SOMALILAND FORUM Constitution & Law Committee

The SOMALILAND FORUM Constitution & Law Committee drafted in 2004 this short bill abolishing the extra judicial activities of the Security Committees once and for all. This draft Bill was sent to both Houses in 2004, and again in 2006.

The bill also prescribes specific punishment for the offence created in Article 27(8) of the Somaliland Constitution i.e the infringement of Article 27(1) to 27(7) of the Constitution, which set out the fundamental rights of persons deprived of their liberty.  

Somaliland Forum is still urging the two Houses to pass such a specific bill and with a two thirds majority so as to not require presidential approval.

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

(MASHRUUC) XEERKA BURRINTA GUDIYADDA NABADGELYADDA

Golaha Wakiiladda JSL

Marka uu  Tixgaliyey:  Go’aankiisii hore ee ku burriyey Xeerka Nabadgelayadda Guud (Public Order Law, No. 21 1963kii, ee uu Goluhu gaadahy soona saaray 1dii Ogosto 1999kii (Summad: GW/KF-08/99/99 ee 01/08/1999), arkeyna in aany Dawladdu fulin go’aankaas oo weli cuskato Xeerkaas 1963 iyo  bedelladihii lagu sameeyey Xeerkaas mudaddii keligi taliyihii;

Marka uu Aqoonsaday:  In Gudiyadda Nabadgelyadda oo garsoorka awoododa booba in ay  ku saleysanyihiin nidaamkii keli-taliyihii oo sida hadda ay Somaliland uga dhaqmaan aanay kuba jirin Xeerka Nabadgelayadda Guud (Public Order Law, No. 21 1963kii),

Marka uu ku Qancay:  In awoodaha Gudiyadda nabadgelyadu ay ku xadgub tahay Distuurka JSL iyo Xeeraka caalimiga ah ee xuquuqda aadamiga ah;

Marka uu sii Fiirsaday:  Distuurka JSL oo kala xadeeya awoodaha waaxyaha xeerdejinta, xukuumadda iyo garsoorka (separation of powers)

Marka uu si gaar ah u Eegay:  Qaybta 1 aad, Xubinta 3aad oo Distuurka JSL oo cadeynasa xuuqda qofka iyo xoriyadaha aasaasiga ah;

Marka  u eegay:   In Xeer kasta oo ka soo horjeeda Distuurka uu  yahay   wax- kama-jiraan sida ku xusan Qodobka 128aad, faqradiisa 2aad;

Marka uu ku Qancay:  In aanay dalka ka jirin Nabadgelyo darro  u baahan ku dhaqan xaalad xukun deg-deg ah, haddii taasi dhacdana loo maridonna ka hortageeda  nidaamka ku xusan Qodobka 92aad ee Distuurka JSL;

Marka uu Aqoonsaday: In Hay’addahii sharci ilaalinta  (law enforcement)   iyo garsoorka ( Booliska, Xeer-ilaalinta, iyo Garsoorka) ay  dhisan yihiin oo ay sharci daro  tahay in  xildhibaan dawladeed oo aan hayaddaha ka mid ahayn  uu xukun ciqaaba rido ama amaro xadhig qof ;

Wuxu soo saaray Xeerkan:

Qodobka 1aad:  Tirtiradda Gudiyadda Nabadgelyadda

Dhamaan Gudiyadda Nabdagelyadda ee heer kasta ah (qaran, gobol, iyo degmoba) waa la baabi’yey.   Dhamaan wax allaale wixii go’aan, amar, ama xukun ay soosaareen Gudiyadaasi oo ku lid ah xorriyaddaha Qofka ee ku xusan Distuurka JSL waxay noqayaan wax kama jiraan (null and void).

Qodobka 2aad: Siideynta Eedsanayaaha iyo Maxaabiista

Qof kasta oo u xidhan amar ama xukun ay soo sareen Gudiyadda Nabadgelyadu waxa la sii deynaya maalinta uu Xeerkani dhaqan galo.

 Qodobka 3aad: Xaal

1.        Golyaasha Baarlamanku iyo Dawladdu waxay u  gudbinaan qof kasta oo Gudi Nabadgelyo xidahy ama xukun ku riday oo aan maxkamad la marin xaal dawladeed, hase yeeshe wax magdhow ah oo la siin karaay ma jirto.

2.      Haddii lagu qorey Xukun ciqaabeed kasta oo Gudiyaddu ku rideeyn qof  diiwaanka dambiyadda (Criminal Records)  ee u xusan Qodobka 261aad ee Xeerka Habka Ciqaabta.laga baabi’inayaa waa laga saaraya mgaca qofkaas diiwaanka, waxaana hawshaas fulinaya Xeer Ilaaliyaha Guud oo diiwaanka ka mas’uul ah.

Qodobka 4aad:  Koobinta Xeerkan

Si aan shaki u galin, Xeerkani ma saameynayo  Gudiyadda ama shirarka joogtada ah amaba mid midka ah ee xildhibanadda qaybaha Dawladda Dhexe iyo Dawladda Hoose ay isugu yimaadan ama qabtaan ee lagaga xaajoonaya arrima kala duwan ee ay ka mid yihiin nabadgelyado.  Hase yeeshe, ma jiri karto cid ka aan xubin ka ahayn  Hay’addaha sharci ilaalinta  (law enforcement) ee  booliska, xeer-ilaalinta iyo Garsooka oo amri karta in qof xorriyadiisa laga qaado. 

Qodobka 5aad:  Ciqaabta ku Xadgudubka Xuqquuqda Xorriyadda Qofka

Iyadoo waxba aan  laga bedelleyn Qodobodda 460, 461, 462  iyo 463 ee Xeerka Ciqaabta, kuna saabsan denbiyadda laga galo xooriyadda qofka, ciqaabta laga mutaysan karo jebinta faqradda 1aad ilaa 7aad ee Qodobka 27aad ee Distuurka JSL,  kuna saaban xuquuqda qofka xorriyadda laga qaaday, ee ku xusan faqaradda  9aad ee Qodobkaas, iyo ku xadgudubka Xeerkani waxa weeye ah xadhig ila sadex (3) sanno ah.

Qodobka 6aad: Dhaqan Gelid

Xeerkani wuxu dhaqan gelayaa maalinta uu saxeexo Madaxweynaha  JDS  (ama maalinta Golha Wakiiladu kusoo saaraan sida habka ku xusan Qodobka 77(4) ama 77(6) ee Distuurka JSL).

Allaa Mahad leh

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda