiro khatar aanu ognahay oo debedda inagaga soo socota, ee khatari gudaheena ayay taal"


M/ne Ismaaciilna ma jiro nin kaga haboon in uu arinkaa (waa shirka dib u heshiisiinta ) qabto aniguna waan ku ogolahay.


(KH) Feb, 98kii, Madaxweyne Cigaal isaga oo jooga dalka Faransiiska wuxuu Dunida waydiistay isla markaana ugu baaqay "In Somaliland u baahan tahay Xilligan, in loola dhaqmo sidii Gobol Maamul hoosaad haysta, sida Falastiin oo kale" hindisahaas oo ah mid aan waafaqsanayn awoodaha Madaxweynuhu gaarka u leeyahay ee ku tilmaaman qodobka 90aad, wuxuu meel ka dhac weyn ku ahaa
Madaxbanaanida iyo Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku cad qodobka 1aad, ee Dastuurka Qaranka, taas oo mar kasta looga fadhiyay M/ne Cigaal in uu xaqiijiyo.


Isla wakhtigaa (waa bishaa fab'e) uu Madaxweynuhu Adduunweynaha sidaa u bandhigay, wuxuu dhinaca kalena uga bushaaraynayay Bulshada S/land, In ishii iyo dhegtii Caalamku Maanta inoo furan yihiin, Bil ka dibna Shirka ay iskugu imanayaan Magaalada Jabuuti, Dowladaha ku Bahoobay uruka IGAD, ay ku lafaguri doonaan qadiyadda S/land, taas oo uu sugayo in ay si buuxda u Aqoonsadaan.


(D) Oct, 21, 98, M/ne Cigaal Khudbad uu ka jeediyay shirkii dib u dhiska S/land ee lagu qabtay Magaalada Hargaysa, oo ay ka soo qayb galeen Diblomaasiiyiin, Aqoonyahayno, iyo Madax badan oo caalami ah, wuxuu ka yidhi "Dunida ma khaldi karno, ma odhan karno Qaran baanu nahay anaga oo aan ahayn, uma sheegi karno dadka in aanu nahay Bulsho nabadeed" iyo " Cidna kuma khaldi karno in ay rumaystaan in aanu nahay wax aananu ahayn, waxaanu qabanay ma badna , waxaanu doonaynaa in aanu Dunida ku qaabilno jawi khiyaali ah, khiyaali laguma jiri karo ee waa in jid kale la helaa"


(R) intaas kaliya kuma koobna dhacdooyinka uu Madaxweyne Cigaal ku mugdi galiyay Madaxbanaanida Somaliland, ee waxaa xusid mudan waraysigii uu siiyay Idaacadda BBCda, laanta Af-Soomaaliga "Waxaa naga dhaxayn doona Soomaaliya, lacagta, Baasaboorka, IWM.”