House of Representatives Election
2005 Monitoring Board
Election Monitoring Board
The National Electoral Commission
of Somaliland announced on 06/09/2005 the names of the Election Monitoring
Board. The members of the Board were selected in consultation with the
political parties. The Board consisting of 14 members represent a cross section
of the society and were chosen on the
basis of their moral authority (distinguished religious figures), academic
qualifications, work experience, etc. and include academics, former senior public officers,
civil society members, etc. It is
function was to police infringements of the 2005 Code of Conduct for the
Political Parties.
The members of the Election Monitoring Board are:
1. Hassan Meygaag Samater
2. Dr.
3. Prof. Abdi Haybe Elmi
4.
5. Yasin
Ibrahim Magan
6. Hussein Ali Nour
7. Hassan Mohamed Jama
8. Rashid
Sheikh Abdillahi
9. Abdillahi Haji
Ahmed Qulunbe
10. Mohamed
Omer Hussein Dhuux
11. Abdillahi
Saeed Farah
12. Abdilkadir
Ali Hassan
13. Saeed
Ali Giir
14. Sacdiya
Aw Musse Ahmed
The function of the Board was described by the Chairman of
the Somaliland National Electoral Commission in a press interview reported by
Hadhwanaagnews.com as follows:
“Gudoomiyaha Komiishanka Qaranka J.Somaliland ayaa Shaaca ka Qaaday inay Hawl galeen
Xeer beegtida ka garnaqeysa wixii Khilaafaad ah iyo Ciqaab marinta cida jabisa xeerka
iyo isbadal lagu Sameeyey Ololaha
Doorashada Barlamanka
Hargeysa-(HWN) (06/09/2005): Gudoomiyaha komiishanka Qaranka J. Somaliland
Mud:Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa shaaca
ka qaaday inay hawl galeen xeer
beegitida ka Garnaqeysa wixii khilaafaad ah iyo ciqaab marinta
cida jabisa xeerka Gudoomiyaha gudida doorashooyinka qaranka Mr.Cadami ayaa kaloo sheegay
inay shalay hawl galen gudi
hoosaadkii lashaqeyn lahaa gudida komiishanka
doorashooyinka Qaranka
Somaliland ee u xilsaarnaa cabashooyinka iyo ciqaab marinta cida jabisa xeer
hoosaadka mar uu doorashada ka hadlayey xaflad ay shalay qabatay shirkada telesom oo ay ku
qabatay toteel maansoor ee magaalada
hargeysa.
Gudoomiyuhu waxa uu
intaa raaciyey in ay gudidaasi ay waxa ka qaban doonaan wixii
iyaga awoodooda ah sharci ahaan danbiyada
ama cabashooyinka waaweyna ay u gudbin doonaan maxakamadaha ku hawl leh
arintan, waxa kale oo uu gudoomiyahu
sheegay in gacanta laga galiyey gudidaasi
wixii hawshooda u fududeyn lahaa sida ku tubta
iyo qoraalada sharci ee ay ka mid yihiin dasduurka, xeerka doorashada iyo xeer hoosaadka
waxaanu gudoomiyuhu tilmaamay inay sadexda xisbi qaran
ay la socdaan xubnaha gudidaasi ka kooban tahay oo ay iyagu
qaar soo maga caabeen.
Dhinaca kale Komiishanka doorashooyinka somaliland
ayaa shaaciyey in isbedel lagu sameeyey
ololaha doorashada baarlamaana ee dhacaysa 29 september 2005.
Gudoomiyaha komiishanka qaranaka Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa waxa kale oo uu xafladaa
ka cadeeyey in ay wadajir ahaan sadexda xisbi
qaran shir ay yeesheen waxa ay sabtidii 3/9/2005 ay isku waafaqeen halkii ay toban cisho loogu
tala galay banana baxyada lagu soo
uruuriyo laba cisho iyadoo maalin
tagtay, iyadoona la tixgalinayo duruufaha dhaqaale iyo nabad
gelyo ee dalka si aanay
dhibaato u dhicin Ayaa waxay sadexda
xisbi qaran ay go'aansadeen arintan aynu kor ku
soo sheegnay iyo komiihanka qarankuba.”
Election Monitoring Board Proclamation 14/09/20025
Guddiga Ilaalinta
iyo La Socodka
Doorashooyinka (Election Monitoring Board) kulan uu Maanta (14/9/05) uu yeeshay, waxa
uu ku falan-qeeyey
dhacdooyinkii u dambeeyey ee ku saabsanaa
ololaha doorashada Golaha Wakiilada, waxaana uu si
buuxda isugu waafaqay arrimahan hoos ku xusan:
1. In la joojiyo
dhammaan wixii carqalad ku keeni
kara habsami-u
socodka ololaha doorashada iyo guud ahaanba sidii
doorahadu ugu qabsoomi lahayd si nabadgelyo ah.
2. In saddexda
xisbi qaran ay ku dhaqmaan xeerka
doorashada iyo xeerka hab-dhaqanka doorashada (Code of Conduct), kana fogaadaan
sida xeerarku dhigayaan inaanay ku kicin wax kasta
oo khal-khal gelin kara
nabadgelyada, deganaanshaha
iyo xasiloonida dalka iyo dadka
sida:
a. Aflagaado iyo
cambaaraynta shakhsiga ah iyo adeegsiga erayda
aan ku haboonayn
golaha, waxtarna u lahayn hannaanka doorashada.
b. Xubnaha golaha
wasiirada ee u ololaynaya musharaxiinta xisbiga Talada haya ee UDUB ha joojiyaan hab-dhaqanka kicinta ah ee la midka ah kii Salaasadii
(13/9/05) ay ku kaceen wasiiradii galbeedka gobolka Hargeysa uga ololaynayey musharaxiinta xisbiga, gaar aahaan degmada
Gebiley ee laga baahiyey Tv-ga
qaranka.
c. In Tv-ga qaranku,
isaga oo ku dhaqmaya xeerka
anshaxa doorashada iyo
d. Musharaxiinta axsaabtu, iyaga oo ku ammaanan
hufnaanta iyo asluubta iyo ololahooda
ilaa hadda ku wataan, waxa
hadana guddigani ku guubaabinayaa ka fogaanshaha wax kasta oo rabshado iyo
nabadgelyo darro keeni kara,
iyada oo xafiisyada musharaxiinta qaarkood aad isugu
dhow yihiin amaba iskuba xigaan iyo
in ay wacyi-geliyaan taageerayaashooda.
e. In warbaahinta qaranku, gaar ahaan
Tv-ga iyo Radio-ga Hargeysa ay saddexda xisbi qaran u qoondeeyaan wakhti siman oo
ay barnaamijyadooda ku baahiyan, iyada oo aan ilaa
hadda taasi ka muuqan. Waxayse ku ammaann yihiin barnaamijka Masraxa Musharaxiinta oo si bisayl
ka muuqdo ay u soo qaabeeyeen.
f. Axsaabta mucaaradka
ah waxa guddigu xusuusinayaa in ay ka reebanaadaan
wax kasta oo iska hor-imaad iyo kala fogaansho
shacbi sababi kara.
Ugu dambayn, warbaahinta madaxa-banaan iyo kuwa qarankaba waxa guddigu ku
adkaynayaa in aanay xilligan xaasaasiga ah ku dhex-milmin is-riix-riixa iyo tartanka ololaha doorashada wakiilada ee xisbiyada qaranka.