HOUSE OF REPRESENTATIVES:

MOTION TO ABOLISH SECURITY COMMITTEES SIGNED BY 17 MEMBERS - JULY 1999

 

Jamhuuriya  15/7/99

Golaha Wakiillada iyo Xukunka Degdega ah ee guddiga nabadgelyada

 

Hargeysa (Jam). - 17 mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii shalay golaha soo hor dhigay dhigay moosin ay ku dalbanayaan in la tirtiro xukunka degdegga ah, lana mamnuuco jiritaanka guddiga nabadgelyada heer degmo, heer gobol iyo heer qaranba.
Moosinkan oo lagu wado in goluhu gudo galo faaqidaadiisa fadhiyada soo socda, waxa mudanayaasha hortooda ka akhriyey fadhigii shalay ee golaha mudane Cabdirashiid Sh. Aadan oo ka mid ahaa xildhibaannada soo diyaariyey moosinka.


Soo jeedintaa ay mudanayaashu qadimeen oo uu soo dersayo shirguddoonka aqalku ka hor intaan dood la gelinin, waxa uu u dhignaa sidan;

"Mudanayaal, tiroba dhawr jeer ayaa guddiga nabadgelyada gobolka waqooyi galbeed dad muwaadiniin ah ay ku rideen xukunno ciqaabeed oo isugu jira xadhig sannad iyo wax ka yar ah, iyada oo aan eedaysanayaasha marnaba la horgeynin maxkamad awood u leh in ay ku xukunto, shaki kuma jiro in arrintaasi tahay mid salka ku haysa shuruuc iyo nidaamkii uu adeegsan jiray taliskii hore ee Maxamed Siyaad Barre, wakhtigii uu xalaashaday meel ka dhaca ummadda Soomaaliyeed.


Xukunnada loo abyo qaabkan oo kale waxa aanu ku micnayn karnaa sharci darro, maadaama uu si toos ah u burinayo ugana soo horjeedo dastuurka
Qaranka qodobadiisa kala ah;


Qod. 42aad, farqadda-1aad iyo 3aad:
Qod.43aad-farqadda-1aad,2aad, 6aad:
Qod. 44aad - farqadda 2aad, 3 aad;
Qod. 5 aad - farqadda 2 aad ;
Qod. 34aad, farqadda 1aad iyo 2aad;
Qod. 151aad - farqadda 7 aad;
Qod. 122aad - farqadda 1aad

 

iyo shareecada Islaamka, bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah. Sidaa darteed, haddii aanu nahay mudanayaasha moosinkan soo diyaariyey, waxa aanu golaha u soo jeedinaynaa in la tirtiro, lana mamnuuco shuruucdaa hore ee ku dhisan tacaddiga iyo xukunnada lagu gaadho qaabkan oo kale, annaga oo ku qanacsan in aanay jirin baahi iyo duruufo keeni karta in ay sidan oo kale wax u xukumaan guddi nabadgelyo gobol iyo mid qarantoona".