Police Letter Referring Persons Arrested
for public order offences in relation to land disputes being sent to the Hargeysa Security Committee in June 2004 for sentencing
under “the emergency law”
(Source:
Report on www.somaliland.org submitted
by Mr Cabdirisaaq M.Dubbad,
Hargeysa and published on 24th June 2004)
Warbixinto waxay tidhi Koox 11 qof
oo ah rag xoogsato ah oo isugu jira
darawaliin iyo ragga dhaggaxa jebiya ay Guddiga Nabadgelyada Hargeysa si degdeg ah ugu
xukumay midkiiba Lix bilood oo
xadhig ah. Kooxdan waxa qabqabtay booliska Saldhigga Waaxda Koodbuur ee magaalada Hargeysa
goor habeennimo ah, subaxnimadiina
waxa xabsiga loogu taxaabay xukun uu ku
ridey Guddiga Nabadgelyada. Warqaddii Booliisku ay Gudiga u qorayn waa sidan,
ay warbixitu tidhi:
“Waxaan idiin soo
gudbinayaa eedaysanayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin,
kuwaas oo kala ah:
1-
Aadan Maxamed Cumar 40 jir
2- Naasir Cali Faarax 25 jir
3- Sacad Yuusuf Xasan 22 jir
4- Cabdi Maxamuud Muxumad 28 jir
5- Muxumad Maxamed Madar 30
jir
6- Khadar Mawliid Cumar 16 jir
7- Axmed Cumar Ibraahim 29 jir
8- Nuux Maxamed Mawliid 28 jir
9- Xasan Maxamed Axmed 21 jir
10- Cabdi Nuur Axmed 26 jir
11- Cabdi Maxamuud Ismaaciil 20 jir
Haddaba, eedaysanayaashan
kor ku xusan
oo Taliyekuxigeenka Saldhigga Booliska Koodbuur, Keyse Suudi Carraale, uu ku soo
xidhay xalay 1:10 Daqiiqo iyaga oo
watey Saddex baabuur oo sidey
Dhagax iyo Ciid, kuna tala
jirey inay dhisaan dhul hore
muran uga taagnaa oo ku
yaalla Sheedaha ayna isku hayaan
dhinacyo badan sida Xaashi Bacaado,
Dheeg iyo Yuusuf Jaambiir Suldaan oo hadda
dhisanaayey dhiska aanu soo joojiney
xalay, baabuurta ay wateenna waxay lambaradoodu kala ahaayeen: 1) BL/12794 SL 2) 14987SL iyo
3) 13794.
Sidaa darteed, waxa aannu
codsanaynaa in lagu xukumo Xukunka Degdegga ah maadaama ay khalkhal gelinayeen Nabadgelyada Guud ee caasimadda Hargeysa,
beryahan dambena ay badatay muranka dhulka laysku haystaa,
siiba Sheedaha”.
Waxa ay warbixintu intaas ku dartay
in warqadda oo uu ku saxeexan
yahay Taliyaha Saldhigga K/Buur, Jaamac Ismaaciil Xuseen, waxa kale oo uu ku
qornayd Afar markhaati oo mid yahay Taliyekuxigeenka
Saldhigga oo isagu soo qabtay
dadkaas iyo saddex Askari oo
kale.